Total Pageviews

Sunday 9 December 2018

Maan la Heshiinno Shabaab!

Ciidanka Shabaab badankiis waa dhallinyaro Soomaaliyeed. Waa dhallinyaro uu gabay Qarankoodu. Waa dhallinyaro ku dhashay ama ku barbaaray iyada oo uu maqan yahay Qaran suga amnigooda. Waayay Dowlad siisa adeeg waxbarasho iyo mid caafimaad. Aan helin Hey’ado u abuura fursado shaqo. Aan arag adeeg garsoor oo cidda ku xad gudubta uu isaga qaban karo. 

Waa dhallinyaro loo diiday nidaam u suurta geliya in ay codkooda ku cabbiraan doorasho degaan iyo mid Qaran oo hadba qofka ama xibsiga ay doonayaan ay ku taageeraan. Waa dhallinyaro uu Qaran burburka nagu dhacay u diiday nabad iyo nololba.

Intaas oo dhan waxay noqotay in iyaga loo daayo in ay is dabbaraan.

Waxay ka mid yihiin malaayiinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee dacdarreysan. Qaarkood waxay ka qeyb galeen dagaallada noocyada kala duwan ee dalka ka dhacay. Qaar kale waxay noqdeen burcad badeed.  In badan ay iyaga oo qax ah ayay badaha isku qaadeeen kuwaas oo qaar badani ay ku naf weyeen.  Qaarkood ay xeryo qaxooti oo aad u nolol adag ay ku qaateen tobannaan sano.  Qaar badan lagu soo dhoweeyay xabsiyo dalal shisheeye. 

Intooda dadaashay ee Ilaaheey u suurta geliyay in ay xaalad adag ay wax ku bartaan, in yar oo nasiib leh ayaa shaqo heshay.  Inta kale ayaga oo shahaaddo Jaamacadeed ama laba haysta ayay ku shaqo la’ yihiin dalka gudihiisa.

Waxaas oo dhan waxaa sabab u ah Qaran burburka dalka ka dhacay.  Kaas oo aanay wax mas’uuliyad ah ku lahayn dhallinyarada maanta joogtaa.

Meesha Bannaan Buuxi

Kaalintii ay gabtay Dowladda Soomaaliya oo hawada ka maqnayd ugu yaraan toban sano, waxaa u loollamay in ay buuxiyaan kooxo kala duwan.

Qaarkood waa wadaaddo ay qaarkood isku dayeen in ay wax ka qabtaan baahida waxbarashada. Qaar kalena sugidda amniga iyo garsoorka. 

Waxaa iskaashaday wadaaddo ay qaarkood qabaan afkaar aad u durugsan iyo kooxo ajnebi ah oo dalalkooda dembiyo ka soo galay oo gabbaad iyo markii dambe saldhig ka dhigtay dalkeenna. Kooxda dambe sababta ay dalkeenna u xusheen waxay ahayd in ay ka faa’iideystaan maqnaashaha awood Dowladeed oo ka hor istaagta.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo arka caddaalad darrada ku haysata dalkooda gudihiisa ee Soomaali ama ajnebi u gaystay, maqla caddaalad darrada ku dhacaysa muslimiin ku sugan degaanno kale oo caalamka ah, waxaa loo jeedsiiyay in sida keliya ee caddaalad ay ku heli karaan ay tahay qori caaraddiis.

Waxaa la tusay in ay sidaas guul ku gaari karaan. Haddii lacalla ay militeri ahaan ku guuleysan waayaanna aakhiro Allah ku abaal marin doono Jannada.

Dhallinyrada ku jira howlgalka noocaas ah, waxaa ku goobtay amni darro joogta ah iyo caddaalad darro la deristay.  Cidda keliya oo wax u sheegtaana waxay ku akhrineysaa afkaar xag jir ah, midka keliya oo wax siiyaana wuxuu siinayaa tababbar sida qof ama wadar-qof loo dilo iyo aaladdii lagu dili lahaa.

Waxaas oo dhan waxaa u sabab ah in Qaranku uu gabay mas’uuliyaddii ka saarnayd ubadkiisa ee xagga sugidda amniga, barbaarinta iyo ka ilaalinta in niman caalamka la doondoonayaa ay u helaan in ay u noqdaan macallimiin lagu daydo.

