Waa dhab afar maalmood ayay magaalada Istanbul ku sugnaayeen, weliba
ay isku Hotel deggenaayeen wafdiga Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo uu
horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxman Odowaa iyo Wafdiga Dowladda
Somaliland, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamed Biixi Yonis.
Waa dhab si rasmi ah isuma hor fariisan labada dhinac. Waa dhab
xataa sawir rasmi ah ma wada gelin. Waa dhab way kala dhoofayaan si ay
“wadatashi” u soo qaataan.
Waxaan rajeynayaa in aanay taasi horseedi doonin in qolyaha xag
jirka ah, ee waran-la-yuururka ah ee labada dhinac ay ka dhigtaan fursad ay dib ugu billaabaan in dhanba
uu dhanka kale af lagaaddo hawada u mariyo.
Inkasta oo aan wufuuddu is hor fariisan, haddana xubnaha labada wafdi
si shakhsi ah col uma ahan. Wadahadal, wada sheekeysi iyo mararka qaar kaftan
siyaasadeed intuba wey jireen.
Sidoo kale inta isku deyeysay in aan wadahadalka la hakin ee la is
hor fariisto dhowr jeer ayay maalin kasta is arkayeen. Waxaa dhex martay in
badan oo dood ah, isku dayid wax iska dhaadhicin ah, kaftan ah oo laba laba ama
saddex saddex ah.
Sidoo kale waxaa jirta rajo ah, in marka labada dhinac ay wadatashi
soo sameeyaan, in mar kale dib loo ballamo oo ay sii socdaan wadahadalladu ilaa
aakhirka la gaaro natiijooyin taariikhi noqda oo lagu jaangooyo arrimaha
siyaasadeed ee masiiriga ah.
F. G.
Labada magac ee aan adeegsaday waa kuwa hore la isugu af gartay in la isku hor fariisto, laguna kala saxiixday heshiisyada.
Adiga oo ku mahadsan in aad akhrisay qormada, fadlan aragtidaada ku reeb isla boggan.
ReplyDeleteKulamada ay yeelanayeen sida muuqata kama dhalanin soomaalida dhexdooda ee waxaa jira cid sadaxaad oo gadaal ka riixaysay, iyaguna ay huriwaa ku aheyd iyo u madax weyneyn gacantaas sadaxaad.
ReplyDeleteHashiis hadeey labada dhinac wada doonayaan, macno ma sameeyneyso magacyada laysku hor fariisano iyo ergooyinka cida ay yihiin. Muhiimadu waa waxa la doonayo in leysla garto iyo sida lagu heli karo. Taa hadeey dhici weyso yaan waqti iyo dhaqaalo wax kale lagu qabsan lahaay leysaga luminin mar kale.
Aad baad u mahadsantahay Mr, Yusuf Garaad, Mudane,Garaad waxaad aaminsantahay Soomaali in leysku soo jiido lakiin Somali-Qaldaan soo jiidmi maayaan waxaa kaaga dhaw in raadisid Jabuuti iyo NFD, waayo kuwaa ayaaba ku qanacsan Soomaalinimada, marka walaal daa-ha-socdeed inta soo hartaa inagu filan ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,Somaaloo is-garbsata gacalkeed maweydee, koofurey gacmaha taag, Ha go'aan kuwaan raba, Gooni istaagee, Gobal kaa go'aayana geeri kuma keenee, go'aan adag ka gaaroo, gabal-gabal kuwaan raba gooni-isutaagee, Gacal aan marnaba rabin, goob in-lawada dego, Ha Guuraan galab iyo subax, Goodkaan Galbeed dega, Ha gos-gosto gebigood hasku laba Gadaamee, Maxay iga galay anni geedi socodka koodaa.
ReplyDeleteHadiiba 2dowladood layahay maxaa lowada hadlaya ! Aragtideeda waa si dhaba loo wada hadlaa hadan hada socota maha tii saxda aheed.
ReplyDeleteWaa sida aad sheegtay waxaan rajaynayaa in qolyaha aan xilkaska ahayni buun-buunin is afgaran waaga oo aysan kala gayn labada shacab & masuuliyiintooda.
