Total Pageviews

Thursday 17 April 2014

Raila oo dhaliilay tabta Booliiska Kenya

Raila Odinga: 
Soomaalida sida loola dhaqmayo caddaalad ma aha
Yusuf-Garaad


Ra’iisal Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga, ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado, welibana walaac ka muujiyay tabta ay Booliiska Kenya adeegsanayaan marka ay si gooniya u bar tilmaansanayaan Soomaalida.

In dadka Soomaalida la soo ururiyo oo xero la isugu geeyo si loo kala saaro, ma ahan dow, ayuu yiri.

Wuxuu ku tilmaamay in ay arrintaasi tahay mid caro ku dhalin karta qowmiyadda Soomaalida.

Ra’ila Odinga oo hadda socdaal ku jooga dalka Mareykanku wuxuu saxaafadda Kenya u sheegay in loo baahan yahay in hey’adaha Sirdoonka iyo Booliska Baarista Dembiyada CID loo baahan yahay in ay xog raadiyaan oo ay soo qabtaan dadka arga-gixisada ah, ka hor inta aanay fal geysan.

Waxaan ka warqabnaa, ayuu yiri, in qowmiyado kale oo badan oo Kenya ah laga helay shakhsiyaad ka tirsan al Shabab. Sidaa darteed caddaalad ma ahan, ayuu yiri, in Soomaalida gaar loo bartilmaansado.

Wuxuu Raila ku tilmaamay in arrintaasi caddaalad darrada ka sokow ay keeneyso laba dhibaato oo kale.

Marka hore waxay caro gelineysaa ayuu yiri dadka Soomaaliyeed, oo u arkaya in la faquuqay oo si aan caddaalad ahayn in loola dhaqmay.

Marka labaadna, Soomaalida Kenya ayaa waxay ku dhalineysaaa in ay dareemaan in aanay la xuquuq ahayn dadka kale ee Kenya. Jawaabna ma aham mana noqoneyso, ayuu yiri, in la yiraahdo lama kala yaqaan Soomaalida Kenya iyo Soomaalida Soomaaliya. Wuxuu is weydiiyay su’aal. Wuxuu yiri – Oo yaa kala yaqaan Masai Kenya iyo Masai Tanzania?


Dhanka kale, wuxuu ku baaqay in ay dowladdu dib u habayn ku sameyso Booliiska, Sirdoonka iyo Garsoorka oo uu ku tilmaamay in qofka tuhun arga-gixisnimo lagu soo qabto ay damiin ku sii deynayaan, taas oo keeneysa in qofkii uu markaas fuliyo fal arga-gixiso.

Hey'ad Xuquuqda Aadanaha u doodda, Human Rights Watch, ayaa iyaduna ugu baaqday Kenya in ay joojiso howlgalkan. Waxay ku tilmaantay in ay booqatay Saldhigga Booliiska Pangani oo ay aragtay meel loogu tala galay 20 maxbuus laakiin ay ku jiraan dhowr boqol oo qof. Waxaa kale oo ay sheegtay in ay aragtay Booliis karbaash la dhacaya dad xiran, hadallo gef ahna kula hadlaya.

Ilo lagu kalsoonaan karo waxay hadda sheegayaan in howlgalku uu aad isu dhimay, dadkii xirnaana intooda badan lagu sii daayay siyaabo kala duwan qaarna loo dhoofiyay Soomaaliya.

Wareysiga Raila Odinga oo af Ingiriis ah, soconaya 16'36" arrinta Soomaaliduna ay tahay su'aalaha badan ee la weydiiyay mid ka mid ah, waxaad ka dhegeysan kartaa adiga oo dhag siiya sawirkiisa hoose.

8 comments:

  1. Fadlan aragtidaada ku qor halkan hoose. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Horta aanu mid fahano Raila waa xisbi mucaarid ah Jawaabtan uu ka bixiyay arinta eastleigh waa mid muuqata, laakiin waxaa la oran karaa waa fursad usoo gashay isaga oo uu kagag fa'iideysanayo xisbul xukuunka jira.
      Raila Odinga way jirtay marar badan oo ay ka habooneyd oo loo baahnaa in uu somalida xaalkeeda ka hadlo, maanta se waa jaanis uu u arkay in uu ka fa'iideysan karo maadaa uu weli kujiro damac hogaanka dalka kenya.



      Delete
    2. Horta aanu mid fahano Raila waa xisbi mucaarid ah Jawaabtan uu ka bixiyay arinta eastleigh waa mid muuqata, laakiin waxaa la oran karaa waa fursad usoo gashay isaga oo uu kagag fa'iideysanayo xisbul xukuunka jira.
      Raila Odinga way jirtay marar badan oo ay ka habooneyd oo loo baahnaa in uu somalida xaalkeeda ka hadlo, maanta se waa jaanis uu u arkay in uu ka fa'iideysan karo maadaa uu weli kujiro damac hogaanka dalka kenya.

      Delete
  2. Waxay iila muuqataa positive speech ilaahayna soomaalida dhibka hakasaaro meelkastoo ay joogaan
    Art of peace is the art of avoiding pain
    adna aadbad ugu mahadsantahay maqaalkadaada informationka xanbaarsan oo aad nala wadaagtay mudane Yusuf Garad.

    ReplyDelete
  3. waxaan ku faraxsanahay sida uu uga jawaabay saamaynta boolis iyo in ay siqaldan ubartilmaameysteen Bulshada somaliyeed ee ku dhaqan dalka kenya

    ReplyDelete
  4. yusuf sory waana kaaga mahad celinayaa bandhigaaga iyo information ka

    ReplyDelete
  5. Odinga wiuxuu uhadlay sidii qof masuulihi uhadlilahaa waana siyaasi mustaqbal siyaasadeed raba Laakiin hadalkiisu waxba kama badalikaro mowqifka dowlada , hase ahaa Somali waxaa dhibka laga daynayaa markii digaaga qalista laga daayo.

    ReplyDelete
  6. Thanks for sharing, nice post! Post really provice useful information!

    FadoExpress là một trong những top công ty chuyển phát nhanh quốc tế hàng đầu chuyên vận chuyển, chuyển phát nhanh siêu tốc đi khắp thế giới, nổi bật là dịch vụ gửi hàng đi mỹ, gửi hàng đi nhậtgửi hàng đi pháp và dịch vụ chuyển phát nhanh đi hàn quốc uy tín, giá rẻ

    ReplyDelete