Total Pageviews

Sunday 8 June 2014

Dhambaal iiga yimid Dhadhaab


Saaxiibkeey Jaamac
Yusuf-Garaad

Jaamac, oo ah wiil dhallinyaro ah oo aan saxaafadda bulshada saaxiib ku nahay ayaa ii sheegay in dhowaan laga soo qabtay Nairobi. Dhambaalkan ayuu iiga soo diray Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab. Farriinta saaxiibkeey Jaamac waxaan jecleystay in aan la wadaago Soomaalida, ka dib markuu sidaa iga oggolaaday. Waxba kuma darin marka laga reebo higgaadda oo aan saxay. Waxna kama reebin marka laga reebo qaar aniga shakhsi ahaan igu saabsanaa. Wuxuu yiri:

Mudane waad ku mahadsan tahay dhiiri gelintaada. Masiibo Qaran ayaa dhacday laakiin waxa lagaga bixi karaa Ilaahay oo aynu dembi dhaaf weydiisano iyo cafis.

Saaxiib anigu Dawlad Soomaaliyeed oo shaqaynaysa ma arag laakiin nasiib darro halaag baa dhacay, aan loo kala hadhin. Laakiin ku waari mayno oo ilaahay wuxuu sheegay in cadaab iyo janno uun lagu waarayo.

Dhibka ugu weyna dhalinta Soomaaliyeed buu ku dhacay oo jeelasha caalamka ka buuxa. Tahriib iyo badahana ku dhammaaday.

Anigu Nairobi baan college caalami ah ka dhiganayay, laakiin waa la I qabtay. Garoonka Kasaraani baa la igu xidhay. Xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa lay geeyey.

Dhibkaas i gaadhayna masuuliyiinta Soomaaliada ayaan dusha u saarayaa oo ah kuwo aan waddaniyiin ahayn, kana dhammaan la' khilaaf iyaga u dhaxeeya.

Saaxiib halkan kuma soo.koobi.karo sida uu dareenkaygu ahaa aniga iyo saaxiibbo badan 10/9/12 laakiin maanta rajadaydu ma wanagsana.

Saaxiib laakiin maxaa.hoggaamiyayaasha Soomaaliyed ugu wacan is qabqabsi, khilaaf iyo eexasho qabiil?

Danta guud iyo danta shakhsiga kee la horaysiiyaa?

Waxaa nasiib darro ah in labadii mas’uul ee.Soomaaliya ugu sarreeyey isku mashquulaan!

Iyada oo shacabkii Soomaaliyeed meel walba macaluul, abaaro iyo gaajo ku hayso. Qaarna qaxooti ku yihiin wadamo aan laga rabin, jeelasha caalamkana ay ka buuxaan.

Runtii shakhsiyaadka tirada yar ee xaalka Soomaaliya ee murugsan wax ka qaban kara ayaan aaminsanahay in aad ka mid tahay dhalinyaradana jaanis ayaad siin lahayd, waayo dhalinyaradu isbeddel dhab ah ayay keeni lahaayeen.

Been kuu sheegi maayo ee 7 dhalinyaro ah oo aan Muse Yusuf Secondry ka wada baxnay ayaa wiiggii ugu danbeeyey ku geeriyooday saxaraha Libiya iyo Suudaan.u.dhaxeeya.

Ilaahay quluubteena ha mideeyo. Ilaahay xaqa ha ina tuso.

Markaa saaxiib adigaa Soomaalidii hore iyo tan maantaba joogee maxaa sabab u ah waxan iyo dhibkan mise Somalidu weligeedba waddaniyiin ma’ahayn?

Inkasta oo gacmo shisheeye jiraan.
Ilaahay quluubteena ha mideeyo.

Haddii adiga uu kuu soo qori lahaa dhambaalkan, Jaamac maxaad ugu jawaabi lahayd? Fadlan Jawaabta hoos ku reeb.

Fasax ayay u yihiin Baraha Internetku, hadday doonayaan in ay sii daabacaan qormadan oo aan wax laga beddelin.