Caddaalad-darro Bulsho

Waxaa colaadda Shabaab sii soofeeyay caddaalad-darrada bulsho ee Soomaalida dhexdeeda ah ee lidka ku ah diinta Islaamka iyo ilbaxnimada casriga ah sida dadka lagu takooro dhalashadooda iyo dulmiga saami qeybsiga siyaasadeed ee qabaa’ilka qaarkii lagu hayo. Dulmigaas oo mar kastaba ka jiray dalka Soomaaliya wuxuu ugu sii darnaa tobankii sano ee xigay burburka Dowladda.

Doodda Shabaab waxaa iyaguna qiil u doonay falal xad gudub ku ah xuquuqda aadanaha oo ay ciidammo ajnebi ah ama wakiilladoodu ay ka geysteen dalka Soomaaliya gudihiisa xilliyo kala duwan.

Dowladdii ay fashilaaddeeda iyo maqnaashaheedu eeddaas geysteen, marka ay hadda soo naaxdo, ee ay billowdo in ay isku daydo in ay amniga sugto caddaaladna raadiso, sax ma tahay in ay isla dhallinyaradii ay gabtay ay ku tilmaanto dembiilayaal? Weliba dembiilayaa ay tahay in wadajir loo laayo ama la soo qabqabto si mid-mid loogu toogto?

Marka dhallinyarada noocaas ah la wajahayo, maxaa Qaranka la gudboon?

Wadahadal, Qarax-joojin iyo Is-af-garad


Waxay iigu muuqataa intii dhallinyarada Soomaaliyeed ee Shabaab ku jira laga horgeyn lahaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo ciidan ah, oo markaa ay dhallinyarada Soomaaliyeed isku dhammaan lahayd, in ay waajib tahay in laga fekero in la helo hab loo kala badbaadin karo dhallinyarada.

Waxaan ognahay in isu geyn dhallinyarada Soomaaliyeed ay ahaan karto cudud Soomaaliyeed, ayada oo isla markaasna la xaqiijinayo in khatarta Shabaab laga badbaado amaba dhammaanteed la soo afjaro.

Waan ogahay oo waa wax sahlan in afka laga sheego, xaqiijintuse ma sahlana.

Laakiin waa ayo qofka u haysta in Qaran burburka nagu dhacay xal loo helo in ay tahay howl sahlan?

Xalku kuma imaanayo in annaga oo aan si cad uga doodin, aragna sida ay xal u keeni karto aan soo minguurinno siyaasadda dalal kale ay Shabaab kula dhaqmaan.

Shabaab badankeed waa Soomaali. Cidda uga badan ee ay dilaan waa Soomaali. Cidda ay nabad iyo horumar ka hortaagan yihiin waa Soomaali. Waxaa waajib nagu ah in aan helno hab aan ku qanacsan nahay in aan wakhtiga ugu yar ku gaari karno in aan dhibkooda ka gudubno, iyagana inta ugu badan aan ku badbaadin karno maaddaama ay mas'uuliyadi naga saaran tahay oo ay yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo uu Qaranku gabay.

Aragtideydu waxay tahay in si dhab ah looga shaqeeyo in Shabaab lala galo wadahadal ujeeddadiisu ay tahay in lagu soo xero geliyo intooda Soomaalida ah.

Waan ogahay in ay Dowladda hadda jirta iyo Dowlado ka horreeyay ay ku baaqeen in Shabaabkii isa soo dhiiba la cafin doono.

Laakiin waa kala laba in idaacadaha laga sheego in Shabaabkii isa soo dhiiba la cafinayo iyo in si dhab ah looga shaqeeyo in dhallinyarada Shabaab ku jirta la helo waalidkood iyo walaalkood, la helo "Shiyuukhdii" wax bartay, in la helo saaxiibbadood. In intaas oo dhan lala kaashado in ay badbaadiyaan naftooda iyo tan walaalahooda Soomaaliyeed. In marka lagu qanciyo in ay soo laabtaan, haddana si tifatiran loogu sheego sida ay u soo laaban karaan iyo meesha ay ku laabanayaan. In loo diyaariyo barnaamijyo u abuuraya fursado. Intaa wixii ka dambeeya in ay helaan xuquuqda muwaaddin kasta uu leeyahay ee datruurku uu u oggolaanayo.

