Total Pageviews

Saturday 16 May 2020

Wareysi Meles Zenawi - BBC 2008


Wareysiga Meles Zenawi waxay BBC daabacday Isniin 25 Febraayo 2008. 

2008 dagaal kulul oo lagu hoobtay, in badanna barakiciyay ayaa ka socday Koofurta Soomaaliya siiba caasimadda, Muqdisho. Wuxuu u dhexeeyay ciidammada Ethiopia iyo kuwa Dowladdeenna oo dhinac ah iyo ciidammada Muqaawamada oo ay Maxkamadaha oo Shabaab ka mid yahay ay ugu abaabulan yihiin.

Ethiopia oo intii uu dagaalku socday aan oggolaan wareysi, walibana aan maqli karin BBC, siiba Laanta Soomaaliga ayaan fursad u helay in aan tago oo aan la kulmo madax sare oo u badan Arrimaha Dibadda. 

Ugu dambeyn, waxaan fursad u helay in aan xafiiskiisa ugu tago oo aan wareysto Ra’iisal Wasaarihii xilka hayay, Meles Zenawi.

Waraysigu sidan ayuu u dhacay sidan:


YG: In ka badan sannad ayaa laga joogaa markii ciidammada Ethiopia ay galeen Soomaaliya. Maxaad hadda ku qiimeyn kartaa xaaladda?

Meles: Runtii, xoogaa sawir isku jir ah. Marka aad dhinac ka eegto, midowgii maxkamadaha islaamka oo ay hogaaminayeen kooxo aad loo yaqaano oo xiriir wanaagsan la leh al-qaeda, oo ku hanjabay in ay Soomaaliya oo dhan qabsadaan, oo jidaahdna ku dhawaaqay ka dhan ah Ethiopia, iyaga oo ku talo jiray in ay isku ballaariyaan geeska Africa oo dhan, hadda kooxdaasi ma jiraan oo Soomalaiya ma maamulaan, taasina waa guul la gaaray.

Waxaa horumar laga gaaray dib u heshiisiin dhex marta Soomaalida dhexdooda, taas lafteedu waa guul. Hase yeeshee, dib u dhiska dalka Soomaaliya wuu ka gaabiyay sidii aan filaynay. Waxaana wali jira qaybo yar yar oo canaasiirta Shabaabka ah oo ku sugan Soomaaliya. Walina waxaa jira hab horseeday in wada xaajood ay yeeshay qabaa'ilada Soomaalida ah dhexdooda.


YG: Sida muuqata kuma qanacsanid waxa ilaa iyo hadda qabsoomay. Xaggee dhibaatadu ka socotaa ma dhanka Ethiopia miyey ka socotaa mise dhinaca dowladda Soomaalida?

Meles: Arrinta muhiimka ah, waxay tahay in dhibaatada Soomaaliya ay tahay mid qoto dheer, ayna socotay muddo aad u dheer, oo xal deg deg ah lagama gaari karin. Waa ay caddayd in waqti ay qaadanayso iyo dadaal badan. Marka taas ayay ahayd sababta ugu wayn ee aan ugu malaynayn in horumarku uusan yahay mid cajaa'ib ah ama sidii aan filaynay.


YG: Raiisal Wasaare, dad badan oo na dhegeysanaya wax xiriir ah lama lahayn Maxkamadaha, siyaasadma kuma jiraan. Dadkaas waxaa saameeyay dagaalkii dhacay markii ay ciidammada Ethiopia soo galeen Soomaaliya - gaar ahaanna Muqdisho. Dadka qaar way ku dhaawacmeen, qaar dad baa uga dhintay, qaarna way bara kaceen. Maxaad u sheegi kartaa dadkaas?

Meles: Sida cad, waa arrin aad aniga iyo dowladayduba aan uga murugoonayno in dad aan waxba galabsan ay ku waxyeeloobeen dhinacyada is haya dhexdooda. Sida cad ma aha in aan horay u sii oggolaanay in dad rayid ah wax la yeelo. Balse marka dagaal uu ka dhacay goobaha dhisan sida magaalada Muqdisho, marka cadowgu uu si ula kac ah ugu dhuumanayo meel ay dadku ku badan yihiin, oo ay goobahaas ka soo tuurayaa bambooyinka gacanta iyo hoobiyayaal, si kastoo aan isugu dayno in aanan dad rayid ah wax u gaysan mar mar way dhacaysaa in dadkaas oo aan loogu talo gelin ay dhibaato soo gaarto.