17 comments:

  1. Fadlan halkan ku reeb ra'yigaaga.

    ReplyDelete
    Replies
    1. jaamac dhibka soomaaliya ka dhacay ama ka jira looma kala harin kullingeen waxaan noqonay gacan ku dhiigle ama af ku dhiiglae ama niyad ku dhiigle ama diin ku dhiigle iwm waxa maanta na haystan waa musiibo nagu habsatay oon dhamaanten xilkeeda qadayno,salkana ku haysa qoloqolaysiiyo anaa kaa fiican iyo anaa kaa sarayn laysku haysto, soomaali wali ma bisla,inta qof walba oo soomaaliya intauu gaarayo inu dhaho guri walba oo soomaaliya ku yaal waa gurigayga geed walba waa kaan ku hoos dhashay howd walba waa kaan geela mirin jiray caduun walbana ariga ku raaci jiray qof walba wa walaashay iyo walaalkay dalka anaa iska leh hoooooy soomaali baan ahay inta ka horeysa taas waxan sheego maaqaan jara baridda xilayadu nagu wadaan aan u dul qaadano

      Delete
  2. Runti waa su'aalo Muhiim ah hadana u damqasho dareemayo qofki la waydiiyaa.. Aniga waxay ila tahay in dhibka looga bixi karo oo kaliya marki qof walba ee Soomali ah uu gartaa waajibka isga saran ee wadaniyadeed, sababto ah dad badan o Nairobi laga soo qab-qabtay waxay ku mashqulsanaayeen in ay kala taageeraan gobol lidi isku ah kana so horjeeda in daran qaran la gaaro, xaflado badan oo ururo kala duwan lagu aasaasayo lidini ku ah qaranimada ayaa Nairobi ka dhacay dad badan ayaana sacabka u tumayay!!! lkn manta marki dhibkan dhacay qof walba waa garowsaday in goboleysi ama Qabiil uusan waxba u qabin Karin.. kaliya danta qaran ayaa heer lagu gaari karaa.....

    Dhinaca kale waa in qof walba oo dhalinyaro ah oo ku fakaraa siduu naftiisa uga xoreyn Lahaa qabyaaladda iyo Qabiilka..

    uGu dambeyn waa in Jaamac uu dhistaa niyada rajadana aysan ka dhiman, hada meel fiican ayay maraysaa qarinimada waa ugub waana sii xoogeysan doonta sanadaha soo socda Ilaah idankiis..

    ReplyDelete
  3. Somalida wadaniyaal wey ahayeen wayna yihiin ee waxa dhiban noo keenaya yaa ah laba arimood , Koow Dalka Ethiopia oo cadowga koobaad ee somalida ah oo aan marnaba ogolayn in dalka somaliya dowlad awood leh ka dhalato , labo shaqsi walba oo somaliya kursi ka rabo in uu garab ka raadsado cadowganaga koobaad kaas oo ah ethiopia kadibna ay ethiopia dhah do dantadana noo fuli adigana kursigan iyo dhaqalaha inta time kada ah hayso kuna bashaal ,
    waxaan se uga bixi karnaa dhalinta somaliyed mel walba ay jogaan ba in ay banan bax weyn ku samayaan xarunat baarlamanka somaliyed una shegan dalka 23 ka sano waxa uu ka dagi la yahay in ay tahay dowlada ethiopia farahana kala baxdo arimaha somaliye dhulkanagana ay nooga baxdo ethiopia , kadib dad ka somaliyeed waa dad walaalo ah is jacel dhulkana waa naga badan yahay in aan tuka camaabaar leh ka dhigno shaqsiga hoos fariisto ama sadano ka radiyo dowlad aan ogolayn dantena iyo midnimadena iyo awoodeena iyo jiritaanka umada soomaliyeedba , mahadsanid

    ReplyDelete
    Replies
    1. soomaaliya umalen mayo iney sida ey hada tahay hadey kusii socoto wax hormar ah iyo isbadal iney gaareyso maxa yelay madaxda soomaaliaya aya ah kuwo aan wadaniyadaba ka dhaadhacsaneen oo dano gooni ah ku mashquulsan , kaliya waxan aamin sanahay iney soomaaliya kumidoobi karto dad is xilqaamay ama shaqsiyaad wadaninimo sax ah aaminsan iney iskudayaan iney lawaregan xukunka kadibna awood ay kumuquuriyan kii iskudayo hagardaamo iyo danashisheeye inuu wado kadibna kashaqeeyo waxbarashada dadkani hadey waxbartan ayaka wax qabsanaya nin shisheyana magu mesanayo