In Madaxda al Shabaab ee Soomaalida ah lala furo wadahadal si qoto dheer oo miisaaman looga fekeray, ujeeddaduna ay tahay in marka hore la gaaro xabbad iyo qarax-joojin marka xigtana lagu gaaro is afgarasho si loo kala badbaado loogana wada qeyb qaato dib-u-dhiska dalka.

Dulucda qoraalkeygu waa in aan xakameyno carada ay nagu khasbayaan wiilasha is qarxinaya ee isku dhex qarxinaya shacabka. Laynaya dad ehelkooda ah oo aan waxba galabsan welibana aanay aqoon.

Waa in aan fahamnaa una xanuunsannaa midka isqarxinaya laftiisa ee naftiisu ay xabbadda la qiimaha noqotay. Waa in aan ka fekernaa in aan isaga badbaadinno, si ay bulshaduna uga badbaaddo.

Tallaabo wax ay tarto mooyee aan waxba dhimenyn oo laga billaabi karo waxay tahay in marka hore ay Dowladdu joojiso toogashada dhallinyarada Soomaaliyeed ee Shabaab ka tirsan ee xabsiyada ku jira.

39 comments:

  1. Mahadsanid yusuf garaad, runtii waa qormo aad u muhiima ah loona baahanyahay in si dhab ah loo dhugto.
    Suuro gal ma'aha in shabaab xabbad looga guuleysto sababtoo ah waa dhalin soomaalaiyeed oo aaminsan in ay dhulkooda u dagaalamayaan.
    Waxaaan aaminsanahay in ayna suuro gal ahayn in Shabaab wada hadal lala gali karo inta ciidamo shisheeshe iyo siyaasad shisheeye ay waddanka maamuleyso.
    Marka hore waa in waddanka gacan iyo maskax soomaaliyeed la galiyaa ka dib xalka shabaab wuu fududaan.
    WBTFQ.
    Axmed Sicid

    ReplyDelete
  2. Waa dood aad u heer saraysa oo waji cusub u yeeli karta waayaha soomaaliyeed. Al-shabaab waxaa u badan dhalinyaro ay dawladoodii gabtay balse iyagu waa xaabada la saarayo dabka ee ma aha cida xaabada hurinaysa waxaa jira rag waawayn oo oayagu fikrad ahaan ugu qancay aragtida shabaab ee argagixisada,dadkaasi waa mafax shabaab waana adagtahay in wada hadal ay ogolaadaan hadaba doodaydu waa suuryagal maaha shabaab oo wali deegaano haysta oo weeraro qaadi kara in lala hadlo waa in dawladu ay weerar ku balaariso goobaha ay shabaab haysato kadibna dhalinta inta hartaa kolka ay ka coroobaan gacanta shabaab waxaa suurtagal ah in la badbaadiyo qaarkood

    ReplyDelete
    Replies
    1. This comment has been removed by the author.

      Delete
    2. Ugu horeynaa waxaan kaaga mahad celinayaa juhdiga iyo dadaalka aad ku bixisay inaad na soo gaarsiiso qormadaan qaranimada iyo daljirnimada ku larantahay.

      Intaas kadib, run ahaantii aniga fakarkeyga waxey ila tahay wax aad u wanaagsan oo horseedi kabsasho degdeg ah.

      Waan daalnay hadii aynu nahay dadka soomaaliyeed, mana sii xamili karno dagaalo iyo dhimasho kale oo nagu dhacdo annaga oo ah, Shacabki,dowladdi iyo shabaabki.

      Hubaal waaye in waxa ugu badan ee dhimanayo soomaali yihiin si aan kala sooc laheyn waliba 98% dadka dhimanayo iney soomaali yihiin.

      Hagaag waxaan u baahanahay in dowladeena, aqoonyahankeed iyo indheer garadkeedaba si nabdoon ay u wajahaan xal u helista iyo ka faa'ideysiga tamarta dhalinyarada qaranka.
      waa inaan marka hore iska badbaadinaa kadibne isku badbaadinaa.

