Total Pageviews

Thursday, 26 March 2015

Socdaalkii Saddexda Maalmood


Galabta ayaan ku soo laabtay Muqdisho. Ka dib markii aan saddex maalmood soo joogay Dhuusa Marreeb, xarunta Gobolka Galguduud. Wafdi Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaan ka mid ahaa. 

Waa markii iigu horreysay ee aan tago magaalo Soomaaliyeed oo ay ciidammo Ethiopian ahi dhinac ka joogaan, kana daafacayaan kuwii duullaan ku ah.

Haddii aad qormadeyda ka raadineysid Cadaado iyo Dhuusamarreeb yaa fiican kama heleysid. Haddii aad ka raadineysid hebel ayaa sidaa yiri, markaasaa hebelna saa ugu jawaabay, ku arki meysid. 

Qormadani waa mid kooban oo ku saabsan waxa aan anigu ka soo bartay ergooyinka qabaa’ilka dega Gobollada Dhexe oo hadda Dhuusamarreeb ku sugan oo aan kula wadaagayo.

Waxay ii ahayd seminaar ku saabsan qabaa’ilka Soomaalida iyo sida ay u wadahadlaan dalka gudihiisa marka ay joogaan isla markaasna aan ajnabi u kala dabqaadeyn.

Waa marka hore ee ballamadu saacad ma lahan. Aan is aragno hadhow, galabta marka casarka la tukado, caawa fiidkii, berri quraacda ka dib iwm ayaa lagu ballamaa.

Dadka shirka fariisan kara iyo kuwa aan fariisan karin inta badan go’aan lagama gaaro. Marka la isu yimaado ayaa la fariistaa. Haddii shirku qabiil yahay oo bannaankaas la fadhiyo dharaar cad, qof aan qabiilka meesha fadhiya ahayni kuma soo leexanayo. Waa xeer aan qorneyn, booliis ilaaliya lahayn, cid ku dhacda in ay ku xad gudubtana aanay jirin.

Shirku wakhtiga uu leeyahay ma xaddidna ee waa mid furan. Telefoonnada  codadka kala nooca ah leh ee soo dhacaya, salliga nebiga CSWS, qofka soo daahay ee soo galaya ee dhowr ruux salaamaya, sagbadda shaaha ah ee lala wareegayo, biyaha la qeybinayo, dhowr kursi oo hal nin mar looga wada istaagayo, kuraas hor leh oo la keenayo iyo qaar kale oo badan waa waxa ay tahay in dhegehaaga iyo indhahaagu ay la qabsadaan adiga oo hadalka la sheegayana u dhug leh. 

Waxaa iga yaabiyay aftahammada, meel-ku-dhegga, af-adeyga, qabiilinnimada bannaanka taal, ku-jiqsiida, isu garaabid la’aanta iyo ka cadgoosiga kuwaas oo qeybta hore ee shirka oo maalin gelinkeed ama maalin dhan qaadan karta lagu lumiyo.

Iyo marka talada la helo codkarnimada, caqli wanaagga, Soomaalinnimada, aragti dheerida, Islaannimada iyo akhyaarnimada ka muuqata isla dadkii iyo isla madashii.

Waxaa kale oo aad iiga yaabiyay mahmaahyada tirada badan ee daliisha laga dhiganayo iyo tusaalooyinka hadalka lagu naqshadeynayo oo inta badan ku billowda “Waxaa la yiri…” ama “Hadda ka hor ayaa…” ama "Beri baa..." Sheekooyinkaas oo qaarkood ay aad u dhaadheer yihiin.

Waxyaabaha xiisaha leh waxaa ka mid ah in wadahadalka ay si dadban uga qeyb qaadanayaan qurba joogta iyo dad Xamar ku sugan oo daneynaya arrinta. Intaa waa la wargelinayaa, talo ayay bixinayaan, marka ay ka fursan weydana waxaa la tuhunsan yahay in ay lacag ku bixinayaan wixii kharash ah ee lagu gelayo howl fulinta - degaan, maciishad iyo isgaarsiin - xag gaadiid iyo xag telefoonba.

Waxaa kale oo aan la yaabay in saddexda wakhti ee wax la cuno ay saddexdaba cuntada ka mid yihiin hilib ari iyo caano geel.

Waxa iigu muhiimsan ee aan la soo laabtay waa in uu igu xoogeystay fikir aan muddaba qabay.

Waa in dadka Soomaaliyeed ee caadiga ahi ay dalka oo dhan ku sugan yihiin xaalado isu dhow. 

Midda ka muhiimsan waa in danaha dadka Soomaaliyeed la is waafajin karo haddii Madaxdu ay daacad ka tahay, xirfaddeeda leedahay, lana timaaddo dulqaadka ay u baahan tahay. Iyo haddii meel la saaro danta siyaasiyiinta, danta ganacsatada iyo, yaanan illaawine, danta kuwa siyaasadda qudheeda ka ganacsada.