Marka ugu dambaynta waa murugo ah in qaar ka mid ah argagixisada caalamiga ahi ay go'aansadeen in ay ka faa'iidaystaan burburka dalkii Soomaaliyeed, oo ay isku dayaan in ay xasilooni daro ka abuuraan gobolka oo dhan.

Iyaga oo burburiyay Soomaaliya, kuma aysan qanacsanayn ee waxay ku talo jireen in ay burburiyaan geeska Afrika oo dhan.

Dadkan waxay ku dhawaaqeen iyaga oo Muqdisho jooga si cad oo ku celcelis ah in ay Jihaad la galayaan Ethiopia iyada oo aanay cidina daandaansan. Ujeedadoodu waxay ahayd in ay jahawareer ka abuuraan geeska Afrika oo wixii  ay Soomaaliya ka faleen ay ka sameeyaan gobolka.

Marka waxay ahayd qorshaha xun ee kooxda tirada yar ee abuuray khilaafka ee keenay in dadka rayidka ah ee Muqdisho ay soo gaaraan dhibaatooyin isugu jira, dhimasho iyo burburka hantidooda, taasoo oo ah mid laga qoomammeeyo.


YG: Dad siyaasiyiin ah ayaa jira, oo aan xumaan u dan lahayn, laakiin aamminsan in Ethiopia waxa ay sheegeyso aanay ka dhab ahayn ee ay siyaasad u qarsoon ku socota. Waxayna mar walba dhaleeceeyaan faragelinra Ethiopia iyo waxa ay Ethiopia ka damacsan tahay Soomaaliya. Maxaad ku qancin kartaa in waxa aad sheegeyso ay kaa dhab yihiin?

Meles: Marka ugu horaysay, waxaan filayaa in loo baahan yahay in aan xaqiiqada si saxa u dhigno. Annagu ma faragalin ilaa laba arrimood ay dhaceen. 

Marka ugu horaysay waxaa jiray ku talogalka cad ee ka soo yeeray canaasiirta Jihaad doonka ah ee ku jiray Midowga Maxkamadaha Islaamiyiinta, oo ku dhawaaqay dagaal ay Ethiopia ku qaadaan. Annagu dagaal kuma qaadin, iyagaa dagaal ku dhawaaqay. Qarsoodi ma ahayn si cad ayay ugu dhawaaqeen oo muuqata. Hal mar oo kaliyana kuma aysan dhawaaqin ee si joogto ah ayay ugu dhawaaqeen.

Waxaan ka jawaabaynay dagaal si ku celcelis ah ay noogu caddaysteen dad uu ka mid yahay Daahir Aweis. Waa arrin diiwaanka si cad ugu jirta. Ma aha wax aan annagu abuurnay, mana aha quraafaad aan iibinayno. 

Marka labaad, iyada oo daandaansigaas uu jiray ma aanan faragalin karin ilaa iyo inta ay Dowladda caalamku aqoonsan yahay ay naga waydiisanayso in aan caawinno.

Annaga kaliya ma ahayn kuwa aqoonsaday Dowladda Federaalka ah ee KMG-ka ah ee Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa aqoonsaday, Jaamacadda Carabta ayaa aqoonsatay, Qaramada Midoobay ayaa aqoonsaday. Dowlad sidaas loo aqoonsan yahay ayaa nagu casuuntay in aan gudaha u galno Soomaaliya.

Hadaba waa in arrimahaas la tixgaliyaa marka la eegayo faragalintayada. Annagu waan ku celcelinnay. Waxa ugu dambeeya ee aan doonayno in uu yahay dagaal. 

Dagaal lala galo Soomaaliya, dagaal lala galo Kenya, Sudan, Djibouti, Eritrea, waa waxyaabaha aan doonayno in ka uga hortagno oo aanay dhicin si kastoo ay ahaataba.

Waa la inaku qasbay. Annagu ma doonayn in aan halkaas galno. Waxaanna doonaynaa in aan ka soo baxno marka aan helno fursadda ugu horaysa ee macquul ah. 

Waxaan ku celcelinayaa marka ugu horaysa ee ciidamada midowga Afrika ay soo dhamaystirmaan, ma sii joogayno halkaas. Ma jirto faa'iido aan ka helayno khilaafka magaalada Muqdisho. 

