Dhaliisha 4.5
Si kooban 4.5 waa nidaam qabiil, waa hayb, waa simid dad aan isla
tiro ekeyn. Waa wax isugu darid dad aan isku degaan iyo fikir toona ahayn. Waa
in aqoonyahanka iyo waxgaradku ay u martiyaan hoggaamiyayaal qabiil iyo inta
biilkooda bixisa. Waa kala qeybinta ummadda. Waana dulmi in iyada oo aan la is
tirin dadka qaarna loo qoondeeyo xubin buuxda qaarna la siiyo bar.
Qabiilku waa Xisbi aadan ku biirin, kana bixi karin oo wax laguugu daray.
Qabiilku waa Xisbi aadan ku biirin, kana bixi karin oo wax laguugu daray.
Colaadda iyo dib-u-dhaca waxa keenay waxaa ka mid ah qabyaalad oo
qabiilku sal u yahay. Nidaamka 4.5 ee qabiil wax ku qeybsiguna wuxuu dadka
markinayaa in ay qabiil ka fekeraan, ku fekeraan, una fekeraan. Sidoo kale
wuxuu barayaa in ay qabiil ka hadlaan, ku hadlaan, una hadlaan.
Waxaas marka la isu geeyo waxay qofka si sahlan cagaha ugu
gelinayaan qabyaalad oo ah hooyada amni darrada iyo dib u dhaca isla markaasna ku
shaqeysa dhaqan lid ku ah sharci iyo kala dambeyn.
Waa nidaam ku dhisan hayb qabiil kaas oo bulshada ku hagi kara, weliba si socod boob ah, dhabbe aan u socon jihada Qarannimada iyo Dowladnimada ay naga jiraan.
Waa nidaam suurta geliyay in qof aan la soo dooran, cid uu wakiil ka
yahayna aanay jirin uu siyaasadda xishood la’aan dhex iyo hor boodo una dhaqmo
sidii in dalku uu ku socon karo tijaabo iyo ra’yi keliya. Taasi waa kuwa is leh
dalku hore ha u socdo. Laakiin 4.5 siyaasiyiinta uu soo saaray waxaa ka mid ah
qaar aan ogeyn in la rabo in dalku hore u tallaabsado ama aan dan ka lahayn.
Waa nidaamka keenay in hoggaamiyayaasha dhaqanka oo ahaa astaan u
taagan sharaf iyo xushmad dhaqan ay heybaddoodu dhaawacanto ka dib markii
siyaasiyiin kursi doon ah iyo gacansato gurracan ay laaluush ku fidneeyeen oo
ku hafiyeen, markaasna ay ku kallifeen eex iyo been. Hoggaamiyayaasha dhaqanka
qaarkood maanyta wey og yihiin in la og yahay waxa ay faleen.
Nidaamkan 4.5 oo la filayay in uu ku ekaado kuraasta siyaasadda,
waxaad arkeysaa in shaqaalaha dowladda iyo waliba shaqooyinka xirfadlayaasha
aad mooddo in la soo dhex gelinayo. Taas oo dhaawac weyn u geysaneysa in ay
howli u qabsoonto si ku dhisan xirfad iyo farsamo.
Waa nidaam musuqmaasuq, dulmi iyo duudsi u saaxiib ah.
Waxa uu soo kordhiyay 4.5
Markii ay burburtay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya horraantii 1991,
intii ka dambeysay waxaa Soomaalida loo qabtay shirar fara badan oo la isku
dayay in Dowlad lagu dhiso. Waxaa la isugu yimid Djibouti 1 iyo 2, Addis Ababa
oo dhowr jeer ah, waxaa la tegey Qaahira iyo magaalooyin kale. Waxaa la qabtay
ama la isku dayay shirar Muqdisho iyo Boosaaso. Shirarkaas qaar ma qabsoomin,
inta kalena weyb soo saari kari waayeen Dowlad Soomaaliyeed.
Inkasta oo wakhtigu uu qeyb ka qaatay, haddana nidaamka keliya ee
suurta geliyay Baarlamaan Soomaaliyeed oo dhaliil ha jirto laakiin la aqbalay,
waa nidaamka 4.5 ee hadda aan haysanno.
Wuxuu suurta geliyay in Baarlamaan uu ku dhismo Carta, Djibouti
sannadkii 2000.
Ma ahan keliya in uu dhismo ee nidaamka 4.5 wuxuu suurta geliyay in
Baarlamaankeennu uu qaangaaro oo 15 jirsado iyada oo aan wax hakad ama kala go’
ahi soo dhex gelin Dowladnimada.
