Total Pageviews

Monday 5 May 2014

Dhaarta Xusuusnow


Mudane Dhaarta Xusuusnow
Inqaasta Yusuf-Garaad

Waxaan maqlayaa in maanta ay kulmayaan Xildhibaanno Baarlamaanka Federaalka ka tirsan, oo la yiri kuma qanacsana Hoggaanka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ay iyagu horay u doorteen.

Waxaan maqlayaa in ay codsi u jeedan rabaan Madaxweynaha.

Waxaan maqlayaa in aan fadhigu ahayn fadhi Baarlamaan isla markaana aan la fariisan doonin Xarunta Baarlamaanka.

Inta kale ka sokow waxay arrintani ku soo beegantay iyada oo Shabaab u hanjabtay mudanayaasha Baarlamaanka, laba ka mid ah ay dishay saddex kalena ay dirqi uga badbaadeen.

Markaa hey’adaha amniga waxaa looga fadhiyaa in ay xaqiijiyaan bedqabka Mudanayaasha Baarlamaanka.

Waxaa iga xusuus ah in hey’adaha Qaranka, siiba Baarlamaanka ay waajib ku tahay in uu howlihiisa ku saleeyo Dastuurka dalka u yaalla.
 
Xildhibaannada aan la dooran ee la soo xulay waxaan xusuusinayaa dhaartii ay ku mareen kutubka Jaamaca ah. Taas oo fareysa in ay danta dalka ku shaqeeyaan.

Waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu ku duwo dariiqa ay danta Soomaalidu ku jirto.

Soomaaliya ha noolaato.

Akhristow, fadlan ku darso ra'yigaaga oo aan turxaan lahayn:

19 comments:

  1. Fadlan ra'yigaaga halkan hoose ku soo bandhig. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Horta baarlamanku la yaab ma leh. Waraabe dhankii loo eryaaba waa u waddo. Hay'adaha Amniga dowladda Completely hawshoodii way gabeen, waad garan kartaa amniga dowladda inta qaybood uu ka kooban yahay. Tusaale, waxbaa dhacay, wax way dhinici karaan ka hor imankara ama dhib ku aha amniga, AAWAY HAY'ADIHII KALA DUWANAA EE AMNIGA SIDA POLICE-KA QAYBIHIISA KALA DUWAN, SIRDOONKII IWM. hawlaha adeega bulshada aalaaba waa kuwo isku xiran hadiii mid ka mid ah hawsheedu ay dabac sameyso Leakage , waxay samaameyn ku yeelaneysaa qaybaha kale ee maamul,markaa waxaa imanaya baylah badan disorder and confusion, sida iminkaba muuqata

      Delete
    2. Shaki badan ayaan ka qabaa in dalka iyo dadka dantooda laga shaqaynayo.

      Nin dila iyo mid u dabra oo iska war-qaba inay yihiin ayaa igu taagan, mana hubo.

      Delete
  2. Warkaani maalmahan wuu kusoo dhacayay dhegahayga waxay ila tahay uma kulmayaan damqasho ay dalkooda u hayaan oo wadaninimo riixeeyso waayo markii horeba cidna soma doorane xaqdarey ku fadhiyeen meesha, waxaan kaloon ognahay xaqiiqana ah inaysan isku fakar iyo mabda' ahayn ee waxa isu keenay waa dantooda gaarka ah iyo dana shisheeye oo gadaal ka riixaya
    waxaan ku gunaanadayaa Xassan Sh.Maxamud kama wadanisana oo shalayba iyagaa doortay marka iyagana filikoodu wuu la dhamaan doonaa haday isku dayaan inay go'doomiyaan.
    Mahadsanid Yusuf Garaad sidad inoogusoo gudbisay.