      Ugu dambeyntii dowladeena waa iney darastaa, u dheg raaricisaa qancinta iyo nabad ku soo dabaalinta dhalinyaradaas qaranka soomaaliyeed leh.

      Wado kaste iyo hab kaste oo nabad ku qaadan karaan ha la wajaho.

      Mahadsanid Yuusuf Garaad.

      Delete
  3. waan aqriyay waana kaaga mahadcelinayaa waqtiga aad galisay qormadaan

    waxaan iikalacadayn dowlada iyo al shabaab ba inay haystaan madaxbanaani ay kuwadahadli karaan?

    xalka waxaan u arkaa inay wadahadal kudhamaystaan maadaama ay kuguuldarayteen midkoodna midka kale inuu meesha kasaaro

    ReplyDelete
  4. Wall Waad Mahadsantahay laakiin aniga waxay ila tahay Madaxdeena ay Ajinabigu ku shaqayssnayaa hadalkan kama gadmayo mana yeelayaan waxayna ka fikirayaan dhaqaalaha dibada ooga yimaada oo ay u arkaan jn amniga dartiisa lagu siiyo

    ReplyDelete
  5. Waa aragti saliim ah oo leh tusaale iyo aragtiyo hufan oo wax ku kaashi mudan lkn wuxii rabaaa in laga dhabeeyo aynna fuliyaan dadka maamulka hadda innoo haaya waqtigaa.

    ReplyDelete
  6. aad iyo aad wadankeena madax daacada maheysto taasaa keenee xalkoo dhow in meelaa loo joogin lagu mashquulo shabaab iyo somaliland ma umaleenaayi laheshiintooda in madaxaan daacad eheyn eey kiini karto

    ReplyDelete
  7. Runtii aad bay u waanagsn tahay in la wajaho xaqiiqda lagana dhabeeyo in wada hadal lala galo alshabab iyo dhalinta is qarxinaysaa waxana lagu wajihi karaa baan is leeyahay in la helo dad soomaliyeed oo u kala dab qaada dowlada iyo al shabab oo ah gacan sadexaad labadana dhinacna ka dhaadhicin karaa waaqica jirah ee mudan in la wada fahmo yuusuf garaad waxaan ku oran lahaa kaalin wayn ka qaado hadii ay kuu suurta gelayso sii amba qaadida arinkaas muhimka inoo wada ah dhaman soomalideena hadaan nahay soomali dantu waxay inoo ku jirtaa inan heshiino oo midayno muruqeena iyo maalkeena
    Mahadsanidin mudane ex wasiir iyo ambassador

    ReplyDelete
  8. Mudane Yusuf Garaad waad ku mahadsan tahay in aad nala wadaagtid aragtidaada kaaga aadan Al-shabaab. Laakiin aniga suurto-gal ilama aha sababtoo ah wada hadalka aad sheegaysaa noocma ayuu noqonayaa ? Waan hubaa Al-shabaab waa niman fog. Hadii in uun dawladda Somalia wada hadal la furto ha u soo bandhigto kaliya in iyaga la cafiyo oo ay hubka dhigaan mooyiye in isu-tanaasul laba dhinac ah oo ku aadan Siyaasadda Soomaaliya ahi dhaco ma qabo.

    ReplyDelete
  9. Mudane wariye, wasiir iyo aqoonyahan marka hore ku mahadsanid ra'yigaaga togan ee nabadoonimadu ku dheehan tahay, aniguna si 100% baan kuula qabaa.
    Waa tii la yiri nin raga walaalow wuxuu ku dhaamo la waa, oo ninq yeeli maayo in idaacadaha looga naadiyo isasoo dhiib aan ku cafiyee ee taas bedelkeed in sidii soomaali lagu yaqaanay geedka loo wada fariisto ayaa habboon oo inta midba midka kale garta siiyo laysa saamaxo nabaddana laga wada shaqeeyo oo waliba dawladdu tanaasul badan samayso illeen iyadaa xilka weyni saaran yahaye.nimanakaasna ha lala heshiiyo naf naguma jirtee.
    Wabilaahi tawfiiq.