ReplyDeleteRunti waa war wanaagsan lkn soomaaliland waxa ku dhagan waa odayo aan aqoon halka maanta dunida u soocto ilmaha yarne maskaxda ka waalayo, dunida maanta waxay ku jirtaa iskaashi iyo midnimo marka laga reebo africa iyo qeyb asia ka mid ah oo reer galbeedku kala gooynayo dano uu ka arkay darteed, bal eeg waxa aynagu kala xadeenayaan, waa dhulki gumeysiga? maxaa xoriyad ah marka!!!
ReplyDeleteMr. Garaad, Arrinka muuqdaa waxa uu yahay in Somaliland la weydiiyo kolka hore cidda ay kala hadlayaan Dowladda Soomaaliya iyo Qabiilada ay ka soo jeedaan, maadaama ay diideen Wasiirada ay isku Gobolka ka soo jeedaan, Marka laga reebo Saciid Qoosheel ee isgu u socday arrimaha ah in laga heshiiyo saadaash hawada, isla markaana aanan ka mid aheyn Golaha Wasiirada. marka muhiimaddu waxay tahay Somaliland Cidda ay dooneyso in ay la fariisato horta la ogaado Yusufow
ReplyDeleteOo waxaad leedhay dowladda Soomaaliyeed reer talada ha u dhiibato? Xal sax ah haddii la doonayo, dowladdu shirka ha gayso Madaxweynaha Khaatumo, Awdal, Maakhir hana la yiraahdo Dhulkan aad Ingriis ku sharfaysaan dadkan baa iska leh, Ingriisna dhiigooda ayay u qubeen siday uga kicin lahaayeen. 100 sanno ka dib ku noqon maayaan in raadkii uu ka tagay ay dib u qiimeeyaan. Soomaaliya dowlad baa u dhisan ama sidii dowlad dadka ha u hogaamiso, ama qabiiladda ha isaga dhex baxdo meeshay ka degto ha la arkee.
DeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteaniga rayigayga waxay ila tahay in aan weli si wanaagsan oo siyaasad qoto dheer xanbaarsan loo eegin arimaha wada hadalada ee s/land way haboonaan lahayd inta aan shirka laga qayb gelin in dawladu samayso falan qayn iyo siyaasad qoto dheer oo ay ku soo xero gelin karaan dhinaca kale arintani waa mid u baahan inay hesho dad siyaasadda aqoon u leh iyo in laga sameeyo haddii ay leeyihiin ma hor fadhiisanayno gudida dawladd u xilsaaratay waa cida ama qabiilka ay rabaan inay hor fadhiistaan oo ay wadada hadal ka rabaan haddii arinta sida ay rabaan looyeelo sow ma aha iyaguna inay hal qabiil oo isaaq ah ku yimadaan ilayn beelihii la deganaa go itaanka ma doonayaane sow ma aha in layidhaahdo anaguna kan kula socda hor fadhiisan mayno waayo cid ma matelo waa qof shaqo tegay sida kuwiina ugu eedaynaysaan waxaan qabaa in dawladdu hadda ugu dhowdahay habkii wada hadalka ee hala balaadhi oo dad aqoon leh haloo saaro arinta
ReplyDeleteaniga rayigayga waxay ila tahay in aan weli si wanaagsan oo siyaasad qoto dheer xanbaarsan loo eegin arimaha wada hadalada ee s/land way haboonaan lahayd inta aan shirka laga qayb gelin in dawladu samayso falan qayn iyo siyaasad qoto dheer oo ay ku soo xero gelin karaan dhinaca kale arintani waa mid u baahan inay hesho dad siyaasadda aqoon u leh iyo in laga sameeyo haddii ay leeyihiin ma hor fadhiisanayno gudida dawladd u xilsaaratay waa cida ama qabiilka ay rabaan inay hor fadhiistaan oo ay wadada hadal ka rabaan haddii arinta sida ay rabaan looyeelo sow ma aha iyaguna inay hal qabiil oo isaaq ah ku yimadaan ilayn beelihii la deganaa go itaanka ma doonayaane sow ma aha in layidhaahdo anaguna kan kula socda hor fadhiisan mayno waayo cid ma matelo waa qof shaqo tegay sida kuwiina ugu eedaynaysaan waxaan qabaa in dawladdu hadda ugu dhowdahay habkii wada hadalka ee hala balaadhi oo dad aqoon leh haloo saaro arinta
