Total Pageviews

Sunday 22 June 2014

Muqdishaay ma nabad baa?


Hanti macaan
waa mid aan hooy lagaa oran
Yusuf-Garaad
Waxaan maanta aad ugu faraxsan ahay in aan ku soo laabtay dalkeyga hooyo gaar ahaan caasimadda. Hawadiisa, ciiddiisa, qorraxdiisa, xoolihiisa, beerihiisa, ugaartiisa, badda iyo webiyadiisuba waa hantideyda aan la wadaago Soomaali oo dhan.  Wax ka mid yahay waxyaabaha na mideeya oo ay ku jiraan afkeenna macaan, diinteenna suubban iyo dhaqanka oo wanaag u badan toosinna u baahan. Waxaan u mahadcelinayaa Ra’isal Wasaare Cabdiweli oo dayaarddiisa khaaska ah aan ka soo raacay Nairobi.


Weyba geeki eed ingki farahsina ini ani ha ki nagathi dhulki aadey gaar hang beledli ingki wing. Neeftis, araathis , iriithis, heelah, beeroshey i ugaartis i badooshey i webiyaalshey weybuwa wala isli leni Soomaali dhong. Weyba ku mid eta wala uni nimidooy afkaani mayow, diintaana suubung i dhaqankaane fayli toosiyow ing baahing.
Weyba ing mahadnagey Ra’isal Wasaare Cabdiweli  o dayuuridis goonigi eh haku rahi Nairobi.






9 comments:

  1. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  2. subax wanagsan yusuf garad waxan aad u akhriyay maqlkaga aad ku amantay muqdisho been kuma adan shegin inta aad muqdisho ka shegtay balse mid ayan raba inan kuugu daro taas oo ah muqdisho wa caasimada casimadaha adunka ugu nasibka xun waxayna hoy utahay dhiig iyo cadalad darro waxan ra,yi ahan so jedin lahaa qoomiyada ku nool muqdisho iney dhaman tod iskaga dareraraan madama eey kaso bixi wayen deegan koda iney nabad bilic horu mar u horsedan tankale YusuF waxan marki aan maqalkada hose ee kuqoran afka maay da aan so xusistay abtigey xasan aadan samatar ilen af mayga waxba kaga bilownaa yusuf mahadsanid markale

    ReplyDelete
  3. yuusuf sxb sawirka hore ee baddu muuqato waa meel ladhaho BANDER BAYLA o katirsan gobalka Bari ,, dhulkii waad sookoobtay soomaaliyeed hadaad halkasn sawirkeeda hayso mahadanid

    ReplyDelete
  4. Yusuf sidaad sheegtay waxaad Nairobi ka soo raacday dayaardda khaaska ah ee ra’isal wasaare Cabdiweli oo la hadal-hayo in uu isbeddel ku samayn doono xukuumadda oo hogaamiyo, horayna waxaad u sheegtay in khibraddii aad ka heshay xilligii lagu howllanaa dhisida xukuumadii hore ay ku bartay in aadan mar-dambe weydiisan in ay xil kuu magacaabaan Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiweli. Hada xaalku ma is-badalay ? Maadaaba aad muqdisho ku soo noqotay isbadalkii markii hadal hayntiisu bilaabatay aad Lodon ka aaday oo aan wali dhicin, waliba adiga oo lasocdah dayaardda khaaska ah ee ra’isal wasaaraha, makaa filan karnaa goleha khaaska ah ee ra’isalwaasaraha laga filayo?

    ReplyDelete
  5. Markaan arkay, Muqdishaay ma nabad baa?. Waxaan mooday su,aal aan jeclaan lahaa, Muqdisho nabad miyaa?. Laakiin mardambe ayaan fahmay inay salaan ahayd oo aysan ahayn qoraal qiimaynaya nabada Xamar intay la,egtahay. Yuusufoow sawir managa siinkartaa nabada Muqdisho intay le egtahay hadda?. Soomaalida qurbaha xaalada wadanka iyo wararkiisa inta badan waxay kahelaan saxaafada/media outlet. Haddaba wararka iyo sawirka ay kabixiyaan wadanka iyo xaaladiisa kuwo sax ah miyaa?.

    Aniga iyo dad badan oo Soomaaliyeed 20 sanno kabadan Soomaaliya maysan arag, wayna jecel yihiin inay kulaabtaan. Qaasatan waqtigan summer time ka iyo waliba waqtigan dheer ee soonka wadamada reer galbeedka. Qubo joogta waxay unoqon lahayd fursad qaali ah oo dalxiis iyo dal iyo dad booqasho ah, dadka wadanka siijoogayna waxay unoqon lahayd dhaqaalo iyo xadaarad usoo siyaaday. Dabcan wadanka way kajiraan meelo nabad ah, laakiin waxaan kahadlayaa Xamar.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Soo dhawow saaxiib, waxaan maqli jirey passaggio baabuur, taadu diyaarad ayey mareysaa, markab lee kuu dhiman qof uu wato. kkkk

      Delete
  6. yuusuf sidaan kuwad hada kadib wax kasta oo aad soogeliso 2 luuqadood maay iyo maxaa tiri kusooqor waa arin aad uwanaagsane mahadsanid

    ReplyDelete
  7. Saaxiibbayaal, "Muqdishooy" ama "Muqdishaay ma nabad baa?" macnaheedu waa salaan. "Muqdishooy ma fiican tahay?" ayay la mid tahay. Waa sida heesta Xasan Adan qaado ee "Bulshayahay ma nabad baa"

    ReplyDelete
  8. Yusuf Garaad Af Somaliga qaybta hore fahmey lkn qeybta kale masawaahili baa waa fahmi kari wayey mise waa Somali iminka Sidad madaxweynayasha somaliya ubateen baa Af Somaligina ubataye

    ReplyDelete