Total Pageviews

Saturday 24 May 2014

Guuleed Galbay

Nabadgelyo Guuleed
Inqaasta Yusuf-Garaad
Marka hore waan u hambalyeynayaa Wasiirka Amniga, Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo goor dhow is casilay. Waan ogahay Cabdikariim sida uu shaqqadiisa u jeclaa iyo sida ay isugu dubba dhacsanayd marka laga reebo in Soomaalidu ay aad dhaliilsanayd howshiisa.

Waxaan ugu hambalyeynayaa in danta guud darted iyo Ammaanka dalkeena uu isu casilay.

Madaxweynuhu wuxuu Twitter ku soo qoray in la arki doono lana dareemi doono isbeddel jawaab u ah dhacdada maanta.

Haddii la rabo in taas laga dhabeeyo, isbeddelkuna u noqdo mid raad reeba, waxaa iga talo ah in xilkaas aan qabiil uun lagu bixin, ee la soo xulo mas’uul howsha ka bixi kara.

Xataa qabiilka lagama waayayo rag ammaanka aqoon wanaagsan u leh, welibana mar dhow ammaanka dalka madax ka ahaa.

Isbeddelku waa inuusan ku saleysnaan yaan meesha ku buuxinnaa ama isaga aammusinnaa, waa in uu ku saleysnaado yaa ka bixi kara?

Taas oo haddii la suurta geliyo anigu aan shakhsiyan u sacbin doono, isla markaana aan taageeri doono.

Haddii cid ka sii aqoon badan la helana waa in isbeddel ka ballaaran hal Wasiir oo kaliya la sameeyo.

Islamarkaana waa in laga fekero in isbeddel ka weyn Wasiirka oo keliya lagu sameeyo heykalka Amniga dalka.

Cabdikarim kartidiisa iyo xiriirka kala dhexeeya Madaxweynaha, waxaan rajeynayaa in uusan u shallaayi doonin xilka uu ka tegey.

13 comments:

  1. Fadlan aragtidaada nala wadaag oo halkan ku qor.

    ReplyDelete
  2. horta aan u hambalyeyo wassir guuled, runti talabo gesinimo leh ayu qaaday oo ah in uu iska casilo xil oo in ta badan somalidu ay u orod tanto, marka xiga amaanku magallo cayar wuna ka weynyahay qabil sida aan qabo wa in lasameya isku shaandheyn xaga wasiradda ah, hadi qabil laga marmi wayo xilka halagu so celiyo talayahi hore ee nabad sugida oo isagu intu xilka hayey wax badan ka badalay amniga magalada waa Eng Fiqi wa nin dhalinyaro ah kana bixi karo howshaas umaduna ay jeceshahay wa fikirkeyga gaaban, wsalam.

    ReplyDelete
  3. War haduu rabo reysulwasaaraha ama madaxweynaha ama reysul barlamanka haladhasho amabase ciduu doono hanoqdee yaa mar uun abniga sooceliya. Alloow allow nabad

    ReplyDelete
  4. waxan filahayaa waxaa iska leh xilkaan besha cabdikarin marka ma laga weynkaro wax gudan sida ay ilatahay

    ReplyDelete
  5. I hope this position not to select nepotism or favourism from the president. Dhibaatada Ugu badan Waa kooxeysiga ku salaysan qabyaalada Madaxwetnaha ku haboon inuu is casilo runtii Sababtoo ah dowladii lagu digday ee Saacid so ma ahayn wax qabad la.aan ta wasiiradii Saacid sababta loo soo celiyay Guuleed iyo Cqaadir so ma ahayn awood madaxweyne maxaa is bedelay?
    Runtii dowladii Saacid waxay ahayd 10 Wasiiroo oo waxqabad fiicnaa . Nabsiga laga galay Saacid ayaa muuqato sababta aan u leeyahay Xasan Shiikh niman ku furi doonin yuusan ku raran. Isbedel kaama sugo walee . You better resign to save Somali nation

    ReplyDelete
  6. horta Somali waa inay kagudubtaa anagaa ayaa wasiir fulan iska leh waa in loo dhiibaa nin karti uleh shaqadiisa haba ahaadee Yusuf garaad lkn Yusuf waa warfaafinta

