Total Pageviews

Saturday, 26 December 2015

Aragtida Wasiir Nuur Faarax ee Somaliland

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Nuur Faarax, ayaa mar uu booqday magaalada London wuxuu hadallo cad cad oo aan gabbasho lahayn u jeediyay beesha Soomaalida.

Wuxuu ka hadlay Soomaalinnimada, nidaamka Federaalka ee Soomaaliya laga hirgelinayo cilladaha ku jira iyo khatarta ay leedahay qaabka loo fulinayo iyo qodobbo kale.

Wasiirku wuxuu degaan ahaan ka soo jeeda Somaliland. Mowduuca aan qormadeyda u xushay waa sida uu Wasiir Nuur u wajahay gooni isu taagga iyo halka uu isagu ka taagan yahay isaga oo mararka qaarna waafajinaya xaqiiqada koofurta taalla. Waxaan toos u soo minguurinayaa erayadiisii.

Mar uu ka hadlayay Wasiirnimadiisa Dowladda Dhexe ee Soomaaliya isaga oo ka soo jeeda Somaliland wuxuu yiri:

Dadka aan ka soo jeedaa waxa ay ii qabaan in aan waalan ahay. Afar sano carruurteyda ma arag. Laba jeer oo ay Muqdisho iigu yimaadeen ayaan arkay. Carruurteydu waxay deggan tahay gurigooda Hargeysa. Sabab aan uga raro garan maayo. Sabab la iigu diido in aan gurigeyga tagana ma garanayo.

Mar loo sheegay in maalin uun uu ka soo noqon doono midnimada Soomaaliya oo uu aqbali doono gooni isu taagga sida siyaasiyiin isaga ka horreeyay ay sameeyeen, Nuur Faarax wuxuu ku jawaabay:

Waxa aan doonaayaa waa wax cad. Waa Soomaali mid ah oo aan dalkeeda kala lahayn Haddii aan anigu kari waayo [in aan ku guuleysto] taa macnaheedu ma ahan in waxa aan doonayo aanay xalaal ahayn. Soomaalinnimo in la helo mid ah, oo Dowlad ah, oo aan dalkeeda iyo dadkeeda kala lahayn, waa arrin xalaal ah oo aan meelnaba mugdi uga jirin.

Inkasta oo uu diiddan yahay gooni isu taagga Somaliland, haddana wuxuu qiran yahay heerka ay gaartay. Isaga oo duraya nidaamka Goboleysiga waxaa hadalladiisa ka mid ahaa:

Haddii Soomaali Gobollo loo qeybinayo oo la kala saarsaarayo, mid Somaliland ka qiimo badan laga sameyn maayo. Taa (heerkaa) ay Somaliland taagan tahay, cid soo gaarsiin kartaa ma jirto. 

Siyaasigu in uu arrimaha dalka uu ku sameeyo daraasad qoto dheer, aad uga fikiro, talo qaato ka dibna uu mowqif iska taago, mowqifkiisana uu ummadda la wadaago waxay dadweynaha u sahleysaa in ay fahmaan arrimaha murugsan iyo weliba waxa ay uga talo galaan siyaasiga.

Ma habboona in sida siyaasiyiinta qaarkood lagu hadaaqo hadal dad kale laga maqlay oo aan xataa macnihiisa aanuu si wanaagsan u fahamsaneyn kan loo meeriyay.

Hadalka Wasiir Nuur Faarax oo qormadan kooban aad uga qota dheer waxaad ka dhegeysan kartaa Youtube.

30 comments:

  1. Fadlan aragtidaada halkan ku reeb.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Usuf mahadsanid waziirka hadalkiisa waan dhageestay hadalada taariikhiga oo 2015 qof siyaasi ah somalinimo ku dheehantahay ayuu ahaa , hadalkaas waziirku jeediyay iyo kii labadi xildhibaaan ay ka jeediyeen Cawil dahir barnaamijkiisa tv universal

      Delete
    2. Somaali isma dhaanto waqooyi reer baa xoog reerihii la deganaa ku haysta , koonfurna waxay ka hagaagi laadahay dadkii u dhashay oo qaybsan una qaybsan reer reer iyo shabaab. Dadkase somaaliyeed waa dad mida oo dawlad mida raba siyaasiyiintu cudurka qabiil buuxiyey ayaa kala geeyey iyo suxufiyiint buunbuuniyo khaladka ay sameeyeen mujrimiinta waddanka iyo dadka danbiga ka galay, suxufiyiint aasi waxay markasta iyo meelkasta ka sheegaan dawladda putland madaxweyne gaas ,dawladda somaaliland madaxweynayaashii somaaliland, ceebceeb nin danbiilaha ah oo ay waajib tahay in dadka laga xoreeyo in LA ammaano ama loogu yeedho magac uuna u qalmin.

