Total Pageviews

Thursday 28 May 2020

Prof. Caruush, Hormuudkii Jiyoolojiya. Allah ha u Naxariisto

Allah ha u naxariisto Prof. Maxamuud Cabdi Caruush. Wuxuu muddo dheer Hormuud ka ahaa Kulliyadda Jiyoolojiya ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Xanuun in muddo ah hayay ayuu u geeriyooday isaga oo jooga Canada.

Marka aan Jaamacadda galay, Prof. Caruush wuxuu ahaa Hormuud. Markaa si buuxda uma qiimeyn karo, laakiin inta aan aqaannay ayaan sadarradan ku soo koobayaa.

Prof. Caruush wuxuu wax ku bartay dalalka Talyaaniga iyo Mareykanka. Wuxuu hadda iyo sannado hore oo badanba ka shaqeynayay Waxbarashada Soomaaliya. 

Wuxuu ahaa nin saaxiibbo badan ku leh dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Wuxuu ahaa dal yaqaan aad ugu safray gobollada Soomaaliya maaddaama ay shaqadiisu ahayd biyaha iyo macaadinta.

Waxaa kale oo uu ahaa nin wax ku bartay ama degey kana shaqeeyay dalal dibadda ah sida Kenya, Italy, Germany, Canada iyo Mareykanka.

Inkasta oo markii iigu horreysay ay howli na dhex martay aniga oo Radio Muqdisho ka socda sannadkii 1983, haddana Maxamuud waxaan is barannay oo wada shaqeyn kooban ay na dhex martay markii aan Guddoomiye u noqday ardayda Kulliyadaha Gahayr oo ay Jiyoolojiya ka mid ahayd.

Ka sokow in aan isugu nimaad matalaadda xuquuqda Ardayda iyo munaasabadaha Jaamacadda, waxaan ka amaahan jirnay gaadiid aan mararka qaar ku tagno Marka, Jannaale iyo meelo kaleba. Waayo Kulliyadda Jiyoolojiya waxay lahayd baabuur u badan jeeb [jiib] oo ay ardayda iyo Macallimiinta Jiyoolojiyada adeegsadaan marka ay safar cilmi baaris ah ugu baxayaan Buuraha.

Prof. Caruush, waa Koofilaha labaad
Intii aan Jaamacadda ardayga ka ahaa, Prof. Caruush wuxuu ka mid ahaa mas’uuliyiintii ardayda qaar u kaxeeyay Taliska Qeybta 21-aad ee Xoogga. Waa barnaamijkii loo bixiyay Mataaneynta Qalinka iyo Qoriga.

Isaga oo ka yimid Jarmalka, oo la shaqeynaya Hey’ad Jarmal ah ayuu Prof. Caruush ka mid ahaa kooxdii qabanqaabisay shir aqoonyahanno Soomaaliyeed loogu qabtay Iskuulka SOAS ee Jaamacadda London sannadkii 1993. Waxay ahayd markii aan dib isu helnay qaxii ka dib.

Xilligaas ilaa iyo hadda, howlo hadba nooc ah oo u badan xagga samafalka iyo cilmi baarista Soomaaliya ayuu ku lug lahaa.

Sidii uu dalka dib ugu soo laabtay wuxuu sannadahaan dambe ka shaqeynayay mashruuc Waxbarasho. Magaalooyinka uu ka shaqeyn jiray waxaa ka mid ah Hargeysa, Marka, Muqdisho iyo Nairobi.

Dhaqan iyo Dabeecad

Prof. Caruush wuxuu ka soo jeedaa qoys reer Marka ah oo wax bartay shaqo wanaagsan oo u badan waxbarashada iyo samafalka ka qabtay dalka welina ka wada. Walaashiis Xaliimo waxay ahayd Macallimad ka dibna waxay noqotay Maamulaha Dugsiga Xaawo-Taako,  waxayna ahayd Maamulayaashii haweenka u horseeday in ay Iskuul madax ka noqdaan.

Xilligii burburkana waxay iyada iyo walaasheed, Istarliin Caruush, ay xilli adag dalka ka fuliyeen howl samafal ah oo aan weli istaagin.

Waxay culeyska saareen sugidda xuquuqda iyo daryeelka gabdhaha iyo haweenka iyo hub ka dhigidda malliishiyaadka ayada oo tababbar xirfadeed loogu beddelayo.

Marxuumka walaalkiis Maxamed Cabdi Caruush, isaguna wuxuu ahaa Macallin Jaamacdeed oo wax ka dhiga Kulliyadda Daawada iyo Xanaanada Xoolaha.

Waa qoys soo saaray Wasiirro heer Federaal, heer Dowlad Goboleed, Safiirro, Samafalayaal iyo aqoonyahanno kale oo badan. 

Allah ha u naxariistee wuxuu ahaa reer magaal ciyaal Marka ah oo kaftan badan. 

