Total Pageviews

Saturday 29 March 2014

Aqoon Isweydaarsi Dhallinyaro


Kaalinta Da'yarta
Inqaasta Yusuf-Garaad

Waxaan ka mid ahay qaban qaabiyayaasha aqoon is weydaarsi aan Axadda ku qaban doonno Muqdisho. 

Waxaan ku eegi doonnaa xaaladda ay dhallinyarada maantu ku sugan tahay, caqabadaha hor yaalla, fursadaha ay heli karaan iyo kaalinta kaga aaddan xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Inta badan ra’yi iyo doodo ayay dhexdooda is weydaarsan doonaan dhallinyarada ka qeyb geleysa oo u badan aqoonhananno dalka gudihiisa ama dibaddiisa ama labadaba wax ku bartay.

Madax Xukuumadda Federaalka ah ayaa iyaguna soo gudbin doona qodobbo ay ka mid yihiin siyaasadda dowladda ee ku wajahan dhallinyarada isla markaana la munaaqishoon doona ka qeyb galayaasha.

Shirkan oo socon doona dhowr maalmood, qodobbada Axadda looga hadli doono waxaa ka mid ah, xaaladda ay dhallinyaradu maanta ku sugan tahay.

Intiinna aan fursad u helin in aad goobta uga qeyb gashaan, waxaa idiin furan in aad ra’yigiinna ku soo gudbisaan saxaafadda bulshada, gaar ahaan bloggan iyo barteyda Facebook.

Waxaan ku dadaali doonnaa in aan araa’diinna iyo talooyinkiinna aan ku darno doodaha dhex maraya aqoonyahannada da’da yare ee ka qeyb galaya aqoon is weydaarsiga.

11 comments:

  1. Fadlan aragtidaadu waa muhiim ee nala wadaag. Halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Adiga (yuusuf ) iyo qabanqaabiyeyaasha kale waad mahadsantihiin.

      Dhalinyara sidoo kel iyo salaan ayaan u dirayaa.

      Hawlaha horyaala waxaa ugu muhiimsan (aniga aragtidayda) inay ka gudbaan dhaliyaradu kana gudbiyaan bulshada soohdimaha dahsoon ee qabiilka, soohdimahaas oo ay dhaxleen lakin aanay ku qasbanayn inay u hogaansamaan.

      Fursadaha ay haystaan dhalinyarada maanta waa kuwo abid aan soo marin dhalinyaradii iyaga ka horaysay, haday ahaan lahayd aqqonta, is-gaarsiinta iyo ka war-qabka dunida kale waxa ka jira intaba.

      Hadaan fursad u heli lahaa inaan meeshaas ka hadlo waan burqan lahaa!
      Mahadsanidiin dhamaantiin.

      Delete
  2. Dhalinyarada Waa Madaxda Beri Ee Dalkeena, Runtii Dhibaato Igu Xun Waa Dadkey Taabatey Iyaga, Badaha Bey Ku Harqameen, Xabadaha Bey Gabaad U Noqdeen, Dalalka Dariska Bey Ku Xiran Yihiin Kuwa Badan, Kuwa Badan Xeryaha Dalalka Dariska Bey Gaajo Iyo Caafimaad Daro Igu Ildaran Yihiin, Yusuf Meel Ay Ku Baxsadaan Kuwa Heysta Maaha Ee Arinkaa Xooga Ha La Saaro Sidii Nolol Taas Ka Badelan Loogu Abuuri Lahaa, Kuwa Daafaha Caalamka Ku Xirana Sidii Loo Deyn Lahaa Xooga Ha La Saaro. Waxaan Rajeynayaa In Ay Ka Soo Bixi Doonto Dooda Wax Anfaca Dhalinyarada Somaliyeed