      Delete
    3. Somaali isma dhaanto waqooyi reer baa xoog reerihii la deganaa ku haysta , koonfurna waxay ka hagaagi laadahay dadkii u dhashay oo qaybsan una qaybsan reer reer iyo shabaab. Dadkase somaaliyeed waa dad mida oo dawlad mida raba siyaasiyiintu cudurka qabiil buuxiyey ayaa kala geeyey iyo suxufiyiint buunbuuniyo khaladka ay sameeyeen mujrimiinta waddanka iyo dadka danbiga ka galay, suxufiyiint aasi waxay markasta iyo meelkasta ka sheegaan dawladda putland madaxweyne gaas ,dawladda somaaliland madaxweynayaashii somaaliland, ceebceeb nin danbiilaha ah oo ay waajib tahay in dadka laga xoreeyo in LA ammaano ama loogu yeedho magac uuna u qalmin.

      Delete
  2. masha Allah waa markii iigu horeysey aan arko adoo wax kheyr ah oo nuxur leh sooo qorey, waxaan ilaahey kaagabaryaa inuu islaamaka iyo wanaagiisa kuwaafijoyo thaqaafadan reer galbeedka ee liidata oo aad cabsantahayna ilaahey kutuso kaana badbaadiyo khtarteeda aduun iyo akhiraba

    ReplyDelete
  3. Yusuf, Nuur waa nin ay ku weyntahay Somalinimadu, howl kara oo horay u socodnimo ka muuqatey, taasi wexey ii cadaatay markaan kula kulmay Mogadishu 2013 iyo mar aan hotel uu kuala lumpur ka deganaa aan kula kulamay. Aqoobta hu u leeyahay Geopolics-ka ayaa si gaara iisoo jiidatey.

    ReplyDelete
  4. wuxu dhahay hadi an mamul gobolaysi ogo lahay somaliland ayan jogi laha mid ka qima badanna la samaynayo

    ReplyDelete
  5. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  6. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waa hadal cad oo aan mugdi ku jirin, waan ku raacsanahay in maamul ka fiican kan Somaliland aan la dhiseynin, laakiin hadalkaas laftiisa ayaa wuxuu abuuri karaa dood qabyaaladeed la siyaasadeeyo inkastoo dulucda hadalkiisu ay tahay in soomaaliya la fadaraaleeyo Iyo inaan la fadaraaleyn

      Delete
  7. Sigaasigani hada ah wasiirka waxa uu hore uga mid ahaa hogaamiyaashii xusbiyadii ay hogaaminayeen lagaga adkaaday doorashadii dawladaha hoose ee Somaliland. Mada'a siyaasaduna asalkiisuba waxa uu isla badalaa wakhtiga sidaas daraadeed waa suurto gal in uu mar dambe ka noqdo midnimada waxa uu doono haku marmarsoodee waayo hore ayuu uga noqday mawqifkii Somaliland markii uu ku hungoobay...

    ReplyDelete
  8. marka hore saeed waxaadan garane Yusuf war murti iyo aragti wanaagsan leh ayuu qoraa ee qormooyinkiisa dib ufiiri- kuna fakar majiraa qof bulshada sidaas wanaag ugu gudbinkaraa.

    tankale Nuur Faarax aragtidiisa aad ayeey dhaxal gal utahay soomaaliduna weyku weeyntahay
    waxaan isleeyahay hadii nuur faarax iswaafajiyo carabkiisa iyo shaqadiisa soomaaliya dad ayaa usoo baxay Soomaaliland waxaan ka aamin sanahay in eey soomaali nimada aad ujecel yihiin lkn cabsi ayaa ku jirta ee madaxdu sadbur siga ha iska daydo woo wax xalaal ah shirka hala tagto.