    ReplyDelete
  10. Waa mahadsantahey mudane waa Sax wada hadal In lala galo aaad bey muhiim uhu tahey Somalia Midnimada iyo Nabada Umadda Somaliyed Sidaa sheegtey Shabab Waa Dhalinyaro xaqoodii iyo Cadaaladba Kawaayey dawlada ama maamuladii soo marey Wadanka lkn Shabab waa Dad Goaan leh dawladana laheshiin kara lkn Dawlada Somaliya Iyadu mamaamusho Siyasada Shisheye ayaa maamulo Shapapna madonayaan Shisheye ileen waxey udagaalamayaan ayaa ah dhulkoda in shisheye uusan imaan shisheye oo joogo oo maalin kasta Taangi ku eryanaya ilmahaas yar makula tahy iney aqbalayaan Heshiis

    ReplyDelete
  11. Yuusuf waxa aad soo bandhigtay qormo qiime badan leh. Waan kugu raacsanahay sida aad wax u cabbirtay.


    Waxa ii muuqata marka laga yimaaddo Soomaali Alshabaab ku jirta oo kala noqon karta rag culimo ahaa oo fogaadey oo ama xagjirnimadu dabrayso ama cabsi kale qaba oo is leh haddii aad feker ka moqotaan badbaadi maysaan iyo dhallinyaro badan oo la maan-habaabiyey, waxa soo raacaya dad shisheeye ah oo Soomaaliya u soo dugaashadey dawlad la'aanteeda. Kuwan shisheeyaha ah oo yeelan kara saamayntooda waxa loo baahan yahay in qorshaha lagu daro.

    Calaa iyo ku kulli xaal, in badan waxa aan aaminsanaa in ama la kala adkaado ama wada hadal lagu heshiinayo ka furo.

    Hadda ta dambe ayaa muuqata oo waa muhiim in nimankaas wada hadal la la furo oo la la heshiiyo.

    Mahadsanid Yuusuf Garaad.

    ReplyDelete
  12. Ugu Horeyn Waxan Aqriyey Warbixintii Dhirirka Badneyd Ee Aad Soo Qortey Hadaan Fikirkeyga Ka Dhiibto Aniga Horta Taageere Shabaab Ayaan Ahay Ugu Yaraan Hadaanan Ka Tirsaneynba.
    Waxaad Horta Ka Hadashey Fikirkaaga Ku Aadan Shabaab Waxa Aad Ku Til Maanteyna Waa Uu Ka Fog Yahay Hamigooda.

    Shabaab Horta Diyaar Ma U Yahay in Uu Kooxda Farmaajo Uu La Heshiiyo Sababo Jira Awgood Suurta Gal Ma Ahan Waayo Farmaajo Qolada Biisha Miyaan La Heshiinaa Ama Asaga Waa So Aal Jwb U Baahan.

    Tan Kale In Dagaalka Jihaadka Ah Ee Lagula Jiro Farmaajo Kooxdiisa iyo Gaalada Duulaanka Ku Joogta Dalka Haka Yaabin In Uu Joogsado ilaa Aan Ka Adkaano Anagoo Allah Kaashaneyna

    Waxaad Xasuusataa Waagii Sh Cali Dheere Wareysiga Aad La Yeelatey ilaa iyo Hada Maxaa iska Bedeley Si Kastaba Mujaahidiinta Waxaa Ka Go'an Dagaalka Jihaadka Ah Iney Halkooda Ka Sii Wadaan Wadankana Shareecada islamka Wax aan Ahayn Laguma Maamulaayo insha Allah

    Dhalinta Aad Sheegtey Dhalinta in La Marin Habaabiyey Ey Lunsan Yihiin Runtii Waa Hadal Xaqiiqda Ka Fog Anaga Mahayno Mustaqbal Aan Ahayn in Anagoo Jihaadeyna Allah Dartii Naloo Dilo Sida Hada Ka Horba Uu Kuu Sheegey Macalin Aadan Xaashi Ceyrow Shahaadadiisa Allaha Aqbale

    ReplyDelete
  13. Mahadsanid Yuusuf garaad waa qormo mudan inay gaarto dawlada somaliya hada ka jidha iyo ururka alshaab oo aan isleeyahay hada labadooduba waxay doonayaan xal sababtuna tahay inay arkeen dagaalka u dhaxeeyaan inuu yahay mid aan guul iyo dhamaadtoona lahayn.