Prof. Caruush waxaan sagaashamaadkii weydiiyay haddii uu wareysi naga siin karo waxa uu ka og yahay cilmi baaristii batroolka Soomaaliya iyo macaadinta kale ee dalka ku jirta.

Wuxuu ii sheegay in Soomaalidan hadda ku dagaalsan dhul aanay macdan ku ogeyn aanuu diyaar u ahayn in uu ku yiraahdo 'gobol hebel ayaa lagu tuhunsan yahay in shidaal ku jiro'.

Aqoontiisu kuma koobneyn biyaha, dhagxaanta iyo macaadinta keliya.  Wuxuu ahaa taariikh iyo dhaqan yaqaan dalka aad ugu safray una fiirsaday bulshadeenna. 

Wuxuu xiisa gaar ah u hayay ururinta taariikhda Soomaaliya ee xilligii gumeysiga iyo ka dib. Qoraallo badan oo qaarkood uu yahay dokumenti rasmi ah ayuu dhex maray. In badanna wuxuu la sheekeystay odayaashii hore.

Wuxuu jeclaa in uu fahmo kala duwanaashaha fekerka iyo dhaqanka bulshada ee ku saleysan degaanka. Siiba farqiga xoolo dhaqatada iyo kuwa beeraleyda ama kalluumeysatada ah. Taasi waxay la gashay xataa qoyskiisa iyo ilmo adeerradiis oo ka kooban reer Banaadiri ciyaal Marka ah iyo reer Gobollada Dhexe. 

Annaga oo Nairobi joogna, wuxuu maalin igu yiri, 'ina adeerkey reer Marka ah haddii aan weydiisto kun shilin, uma baahni in aan u sheego in ay deyn tahay. Sababta oo ah wuu og yahay in aan deyn ka hadleyno'. 

Wuxuu ku daray, 'ina adeerkey ka yimid Gobollada Dhexe wuxuu aamminsan yahay in aan wax wada leennahay, taas  oo ay ku jirto hantidiisa iyo teyduba marka uu midkeen u baahdo midka kale'.

Waxaa kale oo uu jeclaa in uu fahmo waxa uu qofka Soomaaliyeed is moodo, ee ku saleysan qabiilka. Dhankaas waxaad moodday in isaga oo farsamo cilmi nafsi ah adeegsanaya uu isku dayo in uu fahmo oo fasiro sababta qofku aanuu sheegay laakiin ka yeersiisay oraah ama ka keentay ficil uu sameeyay. 

Halkaas waxaa ka dhalan jirtay dood ku saleysan fahamka waxa aan muuqan ee qof ku sababay in uu u dhaqmo sida muuqata.

Prof. Maxamuud Cabdi Caruush wuxuu ahaa nin saaxiibbo jecel, sheekoole ah, dhegeysta sheekooyinka, macaammil wanaagsan, qunyar socod ah oo aan dadka dulmin.

Aniga wuxuu ii ahaa saaxiib aan jeclahay oo marka aan arrin ka sheekeysanno inta badan iga tusa dhinac iga dahsoonaa ama aanan hore u siin miisaanka ay leedahay.

Xaalad kasta oo adag oo dalku ku jiro ama qof saaxiib ah la soo gudboonaata, Prof. Caruush wuxuu ahaa nin u fekera si horusocod ah oo rajo abuuri karta.

Xagga siyaasadda mar kasta oo ay dhacdo in aan arrin siyaasadeed isla soo qaadno aragti ayuu ka lahaa, mararka qaar adag. Laakiin ma xusuusto isaga oo siyaasad ka hadalkeed ummadda la soo hor istaagay.

Hadda oo uu geeriyooday, waxaan qabaa in aan ku samirno, uguna duceyno in Allah Jannada ugu bishaareeyo.

Annaguna aan murugada isku illowsiinno in aan is xusuusinno waxqabadkiisii iyo farxaddii uu ku noolaa.

Waxaan u tacsiyeynayaa Marwadiisa Xaawa Ibraahim Camalow iyo carruurtooda.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa reer Cabdi Caruush, gaar ahaan Faadumo, Khaiijo, Xaliimo, Prof. Maxamed, Wasiir Naasir, Shiino, Bashiir iyo inta aynaan is aqoon iyo dhashooda oo ay ka mid yihiin Wasiir Deeqa iyo Hibo Yaasiin.

Waxaa kale oo aan u tacsiyeynayaa ehelka oo dhan iyo saaxiibbada ku dhowdhow ee tirada badan.

25 comments:

  1. Yusuf Garaad baad umahadsantahay.
    Awoowe Prof. Mohamud Abdi caruush Allaha u naxariisto, qabrigiisa allaha u waasiciyo, marti lajecelyhaay allaha ka dhigo anaga neh samar iyo iimaan allaha naga siiyo.
    Wlhi waa geeri aad u xanuun badaan.

    ReplyDelete
  2. Rabi ha u naxariisto walaalkeen naga faaruqay...