    ReplyDelete
  3. meesha balaayadu naga haysto waa baarlamaankaan meesha lagu soo xareeyay ee uun ka fekara sidi ay mooshin ku heli lahaayeen si ay dhaqaalo uga helaan cidii markaa ay ku dhegan yihiin Somalia allah ayaa u maqan cid kaloo maanta u taagan ma arko anigu baarlamaan xukuumada walaa madaxweyne intaa oo dhan oo ay noosii dheertay ciidamo shisheeye dalkii haysta iyo shabaab laynaya shacabkii

    ReplyDelete
  4. Aniga waxay ila tahay is bedel in la raadiyo waa lama huraan xildhibaanada ayuuna waajib ka saaranyahay inay wadanka maslaxadiisa ka fakaraan mar hadii hogaanki dalka uu ku fashilmay howlihii loo igmaday

    ReplyDelete
  5. Yusuf mahadsanid.. xaalka siyaasadeed ee dalkan waa: isjiidjiid.... in badan oo ka mida xildhibaanada howshan wada waa kuwo ay madaxweynaha iskula dhaceen jagooyin beelahooda rabeen iyo kuwa si shaqsi ah ay isku hayaan... xilliyadaasina sharci iyo dhaar maba la xusuusto... waase la talisay

    ReplyDelete
  6. Xilldhibaanada- la soo xulay - wixii dan u ah umadda, Alle ha waafajiyo. Mudane Yuusuf, waxaad tiri iyagu kuma qanacsana MWaynaga; fadlan naga gaarsii in iyaga qudhoodu ku qanacsanayn. Inta aydan naf kale xisaabin - dinka, is xisaabiya. Ha isweydiin waxa ay soo kordhiyeen si wada jir ah iyo si shakhsi.

    Mahadsanid.

    Ps: Soomaaliya ha noolaato, waxaa ka haboo Soomaliya aynu noolayno. Ka hore waxaa qarsoon faacilkii noolayn lahaa.

    ReplyDelete
  7. Ani umalayn maayo baarlamanku wax saamayayn ah inuu ku leeyahay madaxwaynaha bedelkiisa so lkn waxaaa la jooga wakhtigii isbedel lasamyn lahaa

    ReplyDelete
  8. ANIGA WAXAY ILA TAHAY RAGAA XILDHIBAANADA AH INAY SHAQO SANAYSANAYAAN XASANA IS MAQASHIINAYAAN MARKA LACAG LAGU HURGUFO HURDADA AYAY DHEEREYSAN DOONAAN OGAADA WAA SHAQO KALE OO AY SAMAYSTEEN

    ReplyDelete
  9. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  10. waxaan u arkaa in awooda baarlamaanku uusan adeegsan karin sababtoo ah waxaa jira caqabado baaxad wayan oo marwalba horyaal baarlamaanka sharafte leh
    mida xigta baarlamaanku ma haystaan awod qeexaysa nabad galyadooda tasoo kalifaysa in uusan adeegdan karin awooda uusiinaya dastuurka dalka
    tan kale waxaan ogsoon nahay in baarlamaanku ay ka kala yimadeen qabaa ilada soomaliyeed marka ilama ah in baarlamaanku uu leeyahay awood uu ku badali karo madaxwaynaha waxaa hubaal ah in barlamaanku uusan codkooda iyo aragtidoodaba uusan ku cadayan karin habka ama awooda uu siinayo sharafciga ama dastuurka dalka
    Gabop gabadii waxaan figradayda kusoo gunaanadi lahaa tuusan ka shaqayan baarlamaanku isqab qabsi siyasadeed lakin waa in la saxaa wixii loo arko in ay khaldan yihiin loona diir naxo shacabka soomaliyeed ee aduunka daafihiisa ku dhibaataysan
    ALOW UMADA SOOMALIYEED QULUUBTOODA ISKU SOO JEEDI AAMIN AAMIN AAMIN YAAAAAAAAAAAA ALAAAAAAAAAAAAAH

    ReplyDelete
  11. Barlamaanka aan degikarin degmada uu kasoojeedo AMA madalaad sax ah aan kaheysan madaxweynaha ay horey u dordeen way ku khasbanyihiin sabab ..... Horda amanka xamaar yaa masuul ka ah ?? Yaaa mushaar siiya ?yaa ilaaliya? MAAH MAAH . Maxey kunuugtaa maxeysa kanuugtaa .... Talado waa in barlamaanka lashaqeeyaa hayadaha dowlada si 2016 wax faido leh loogaraa ... Barlamaanka awooda uu isbidayo awoood kaweyn aa jirdo

