Total Pageviews

Friday, 11 April 2014

Kasarani


Qeylo Dhaan
Yusuf-Garaad

Maanta waxaan fursad u helay in aan booqdo Garoonka Kasaraani ee magaaladan Nairobi. Waa goobta lagu hayo dad fara badan oo intooda badan laga soo qabqabtay xaafadda Eastleigh inta kalena magaalooyinka Kenya.

Waxaan goobta ku arkay dad dhowr boqol aan ku qiyaasay, in badan oo ka mid ahna waan isla hadalnay. Qiyaasteyda dadka aan arkay barkood am ka badan waa haween.

Waxaan meesha ku arkay dad haysta waraaqo muujinaya in ay qaxooti yihiin oo si sharci ah loogu aqoonsaday in ay Kenya ku noolaaaan. Waxaa kale oo aan arkay ugu yar hal gabar oo haysata baasa-boor Soomaali ah oo uu u saaran yahay sharci deggenaasho Kenya oo dhacaya Agoosto 2014.

Waxaase dhulku ila wareegay, awood darrana aan dareemay, markii aan arkay hooyo Soomaaliyeed oo ilmo yar oo dhowr bilood jira xambaarsan haysatana sharci caddeynaha in ay Qaxooti tahay. Ilmaha yar afka isuma geynayo oo intaa wuu ooyayaa. Waxay hooyadii ii sheegtay in ilmuhu xanuunsan yahay. Markii aan calaacasheyda foolka ka saaray waxaan dareemay in ay qandho luleyso. Waxay ii sheegtay hooyadii in dhowr habeen ay meeshaas ku jirtay.

Waxaan weydiiyay ilmaha yar aabbahood. Waxay ii sheegtay in markii iyada la soo xirayay afar maalmood ka hor isagana la xiray, meel uu ku xiran yahayna aanay war u hayn. Welwel xoog lihi wuxuu ka hayay afar carruur ah oo ay ka soo tagtay oo ay deriska kala soo dardaarantay.

Dhinac ka mid ah garoonka waxaa ka socda dadka oo qof qof sawir looga qaadayo, fara laga qaadayo, lana baarayo dalka Kenya waxaa uu qofkaas xog ka hayo. Waxay booliisku ii sheegeen in habkaas lagu kala saari doono dadka.

Waan ku il goday, in mudda ahna u fiirsaday. Nidaamka ay howsha ku wadaan waa mid aad iyo aad u gaabiya. Wakhti badan qaadan doona.

Markii aan booliiska ka codsaday in ay haweenka carruurta wata ugu hormariyaan waxay ii sheegeen in ay haweenka oo dhami ay ragaa ka horreynayaan. Laakiin qolka sawirka iyo faraha lagu qaadayo intii aan ku jiray wiil iyo laba gabdhood ayaa nidaamkaa la marsiiyay, wiilkaana ka horreeyay gabdhaha. Haween badan oo aan weli habka la marsiinna wey hawirnaayeen.

Dadka aan arkay waxaa ku jiray dad aan Soomaali ahayn. Waxaa ku jiray islaamo waayeel ah. Waxaa ku jiray carruur. Waxayse u badnaayeen Soomaali. Umana ekeyn nooc argaggixisnimo looga shakin karo.

Booliisku waxay noo sheegeen in raashinka laga dalbay sharikad gaar loo leeyahay, taas oo uu uga jeedo in raashinka tayadiisu ay wanaagsan tahay. Xilli raashin ma ahayn xilliga aan tegey, laakiin koobab meesha daadsanaa waxay ahaayeen kuwo tayo wanaagsan, nadiifna ah. Waxaa kale oo Booliisku ii sheegay in musquluhu ay wanaagsan yihiin welibana waxay damceen in ay i geeyaan, aniga ayaase ka gaabsaday.

Markii aan saaka Kasaraani tegey ilaa iyo hadda waxaa iga hor muuqda ilmaha yar ee qandhadu ay hayso oo haddana maxbuus ah, cid u maqanina aanay jirin. Keliyana u baahan sharciga hooyadiis ay haysato in lagu xaq dhowro. Nin Kenyan ah oo aan wada soconnay wuxuu igu yiri, ilmahaas yar in uu meesha ku dhinto ayaan ka baqayaa.

Bal ka feker haddaad xaaladdaas ku jiri lahayd, cid kuu maqanina aanay jirin. Bal dhowr daqiiqo oo keliya ka feker taas, oo akhriska qormadan waad sii wadi doontaaye hadda halkaas ku jooji.

Qof kasta oo Soomaali ah waxaan ka codsanayaa in Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya iyo hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, UNHCR, uu culeys ku saaro in dadkaas xorriyaddooda loo soo celiyo sida ugu dhakhsiyaha badan. Hadday Kenya joogayaan iyo haddii Soomaaliya lagu celiyayana si dhakhsa leh loogu dhaqaaqo. Inta xanuunsanna hadda lala gaaro daryeel caafimaad.

Waxaan u mahadcelinayaa, Danjire Maxamed Cali Americo, iyo Safaaraddeenna Nairobi, oo ii suurta geliyay booqashaas iyaga oo ka jawaabaya codsigeyga oon u gudbiyay aniga oo aan weli garoonka dayaaradaha ee Nairobi aan soo dhaafin.

Baraha internetka waan u fasaxayaa in ay soo dabacaan qeylo dhaantan haddaysan wax ka beddeleyn.