ReplyDeleteaniga rayigayga waxay ila tahay in aan weli si wanaagsan oo siyaasad qoto dheer xanbaarsan loo eegin arimaha wada hadalada ee s/land iyo dawladda soomaliya way haboonaan lahayd inta aan shirka laga qayb gelin in marka hore dawladu samayso falan qayn iyo siyaasad qoto dheer oo ay ku soo xero gelin karaan dhinaca kale
ReplyDeletearintani waa mid u baahan inay hesho dad siyaasadda aqoon u leh haddii qolada s/land ka socotaa leeyihiin ma hor fadhiisanayno gudida dawladdu wada hadalada u xilsaartay waa.ayo cida ama qabiilka ay rabaan inay hor fadhiistaan oo lahadlaan? sidoo kale haddii ay iyagu diidan yihiin in ay hor fadhiistaan dad dhalasho ahaan waqooyi ka soo jeeda sow ma aha iyagana in laga saaro kuwa aan la beesha ahayn ee ka soo jeeda qabiilada kale ee aan doonayn in dalka la kala gooyo haddii intaas lagu guulaysto waxay arintu noqonaysaa hal qabiil iyo dawladda oo wada hadlaya waxaana meesha ka baxaya beenta lagu af gobaadsado ee ah in reer waqooyi rabo in dalka la kala jaro waxaan odhan hadda ayey arintu ugu dhowdahay habkii wada hadalku ee hala balaadhiyo oo halaga baaraan dego
Marka laga hadlayo khaaradda afrika ee dalkeenu ku yaalo waxaa ugu danbeeyey wadan la aqoonsado koonfurta suudaan isagana waxaynu ogsoonahay meesha iyo halka uu maanta ku sugan yahay aqoonsigaasi oo arimaha soo dedejiyey ay ahaayeen arimo siyaasadeed oo dawladaha reer galbeedka iyo maraykanku dabada ka riixayeen iyaga oo dano u gaar ah kalahaa haddana ma noqon mid guul wanaagsan keena oo koonfurta suudaan dagaal sokeeye ayey dib ugu noqotay
ReplyDeleteHadda ka hor ayaa nin ingiriis ah oo arimaha soomaalida khabiir ku ah waxaa la waydiiyey waxa hargeysi u degen tahay muqdishana u degi laadahay wuxuu ku jawaabay soomaalidu waxay wada qabaan xanuun ama cudurka la yidhaahdo qabiil mararka qaarkoodna wuxuu ugu kacaa sida qof gaasteriiga qaba sida gaastu ugu kacdo marka waxaan odhan karaa ayuu yidhi hargeysa iminka gaasta ayaa ka degen ee kama duwana kuwa muqdisho isku dilaya waayo buu yidhi guri kasta oo hargeysa ku yaala qori ayaa yaala haddii labo beelood isku dhacaan way la soo wada baxayaan waanay isku ridayaan
Jawaabtaas oo uu uga jeeday in aan lagu dhiiran karin aqoonsiga ay rabaan dad xoolo dhaqato ah oo beri is dilaya sidaas aawadeed aduunku wuxuu khibrad iyo waayo arag nimo ka faaiiday aqoonsigii koonfurta suudaan marka fili maayo inay jirto cid ama dal u diyaar ah inay soomaaliya la googooyo ee meesha arintu ka xaniman tahay waa dawladda oo aan hadda ka hor talo iyo fikir midaysan ka yeelan waxaadse mooda in iminka wadadii lagu socdo
Ani waaaxan le yahay ha midowaan ileen soomaala hirey ugu maah maah day gacma wad jiray wax ku qabtan dhib ka wanaga yaran lahaa haday soomaalimidowda
ReplyDeleteRuntii Waan ka xumaaday Warkan Mr,Yusuf oo sheegay , waxa ay cadeenaysaa in dawladda iyo wafdiga matelayaa aaney la iman rabitaan dhab ah `Political will` .