    ReplyDelete
  14. Asc, yuusuf waad mahadsantahay danjire, waxaan qabaa inta aan shabaab horta lala hadlin,in dawladu ay heshu ciidan tirsan,tilmaaman,tayo leh cadadka uu rabo ha le,ekaadee!
    Ogowna danjire shabaab kama marna wada tashi shisheeye, sida dawladuba tahay, marka aan anigu kula hadlayo waa in aan dareemayaa, horta culays ah in aan ku khasbanahay wada hadalka,(culays cududeed oo shabaab dareemo) shabaabna waa labo qaybood,kuwo iyagu ku fogaaday fikirkaan aana isu arag somali,iyo kuwo isku difaacaya magaca dhabaab,diinta ina isku dhaqo oo uun nidaam fuliya la helo kuwo aaminsana waa jiraan,
    Marka inta wada hadalka rabtana dawladu markaas waa wax fiican in lala hadlo waana lagu guulaysan( inshaallaah) inta afkaartoodu fogaatana hade cudud wardoon iyo mid ciidan baa lagu muquunin, lakiin hadii dawladiiba aysan ciidan lahayn maxay shabaab iyo cid kale kula hadlaysaa
    Mahadsanidiin

    ReplyDelete
  15. Dowladdu ayadaa ba shabaab ah wadankaana wax rabo ma jirto

    ReplyDelete
  16. Waa muhiim in mudane yusuf garaad taloyinka wax ku oolka uu waqtiga ku baxiyay dowladeena iska tabarta yar ey wax ka qaadatay . waan ognahay fulinta talooyinkan in aysan fududen hadeeba shabab xataa aqlaan sababa la xariira danooyin shisheeya oo is diidan

    ReplyDelete
  17. mudane hadi howshan lagu xilsaro wax ma qaban karta

    ReplyDelete
  18. Yuusuf fikradaada waa mid fiican oo mudan in lasoo dhaweeyo balse haddii aad dhageysatay wareysigii Cali Dheere uu la yeeshay wariyihii ku booqday duurka wuxuu Cali dheere sheegay inaysan shabaab marnaba wada hadal la geli doonin dowladda oo uu ku sheegay inay diinta ka baxeyn diinta islaamkana aysan qabin in murtad wada hadal lala galo illaa uu ka toobad keeno.

    Sida la ogyahayna fikirkaas cali dheere waa mid takfiirin ah suurtagalna maahan in dowladda dhahdo murtadiin aan aheyn diinta waa kusoo laabanay ileen markii horeba ma aysan ka bixin ee waa laga saaray.

    Mideeda kale wuxuu ku tilmaamay inay yihiin la heystayaal aan go,aan laheyn marka Yuusufow adigoo fiirinayo fikirka Al-Shabaab iyo meesha ay ka joogaan wada hadalka dowladda sidee wax u dhici karaan bal taaasna qoraal nooga soo samey ama halkaan iigu soo jawaab.
    Mahadsanid

    ReplyDelete
  19. Joysoph Grad Joysoph: Waxa Aanu Haddiiba Aynu Nahay U Fidsanaynaa Ubadanada Gogolyo Nabad Ahaada Oo Waxax Ku Bartaan Kugu Ceeshaan Oo Aynu Kaga Nabad Galno Iyaga Siiba Iyaga Waa Saas'e! ALSHABAAB = Da'yarta = The Youth = iwm

    ReplyDelete
  20. BEE*BEE*SEA = SHA! SHA! BAD! = B*B*C LAN_DHAN = BBC LON-DON Wa Billaahi Tawfiiqq = W*B*T

    ReplyDelete
  21. Waa qormo aad uqima bada wadna ku mahad santahay yusuf sida nola wadagtay.
    Inta aad shegtay iyado mesha kujrito misna waxa jirto in siyasinta so.aliyed u heesanba shabab in ey yihin wilal somaliyed ee loi tusay cadow sida wadama qaar ugu arkan cadow shabab.rayigan waxu macqul yahay isleyahay marka madaxda ama siyasinta dalka maskaxdoda u adegsadan dalka ee aan maskax kale ku shaqeyn
    Shukran