    ReplyDelete
  9. Fikirka wasiirkaan kasoo jeeda waqooyiga waxad moodaa siyaasiyiinta reer koonfureedka ah ee qabaa xataa iney gabanayan oo ay cid ka baqayan haday si hufnaan ah u cadeyn lahaayeen mowqifkooda ku aadan kala gobolaynta soomaaliya, tusaale yuusuf garaad adigu siyaasi reer koonfureed ah baad tahay weliba aan ku soo dhiiqoobin dagaaladii sokeeye welina mowqif cad oo banaanka yaal kaamanan maqlin dabcan sida kaa muuqatana waxad la ra'yi tahay oo la dhacsan tahay wasiirkaan lakin waxan aaminsahay in baqdini kugu jirto oo ah amaad salaan aad siyaasada soomaali ku soo fuusho lagaa horjoogsadaa haddii lagaa dareemo midnimo soomaaliyeed wayo somali waxa haga cadowgeed oo u leexsada dariiqii kala goygoynta.

    ReplyDelete
  10. Hadalka wasiirka horay ayan u daawaday isago video ah. Markan wada dhegaystay waxan ku qiimeeyay hadal kasoo yeera siyaasi Somali ah kii ugu qiima badnaa ee aan maqlo muddo 25 sano ah.
    Hadalka wasiirka kuma jirin eray keliya oo aan qoonsado. Inta yar ee Yusuf uu sida gaarka toojka ugu qabtay wasiirka ayaan ku raacsanahay waana qabaa haddi dalka laga wada hirgeliyo maamul goboleedyo in midka waqooyi noqon doono midka ugu sarreeya dhan kasta.

    ReplyDelete
  11. Yusuf Garaad waad mahad santahay, sida aad bulshada somaliyeed ugu adeegayso

    ReplyDelete
  12. Hadalka wasiirka ee Somaliland marnaba laga fahmimaayo inuu somaliland faaninayo sida dadka qaar u fasiran karaan, laakiin macnuhu wuxuu daarran yahay inaan gobolaysigu fiicnayn, wuxuu wasiirku ina leeyahay haddii gobolaysigu macno iigu fadhiyo kaa somaliland baan is aamini lahaa oo iminka ugu hanaqaadsan inta maamul ee iminka dhisan. Markaa wasiirku federalismka ayuu ceebihiisa ka hadlayaa, wuuna ku mahadsan yahay.

    ReplyDelete
  13. Àminaadda siyaasiyiinta ma ahan mid macna samayn karta, galaangalka siyaasaddeed iyo jawiyada cakiran ee siyaasadaha biilka ku qotoma ee geeska afrika ka taagan waxay sii abuuraysaa jahawaraar fara badan oo ku yimaada ummaddeena aqoontooda iyo fekerkeesuba ku salaysan yahay maan asqaysan waxay u aqriyeen. Anigu waxaan qabaa in Mr faarax arrinkiisu mugdi badan ku jiro hadaladiisana mudutuul iyo humaag badan baa ka muuqdo taasi macanaynteedu waa maalin uun odayga inuu iska tagin doono haddii sanitisation ahakhsiga ah fuli waayaan ma garan karo nin buubaa ka miisaan culus oo aaminsanaa midnimada isagana waa ka qulqulay meesha

    ReplyDelete
  14. Inkastoo uu su wanaagsan u hadlay balse dadka somaliland ka soo jeeda mar mar in ay dib u noqdaan sax ku qasbaya rer konfurta oo aan horumar iyo dowladnimo wadin

    ReplyDelete
  15. Inkastoo uu su wanaagsan u hadlay balse dadka somaliland ka soo jeeda mar mar in ay dib u noqdaan sax ku qasbaya rer konfurta oo aan horumar iyo dowladnimo wadin

    ReplyDelete
  16. Fikirka Soomaali Wayn wuu qurux badanyahay waana xalaal, lkn xal ma aha dhowr sababood:

    1. Qasab ma ah in ummad kasta oo isku dad,af iyo diin ah ay yeeshaan hal calan iyo hal passport.

    2. Xuduudaha aadamuhu dhigto, in laga midoobo dhaqaale, ciidan maamul midaysan kuma xidhna in isku da, af, diin la wada ahaado(Kiiniya, Itoobiya)

    3. Xuduudaha rabbaaniga ah sida, afka, midabka, dhaqanka iyo waliba diintu way ka xoog badan yihiin kuwa ku dhisan heshiis

    4. Xaq ma u leeyahay qofka Soomaliga ahi uu xal u arki karo in maamullada la kala weecsado, isagoo waliba soomaalinimada(qowmiyd ahaan) ku faana, midnimadana ummadana qalbiga jecel?