      Delete
  4. asc jaamac waa mahadsnatahay qormadaan qaliha ah
    yuusuf adiga waa ku mahadsantahay inaa noo soo gudbiso
    fikirkayga, somalida waxay ku maah maahdaa nimaan kuu furi doo nin yaanu kuu dhaamin,hal xaaraana nirig xalala ma dhasho,
    aan labo ulkala qaado
    1 dadadkii hore
    2 dadaka had jooga
    dadkii hore somaliyed waxay ahaayeen dad waxay rabaan yaqana waana kuwa na soo gaarsiiyey dowlad nimad haatan naga maqan,
    dadka hada jooga, waxan ku sifayn karaa damiir laawem yaal weliba waxaa ugu daran kuwa hada xukunka haaya ,waa hlka aan ka leeyahay hal xaarana nirig xalalaa ma dhasho nin ku yimid laaluush maxaad ka sugaysa oo aan ahayn inuu laluush ku shaqeeyo,kuwa hada talada dalka haya kama sugayno wanaag yaan lagu daalin aan hadaan nahay dhalinyarada soomaaliyed qaadano nidaamkii SYL dalkana aan ka xorysano cadawga gudaha ,yaan waxba lagu nmar marsiyoon wadamada deriska horta kuwa gudaha aan iska qabano
    weligay maa arkin intii madexwayne somaliya soo martaya burburkii kadin halmid oo ku shaqaynaya damiie somalinomo!!!!!

    ReplyDelete
  5. Asc somaliwayn waxa muhiim ah qof walba in uu ku qanco nulkiisa asgaana sharaf kuleenhay .

    ReplyDelete
  6. 1 waxa sabab u ah somalida oo dulmi weyn iska galaysa xasidnimona ka kow tahay ,jubuuti wa wadan jaar la ah somalia wixii la isku odhan jiray waxay xoriyadeeda qaadatay 1977 kii halka dalkii ugu horeeyay ee ka xorooba gumaysigu uu ka ahaa dalka la yidhaa somaliland taarikhdu maray ahayd 1960 26kii juun ayuu xorayadiisa ka qaatay greet british afar cisho iyado oo aaanay cidina ku qasbin midaw soomaliyeed ayaa shacabkii ku noola somali italy oo xor noqday 19960 july 1st ay la midoobeen si ay u doontaaan sadexda maqan saxiib yuusuf runta aynu isku sheegno waynu ogayn wixii ina soo kala gaadhay wanaag iyo samaan ma jecli inaan ku noqdo hadaba waa maxay sababta mar walba ay ugu sooo cel celiyaan madaxd somalia inay somaliand ka mid tahay somalia maxay indha uga qarsanayaan shacabka iyaga hortood dawladda ahaa illahay ayaan idinku dhaariyee miyaanay xaasidnimo ka ahayn ninka maanta hargaysa u diidaya wadan madax banaan inay noqoto tusaale maanta hadii lakala baxo oo somaliland hesho aqoonsiga muqdisho ma joogayaan30 kun ee ciidanka african ah ee hablihii kufsanaya hbn iyo maalin sida ugu dhakhsaha badana waanu u dhexdhaxaadin lahayn ilaahay ayaanu la kaashan lahay in dalkaasi nabad noqdo ,somaliland ahaana sida jubuti oo kale ayaanu caalamka wax la qaybsan lahayn balse miyaanay ahayn in ay dhibaato u horseedayaan shacabkoodi somalia iyo kan somaliland ba waayo way caadifaysan yihiin markaan hadalkaas maqlo anigu aad ayaan uga xumaada hadii aan heli karo bomb nuclear ahna waan ku hufan laahaa somalia walow hadana cida kaliya ee aaan u damqanayo ay yihiin ku nool somalia maanta dal shisheeye ayaan ka door bidayaa dalkaas ila jaarka ah ee somalia kama aha dal jacayl midawgan aad ku musanaabaysaan ee waa idinka xasidnimo aad u quudhi laadihiiin nolol shacabkan tashaday, innsha allaah maalin uun bayna heli somaliland aqooonsi buuxa .isku soo xooriyo dhibka haysta dalka somalia iyo siyaasiyin ta somalia waa xaasidnimo inta aad heerkaas taagan tihiina sidaas ayaad ku jiraysaaaaan wa bilaahi tawfiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiq

    ReplyDelete
    Replies
    1. Warkaaga wuxuu u egyahay in aad cabsantahay kuna heyso Caadifiad Qabiil.. waan hubaa in fakarkaan ay kaa dhaadhiciyeen dad siyaasiin ah oo dan qaran iyo Mid Soomaaliyeed aan laheyn ee kaliya u jeedkooda yahay in ay koox yar meel ku heystaan ayagoo eeganaya dano dhaqaale iyo mid shakhsiyadeed!!

      Dib u baar dadka aad u taqaan in ay yihiin siyaasiyiinta ama waxgaradka Somaliland kuligood waxay qeyb ka so ahaayeen Dowladii Military ga ee Siyaad Barre!!

      Wax badan soo Aqri baaritan dheerna same kadib isku day in aad hadasho.. mahadsanid

      Delete
    2. waad ku mahadsantahay fikirkaaga iyo kaskaa ayaad hadashay allena waxaan kuu waydiinayaa inuu kaa caafiyo cuqdada ku haysa waxaan filayaa inaad tahay caydhii lagu soo canqariyey ama lagu soo koriyey cashuurihii berbera iyo hargaysa laga qaadi jiray,, wixii ka horeeyay 1991 ee dawlad isku sheegi afweyne umada dalka ku baabisa tiina waa tii dharaar cad laga saaray dhulkii barakaysnaa ee somaliland markaa thank fikirkaaga aaad hadashay ee

      Delete
  7. Jaamac ugu horeyn waad MHDsantahay sida wacan ee aad Fikirkaaga usoo gudbisay aniga dhab ahaantii Markaan maqlo DHALINYARO soomaaliyeed ayaa halkaasi ku dhibaateeysan aad ayaan uga damqadaan waayo anigoo Dalkii joogo ayaan dareemaa Dhibka heesta Dhalinyaradda iyo Ummadda Soomaaliyeedba, taa hadaan kasoo noqdo, Maanta mise Shalay, waxa dhacaya & waxa dhacayba Soomaali ayida ayaa keensatay yar iyo weynba ma,aha wax ay noo keeneeen kaliya dadkan madax isku sheega ah Lkn Soomaali nin walba oo sheegta ee dunida meel walba uga nool Dhibka Soomaaliya ka dhacahaya masuul ayuu ka yahay, Kaliya waxaan uga bixi karnaa inaan MIDOOWNE ka dhalinyaro ahaan, waxaan qabaa hadii XISBI dhalinyaro inta la sameeyo iskuna xiri kara Dhalinta kunool Gees ka geeska dunida ee Soomaaliyeed, iyadoo aanan wax dano gaar ah laga laheen ee MIDNIMADA Soomaaliyeed la raadinaayo in xal la gaari lahaa balse inta Marba ODAY ay soo dirsadeen Reer Galbeedka iyo Carab aan DHAQAN islaam laheeyn ay hadba Mabda' cusub noola yimaadaan wlhi xal magaareeyno...

    MHDsanid

    ReplyDelete
  8. Waxaan ugu jawaabi lahaa, Jaamacoow daareenkaaga iyo su'aalahaas aysan fududayn inlaga jawaabo waxaa kula qaba Soomaali badan!. Ilamana aha in jawaabo kufilan laga bixin karo su'aalahaga iyadoo la isticmaalayo facebook iyo wax lamida.Waxaan kudhihi lahaa, si aad jawaabaha qaarkood uheshid waxbarashada ku daddaal, waxbarasho waxaan ulajeedaa mid maadi iyo diini ah.Haddaadan wax baranin waxaa kugu adkaanaya inaad dabooshid baahiddaada aas aasiga ah, sida cunto, meelaad seexato, iyo waxaad xidhato.Kuwaas la,aantoodna fahan iyo fikirkaagu wuu yaraanayaa. Barro oo akhri taariikhda, dadka, dhaqanka iyo dhulka Soomaaliyeed. Iska illaali in lagugu duufsado/jiito qabiil,diin, siyaasad, iyo wixii lamida. Ogow, siddaad sheegtayba dadka dhibaatada ugu badan kudhacay waa dhalin yaro, kuwa qatarta ugu badan hadda kujirana waa dhalin yaro aad adigu kamid noqon karto, sidaas awgeed taxaddar oo haka qaybgalin dagaal hanna tahriibin. Wad su,aalahaaga oo waydii qofkasta oo bulshada saamayn weyn ama yar kuleh siddaad hadda yaashayba. Illaahay idinkii dadkeenu way kabixi doonaan dhabaatada maanta haysata. Deeq