Wax aan ku qanacno ma aha in aan dilno Soomaali. Oo saddex milyan oo Soomaali ah ayaa Ethiopia ka mid ah. Qaar badan oo ka mid ah Dowladda ayay ku dhow dhow yihiin, waxba kama helayno in aan lumino walaalaheen iyo wiilasheena ku jira ciidamadeena ku sugan magaalada Muqdisho. Waxba kama helayno. Sababta kaliya ee aan ugu jirno Muqdisho waa in halis nooga timid magaalada Muqdisho iyo in ay na casuumeen wakiilladii dadka Soomaaliyeed.

Sidaa darteed waxaan u xaqiijinayaa dhamaan Soomaalida shakiga ka qabta ujeedooyinka mudada dheer ee Ethiopia. 

Ethiopia ma doonayso in ay ka qaybqaadato khilaafka Soomaaliya nooc kasta ama qaab kasta oo uu yahay. Ma doonaynso in ay faraha la gasho khilaaf noocuu doono ha ahaadee ka jira wadamada deriskeeda ah ama in ay iyadu khilaaf la gasho deriskeeda.

Dhaqankeenna ayaa si cad u qeexaya ujeedooyinkeena sida haddii aad eegto arrinta Eritrea. Ethiopia waxay ahayd waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada madax banaanida Eritrea. Siyaasaddaas ayaanan ilaa markaas ku dhaqannaa.

Sudan waxaan la leenahay xiriir derisnimo oo aad u wanaagsan. Siyaasadeena Djibouti xiriir wanaagsan oo derisnimo ayaan la leenahay iyo Kenyaba. Waxaan doonaynaa sidaas oo kale in aan Soomaaliya ula dhaqanno. Waxaan damacsan nahay in baal cusub u furno xiriirka Ethiopia iyo Soomaaliya.


YG: Dad ayaa sheega in aan Ethiopia aanay weligeed ciidankeeda kala soo noqon doonin Soomaaliya. Maxaa ka jira warkaas?

Meles: Waa been aanay waxba ka jirin. Waa been aanay waxba ka jirin, waxaa la hubaa in ciidamadayada aan kala soo baxayno Soomaaliya.


YG: Goorma?

Meles: Hadii ciidamada Midowga Afrika si buuxda loo geeyo, tusaale ahaan todobaad gudihiis haddii la soo dhammaystiro, todobaad ka dib waan ka soo baxaynaa.


YG: Dowlad cusub ayaa Soomaaliya ka dhalatay, taas oo u muuqata in siyaasaddeedu ay ka duwan tahay tii ka horreysay. Dowladdan cusub sida ay sheegtay siyaasaddeedu waxay ku saleysan tahay dib u heshiin. Waxayna ku baaqday wadahadal laga wada qeyb galo. Sideed u aragtaa?

Meles: Waxaan taageeraynaa dib u heshiisiin dhexmarta Soomaalida gudaheeda. Taas ayaa ah waddada kaliya ee horumar lagu gaari karo. Sida cad waxaa jira shaqsiyaad yar oo aan xisaabsta ku jirin oo doonaya dad badan oo aan Soomaali oo kaliya ahayn, oo Ethiopia ay raadinayso iyo bulshada caalamka oo dhan, nidaamka Qaramada Midoobay oo dhan, balse Soomaalida kale waxaan filaynaa in si wanaagsan ay xal uga gaari karaan khilaafkooda, oo nabad ay ka dhaliyaan Soomaaliya ka dibna ay deriskeeda nabad kula noolaato, ma arkayno sabab loogu guuldaraysan karo taas.

Si aad ah ayaan u soo dhowaynaynaa dadaalka loogu jiro dib u heshiisiinta lala galayo kuwa ku sugan dibedda iyo gudaha Soomaaliya. Waxaan dareensan nahay in dib u heshiisiinta ugu muhiimsan ay tahay in ay dhexmarto qabaa'ilada kala duwan ee ku sugan gudaha Soomaaliya ee aan waligood dibedda uga bixin ee aadka u doonaya in ay noloshooda ku noolaadaan Soomaaliya. Kuwaas oo caado u leh in ay murankooda ku xalliyaan si nabad ah, wadaxaajood iyo wadahadal, kaas ayaa ah qaabka dib u heshiisiineed ee muhiimka nala ah.