    ReplyDelete
  22. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Caqiidada shabaka ma ula jeedo in ay tahay midii saxda ahay gacan taa iiga dhacday
      Micnaha ma aha midii saxda ahayd

      Delete
    2. Aniga waxay ila tahay in aan shababka looga adkaan karin nooca dagal ee dawladu hada kula jirto

      Waxaa xaqiiq ah in caqiidada ay shababku ku dagaa la yaan ay ahayn midii saxda ahayd mana ahan mid ay igu tura yaan diinta dadka iyo dalkaba

      Waxaana dabada kariixaya waa reer galbeed
      Dawlada waji ayay ku qaabilaan shababka waji ayay ku qaabilaan waxayna had iyo jeer dadal ugu jiraan in ay marnaba soomaali is raacin

      Wada hadal waa lama huraan
      Waxay ku imaa kartaa marka hore in lahelo dawlada ay ka go antahay u dadaalida dalka iyo dadkaba.

      Israacu waa danteena
      Soomaaliyay midnimada adkeeya

      Delete

  23. Mahadsanid Ustaad Yuusuf Garaad waa Talo Wax ku ool ah in Shabaab lala hadlo in badana Waa is weydiiyay Sababta Shabaab loola hadli Waayay Laakiin Jawaabta ii soo baxday ayaa ah Dowladda Soomaaliya Waxaa arintaaka hortaagan Dowladaha Amnigooda ilaaliya oo Sidaa Qandaraas ugu jiro iyo kuw ay Dhaqaale ahaan ugu tiirsan tahay oo aan Soomaaliya Dowlad iyo Nabad mid na la rabin.

    ReplyDelete
  24. Marka koobaad Yusuf waankaaga mahadcelinyaa waqtiga iyo juhdiga aad qoramadaan dhaxal galka ah aad ku bixisay.

    Waan qabaa fikirka ah in wada hadal la furo inkasta oo aan jeclaan lahaa in aad fikirkaaga ku cabirto nooca wada hadal ee aad xalka u aragto.

    Marka taas laga yimaado fikirkayga gaaban waxaan qabaa in ay waajib tahay in dhiiga la joojiyo, gorgortan kasta oo macquula oo arrinkaas looga sal gaarayo maxaa yeelay hadii aan nolol la helin , cod shacabkuna maqanyahay suurto gal noqonmayso in xal la gaaro.

    Caqabada ugu wayn oo arrinkaas dilikarta baa ah siyaasiga soomaaliga ah oo xalka ka raadiya meesha ay maslaxadu ugu jirto ee aan ka raadin halka ay maslaxada ummadu ku jirto.

    Isku soo duubow waa la joogaa xiligii aan fakari lahayn oo la dhayilahaa dhaawacyadii shacabka kasoo gaaray shabab iyo dowladaba.

    ReplyDelete
  25. Yusufow waa fikir fiican laakiin dadkii samayn lahaaa masuuliyad nooma haayaan, Nabar iyo Naxdin caqligaas maleh, waxyaabihii Muktar Roobow kula heshiiyeen ayey ka mid ahayd haddana way uga baxeeen, meesha uu kujio waa lawada ogyahay, Tan iyo intii lasoo xirey Muktar Roobow boqolaal ayaa ku biirtey alshabaab, boqolaal soo bixi rabtey way baaqadeen. Marka meeshan xal majiro. Aaan isku dhamaano.

