Laba fadhi ayaa
baarlamaanka laga benneday in uu howshiisa guda galo. Waxyaabo kale oo
kharriban ayaa iyaguna dhacay.
Koox ayaa soo
qaadatay waraaqo iyo calaamado ay ku qoran yihiin erayo ay muuqato in ajnebi lagula hadlayo oo aan ku
macneyn lahaa Codkayagu iib ma ahan.
Kooxda kale oo
arrintaa ka xanaaqsan waxay adeegsatay saxaafadda waxayna ku eedeysay kooxda
buuqa sameyneysaa in ay tahay laaluush qaatayaal la yaqaan.
Marka aad isku
darto codka labada dhinac wuxuu markhaati u noqonayaa hadalkii ay markii hore
Xildhibaannadu ka xanaaqeen ee ka soo yeeray Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha
Guud ee Qarammada Midoobay. Wuxuu sarbeebay in uu walaac ka qabo in codadka
Mudanayaasha Baarlamaanka qaar la iibsado. Hadalkaas markii uu soo baxay aad
ayay uga caroodeen waxayna ku eedeeyeen in uu u gefey Baarlamaanka Soomaaliya.
Hadda waxay u
muuqata in hadalkii uu saray ay ayagu saafeen.
Guddoomiyuhu kuma
faraxsanaan karo eedeymaha labada dhinac isu jeediyeen iyo buuqa ka dhacay
gudaha Baarlamaanka.
Waan qiyaasi
karnaa in culeyskaa uu Guddoomiyaha u dheer yahay cadaadis uga imaan kara Madaxweynaha
iyo Ra’iisal Wasaaraha. Sidoo kale labada dhinac ee Baarlamaanka ee aan iyagu
is qaban laakiin la kala safan Madax is qabatay.
Guddoomiyaha
waxaan shaki ku jirin in uu kulammo la qaatay wakiillo ka socda Dowlado kale oo
arrinta daneynaya, taas oo iyaduna ka mid noqneysa cadaadiska isaga saaran.
Haddana in loogu daro eedeymaha dhinacyada qaar ka yeeraya ee ah in la rabo in isaga laga keeno mooshin loo bixinayo ka-caga-jiidis mooshin meesha ma qabato.
Waxaan u
baahan nahay in aan fahamno culeyska saaran Guddoomiye Jawaari. Sidaa darteedna
waa in aan u garowno.
Waxaan hubaa in uu og yahay in haddii arrinta dib uun loo sii dhigo iyada oo aan xal kale laga shaqeyneyn,
in waxa keliya oo ay dhali kartaa ay tahay in cadaadisku uu sii bato. Waxa
keliya oo furan waa laba mid. In arrinta si uun meel looga neefiyo. Iyo in
lagu dhiirrado oo la guda galo.
Marka aan Guddoomiyaha ka yareyno buuqa, eedeynta iyo cadaadiska si uu u helo dariiqa ugu habboon ee sharci ah ee Baarlamaanku uga gudbi karo caqabaddan.
Fadlan aragtidaada halkan hoose ku reeb. Mahadsanid.
ReplyDeleteWaa talo wanaagsan walow ay lagama maarmaan tahay in uu gudoomiyaha u guto howshiisa sida qawaniinka dastuuriga ah waafqasan isagoon dhana qancineyn haday noqon lahayd tan dibada ama gudahaba.
ReplyDeleteAniga waxa ay ila tahay in uu gudoomiyuhu uu qabsado hoowsha loo igmaday oo amarro xildhibaanada anshaxa golaha shacbiga wax ka baxsan la yimaada uu dibada loga saaro golaha isaga oo adeegsanaya ciidanka amniga ee u xilsaaran sharci ilaalinta golaha,si ay shaqada u fushadaan kuwa raacaya hab dhaqanka iyo kala dambaynta shuruucda u taal golaha shacbiga hadii ay mar sadexaad arintani dhacdo waxa uu muuji yaya in uu yahay nin jilic san oo garan la awooda la siiyay waxaana
ReplyDeletehaboon in uu is casilo.
