Total Pageviews

Wednesday 2 April 2014

Wasiirro la kulmay dhallinyaro


Cudud Caabboon
Inqaasta Yusuf-Garaad

Aqoon is wedyaarsi saddex maalmood u socday dhallinyaro aqoonhananno ah ayaa lagu soo geba gebeeyay Muqdisho.

Kulanka waxaa looga dooday arrimo dhammaantood khuseeya dhallinyarada oo ay ka mid yihiin dhallinyarada iyo kaalintooda hoggaaminta, dhallinyarada iyo xag jirnimada, dhallinyarad iyo aminiga, dhallinyarada iyo mutaddawacnimada iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Qodobbada sida qotada dheer looga dooday ayaa waxaa ka mid ahaa sidii dhallinyarada loogu abuuri lahaa fursado shaqo ama iyaga laftoodu ay u sameysan lahaayeen shaqo. Waxyaabaha ay dhallinyaradu soo jeedisay, xukuumadduna ay sheegtay in dib u eegisteeda gacanta lagu hayo ayaa waxay tahay mushaaraadka ay qaataan dadka dibadda ka soo laabtay qaarkood iyo kuwa gudaha ku sugan ee isku aqoonta iyo xirfadda ay yihiin in aanay isu dhigmin. Iyada oo weliba laga yaabo in kuwa guduhu ay khibrad badan yihiin. Wasiirka Dhallinyarada Khaalid Cumar oo shirka furay ayaa ka warramay muhiimadda kaalinta dhallinyarada, isaga oo sheegay in talooyinka ka soo baxa uu meel marintooda ka shaqeyn doono. Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in uu damacsan yahay in uu qabto Shirweyne Qaran oo dhallinyaradu ay uga arrinsadaan horumarinta dhallinyarada iyo ka qeyb qaadashadooda dib u dhiska dalka. Shirkaas waxaa lagu wadaa in uu qabsoomo bartamaha sannadkan.

Madaxdii kale ee saddexda maalmood ee shirku socdoay ka hadashay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow oo ay ka wada hadleen sidii ay dhallinyaradu fursad ugu heli lahayd qalabka warbaahinta Qaranka si ay aragtidooda isu gaarsiiyaan ulana wadaagaan dadweynaha. Wasiirku wuxuu ballan qaaday in barnaamij toddobaadle ah uu dhallinyarada u sameyn doono.

Dhallinyarada oo ka cabaneysay in lagu tuhmo xag jirnimo amaba qashqashaad ay mararka qaar kala kulmaan hey’adaha ammaanka darteed, ayaa waxaa aqoon is wedyaarsiga ka soo qeyb galay Taliyaha Booliiska, General Cabdixakiim Daahir Siciid (Saacid). Taliyuhu wuxuu sheegay in uu ka shaqeyn doono in booliiska iyo bulshada la isu soo dhoweeyo, oo la helo wakiillo bulshada ka tirsan oo tababbaran gacanna ka geysta isfahanka booliska iyo bulshada. Waxaa kale oo la dhaqan gelinayaa dhowaan ayuu in lebbiska booliiskua uu lahaado askariga magaciisa iyo nambarkiisa oo jeebka shaarka dushiisa ku qoran, si daba gal loogu sameyn karoodo khaladkii dhaca.

Agaasmiaha Guud ee Rugta Ganacsiga, Cabdi Abshir Dhoorre, ayaa isaguna kala hadlay dhallinyarada fursadaha xagga shaqo ee ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo xirfadaha inta badan ay shaqooyinkaasi u baahan yihiin.

Wasiirrada Beeraha, Cabdi Axmed Baafe, Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Ibraahim iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Prof. Saalim Caliyo Ibrow ayaa ka mid ahaa dadkii la kulmay dhallinyarad intii tababbarku u socday si ay ugu guubaabiyaan dib u dhiska dalka, isla markaana uga warramaan sida Wasaaradahoda iyo dhallinyaradu ay isu kaashan karaan.

Aqoon is wedyaarsiga waxaa soo qaban qaabisan Hey’adda NCF oo ah hey’ad waddani ah. Aqoon is weyaarsiga oo aan qaban qaabadiisa iyo fulintiisaba aan kaalin ku lahaa, ayaan jeclaan lahaa in aan halkaan uga mahadceliyo Madaxdii wakhtigooda muhiimka ah u huray dhallinyarada si ay u baraarujiyaan una soo dhoweystaan.

5 comments:

  1. Fadlan halkan hoose ku reeb ra'yigaaga.

    ReplyDelete
  2. Somalida!! We talk too much. Arrin iska-wax-u-qabso loo qabtey oo dadku ka qayb galeen wali lama soo qorin (dadka gudaha jooga). Wadooyinka waxaa hagaajinaya Turkey. Nabadana waxaa sugaya AMISOM.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Iskaa wax u qabso waxay ka mid ahayd qodobbada ay dhallinyaradu ka hadleen, kana tashadeen dhinacyada ay damacsan yihiin in ay ka fuliyaan.

      Delete
  3. Aaaaaway shacabkii markaa?

    ReplyDelete
  4. ASC:
    Salaan kedib Yusuf Garaad wax ah oo aan la iska indha tiri karin in ay dhalinyarada wax ku baratay wadanka laxaqiray xag shaqo iyo xag xaqooq oo lasiiyay dhaliyarada debada wax ku baratay oo income kii yaraa oo naga soo geli jiray Dekeda in oo laabto wadanmo kale inta lasiiyo dhalainyaro debeda katimid Ani ahaan waxaan arkay nin dhalinyaro ah oo ku shaqeeya $5000 markaan weydiiya inta oo u diro wadankii oo kayimid in oo 4000 ayan u diraa , waxaan kale oo aan arkay waxaa lasoo bandhigaa shaqo waxaa laleeyahay waa oo heestaa passport ajanami ah shaqdaasna waxa looqabanaa waa dowlda somaliyeed waxaan layaabay any one oo kaymaad debeda waa EXPERT
    SOO JEEDIN
    Dowlda somaaliyeed ha ku dadaasho in ay siiso muhiimada koobaad dhalinyrada wadanka wax ku baratay sidow daqligo wadanka ugo soo laabto hadii kale waxaa lwada maraa bada si loohelo Passport Ajanami ah as expert

    ReplyDelete