    ReplyDelete
  7. Abdikarin guled iscasilaadiisu wax badan ma badalidoonto kii lagu badalaaba waa sidii lakin hadii shaqada loodhiibo nin aan aqoon ulahayn oo qabiil lagu keenaa amaba urureysi shaqadaan waa shaqo culus ninkii loo dhiibaana waa in uu fadhiga ka koco oo uu isbadal weyn keenaa dadkana isjeclaysiiyaa dadku waxay kugu jeclaankaraan amaba kugula shaqeyn karaan marka ay adiga kaa arkaan wanaag iyo dhimrin hadii kale ayagaa soo abaabulaa dhibaatada

    ReplyDelete
  8. Dad badan ayaa u arka iscasilaadda Guuleed mid wax ka badali karta amni xumida soo noq noqotay iscasilaadiisuna ay keeni doonto horumar laga gaaro amni xumida dalka lkn anigu waan ku qilaafsanahay arinkaas oo waxaan leeyahay
    waxba sooma kordhinayso haddii aan la'helin maamul amni oo is ogol oo hana kara amina dalka ,waxaan ula jeedaa laamaha amaanku islama shaqeeyaan oo waxaa ka dhexeeya xurguf awoodeed badelkii ay iskaabi lahaayeen ,taasoo u sahashay inuu amnigii meesha ka baxo ,haddaba anigu waxaan ku tali lahaa yaan shaqsi la taarin ama yaan la nicine hala diido ama hala taageero habmaamul/maamuska /haykal ciidan ee dalku leeyahay min Unug,koox,Horin,Guu toilaa Gaas sidoo kale darajada ciidamada ugu hooseysa ilaa mida ugu saraysa waa in lala xisaabtamaa haddii ay ahaan lahaayeen ,Milatari,Boolis,Nabad sugid iyo Asluub.

    F.G.waxaa dhacda in ciidamada qaranka ay soo dhexgalaan cadowgu ayagoo sheeganaya inay ka shaqaynayaan difaaca danta dalka dadka iyo diinta,hadaba si aysan taasi u dhicin waa in taliye walba lagula xisaabtamo ciidamada uu madaxda u yahay sida Unug ilaa Gaas.

    ReplyDelete
  9. waad mahadsantahay Yusuf Garaad , waxaan qabaa in talada dalku ku xirneyn hal wasiir , ee ku xirantahay hayadaha amniga oo wada shaqeeya iyago fiirinya danaha dalkeena , maanta xaalku wuxuu marayaa dan qof ama qabiil taasna keentey in walaalkeen Guuleed uu iscasilo , waxaan qabaa in la sameeyo guddi madax banaan oo eega wada shaqeynta heyadaha amnige ee faraha badan oo midwlba iskiis u shaqeeyo oo ay adagtahay in lamaareeyo oo xakumo . hadii aan lawada shaqeyn sidee danta qarankeena loo ilaalinkaraa ?

    ReplyDelete
  10. saan filayo iscasilaada wasiirkaan booskiisa kaliya in qof lagu buuxinayo maahee waxoogaa isku shaandhayn ah aa jiri karto

    ReplyDelete
  11. Sida aad sheegaty meesha waxay u baahan tahay rag aqoonteeda leh ee uma baahna kanaan aqaan misa kanaa i xiga , hadii sheegada sidii hore oo kale loo magacaabo maamulka sare Ee dowlada tusbax go'ay uu noqondoonaa..

    ReplyDelete
  12. Yusuf hadii Markan ay haddana ku seegto jagaddan oo aad rajo fiican ka qabto , hadii aad weydo waa maxay talaabadda xigta ee aad qaadan doonto.

    ReplyDelete
  13. Hadii larabo in wax laga qabto amnixumada waa in lasoo celiyaa ragii xamar Alshabaab kasaaray waana ragii kalahayey Nabadsuguda taliyaha ciidanaka iyo abaanduulihii ciidanka waana ragii uu Hassan Sheikh kaqaaday xilalkaas markii uu talada qabtey weli waa noolyihiin er hala xaal mariyo oo haha soon baryo.

    ReplyDelete