    ReplyDelete
  26. YG,,waa talaabo aan horre fikirkeeda loo keenin,,balse mudan in su,aallahaas la is weydiiyo,waxa hortaagan,iyo in ay suurto gal tahay,,,waa hab aan lagu qasaareyn,,waayo ugu yarraan wuxuu soo xerro gelin karraa cutubyo ka midda Shabaabka,,,eeg Afghanistan, Taliban ka wadahadal siyaasadeed oo dhab ah,ayay la bilaabeen,,iyadoo Talibaanka lagu waddo in ay u xuubsiibtaan,Xisbi siyaasi ah,,oo ka qeyb galla loolanka axsaabta siyaasadeed,ee Dalkaas,,taa badalkeedanà ay ka tanaasulaan,, dilalka qaraxyadda,,lkn anigoo og in Shabaabku aaney la mid ahayn,Taliban,, dhinacyo badan,,sida tacabirka,,hanka,,iyo hogaanka,,iyo weliba waaya aragnimada,oo intaba looga horeeyo Shabaabka,,hadana waxaan aaminsanahay,,in ugu yarraan laga helli lahaa tirro badan oo Damiir Soomaalinimo ku dheer tahay,,,lkn waan qirayaa in welli aan albaabkaas cidina garaacin,,ama ku dhiiran,waayo Siyaasiyiintu waxay aaminsan yihiin,, hadii ay ku dhawaaqaan,,wax ka yar,kelmadaha,(kooxaha nabad diidka) IWM in looga shakinayo,,in ay taageeraan,,taasina waa fulleynimo,,waayo hadii Afghanistan ku dhiiratay,,in Talibaan xabad joojin,,iyo wax wada qeybsi,ay la gaarraan,, maxaa Soomaali u diidaya in dhalinyaraddaas wadahadal in lala furro,,waa la joogaa waqtigii runta la isu sheeggi lahaa ,,waxa dhimanaya waa Soomaali ee ma ahan Reer Galbeed,,,,

    ReplyDelete
  27. Waad mahadsantahay yusuf garad walal aniga waxay ilatahay hadiilahelo miskax fiyow dad fiyow waa arin fiican horaa looyiri dagaal wiibaa kudhintee wiilkudhasho. Hada qarax wiilbaa kudhintee wiilkuma dhasho ogow walaal ubixii fiyowbaa miro doorah dhaiyo aad ayaad ugumahadsantahay fikirkaada fiyoow

    ReplyDelete
  28. Yuusuf garaad x wasiir qiimo badan aragti dheer
    Qormadaan wa aqriyay tani waa xalka kaliya ee lagu badbaadin karo qaranimada iyo sharafta somalia
    Mida labaad waxy tahay dhalanyarada somaliyed ee kala taabacsan dowlada iyo shabaab waa mida kaliya ee lagu dhax dhaxaadin karo laguna kala badbaadin karo laakin waxaa la yaabanahy sababta ay madaxda somalida isaga indho tirayaan iney wada hadal iyo xabad joojin la galaan hogaamiyaayasha kooxda alshabaab

    ReplyDelete
  29. Mudane Ex. Wazir aad baad ugu mahadsantahay qormadaan xeesha dheer ee aad isku hawshay soo gudbinteeda, wey tahay in la fahmo lana wajaho xaqiiqada balse ma aha cadaw u jira inuu uun ku dabar gooyo haddii aad miiska wada hadalka la fariisatana soo bandhigi doona uun shuruudo ku saleysan dabar gooyntaada in wada hadal la yeelanno.

    ReplyDelete
  30. Waa sax aragtidada iyo soo jedintada
    Lkn waxaa fcnalahed in qof walba oo somali ah uu hadalkan kugu raaco si go aanka ay ayaga u gaaran

    ReplyDelete
  31. Waad ku mahadsantahay mudane hab tabintaada iyo fakirkaga qurxon sida aad noola wadagatay waana arrin in badan aan is weydiinayey laftigaygu oo niyadeyda ka guuxaysay.
    Siyaasiyinta si daado kalaa ee meesha dheer wax kafiirsha alle hanoo badiyo.

    ReplyDelete
  32. Aad iyo aad u mahadsan thy mudane
    Talo muhiim ah oo wax ka badali karto fekerka qaldan ee aan dhexdeena kala aaminsanahay kan is qarxinaya iyo mid oow qarxinaayo waa isku dhiig isku dhaqan marka hadii aan dhaxdeeda goaansan laheeyn in aan u tur jiilka cusub ee mustaqbalka waan ka guuleysan laheeyn mugdiga dhaxdeena ah ee shisheeyuna nagu kala geeyay

    ReplyDelete
  33. Waa sidaaa wasiir aan heshiino ama dagaalano waxba uma dhaxeeya labaas. Mise........?

    ReplyDelete