Total Pageviews

Friday 28 March 2014

General Saacid

Booliiska waa la Raalli Geliyay
Inqaasta Yusuf-Garaad

Maanta markii aan Muqdisho ka soo degay, Garoonka Aden-Cadde aad ayuu u mashquulsanaa. Dhowr dayaaradood ayaa isku soo gaaray. Mid inyar iga horreysay waxaa ku yimid Madaxweynaha. Mid uu Ra'iisal Wasaaruhu la socdana waa la sugayay.

Sida aad qiyaasi karto Madax iyo saraakiil ammaanka ah oo fara badan ayaa gegida dayaaradaha cammiray.

Madaxdii aan goobta isku salaannay waxaa ka mid ahaa, Taliyaha Booliiska Generaal Saacid, oo maalintii aan Muqdisho ka dhoofayay aan ogaa isaga oo ka xanaaqay oo ka haray dayaarad u qaadi lahayd Garowe.

Waxay isaga iyo saraakiishii maalintaa la socotay ay dayaaradda uga hareen diidmo ay ka dudeen in ay askar shisheeye iyaga baarto inta aanay dayaaradda raacin.

Waxaan ogaa isaga oo sugaya dayaarad ay saraakiishu markaa dalbadeen.

Maanta waxaan weydiiyay arrintii in daba gal lagu sameeyay oo wax ka soo kordheen iyo in kale.

Wuxuu ii sheegay in arrintaa ay ku dhammaatay raalli gelin qoraal ah oo ay bixisay hey'addii ay khuseysay.

Waxay ila noqotay in aan akhritayaasha la wadaago warka Raalli gelinta ah, maaddaama aad looga xanaaqay loogana faallooday is afgaran waagu markii uu taagnaa sida hoos ka muuqata.











6 comments:

  1. Ra'yigaagu waa muhiim ee fadlan nala wadaag, oo halkan ku reeb.

    ReplyDelete
  2. Aniga waxa ay ila tahay inaan cidina raali galin ka bixin. Sababtoo ah cisi iyo sharaf malaha madaxda somalidu.
    Qiimahoodii iyo qiimaheenuba waa hore ayuu dhacay.

    ReplyDelete
  3. Runtii Yuusuf hadii adiga tan oo kale kugu dhici lahayd maxaad samayn lahayd macquul ma tahay raali galin masuul qaran in lagu gafay waliba wadankiisii uu dulmane ugu noqday shisheeye taas Aniga raali galin oo kaliya ilama qumana waxay ahayd dhamaan dadkii ku lugta lahaa inshaqada laga joojiyo wadankana laga musaafariyo booskooda ay garoonka Ka hayaana lagu bedelo mawaadiniin

    ReplyDelete
  4. Yusuf waad Ku mahadsantahay war bixintan teedii horena ad as noo sheegay dhameystirkina noo sheegtay

    ReplyDelete
  5. Yuusuf wargal baad tahay mudane

    ReplyDelete
  6. Yuusuf waa mahadsantahay waxaan dhihikaraa raaligalinta taliyaha sheegay waa madax dhulkaceshi maxaa yeelay amnigii uu asaga sugaayay ayaa lugu aaminwaayay waana markii labaad lagusamaynaayo tan ookale marka waxaan qabaa hadiiba airport lasoogaaro aagiisa dowladukamataliso oo waa lagumaamulaa

    ReplyDelete