Total Pageviews

Monday 16 June 2014

Lixdankii ayaan Xorownay


Kaana siib, Kanna Saar
Yusuf-Garaad

Soomaaliya waxay xorriyaddeeda qaadatay 1960.

Sax ilama aha in 2014 la yiraahdo waxaa la xoreeyay magaalo hebel? Oo waxaa xoreeyay ciidammada Ethiopia ama kuwa Kenya ama kuwa kale oo ay ka wada tirsan yihiin ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxay ila tahay weriyayaasha iyo tifatirayaashooda, siyaasiyiinta iyo diblomaasiyiintuba in ay marka ay xaaladdan ka hadlayaan ay ka dhowrsadaan adeegsiga ereyga “xoreyn”  oo ay doonaan eray uga habboon.

Malahayga waxaa la qaatay in la adeegsado ciidammada AMISOM ayaa Shabaab ka saaray magaala hebel.

Dalalka hadda la leeyahay ciidammadooda ayaa na xoreeeyay marka laga reebo Ethiopia waxaa dhammaantood xorriyadda uga horreysay Soomaaliya.

Halka ay Soomaaliya xorriyaddeeda gaartay 1960, Sierra Leone waxay xorriyaddeeda qaadatay 1961, Burundi iyo Uganda waxay xoroobeen 1962, Kenya 1963, Djibouti 1977.


Allaha u naxariistee Waddanigii Soomaaliyeed, Cabdullaahi Suldaan Timacadde, ayaa markii xorriyadda la qaatay 1960 ee weliba calanka Soomaaliyeed la taagay erayadiisii waxaa ka mid ahaa:

Soomaaloo calan taagta
Timacadde AUN
Saakay noogu horreyso
In sideyda tihiin iyo
In kalaanan saxaynine
Saddex wiig iyo maalmo
Haddaan soor cuni waayo
Safrad laygama yaabo
Sari mayso nafteydo e
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
An siduu yahay eego e
Kaana siib
Kanna Saar.

6 comments:

  1. Fadlan, ra'yigaaga nala wadaag oo halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. wa run inan xorownay 60 kii lakin suasha sakay taalo aya waxay tahay sakay somaliya ma xurbaa mise ? waxey kujirta gumeysi 4 gesood ah

    ReplyDelete
  3. Runtii waa fakar aad u fiican in badan aan nagu so dhicin..! waa qalad in xoreyn la isticmaalo waa in erayo kale la isticmaalo o ku haboon, lkn dhibka jira ayaa ah Wariyayaasheena maaha professional waxay rabaan ayayna iska sheegaan oo waxay u bahanyihin tababaro dheeri ah...

    Madaxda Dowladana badankood si aan ka fiirsi laheen ayay isaga hadlaan! si kastaba aad baan kugu raacsanahay fakarkaas Yuusuf.. waad ku mahadsantahay qorida maqaalkan qiimaha badan.

    ReplyDelete
  4. alia waxay xorowday 1 July 1960 somaliland na waxay xorowday 26th June 1960 xornimadu taas oo kaliya maaha hadii cadow ku gumaadaya aad iska kiciso qudheeda waa xornimo somaliland cadow ubad iyo hooyooyonkii gumaaday bay iska kicisay waa new freedom somalia waxaa qabsaday cadow la yidhaa all shaydan markay kici saba ama meel ka saaryo waa xornimo kale

    ReplyDelete
  5. Yuusuf xornimo iyo madax-bannaani ma isku mid baa? 60 kii waxaan qaadanay madax-bannaani. Taasi macnaheedu maaha inaan abid loo baahan doonin xoreyn ama dib-u-xoreyn. Ingiriisiga kolley independence lama macno aha liberation. Dalal madax bannaan sida Ciraaq ayaa Saddam laga xoreeyay (liberate gareeyay)
    Af-Soomaaliga, dabcan, adigaa aad iiga yaqaanna, laakiin bal ila arag.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Aniga, waxaan aamisanahay in aan xorownay markii aan qaadanay diinta Islaamka. Lixdankii waxaa innaga tagay dalal nagu soo duulay. Xornimo waxay timaadaa addoonsi kadib. Fadlan erey bixinta ha la saxa.

      Delete