    5. Midnamada maamulku(hal dal) waxay u fiicantahay sugidda ammaanka xuduudaha, lkn soo burbur kuma keeni karto ka gudaha haddii nin/qolo xukunka maroorsato?

    6. Wxn aaminsahay inaad doodda lagu koobin faaiidooyinka midnama, ee la qiro macal khasaaraha midnimida iyadoo lagu salayna xaqiiqada iyo waaqaca lagana fogaado laablacakac nacay iyo jacaylba.

    7. Noloshu waa dur iyo daabac(xarash iyo madax), ninkii hal dhinac arkaa, xaqiiqada kama warrami karo.

    Ilaahayna wuxuu quraanka ku yidhi:"Shay walba waxaan ka yeelnay lammaane". Qabow-kulayl, nin-naag, iftiin-mugdi, faaiido-khasaare.

    ReplyDelete
  17. Wasiirkaasi runta ayuu sheegay yusuf garaad marka maxaa lagu diiday inuu xaasikiisa buuqdo waa suaal maxaase loo goboloynaya soomaaliya

    ReplyDelete
  18. Qormooyinkaaga oo dhan waan akhriyaa wanan fahmaa, Yusufow markaad aragto wax qaranimada Somaliland dhaawacaya ama meel kaga dhacaya ayaad qalinka la boodaa. Nuur kama caqli, aqoon iyo raganimo badna Ahmed Ismail Samater, Ismail Buubaa iyo Cumar Carte Qalib. Somali Koonfureed ma necbi laakiin siday wax u wadaan waxaan aminsanahay inaan hadaan qaato ku gumoobayo. Tusaale hadaan ku siiyo bal ka waran nidaamka odhanaya degmooyin wax halagu qaybsado, waa degmooyin 62/92 Puntland leedahay oo Siyaasad ku saleeyay samayntooda Darodism iyo halkee reerkayagu degaa. Gabogebo, Midnimo Somaaliyeed dani nooguma jirto.

    ReplyDelete
  19. Tan Tirada dadka qaabkeeda anigaa haya Maxamed oo uma baahna in Yusuf Garaad la weydiiyo sidan ayaana loo samaynayaa: (1) Dadka dalka gudihiisa jooga qof walba meeshiisa ayaa loogu tegayaa, kan xoola dhaqatada ah ee geela iyo lo’da jirta, kan beertiisa falanaya, gabadha ariga ilaalinaysa, carruurta dugsi Qur'aanka dhiganaysa, hooyada gurigeeda ilmaha cuntada ugu karsanaysa, odayga ceelka biyaha kasoo arooraya, kan magaalada jooga meheradduu doono haku haystee, ardayda schoollada, askarta, shaqaalaha dawladda, ganacsatada, xoogsatada suuqyada ka xamaasha, qof walba halka uu dalka ka joogo ayaa loogu tegayaa oo lagu tirinayaa, Computer-ka ayaa la gelinayaa magaciisa oo saddexan, masawirkiisa iyo weliba sawirka indhihiisa, farihiisa iyo QABIILKIISA. Hooyada iyo Aabaha midkoodna la weydiin maayo inta carruur ah ee ay leeyihiin ee ilmo kasta goonidiisa ayaa loo tirinayaa, carruurkii aan weli hadal gaarin oo keliya ayaa magaciisa la weydiinayaa waalidkiis, waayoo runta kama sheegayaan, sidaas ayaa qof walba warqadda aqoonsiga loogu samaynayaa, waxa arrintaa gacan ka geysanaya khubaro caalami ah oo dhex-dhexaad ah oo aqoon durugsan uleh sida dadka loo tiriyo si aan cidina been u sheegan, dad aan jirinna u qoran laaluushna looga fogaado intiii la awoodo. Taasi waa dadka dalka gudihiisa jooga. (2) Dadka dibedaha ku maqan marka ay dalka soo gelayaan ayaa intaasoo kale la marinayaa, meelaha dalka lagasoo galo ayaa laga furayaa xafiisyo arrintaa ka shaqeeya qofkii aan dalka kusoo laaban markii ay dani ka gasho xafiis Dawladda Soomaaliya leedahay oo dibedda ka furan ayaa asagana intaa la marinayaa haddii aaney taasi dhicin oo aanu dan ka yeelan xafiis dawladeed laakiin uu doonayo in uu codkiisa ka dhiibto haddii ay doorasho dalka ka dhacayso meesha ama dalka uu joogo ee uu codkiisa ka dhiibanayo ayaa asagana intaa lagu marsiinayaa warqaddiisa aqoonsigana lagu siinayaa codkiisana uu ku dhiibanayaa sidii asagoo waddankii jooga. Intaa haddii la sameeyo waxa hubaal ah in la heli doono tiro sugan oo aan malo awaal ku dhisnayn ee xaqiiqada ka turjumaysa. Arrintaasi waqtiga iyo kharashka ay u baahan tahay waa in meel lasaaraa loona diyaariyaa. Aniga sidaas ayey ila tahay.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Axmed Salaad, fikirkaagu waa fikir saliim ah, lkn wuxuu leeyahay 2 caqabdood:

      1. Dunida saddexaad badideeda wax sugan oo sidaas aad sheegtay qofqof loo tirakoobaa way yar tahay. Waxaa la sameeyaa qiyaas lagu heshiiyo. Waddamo waxaa jira, waddamo horumaray, oo macal shimbiru tirsanyihiin, sida dalalka aan ku noolahay(scandinavia).

      2. Dal inta wax qorta/akhrida ay tahay "laangaab", oo inta aan wax qorin/akhriyanna tahay "laandheere", ama minoraty, ma kula tahay inuu dhaqaale, farsamo iyo maamul(musuq) ahaanba joogo heer uu ku fuliyo fikraddaada quruxda badan?

      3. Soo kama fududa, inta dadku dhismayo, dhaqaaluhu kobcayo, maamulkuna hagaagayo, ay iskaga socoto 4.5, innagoo qirayna, inaysan xalaal ahayn?

      Haddii xalaal la helayo, tiraba looma baahdeen.

      Anigu ma kala jecli haddii kuraasta ugu sarraysa lagu taxo hal beel kaliya.

      Waxaa ii daran, sidee lagu helaa, caddaalad, waxbarsho, caafimaad iyo nabadgalyo.



      Delete
  20. Anigu waxan ka so jeeda gobolka sool somaliland wanka so horjeeda lakin waxan amin sanahay in u ku saxan yahay somaliland mid dhanta in an laga samaynayn wadan ka intisa kale nin dhisan bu aha oo fahankisa siyasadeed wanaagsan yahay

    ReplyDelete
  21. waxaan qbaa Nuur faarax inuu yahay calooshii u shaqayste isagu iskii u shaqo tagay, shalay buu somaliand joogay oo dadkeeda baryaayey uu lahaa siyaasadaan aqaanaa cod i siiya dadkii waa iska garteen markii la dooran waayey waa kaa xamar aaday , qaranka somaliland waa 25 jir gaamuray oo ka mudhay Geeska Africa isagoo la,aada ururadii siyaasada ku hadhay in somaliya wasiir ka dhigatay waxay cadaynaysaa " Somalidu ninkay maqasah kala quusato ayey adhiga u dirataa" somaliyaa taas ka dhigan midkastoo laga quusteen ah bay masuul ka dhigtaan nuur faarax waxan leeyahay beri yaan lagu arkin adoo cafis soo dalbanaya somaliland way soo jirtay waligeedna way jiraysaa adiga iyo inta ka maqanba hagarad daamaad kalan maqan tihiin , dalkayaga anagaa dhisayna anagaa doonayna anagaa u dhianayna 1000 sanadoodna ha gaadhnee waanu dhisaysaa adigu adaa nasiib leh hadaad somaliya ku bad baado Somaliland ha jirto oo ha joogto