ReplyDeletewaxa aad mooda in arinkan wada hadalku uu yahay mid lagu mashquulinayo umadda. dawladda waxa laga rabaa in ay la timaado laba hab ama qorshe oo ay ku muujinayso `Carrot and stick` .
Somaliland waa in ay ogaata in aan gaaladu wax u hayiin , oo soomaali wayiin wax u hayiin . waxa gacanta ku haya nabadda iyo colaada waa dadka deeganka la wadaaga ,
Su'aalaha is waydiinta mudan waxaa weeye:
ReplyDeleteDowladda Soomaaliyeed yay matashaa? Haddii ay tahay dowladdii Soomaaliyeed, sidee baa reer u xadidid karaa waxa ay dowladdu qaban karto iyo cidda ay howl u wakiilanayso? QOlyahan Hargaysa waxay hadalka u dhigayaan in dowladda Soomaaliyeed matasho intii ku hoos noolayd isticmaarkii Talyaaniga. Dowladdu miyaan looga baahnayn inay arintaa mugdiga ka saarto?
Tan kale, yaa u wakiishay reer Hargaysa Soomaalida intii isticmaarkii Ingriiska ku hoos noolayd? Xaqiiqda in indhaha laga qarsado maaha. Soomaali waa iska war haysaa. Maamulka Hargaysa ka jiraa yuu matalaa? Hal reer buu matalaa. Khaatumo ma matalo, reer Maakhir ma matalo reer Awdal iyo reer Lug Hayana ma matalo. Sidee bay markaa reer Hargaysa ku oran karaan dhulkii Ingriis gumaysan jiray anagaa ka wakiil ah? Sow gar daro maaha?
Tan kale, haddii Mareeye yahay nin aan cid matalin, ma la is waydiiyay Baashe cidda u matalo? Haddii maanta microphone Laas Caanood lala dhex maro hal qof oo Baashe yiraahda waa iga wakiil ka heli maysid. Sidee reer Hargaysa u oran karaan Baashe & Cadami Laas Caanood & Ceeri Gaabo bay matalaan Cali Jaamac Jingeli & Qoorsheelna ma matalaan?
Runta in meesheeda loogu tago weeye.
Dowladdu inay xaqiiqda hada ka dib ka hadasho weeye. Ama waa inay u xaqiijisaa reer walba oo gar daro ku socda in waqtigii gar daradu dhamaaday. Waana in reer Hargaysa runta loo sheegaa laguna yiraahdaa, ka hadla Hargaysa & Berbera cidi wax idinka waydiin mayso X-Soomaaliland dhulkii la oran jiray. Taariikhdaasi way guurtay.
Waxaan kugu taageersanahay sida aad utilmaantay kuwa afxumada jecel ee labada dhinacba kujira
ReplyDeleteMaanta waxaa la marayaa xilli uu aduunkoo dhan dib u midoobayo oo dowladihi boqolaal sano kala go'ay ay isa soo raadsanayaan si cududooda iyo saamiga ay dunidu ku leeyihiin uweynaado tusaale ahaan jarmalka iyo arimaha asia
Wadamada east africa waxey qorsheynayaan in hal dowlad oo kale ay udhaqmaan
anaguna hada ayaan sii kala guraneynaa Qabyaalad oo 2000 oo sano kahor uu nabiga scw ka deyriyay ayaan maanta wadnaa macnaheedu waa 2000 oo sano ayaan aduunka ka danbeynaa hadraawi wuxuu yiri
(INTA MAANKU GAAJEYSANYAHAY GUULI WAA WALI)
ilaahey xaqa hana tuso kadibna xalka hanoo sahlo
macaanjecel.com oo ah meel wararka mareegaha soomalida soo uruurisa waxaan ku arkay in mareego badan oo tiraba ilaa shan gaarayaa ay qoraaladda Yusuf Garaad ay iska daba copy-gareeyaan oo ay war ka dhigtaan,balse taasi waxay i tusaysaa in uu Yusuf Garaad yahay nin muhiima oo weliba beryahan danbe qoraaladiisu u muuqdaan nin dhex-dhexadnimo ku saleeya qormooyinkiisa ummaduna ay iska dhex aragto, balse dad in xun lagama waayo ee waxaan arkaa dad aflaagaadeynaya sababta aan qeexi kareeyn. Bartaa Garaad ka wad qormooyinka macaan anaguna aanu dheehanee. S. Ibrahim
ReplyDeleteAsc, Yusuf hambalyo Wasirnimada , kadib shekadan Somaliland iyo Somalia weey ku dhamineyso waa in afti amba referendum laga qaado dadka Somaliland dagan in or out referendum . Mida kle waxan aan somali ugu taalinya mesha iska yareya isnecbka oo owgada dagaal.waxba laguma helo. Hadey Somaliland iyo.Somalia noqdaan United Republic amab 2 different states waa labo.options oo si nabad galyo iyo legal lagu gaadey. Lakin ka weynada qabilnidan waayo Rasulkneyba baa yidhe Qabyaalad wax ureysa ka fogaada.