    ReplyDelete
  3. Asc. Dhalinyarada Soomaaliyeed Maanta waxa ay ku Sugtahay Xaalad tan ugu liidato oo ay Dhalinyaro ku sugnaato. Inyar maahane Tira badanoo ka mid ah ma heelaan Waxbarashada Asaasiga ah sida Dugsiyada Hoose iyo kuwa Dhexe Dhaqaalaha Qooysaska aawgood waayo Dugsiyadu waa kuwa aan Bilaash aheeyn oo lacag la bixiyo. Inta yar ee Awood in ay Helaan Waxbarashada Asaasiga ah waxeey hadana helin Waxbarashada Dugsiyada Sare isla sababo dhaqaale aawgood Jamacadna iskaba daa warekeeda. Inta ka soo qalin Jabiso Dugsiyada Sare badankood waxa ay ku Fakaraan in ay Maareeyaan Nolosha Reerka ayagoo isku daya in ay wax uun ka shaqeeyaan si ay u Saacidaan Waalidookooda oo ay qeeyb uga qaataan Maareeynta Nolosha qooysaskooda. Inta Jamacadaha hamisa wax ay Caqab kala kulmaan in ay helaan Waxbarasho Jamacadeed waayo Deeqaha Waxbarasho oo ay Doowlada iyo Maamulada dalka ka jiro ay helaan waxaa lagu qeeybiyaa Qaab Qabyaaladeed ama 4.5 ka Soomaaliya la dagay taasna waxeey sababtaa Niyad Jab ku yimaado Ardaygii diyaarka u ahaa Waxbarashada Jamacadeed waxaana dhacda in uu ku fakaro in uu Dalalka Reer Galbeedka ama kuwa Carbeeyd u tahriibo si uu Noloshiisa u Maareeyo. Hadaba Dhalinyarada Soomaaliyeed waxa ay u baahanyihiin waa Waxbarasho Tayeeysan oo Min Asaasi Ilaa Heer Jamacadeed leh taasoo ay tahay Doowlada Gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Xafiisyada ku shaqada leh in ay Maareeyaan oo ay Maal galiyaan Min Dagmo ilaa Tuulo Walba oo Dalka ka tirsan si simana loo qeeybsho Miisaaniyad ku habboona loo dajiyo sanad walba Baarlamaankana uu Ansixiyo si loo helo Jiil Aqoonyahan ah oo Bari ka taliya Aayaha Dalka iyo Jiilasha soo socda ee Mustaqbalka imaan doono. DHALIN YARADU WAA LAF DHABARTA AY UMADI LEEDAHAY.

    ReplyDelete
  4. Yusufow, waxa ad yeeshaan kuso dara Aqooyahanada kuwo diinta yaqaana o dhalintan muslimka ahi garanaya waxay u baa Hantahay. Hadii kale sidii caadada ino noqotay baryahan danbe, isugu yeedha, dad degree meelaha kaso qaatay o uhaysta inuusan wadad Aqooyahan ahayn dedna sheekoyinki, caamada xaalkiinu ha iska ahaado.wabilahi tawfiiq

    ReplyDelete
  5. ASC, Yusuf waad ku mahadsantahay mowducan qimaha leh ee aad nala wadagtay , aan hora u galo waxaan leeyahay dhalin yaradu magacbay wadaagtaa kuwa wax haleeyana way ku jiraan kuwa wax wanaajiyana way ku jiraan ( waxa aan ka hadlayo waa dhalinyarta wax baratay ) ee micnuhu maahan nin dhalin yara ah oo aqonyahana wax ma haleeyo !!! aan kala qaado
    1 - qofka dhalin yarada ah ee aqonyahanka ah gabar iyo wiil tuu rabo ha ahaadee hadii shaqada lagu geeyo ina adeer iyo nin jecleysi wax uu haleeyo mahee waxba ma wanaajinayo MAXAA YEELAY WUXUU AMINSANYAHAY INAYSAN JIRIN CID LA XISABTAMEYSA marka wuxuu rabu haleynayaa wuxuu rabu isdaba marsiinayaa (lama canaantaa caanihii daadshay).
    2 - waa shaqsi dhalin yaro ah oo aqon yahan ah waxuu wanaajiyo mahee waxba ma halaynayo WAAYO WUXUU KA BAQAYAA INUU SHAQADIISA KU WAAYO HADII WAX YAR AY KA QALDAMAAN maxaa yeelay meeshan kuma imaanin ina adeer iyo waji aqoon ee waxaa keenay aqontisa MARKA SHAQADIISA TAYO AYUU U YEELAYAA DADAAL AAD U DHEERAADANA WUU BIXINAYAA SI LOO DALACSIIYO MAR WALIBA, marka tayaynta shaqadiisa asina wuu ku faa iidayaa bulshadii uu u shaqaynayana way ku faa iideysaa.
    ((( tusaale wasiir waliba maalinta la magacaabo wuxuu gacanta soo qabanayaa 4 cunug oo ilma adero iyo sxbo yihiin wuxuuna eryayaa rag laga yaabo inay qatar iyo dhib badan usoo mareen shaqada wasaarada marka lagama sugaayo afartaas cunug inay bulshada wax u soo kordhiyaan aqoon kasta ha la haadaane))).
    Mahadsanid

    ReplyDelete
  6. somaliya xoriyada waxay qadatay 1950. xoriyada kadib wadanka waxaa u istaagay dhanka wax barashada iyo hormarka dad yare oo gaadhayo 1%. Dadkaasoo dalka gaadhsiiyay horumar aduunku layaabay. Aqoonyahnada iyo Ardayda Somaliya ee waaga (1945-1970) waxay ahaayeen aqoon yahanno muhiim ah oo fakr dheer leh.