    ReplyDelete
  22. Maxamed waa runtaa sida aad sheegtay oo way adagtahay in fikradaydu ay waqtigan ka shaqayso waddan sida Soomaaliya oo kale ah oo aanu xaaladdeeda wada ognahay, laakiin haddii aad fikraddayda mar kale dib u akhriso waxa kaaga soo bixi doona in aanan arrintaa waqti go'an oo lagu dhaqan geliyo u qaban, keliya waxan sheegay sida ay aniga ila tahay in xal looga gaari karo arrinta tirakoobka dadka, anigoo weliba gunaanadka fikradayda kusoo xiray in arrintaa loo diyaar garoobo dhinac kastaba, waqtiga ay u baahan-tahayna la siiyo dhaqaalihii lagu socodsiin lahaana la diyaariyo. Taa micnaheedu waxa weeye inta taa laga gaarayo in nidaamka hadda jira ee 4.5ka lagu sii shaqeeyo oo aan laga guurin ayadoo aan la diyaarin halkii loo guuri lahaa. Dalalka aad sheegtay ee ay xitaa shimbiruhu u tirsan yihiin arrintani cirka ugama soo dhicin sida roobka ee dadaal badan ayey geliyeen, kharash badanina wuu uga baxay daraasado fara badan iyo waqti dheer oo laga yaabo qaarkood in ay qarni iyo ka badan ka qaadatay ayey geliyeen, dadkoodana way u diyaariyeen dhinac kastaba, xagga aqoonta oo dadka wax la baray, xagga maskaxda dadka oo loo diyaariyey in ay sidani sax tahay, waad aragtaa oo wadamada aad ku nooshahay ilmaha yar ee 3 jirka ah ee ku dhashay sida uu nolosha iyo dhaqanka meeshaa ka jira u fahamsan yahay oo aanu ogolayn in dhalada uu biyaha ka cabay uu jidka ku tuuro ee uu la raadinayo halkii ay lahayd oo haddii aad tiraahdo iska tuur uu u arkayo in ay dembi tahay. Waxaad ogtahay in beri ay dadka u dhashay wadamada Scandanevianku ay wadamadooda uga qaxi jireen sida iminka looga qaxayo wadamada dunida 3xaad, gaar ahaan Africa & Bariga dhexe amaba guud ahaan Asia inteeda badan oo qaar badan oo dadka Scandaneviaku ay badaha ugu dhamaan jireen sida iminka loogu dhamaado badaha oo weliba qaarkood lagu geyn jirey wadamada North America hab addoonsi ah. Markaa annaguna waan samayn karnaa inta ay sameeyeen dadyowga hore u maray laakiin waa in aanu u diyaar garownaa dhinac walba ee aanaan is oran arrintani ma suuro galeyso ama ma samayn kartaan, micnuhu maaha in aan aniga iyo adigu arrinta natiijadeeda gaarno, keliya waxan ugu yaraan samayn karnaa in aanu base-ka usii dhigno oo aanu u abuurno sida beerta oo kale si ubadkeennu kuwa ay awoowayaalka u noqon doonaani arrintaa uga mira dhaliyaan oo ay dalkooda nabad iyo nidaam kala haga ugu helaan.

    ReplyDelete
  23. Walaal yusuf waan daawaday hadalka wasiirka. Waxaa aad ii saameyey markuu yiri... soomaaliyey federalka bookta ku yaal iyo kan naloo dhiibay isku mid maahan..tusaale ahaan.. federalka america fiiriya waxaad aragtaan hal madaxweyne oo kaliya..soomaaliya waa meeqa madax weyne.

    ReplyDelete
  24. Saeed Sheekh anoo adiga ku riixeyn, Yuusuf na taageero u aheen , Yuusuf markasto qormo macquul ah ayow bulshada u soo gudbiyaa

    ReplyDelete
  25. Wasiirku wuxuu lahaa urur siyaasadeed oo somalilnad ka jiray, hadii qofku hadi uu mar been sheego way adagtahay sida lagu aamina wuxuu qiyaamay dadka somaliland isaga iyo fowsiya iyo maxamed cumar carte, waxa jira siyaasiyiin ka so jeda somaliland oo aan khiyaameyn shacabka somaliland iyo kuwa somaliyaba hadalkooduna ahaa waxaan rabna somaliweyn xalaala iyaga oo hargeysa jooga oo waliba qaar ka midi ay mansab k hayeen xiliga waxa ka mida jaamac maxamed qaalib isagoo xildhaan somaliland ah ayuu odhan jiray anigu waxaan aaminsanahay somaliya mida. Marka yuusufow caqliga salimka ahi ima siinayo in wasiirkani daacad yahay,rayigayga wa nin calooshii u shaqayste ah ama mansab u shaqayste ah.

    ReplyDelete