Waa hagaag. Taladaasu waa talo wanaagsan oo maskax caafimaad qabto ka timid, in la qaatana mudan. Waxaan is weeydiiyay dadka loo jeedinayaa ma miir qabaan Horta. Xildhibaan aqoon yahan ah oo saxan bariis ah gacanta ku sita dhalo biyaana madax saartay baarlamaanka dhexdiisa, taladi la siin lahaay ma tahay tani Horta. Wixi labadi kullan ugu dambeysay dhacay ma ahayn wax aan filan karnay. Horay waan usoo aragnay xildhibaano soomaaliyeed oo kuraas madaxa iskala dhacaaya laakiin qoladaan waxaan isku qancineynay ineey rag iyo dumar aqoon yahano ah u badan yihiin, wax badanse ma doorin ciyaalka xaafada ee Liido ku dabaasha maalmaha Jimcaha.
ReplyDeletewax iswaydiin mudan hadii aniga(muwaadin aan xildhibaan ahayn) oo golaha shicbiga fadhiya oo dhagaysanaya doodaha xildhibaanada aan sawaxan iyo qaylo rido maxaa dhacaya? shir gudoonku miyoo kalfadhiga xidhayaa oo waa lagu kala dareerayaa ?sharcigu ma i qabanayaa? hadii jawaabtaadu haa tahay,xildhibaanada golaha shicbigu sharciga miyaay ka sareeyaan?
ReplyDeletewaxa aan qabaa in aan muwaadina sharciga ka korayn.
Mhadsanid Mudane Yusuf Garaad. Gudoomiyaha waa saarnaan karaa culeys , mar walbana waa saran yahay. Masuuliyada shaqada uu hayo waa mid baaxad weyn, qeyb ka mid ah oo aad muhiim u ah waa inuusan cidlo uga dhaqaaqin guriga ummada, iyadoo uu buuq, sawaxan, qeylo, boorar ay ka dhex socdaan , suurtagalna ay tahay in la fisho inuu dhaco gacan a hadal daqiiqad kasta guri ka wada dhexeeya ummada soomaliyeed oo dhan. Waxa uu awood u heystaa inuu isticmaalo sharci iyo ciidan labada Xitaa haddii uu dhinac u xaglinaayo waxaa haboon inuu markaas soo afjaro waxa socda. Waxaa jira inaan afduub lagu haysan karin guriga ummada iyo muwaadiniin masuuliyiin ah oo xambaarsan xil shacab. Haddii kooxda yar afduub ay sameysay laga fulin waayo sharciga wadanka u yaalo ee la wada dhigtay kana wada dhexeya ummada oo dhan laguna heshiiyay, muxuu gudoomiyuhu u qaaday masuuliyad aanu ka soo bixi karin markii hore. Mida kale haddii ay timaado mid ka daran oo ah gacan ka hadal muxuu yeeli lahaa? Waa ka dhaqaaqi lahaa sidii dhacday taladi iyo maanta oo sabti aheyd!. Yaa qaadi lahaa masuuliyada gacan ka hadlkaas oo uu hadda gudoomiyuhu u moodo inuu dibada ka taagan yahay? Runtii golaha guriga baarlamanka cid gaar u leh ma jirto waa wax qaranku leeyahay qof walba oo soomali ahna qeyb ayuu ku leeyahay (National Property) waa in gacmaha la qabto cidii ku xadgudbeysa xoriyada muwaadinka qof kasta ha ahatee. Ogow waxa qof kast xoriyadiisa ku dhamaata halka ay ka bilaabato xoriyada muwaadinka kale. Sharcigu waa inuu ka sareeyaa cid kats oo aan laga sareynin. Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay inuu cabiro arigtidiisa si asluub iyo akhlaaq ay ku dheehan tahay, ray'igiisa ku muujiyo cod bixin isaga oo aan oo aan ku xadgudbeyn muwaadinka kale af iyo adin labadaba looga amaan helayo. Waxaanu kala qeybsanahay maalinta codeynta oo kaliya ka dibna waxan wada nahay dhamanteed muwadin soomaliyeed oo u wada siman xaga cadaalada iyo wadnka labadaba. Qofka aan is xakameyn karin sharciga ayaa xakameynaya.Wadanku waxa uu gali karaa xaalado badan; Colaad, Abaar, musibooyin, fatahaad, iyo kuwo kale oo aanan halkaan ku soo koobin karin: Maraa hadii qof walba masuuliyada kaga aadan uu ka dhaqaaqo maxaa Imaan kara? weliba gudoomiyuhu hadii