    ReplyDelete
  9. markaan arkay maqaalkan waxan jeclaytay jaamac iyo walaalahayga kale ee soomaaliyeed ba inay ila wadaagaan qormadan.

    DHALINYARO
    December 26, 2012 at 12:49am
    dhalinyaradu waa mudada hawaawiga, naxariista iyo jar iska xoornimadu sifaha u yihiin dadka. dhalin yaro waa qayn bulshada ka mid ah oo da'doodu u dhaxayso 15-35 sano oo jidh ahaan iyo nafsiyanba lagu sifeeyo arimahan soo socda:
    curdadnimo
    fudayd
    laxaw dheeraad ah
    si sahlan maskaxdooda wax loo galin karo
    riyo ku nool
    Dhalinyaradu inta badan ma dagana wayna ka maqantahay hogaamintu waxan badi ka faa'iidaysta siyaasiyiinta, nidaamka jiraana uma huraan fursado ku filan ama kaafiya iyo ka qayb galka dhalinyaradaa
    kaalintee bay dhalinyaradu ku leeyihiin bulshada, ama sidee bay xidhiidh ula leeyihiin qaybaha kale ee bulshada?

    1. dhali yaradu waxay doonayaan
    inay la socdaan nolosha casriga ah, waxayse wajahaan duni u diidan inay kaga dhabeeyaan waxay ku taamayaan
    inay u jeestaan mustaqbalka, waxayse lakulmaan duni ku mashquulsan wixii tagay
    inay helaan xornimo aadaminimo, sharaf iyo cadaalad waxase soo food saara duni u diidan xuquuqdooda aadamino ee asaasiga ah
    inay raadiyaan macnaha, qiimaha, iyo tayada noloshooda; waxayse ku jaah wareeraan duni ay ka buuxdo hubaal la'aan iyo macno darro
    2. dadka dhalinta yari waxay la kulmaan dhibaatooyin bulsho oo baaxad wayn leh:
    dugsiyada iyo goobaha kale ee wax lagu barto dhalinyarada waa lagu ilaaliyaa waana la hagaa, waxayna ku tiirsan yihiin waalidka nabad galiyana way haystaan
    ka dib markay dhamaystaan tacliinta asaasiga ayna raadsadaan waxbarashi sare iyo shaqooyin, dhalinyarada waxa soo food saara nabad galiyo daro iyo hubanti la'aan
    in kasta oo ay helaan xornimo ilaa xad, waxay la kacaa kufaan masuuliyad iyo go'aan gaadhis
    waxa jaah wareer joogto ah kurida is badalka xaaladaha
    waxay ku wareeraan heerka nolosha ay filanayaan oo guud ahaan ku cusub ama aanay aqoon u lahayn
    waxay la kulmaan dhibaatooyinka guud ee bulshada haysta
    waxay la kulmaan dhibaato laba geesood ah oo ka turjumaya dhaqan burburka iyo dayoowga bulshada haysata
    siyaasada
    dhalinta da'da yar oon si taaba gal ah u helin fursado ay ku cabiraan ama ku soo bandhigaan danahooda iyo ajadooda
    faquuqida dhalinyarada badankood ku dhacda ayaa ah arin wax yeelo wayn leh maanta
    Guud ahaan waxa muhiim ah in la aqoonsado doorka asaasiga ah ee dhalintu ka qaadan karto isbadalada iyo horumarka haday hogaamintoodu la yimaadaan qorshe wax qabad oo dhab ah iyo hagid toosan oo gacan ku siisa dhalinta si ay kaalintooda u qaataan