Balse saas looma xaddidayo ee waxaa ku jira kooxaha doonaya in ay nabad wax ku raadiyaan oo ay oggolaadaan Dastuurka Dowladda KMG-ka ah. Dowladdu waa in ay la xiriirtaa oo ay wadaxaajood la gashaa, fikraddaas ayaan filayaa in ay wanaagsan tahay.


YG: Qaar ka mid ah mucaaradka ayaa aamminsan in aan dowladdani iyaga heshiis la geli karin. Sababtana waxay ka dhigayaan in aan dowladdu u talin ciidammada Ethiopianka ah ee dalka jooga. Maxaad marka ku qancin kartaa dadka sidaa qaba?


Meles: Marka ugu horaysa ee Soomaalidu dhibaatadooda xaliyaan, waan kala qaybgalaynaa dabbaaldeggooda. Kalama qaybgalayno wadaxaajoodka. Ma aha shaqadeenna. Waa howl u taalla Soomaalida. Balse aad baan u soo dhowaynaynaa dadaal kasta oo Soomaalidu u gasho sidii si nabad ah ay khilaafkooda ugu xallin lahaayeen, isla markaaba annagu si la mid ah bulshada caalamka waan soo dhowaynaynaa, waanan taageeraynaa.


F.G.

Maalintii aan wareysigan qaaday, 12-kii bilood ee xigay Soomaaliya waxaa ka dhacay isbeddello waaweyn oo qaarkood aan marka ay dheceen ka hor aan la suureysan karin.

Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf ayaa is casilay. Labadii dhinac ee dagaallamayay ayaa ku heshiiyay Djibouti. Baarlamaanka oo hore laba ugu kala jabay ayaa isu soo noqday. Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed ayaa la doortay. Waxaa xilkiisii waayay Ra’iisal Wasaare Nuur - Cadde. Waxaa beddelay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Waxaa dalka ka baxay ciidammada Ethiopia.

43 comments:

  1. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
    Replies
    1. This comment has been removed by the author.

      Delete
  2. Mahadsanid mudane

    ReplyDelete
  3. cid kasta ee hadashaa waxay naga gar helaysaa markay tiraahdo adinku arimihiina xallista.
    duqsigaa ku daga xeeradaan dabaqu saarnayne.

    ReplyDelete
  4. Nabsiguratay goor aan gutaba waana iigodob cadow soomaaliyeed buu ahaa

    ReplyDelete
  5. Meles inkastoo aan la ogeyn wixii uqarsanaa hadane Qaabka uu Su'aalaha uga jawaabay waxay umuuqatay qaab lagu qanci karo balse Soomaalida waxa uu uhaa Cadow aan Danahooda kashaqeyneyn.

    ReplyDelete
  6. MashaAllah Waxaan Ka Faaiiday Wax Badan Oo Cidi Iiga Shekeyn Doonin Alle Haku Sharfo Mudane Yuusuf Garaad Cumar

    ReplyDelete
  7. Waan ka xumahay iyadoon lagu maxkanadayn isaga iyo calooshii u shaqaystayaalkii la socday in madaxdoodu baqtiyeen.

    Isaga iyo cidii soo horkacdayba alaha cadaabta isugu geeyo.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Aamiin. Cadow soo jireena iyo dabadhilifyo soo horkacy ayey ahaayeen. Naarta kuwaara dhamaantood

      Delete
  8. Waraysi xaas xaasiya weeyaan runtii
    Yuusuf Garaad suxufi ruud cadaaya

    ReplyDelete
  9. Waa qor arimo badan o Somalia usahlayay iney Dib u kabato meles inkastoo uu aha cadawga koowad ee Somalia hadane si wacan bu u hadlay

    ReplyDelete
  10. Doodkasta waxay ku dhammaanaysaa, haddii khilaaf keena aynaan xalinkarin kama jawaabi karno su'aalaha malez iyo shisheeye kale toona, waayo cidkasta waxay nagu dhangadaynaysaa khilaaf dhexdeena.

