Total Pageviews

Saturday 1 November 2014

Liechtenstein



Maanta waxaan ka qadeeyay Vaduz, caasimadda dalka Liechtenstien. Waa dalka Afraad ee ugu yar dunida, marka laga tago the Vatican, San Remo iyo Monacco.

Dalkan, tirada dadkiisu waa in ka yar 37 kun oo ruux.

Dhulkiisa oo dhamina waa 160 km oo laba jibbaaran. Taas oo u dhiganta in haddii dhererkiisu uu yahay 20 km, uu ballaciisu noqonayo 8 km.

Boqoliiiba 2 ma dhamma shaqa la’aantu. Waxaana dalka ka diiwaan gashan sharikado ka badan tirada dadka dalka u dhashay.

Waa dal ay siyaasaddiisu dhexdhexaad tahay. Militeri ma laha oo waxay militerigeedii kala dirty 1868,  waa 101 sano ka hor intii aan militerigeennu xoog kula wareegin talada dalkeenna. Waxayna mamnuucday in uu dalku uu militeri yeesho.

Booliiskeedu waa 125 ruux oo 87 ka mid ahi ay yihiin saraakiisha suuqa u shaqo taga, halka 38 ay yihiin rayid booliiska la shaqeeya.

Waxay ka mid tahay dalalka adduunka ugu dembiyada (gefefka) yar.

Waxaa ka taliya Amiir. Waxayna ku hadlaan afka Jarmalka. Waana dal qani ah.

Barta sawirka ka muuqata waxay ahayd aqalka dalka looga taliyo 1867 ilaa 1970. Sidaa darteed waxaa la goostay in ay noqoto xuddunta dalka ama Km Eber.

Markii aan Qormadan ku lifaaqay Facebook, saaxiibbadeey sidan ayay uga falanqoodeen.





4 comments:

  1. thnks for your sharing with us

    ReplyDelete
  2. Garaad, ku mahadsanid nala wadaaggaaga geeddigan iyo warbixinta kooban ee Liechtenstein.

    ReplyDelete
  3. waa tusaale ku haboob umadan Somaliyeed ee jahawareerku daashaday aduun iyo aakhiraba. ku mahadsanid la wadaagaada Mr.Yusuf Garaad.

    ReplyDelete