    ReplyDelete
  3. Aad baan kaga mahadcelinyaa aad ayan ujeclaystay maanta inad kahadasho taariqdisii dahabigaheed waana kadhargay.
    Ilahey ha'unaxriisto proff.carush inkastoon aanan aqoon uleheyn hadana waxn kagartaya inuu wanaagsanaa macalliminteyda geology-yada oo uu soo saaray hadana barayaal ka'ah jaamacada ummada soomaaliyed.
    Rabow naxriistii janaad sii.

    ReplyDelete
  4. Allaha ha unaxariisto professor Maxamed Caruush adiguna waad ku mahadsantahay qormadaan aad noo so gudbisay .

    ReplyDelete
  5. Yusuf Garaad waad ku mahadsantahay xuska iyo tacsida aad noosoo gudbisay. Allah ha u aqbalo ducada!

    ReplyDelete
  6. Faalo misaan leh fahmina karo qofka aqriya qofkoow ahaa prof mohamud abdi arush
    Alaha u naxaristo marxuunka ehelka iyo qooyskiisi
    Samar alaha naga siiyo mr yusuf garaad osmar grazie caro

    ReplyDelete
  7. So qurux badan ayad u dhigtay mudane waziir ALLAH ha naxariisto prof caruush

    ReplyDelete
  8. Allow kuu naxariiso wuxuu ahaa noole cajiib aadna howl kar u ah

    ReplyDelete
  9. Kitaabkiisa midigta Allaha ka siiyo

    ReplyDelete
  10. Aloow kuu naxariiso janatul fardowsana allaha ka waraabiyo samir iyo iimaan allaha idiin ka siiyo aamiin yaa rabi

    ReplyDelete
  11. Allah ha u naxariisto, Adiguna shukran qoraalka xasuus qorka ah

    ReplyDelete
  12. Alle ha u naxariisto Profka, Jannadana hoygiisa haka yeelo

    ReplyDelete
  13. Professor-ka allaha u naxariisto qabriga allaha u nuuriyo danbigiisa allaha dhaafo iyo danbi muslimiinba siraadka allaha u fududeeyo su'aasha allaha kuma dhibo inagana gadaashiis allaah nama fidneeyo
    AAMIIIN

    ReplyDelete
  14. Qabriga rawdatan min riyadil-jannah rabi ha uga yeelo. Qoyskii, qaraabadii iyo ummadda somaliyeed-na samir iyo iimaan rabi haka siiyo.

    Yussuf,abowow waxaad tahay nin wax-gal ah wax-badana og.si gaar ah ayaan u jeclahay maqaaladaada ku saabsan taariikhda dalka iyo dalka.

    Cimriga iyo carab-kaba rabi ha kuu barakeeyo.

    ReplyDelete
  15. Allaha unaxaristo marxumka

    ReplyDelete
  16. Allaha unaxariisto marxuumka qabrigiisana Allaha u waasiciyo aamiin

    ReplyDelete
  17. Mahadsanid Yusuf Garaad. Qof muhiima oo Soomaaliyeed marka uu naga baxo waxan soo eegaa bogaaga si an Taariikh u helo.

    ReplyDelete
  18. Allaha u naxariisto Professor Maxamuud Cabdi Caruush. Sabir iyo iimaanna Allaha inagasiiyo. Qowys kiisana illaahay sabir iyo iimaan Allaha ka siiyo.
    Brofesar ku waxa u ahaa aqoon yahan tayo iyo taclliin ba leh. Nin deggen oo dulqaad badan buu ahaa. Sagaalkii sano een jaamacadda ka wada tirsanayn isaga oo qoslaayo ma arag. Xilkas mustaqbalka uun eega buu ahaa. Hoggaamiye laga hor uman buu ahaa. Nin tartama oo tartanka ku guulaysta buu ahaa. Hormuudyada jaamacadda ka ugu da' yar buu ahaa. Nin reer Marka ah ayuu ahaa, hayeelshee kazoo jeeda Galmudug buu ahaa. Nin difcaddii ugu horaysa ee jaamacadda ummadda ka baxay buu ahaa. Nin qurbahana wax ku soo bartuu ahaa. Hormuudkii ugu horeeyay ee qandraas biyo soo saara oo caalami ah ku guulaystay buu ahaa. Nin Somali ah oo musllin ah buu ahaa. Allaha u naxariisto.

    ReplyDelete
  19. Somli Ecological Society International:
    Warfahassan@gmail.com

    ReplyDelete
  20. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  21. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  22. Thank you for share!!!
    Ratraco Solutions là đơn vị cung cấp dịch vụ: Vận chuyển hàng hóa đường sắt, vận chuyển ô tô bằng đường sắt, vận chuyển xe máy bằng tàu hỏa hay vận chuyển container lạnh cùng với đó là vận chuyển container đường bộ nhằm phục vụ đầy đủ và nhanh nhất các nhu cầu chuyển hàng của khách hàng hiện nay.

    ReplyDelete