    ReplyDelete
  11. melas hogaamiye adag buu ahaa, soomaalina cid xoog kuma haysan karto Ethopian naftirkooda og sxb

    ReplyDelete
  12. Wadan walba dan ayoow leeyaha, waxqarsana maaha lkn wxaa iicadaatay:

    In dhibkii kadhacay Muqdishoow aay sababteeda lahaayeen dad aan ka fikirin wxa dhicidoona iyo awoodooda, waa sax oo Ethiopia Dhib waa gaysatay lkn iskama imaan ee kaalaya aa ladhahay.
    In caqabada uguwayn ee aan ku hana la'naha Dowladnimadeenii aaytaha sabab aan leenaha anaku cidkalana inaan ku eedaynaa eeytaha wax aan macquul ahayn

    ReplyDelete
  13. Wareysiga waxaa layeelatay ,xili qoryaha Wa way magalada muqdishu lagu duqeynayay, ma hilmaami karayo xabashida sida u galeen caasimadda ummadda Somaliyed
    Wlh dhibaato xooggan xag maskixiyan iyo jir ahaan baa dhibaato Innaga so gaartay duqeymahii arxanka darnaa from xabashida.

    ReplyDelete
  14. Ethiopia Iyo Cid Kasto Somalia Lugaha Laso Gasho Waxaa U Keeno Somalia Faasul Cabdalla Iyo Al Amriiki Iyo Boqolaal Kle Argagixiso Ah Ayaa Dalkeena La Keenay Kuwaas Ayaa Na Dhibaateyy Ilaa Hada Anaga Is Dhibaateno Oo Heshiis Naga Dhaxeen Dowlada Hada Jirto Qaabke Ula Macaamileso Ethiopia Waa Qaab Qaldan Danahana Somalida Markasta Ayaga Wax Iska Qaldaan Oo Aan Iska Dhigin Dad Madax Banaan Waana Nasiib Daro Weyn

    ReplyDelete
  15. Wa wareysi aad muhiim ugu aha umada somaliyeed, manta kahorse ma maqal wane kaaga mahadcelinayaa mudane. Balse wxa xaqiiq ah dhibkasta oo dhacay iney aad usameysay shacabka somaliyeed allaha u naxaristo inti dhimatay. Waxan axasusta malin aan ka cararayay ciidanka Ethopia markasne kusugnaa magalahada Balatweyne in mid kamid ah ciidanka Ethopia inu shamshutar ku toogtay Aabo somaliyeed oo ii jiro 20 tilabo allaha unaxaristo.

    ReplyDelete
  16. Mahadsanid mudane. Hadal gar ah buu ku hadlay wixii u qarsan ma garan karno, qasaaro walba ciidamada itobiyanka u geesteen dadka somaliyed mas'uuliyadeeda waxa leh cidda ku baaqday jihaadka itobiya lagu qaadayaa, dadkas qaar kamid ah xilal sare aye ka qabteen dalka balse waxan rajeyna in maalin uun cadaalad la hor geen doona oo wax waliba qasaaro ah ciidamada itobiyanka geestay iyaga lagala xisaabtami doona.

    ReplyDelete
  17. Aad ayaad umahadsanthy mudane wareysi aan wali maqal lkn maanta wax badan oo maankeyga ka guuxayay aan ka dhuuxay

    ReplyDelete
  18. Waraysi wakhti iyo waayo cajaa'ib ah weeye runtii. Ninkii bidaarta lahaa nin fiirsasho badan oon dan soomaaliyeed wadin laakiin dan Itoobiya Deyr kasta u jiidhi buu ahaa.

    ReplyDelete
  19. Aad baan ula dhacay wareysigaa @Yuusuf gataad iyo Meles dhexmarey

    ReplyDelete
  20. Waraysigaan bbcda ka dhagaystay anooo fasax u jooga baadiyaha galkcyo barigaas waxaan ku hamin jiray inaaan warye waraysi adag noqdo sida yusuf

    ReplyDelete
  21. Mahadsanid Mudane Yusuf Garad. Soomaalideena annaga ayaa dhexdeena sartu ka quransantahay mar waliba.

    ReplyDelete
  22. Waa waraysi aad u U Wngsn

    ReplyDelete
  23. Wax kasta oo nagu dhaco angaa u sababa. Ilaa hada dalku waxaa ku dhagan oo la socon la yahay siyaasi wadamo shisheeye ku tiirsan si uu u fuliyo hamigiisa gaaban iyo tooda ah Soomliya yeeysan soo kici. Alle waxaan ka baryeeynaa kuwo noo daacad ah oo fikir cusub la yimado. Thanks mudane.

