Laban in ayaa ku dooday anigaa kaa shiish badan iyo anigaa kaa
shiish badan. Dhowr waxyaabood oo ay shiisheen labaduba isku si ayay ula
heleen. Markii ay wax kale oo dhan ku kala bixi waayeen, labada ninna ay ka
go’nayd in mid la reebo, ayaa midkood talo soo jeediyay. Wuxuu ku taliyay in ay
madaxa xiirtaan, oo markaa digo geel madaxa midba mar loo saaro kan kalena laga
rabo in uu xabbad kaga tuuro digada madaxa saaran asaga oo aan qofka wax
gaarsiin.
Madaxa ayaa la xiirtay. Ninka koowaad ayaa qoriga qaatay. Midka
kalena madaxa ayuu digo saartay. Ninkii koowaad ayaa soo toogtay oo digadii ka
tuuray asaga oon ninka labaad xagatin gaarsiin.
Ninkii labaad ayaa qoriga loo dhiibay, ninkii shiishka wanaagsanaana
waxaa madaxa loo saaray digo. Ninkii labaad ayaa soo shiishay oo xabbaddii soo
riday.
Madaxa ayay xabbaddii uga dhacday ninkii koowaad.
Markii uu sii nafbaxayay wuxuu yiri - Waan kaa saxsanaa oo anigaa
kaa shiish badan.
Shariifku waa xasarad ka macaash khatar ah
ReplyDelete