    ReplyDelete
  12. warkaani waan maqlay maalmahaan waxaana u fahmay beesha caalamka haday nacaday madaxweenaha dhaaman aya daan u shaqeenaa hadal kaan maahan hadal baarlamaan ee waa hadal beesha caalamka

    ReplyDelete
  13. waa runtaa mudane garad waxan ilah uga baryaya in uu ku duwo wadad tosan tasoo ay ku ridi donan madaxweynhay wana ku racsanahy midaas xaqiqidii waxa ka soo bixi donto dhartii ay dharten wa hadii ay yihin muwadinin firinayo danta dadka iyo dalkaba,waxan ku soo kobilahaa marka ay firiyan danta dalka kadibna ay soo tagan maxkamad ayan qabaa dhamantood k

    ReplyDelete
  14. Aniga waxaan u fahmay in beesha caalamka xasan ka gaartay dantii aay lahayd marka loo baahan yahay face cusub oo new DEEL kale lala galo ama budget cusub saxiixa waayo waxaan la soconaa Hay,adahii wadanka ka howl gali jiray ma shaqeeyaan sababkasta ha ku baxaanee dalka wax dhaqaale ah maanta ma jiraan cidkasta waxay ku leedahay ma jiro (MA JIRTO ISU WAREEGI LACAGTA OO INTA YAR EE SOO XAROOTA ODAYAASHA YAA KALA RIIXDA DHAC DHACA KALE QOLYA KALAA RIIXDA SHACABKA WAX SOO GAARA AYAAN JIRIN )

    ReplyDelete
  15. barlamaanku waa qowleysto isku timid oo awalba laaluush kusoo baxay dadna kama naxayaa waayo wuu ku yaryahay nin deegaankii uu ka yimid ku laabtay la qaybsada dhibka aiyo dacdarada balse waxay hilmaamsanyihiin wixiin ay u dhaarteen oo ahayd inay ummada u adeegaan balse looma soo xulan inay dhibaato abuuraan waxaaana illa haboon in qofkasta la siiyo waqtigiis haddii aad xil doon tahay waqtigaaga sugo oo qushmaan jooji waayo adigay kugu imaanaysaaa

    ReplyDelete
  16. anigu lama yabaayo inay cod uqadaan madaxweynaha sababtoo ah dhamaantood xildhibanada iyo madaxda soomaliya si sharci ah lagumaba soo dooran mida kalle ayagu waxay eeganaya maslaxadooda oo qura hadii u madaxweynahu u dadaiyo xoogaa ah faraduug way qadanaya marka yna lalayaabin hadii larido madaxweynaha xasan shaikh 100 madaxweyne ayaa imanaya oo somalida oo dhan waaba wada musharax

    ReplyDelete
  17. Waxaan la yaabanahay anagaa waalan mise Baarlamaaka kuwa fadhiya. Waxaan is weydiinayaa kuwa ah xildhibaanada aan la soo dooran, balse beelahooda si aan fiicneyn looga soo xulay maalin walba u soo jeedinayaan: wasiirka arimaha gudaha, wasiirka amniga, wasiirka gadiidka iwm ha is casileen. Waxay meesha ka dhigeen goob fowdo oo qofka wixii xalay uu ku riyooday ama jecel yahay keeno goobta umadda fiirsanayso. Xitaa ma is weydiiyaan ileeyn waa riyoonayaanee waxa ay sheegayaan. Weligeey waxaan arki jiray gudiga barlamaanka ...... ayaa u yeeray wasiirka ....., maadaama ay aqoon u leeyihiin ama ku howlan yihiin, balse barlamaanka ayaa u yeeray wasiirka hebel iyo hebel. Shaqada baarlamaanka xildhibaanadu ma yaqaaniin ee ha loo furo tababaro. Maba oga waxay madaxda ku eedeynayaan inay ayaga uga sareeyaan lagana rabo inay ilaaliyaan, ee ma aha kuwa ka daba qeyliya shaqooyinka dowladda qabanayso. Ma aqaan waxaan ku tilmaamo, Jawaari dadkaan iska hadla ha la hadlo, hana xusuusiyo dhaartii ay dhaarteen mar walba.

    ReplyDelete