    ReplyDelete
  24. Hadii Ciidanadii Ethiopia baxeen xagee ka yimaadeen kuwa hada jooga Gedo, Bay, Bakool, Gobolada dhexe?

    ReplyDelete
  25. Almost 80% of his talk was about “Somalidu iyagu dhexdeeda ha heshiiyaan”.....which means xalka ethiopa waxuu ku jiraah somalidoo heshiisah

    ReplyDelete
  26. Waxa aan u arki jiray ninkaa isaga ah cadaw Soomaali in ay degto waligeed aan rabin. Soo gelidda uu Soomaaliya soo geliyey ciidamadiisa iyo sidii arxan darrada ahayd ee shacabka Muqdisho loo gumaaday waxay ahayd mid taariikhda gashay. Mana filayo in ay tahay mid si dhib yar lagu ilaawi doono inta qof ka noolyahay dadkii si uun uga war hayey wixii berigaa dhacay.

    ReplyDelete
  27. Meles wuxuu ahaaba mid Ka daran oo afku malable uurku mariidle ah ayaa yimid hada

    ReplyDelete
  28. Mahadsanid mudane Ex wasiir Yusuf garaad
    Ugu horeyn waxaan ka faaiday waxbadn oo anan hore u ogeyn...
    Si taas lamida shaqsi waliba oo somalia waxan shaki kaga jirin in Ethiopia tahay cadawga somaliyeed....si walbey umuujiso sxbtinimo Iyo ixtiraam hadana danta qarsoon lama ogaan karo. ( danta dahsoon Waa dilaa dahsoon)
    Dhaman jwbaaha meles waxaa iiga muuqdo in uu aad kaga taxadaryay

    ReplyDelete
  29. Wareysi xiiso leh oo waayihiisa ku beegnaa runtii

    ReplyDelete
  30. Mahadsamid midane wasiir Aad baan kaaga mahadcelinayaa sida wacan oo aad mar walba xogta loona wadaagto

    ReplyDelete
  31. Mar kasta oo aan akhriyo qoraaladaada waxbaan ka bartaa mahadsanid in badan
    Rabbi jannada hoygàda ha dhigo wxaa tahay qof in lagu daydo mudan

    ReplyDelete
  32. Wariye Ruug cadaa ah Yuusuf Yuusuf Garaad Cumar waraysi miisaan weyn leh ayaad la yeelatay Males inkasta oo aan tabayo suaalo ay ahayd inaad weydiiso, waxase isku fuuqsaday wax kasta arimahu Somalida ayey u taalaa waana hadalka ay isku raacaan dhamaan madaxda aduunku

    ReplyDelete
  33. Sida Melis uu suaalaha kaaga jawaabay waxaa la isdhihi Karaa waa Macquul Balse Wixii qurxoon Alle unbaa og

    ReplyDelete
  34. Malez Ma runbaa in uu afka Somaliga ah yaqiin

    ReplyDelete
  35. Yg, xaqiq waxad tahay ruux howl kar ah oo waqti iyo howlkarnimo muujiyay
    Balse aniga marna ma aamino cadawgayga
    Malez wuxu ahaa nin somalideena said u yaqaan sida u jawabaha u bixinayay wa midi media ha blse waxa mogadisho ka geysteen ethiopia wa mid u eg aar-gudasho iyo xad-gudub cad aheyd

    ReplyDelete
  36. Thanks masuul qoralkadu waxaw hormar wayn siinayaa Dhalinyarada somaliyed oo aan qayb ka'ahay una suurta galin inay helaan xogtaanoo kale.

    ReplyDelete
  37. Waxa ka dhab ah milles warkiisa alle unba ogaa!

    ReplyDelete
  38. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  39. Mudane wasiir aad baan kaga mahad celinayaa warbixinta aad nala wadaagtay
    Ka siyaasi ama suxufi ahaan sidee buu kuula muuqdaa go'aanki xilligaas ethiopia ay soomaaliya ku soo gashay sharcinimadiisa dawlad ku meel gaar ah se awood ma u leedahay in ciidamo shisheeye wadanka soo galiso kuwaas oo qaybo shacabki ay wakiil ka ahayd qaybo ka mid ah wax yeelayo ama dhibaataynayo mahadsanid

    ReplyDelete