    waxyaabaha niyad jabiya dhalinyarada
    dadka dhalinta yari markay noloshooda u hawl galaan waxa soo food saara dhibaatooyin ay ka mid yiihiin:
    nolol aan kalgacal lahayn
    guri aan farxad lahayn
    nolol khiyaal ah
    niyad jab
    dib-u-dhac nololeed
    balo sida qaad cunista, isticmaalka mukhaadaraadka kale
    ammaaan darro
    war war iyo walbahaar
    taageero la'aan
    rajo yari
    dhalinyarada oo kaliya ayaa baraarujin karta dhalintaq guud ahaan, iyaga oo kaliya ayaa dhaqaajin kara da'yarta si ay u horu mariyaan dhaqanka nabada uguna halgamaan wax barasho, sinaan iyo nabad galiyo asaasiya
    iyadoo aanu walkhtigu sugayn, dhalinyaradu waa inay kordhiyaan kartidooda ay ku baadi goobayaan kana turjumayaan arimaha soo food saara si ay uga jawaabaan ficil ahaan dareenkooda una muujiyaan ka qayb galkooda kaalinta ay ku leeyihiin dib-u-dhiska wadankan dagaalada ka soo doogay. mustaqbalka wadankan waxa iska leh dhalinta iyaga oo kali ah ayaa u jahayn kara horumar, feker iyo argti ku haboon xaaladaha jira

    rajooyinka dhalinta ee wakhtaigan waxa ka mid ah
    sidii dhaqanka dagaalka iyo gacan ka hadalka loogu badali lahaa dhaqan nabadeed iyo is kaashi
    in laga hortago lanana dagaalamo dhaqamada xun ee dibu dhaca keena sida musuqa iyo balwada
    dhiiri galinta ka qayb galka dhalinta, barbaarinta hawkarnimada, waxbarashada, horumarinat takhasusuka, aqoonta xirfadaha, IWM

    caqli caafimaad qabaa wuxu ku jiraa jidh caafimaad qaba.

    ReplyDelete
  10. Jaamac wuxuu ka hadlay ama wax kasoo qoray waa wax jira , anigu waxaan odhan lahaa Soomaaliyeey diinta ilaahay een haysano sideeda saxda ah aan ugu dhaqano isna jeclaano inagoo ku dadaalayna daacadnimada iyo cadaalada.

    ReplyDelete
  11. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  12. somalida wadaniyaal waligood ma noqon mana noqon doonaan maxa yeelay qof somamli ah aa ka danqanaayo dhibka na hesyo ma jiro kuligeen faataale yaal aan nahay waxena af buu ku koban yahay in aan tuugsano dad asaageen ah oo ficil xum nagula dhaqmaan bulshada caalamka anaga ka danbeyno somalia somalia malaha hadi ey leeyhihiin sidaa uma eysan galee ee meelo kale ey ka yimaadeen ee hala soo ogaado somalida meesha ey ka timaaday tan kale een dhibka wan u wadaa jeednaa qof kas tona wuu oga yahee maa wax laga qabto war cidlo ah aad wadaan maalin kasto war lee iyo ra.yi aan is weydiinaa war wax qabad aa loo bahan yahee wax aan qabsano hadi kale nagu kala wada aan qaxooti iska ahaanee ileen waxaan door bidnay in aan dhibka ku jiree qof kasto oo somalia ha qabiil aa qaranka uga weyn iyo looma dhamo halka caruur hooyin maati ah ey daadsan yihiin dunida dacaladeeda aan ka shaqeyno danta guud taas ey ku jirtaa danta gaar aheenede

    ReplyDelete
  13. Arinka uu kahadlay jama waa arin jira oo somalida nasiib darro ku habsaday ....waxaaa haboonan lahayd in baritan lagu sameeyo sababta aanay madaxda somalidu aanayba uba arag dhibaatada haysata dalkooda iyo dadkoooda ...iyaga uun maxay iskugu muqanayaan is la,is waydiiyo waa suaaal meesha kujirta ... balse anigu waxan dhihi lahaa shacabku haddii ay leyihidiin towfiiiq ay hal mabda, isku raaci karaan qofna ma,aanu kaleexdeen wadadiii ay shacabku doorteen balse waxaa nalaga helay shacab aan isku duub nayn iyo madax dan shacab aqoon baan isku darsannay .

    ReplyDelete