sidaan bilaabo isaga maxaad u maleyn qofka caadiga ah ee shaqooyin yar-yar u haya ummada, sida askariga, kalkaaliye caafimaad, iyo shacab muwwadin ah intaba? Garta waa in aad kala goyso haba laguugu nacee. Gudoomiyuhu halkaan kuma soo koobi karno waxa uu dayacay , balse waxaan rajeynayaa inuu waqtigu baro inuu xalin karo , xakameeyana xaalad kasta oo oo ku timaada wadanka asiga oo aan laba-labeyn ama gadaal uga noqon. Ogow masuliyda waa in ay leedahay isla xisaabtan dhab ah. Dadweynaha soomaliyeed waa ay daawanyaan meel kasta oo ay joogaan waana kala garanyaan kas iyo kama . Waxaan rajeynayaa in aanya soo noqon mar sadexaad. One Should never take easy road, but rather to right road no matter how long the travel or obstacles lies in the rough road ahead. Godoomiyuhu waa in uu ogaada in laga sugayo masuuliyad ay ku dheehan tahay, daacad , hufnaan shaqo, gudasho waajibad aan cidna looga xishooneyn, dadweynaha taas ayey ku tiirsan karaan kana sugayaan. Masiirka umadda iyo masuliyada mustaqbalka Ilaah ka sokow isaga ayey gacanta ugu jirtaa. Loogana fadhiyaa sidii ka yeelo WBT
ReplyDeleteSxb Yusuf Garaad waxaa igu maqaala ah inaad kamid tahay La taliyayaasha Madaxweyne Xasan Sheikh hadii ay sidaas tahay waxaa tahay qof Aqoonyahn ah oo caan ah wali ma isku dayday shaqsiyadaada inaad labada dhinac la kulanto oo aad u kala dabqaado halkii aad ku ekaan laheyd muujin arragti oo dhinaca Warbaahinta ah si xal loogu helo dhibaatada hada taagan?
ReplyDeleteMadaxweynayaal iyo rasul wasaareyaashooda oo awooda isku qabtaa naguma cusba ilaa iyo madaxweyne cabdullaahi yuusuf iyo maantaa oo madaxweyne xasan talada hayo,waxaa kaloo aan nagu cusbeyn xildhibaanada oo si qaldan loo adeegsado markii kala aragti duwanaasho soo dhexmarto madaxda sare,waxaa kaloo nagu cusbeyn faragelinta beesha shisheeye markaanoo kale,waxaa kaloo aan nagu cusbeyn in madaxweyne walba ay u sahlan tahay inuu ka taqaluso rasul wasaaraha ugu horeeya sifuhuu doono ha adeegsadee kan labaadna uu ku ilko beelo haduubasan ku bixin asagu,madaxweyne cabdullaahi yuusuf rasul wasaare geedi ayuu meesha ka saaray,rasul wasaare nuur caddana asagaa ku galbaday markay isqilaafeen,madaxweyne shariifna rasul wasasre rasul wasaare cumar cabdirashiid baa ka huleelay rasul wasaare cabdiweli cali gaasna xeer jajab bay ku dhamaysteen waqtigoodii.
ReplyDeleteAniga waxan aaminsanahay inaan dowlad run ahi noo jiri oo wuxu humaag yihiin,waxaan kaloo jeclaystay in madaxweynayaasha damacooda shaqsigaa oo la sheego iney laaluushida xildhibaanada ka doorbidaan isfaham ay la gaaraan rasul wasaarayaashooda la tuso in sidaana dhici karto.
Xildhibaanada dhinaca madaxweynaha ka tuman oo guddoomiye jawaari u hanjabay waxay u egtahay iney caro kula dul dhacayaan guddoomiyaha markii qorshahoodii mid ku lid ihi ka horyimid,waxaadna moodaa ineysan meeshaba soo dhiganba waxa dhacay,madaxweyne xasan rasul wasaare saacid buu ku baashaalay eryidiisi waana taas baan qabaa mida soo dedejisay markale bareerkiisaan lamida kii hore si lamida sidii madaxweyne cabdullaahi yuusuf uu isugu dayey inuu rasul wasasre nuur cadde wadadii geedi mariyo,maantana sidey taariikhdu na bartay waxaan aragnaa madaxweyne xasan oo u taag weysan inuu rasul wasaare cabdiweli uu ku diro dariiqii rasul wasaaare saacid ku huleelay oo kale asagoo isku taatik adeegsaday.