ReplyDeleteYusuf garaad hadallka wuxuu nuxur leyahay marka Alle kacabsi jiro Dowlada jawaab cabiran kuna muu jineyso Shacabka aay u taliso kuwa ay yihiin?
ReplyDeleteSomaliland horta waa dawlad iyo shacab masiir leh, in loo qiro ayey ka rabtaa Koonfurta Somalia, ha moodina in ay idin necebtahay, ogaada in yihiin Soomaali idinla mid ah oo doonaya sidaa Jibuuti in ay danahooda siyaasadeed loo aqoonsado si ay horumar u gaadhaan. Somaliland iyo Somalia markey noqdaan laba dal oo wallaalo ahna waxaynu is tarno mooyee haw qaadanina in aanu xumaantiina ka talineyno, waayo anagoo xornimadii qaadanay ayaanu si shuruud la aan ah idiinkusoo wareejiney 1960. Maantase waxaanu idin leenahay oo keliya Wallaalayaal intii uun noosoo cesha keliya. Ixtiraama iraadatul shacab. Tusaale yar waxaa ila jaar ah Hargeisa xaafadda aqalkaygu yahay oo iga xiga labada dhinacba laba aqal oo ay degenyihiin laba reer oo reer Muqdishu ah, waxaanu kuwada noolahay wallaaltinimo, ixtiraam, qadarin, jaarnimo iyo kawarhayn hadii ay dareemaan wax ama cid amaankooda wax u dhimi karta in ay ii sheegaan oo waajib i saaran ah si aan wax uga qabto. Sidaas oo kale ayeynu dooneynaa in aynu isugu hiilino sidii laba dal oo wallaalo ah oo wadaaga dhaqaalaha iyo wax kasta oo ay istari karaan. Sida Arabian Gulf. ama East African ama EU. Haloo fahmo in xaalku sidaa yahay hana maqlina kuwo aan waxba taransan oo ah barbaariyiintii waxuun dumin jirey ee aan weligood waxba dhisi jirin ee uu kow ka yahay Cali Bile oo ah khaatumo-seeg aad taqaaniin oo oohinta yaxaaska leh. wa bilaahi tawfiiq.
ReplyDeleteMagacaad rabto Cali ugu yeer laakiin dadkiisa ayuu matalaa sida oday Siilaanyo reer SNM u matalo. Caqli xumadaadu waata ku siisay in aad tiraahdo nin Soomaali ah oo Soomaaliya jooga baan qabiil ahaan ku difaacayaa sababtoo ah wuxuu degan yahay meel qabiilkaagu leeyahay. Soomaaliya waa wadan reerkiina xamaasadaysan runta isu sheega. reer Khaatumo inay idin raacaan waa habeen xalay tegay. Ee ma saddexda magaalo baad la tegaysaan mise caqligaa shaqaynaya? Taas baa loo fadhiyaa inaad ka jawaabtaan
Delete