    Qaaradaha Africa ee lagumaystay waxaa loogu qasbay wagaa in schooladooda loogu dhigo luuqada gumaysiga. , Somaliya iyadu waxay gaadhay inay samaysato manhaj u gaar ah o ku qoran afka-soomaliga, ilaa heer jamacadeed gaadhsiisan. Arintaan waxay cabsi kalisay iyo qalqal galisay Talyaaniga iyo Engiriiska, kuwaas oo ahaa labada gumeysatay delkeena, ulajeedadoodu ahaayd in hadii luuqadooda dadka aybaraan inay dhaqankoodan sidhib yare uqaadan lahaayeen bulshada badankood.
    waxaa iswaydiin leh dhanka wax barashada maanta dadka somaaliyeed iyo shalay say ahaayeen.
    Bulsho walbo waxaa lagu misaamaa dadka bulshada dhexdeeda kaleh sumcada iyo hamigooda meesha uu gaadhsiisan yahay sida moowduucyaha ay jeceshahay bulshadu inay kahadlaan dhexdooda inbadan. In badan oo ka mid ah aqoonyahanada iyo caqliga kuwa adeesada ee dadweynaha Somaliyeed waxeey doorateen in ay iska aamusnaadaan inkasta oo ay arkaan sida xaaladda lidato.(lack of encouragement)

    the purpose of education is (from society view) to create job growth and have labor works ready. Unfortunately, that is not the case in Somalia. My friends and I have done a quick survey, and we found out that the majority of the Mogadishu students learn English in school to simply land on nonprofit job, when asked why they reply: that is the only thing available. Some of them, the other option is to leave the country.
    we are all in this together, and I wish there was a way that we can all come together (educators, teachers, professors, writers,) and empower the next generation. In Somali history, it was the students and the educators who have made the impact change to our society, I believe it is time we empower them, after the struggle continues

    Mohamed Peso

    ReplyDelete
  7. yuusuf waxaa ilatahay inaan kaqeeb gashid oo weliba aad sheegtid in ay somaalido eedsatay gacan shisheeye balse aan isku filanahay dad ahaan iyo dhaqaala ahaanba

    ReplyDelete
  8. Haa dhilinyaradu waa doorka kaliya ee aan wali laxasuusan hadana eysan ogeyn xukuumadaha dalka kasoo jiray tan iyo wixii kadambeeyay burburkii somalia balse waxaa hubaal ah kacdoon kadhan ah dowladda iyo qaswadayaasha hadii aay dhalinyardu abaabulaan ama la abaabulo in somalia xal eey heleyso.

    Tusaale waxaaa ah hadii aan eegno maxkamadihii waxey abaabuleen waa dhalinyaro lataba baray sidaad ogtihiina dagalada looga saaray kuwii kamidka ahaa qaswadayaasha somalia iney dhecijireen maaalmaha iskulada fasaxa eey yihiin sida arbacada galinka dambe, maalinta qamiista oo dhan iyo jimcaha waana lagu so afjari jiray meeshii laweraro. hadaba sidaa mid ka gidisan oo munaasan ah maanta waa loo adeegssankaraa xoogaas kuwa badanna diyaar ayey uyihiin lkn dhaqalaha iyo isku duba ridla ayaa kamaqan. ee yusuf garadow waxaad suubisaa taas oo somalia hala afgabiyo si loo badbadiyo dadka iyo dalka.

    ReplyDelete
  9. http://ow.ly/vISlM
    Qiyaasta Faa'iido Wuxuu kaa caawinaa labo waxyaalood: Wuxuu ku tusi doonaa sida loo hagaajiyo qiimaha aad macaamiishaada u soo bandhigeysid.Wuxuu kaloo tusi ...

    ReplyDelete
  10. Thanks for sharing, nice post! Post really provice useful information!

    An Thái Sơn chia sẻ trẻ sơ sinh nằm nôi điện có tốt không hay võng điện có tốt không và giải đáp cục điện đưa võng giá bao nhiêu cũng như mua máy đưa võng ở tphcm địa chỉ ở đâu uy tín.

    ReplyDelete