Waa nidaam ku dhisan in afarta qabiil ee waaweyn ee uu Soomaali u
qeybanayo, oo ah kuwii xilliyo iyo sababo kala duwan hubka u qaatay, ay
aqbaleen in aanay jirin cid adkaatay oo u yeerin karta inta kale, oo ay tahay in si siman ay wax u qeybsadaan. Nidaamkani waxaa kale oo uu suurta
geliyay in qabaa’ilka aan hubka qaadan ay wakiillo ku lahaadaan labada Gole ee
Sharci-dejinta iyo Fulinta. Inkasta oo kuraasta qabaa’ilkani ay nus tahay,
haddana nidaamku wuxuu xaqiijinayaa in aan iyaga laga tegi karin.
4.5 wuxuu xaqiijiyay in xildhibaannada Baarlamaanka isku si loo soo
xulo oo aan midna mid kale u sheegan karin awood sharciyeed uu dheer yahay.
Nidaamkani wuxuu isku hayaa midnimada Soomaaliyeed. Waxaan ula jeeda
in Somaliland, dhulka uu Shabaab haysto, Gobol aan Dowladdu gaarin iyo magaalo
kasta oo Soomaaliya ka mid ah in mid kasta ay Baarlamaanka fadhiyaan dad ka soo
jeeda degaankaas. Taas oo marka aan hoos loo sii fiirin aad mooddo in
Baarlamaanku si dhab ah u metelo Gobollada iyo degmooyinka dalka Soomaaliya oo
dhan.
Wuxuu sahlayaa in la illaawo xad gudubyadii dagaalkii sokeeye la isu
geystay maaddaama isku cod la yahay.
Nidaamka 4.5 ma ahan mid loogu talo galay in uu dalkaan nidaam u ahaado weligii. Wuxuu ahaa nidaam ku-meel-gaar ah oo loogu talo galay in marxlad markaas taagnayd oo ahayd dagaal sokeeye iyo Dowlad la'aan looga gudbo. Waa lagu soo caano-maalay in ka badan 15 sano.
Waxay ahayd 4.5 in looga gudbo qof iyo cod oo ah hannaan Dimuqraaddiyadeed. Taas waa la suurta gelin waayay. Hababka la soo jeediyay in loo gudbo ayaa waxaa ka mid ah in Degmooyinka
dalka, iyaga oo aan dadkooda la tirin la siiyo kuraas Baarlamaan oo isla tira eg oo
sidaas lagu soo xulo Xildhibaannada. Nidaamkaas la soo jeediyay muxuu soo kordhin karaa muxuuse dhimi karaa? Waa su'aasha aan uga jawaabi doono qormadeyda tan xigta haddii Rabbi idmo.
Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay qormadan. Fadlan aragtidaada halkan ku raab.
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
DeleteThis comment has been removed by the author.
DeleteDanteyna adingaa diidayoo,itoobiyaan daba orodaan. Doolaraa qaadataan dabaqyaa ku nooshihiin, dalkii kii daafacaayey dawo iyo quud maleh.
DeleteWaxaan u arkaa aniga 4.5 laftigiisa qabiilada Hawiyo iyo daarood iney ku dulmanayeen oo digil iyo mirifle iyo dir ay ka number badan yihiin waa aniga fikirkeyga kuwa lagu timaamey 0.5 kuwaas hada 4.5 waxbey ku helayaaney bal cidii degmo ahaan wax ugu keeni karta ayaaba yaableh iney hada waxbeyba helayaane degmo iney 2 kabadan waayaan ayaa umeleynayaa waa aniga fikirkeyga
DeleteThis comment has been removed by the author.
DeleteQore: Wardheere Ali
DeleteHawiye iyo Daarood iyagaa isu arka inay ka badanyihiin beelaha kale, laakiin xaqiiqda tirakoob sax ah unbaa lagu ogaan karaa. Wixii intaa ka horreeya waa iska sheegasho. Waxaa jira gobollo qabiillo sheegtaa, oo laakiin looga badanyahay. Tusaale, Jubbooyinka Daarood baa sheegta, laakiin haddii la is tiriyo qabaa'il badan oo hadda xoog lagu maquuniyo ayaa soo bixi lahaa. Sidoo kale, Shabeellaha Dhexe Jareer aad u tirobadan baa daggan oon maanta cod laheyn. Degmooyinka Gobolka Banaadir dad badan oo maanta aan xuquuq la siinin ayaa cod ku soo bixi lahaa, oo ay ka mid yihiin Digil iyo Mirifle, Banaadiri, iyo Jareerweyne.
Yusuf qoraal xiiso iyo faaiido leh baad soo bandhigtay. Mahadsanid.
ReplyDeleteIn odayaashii dhaqanka ganacsatadii iyo qurbo Joog hagbado iyo daymo soo qaataa Xamar La isugu keeno sow waraabe iyo xoolo isku career maaha.
Dhaka metalaada iyo La xisaabtan kaba waxaa ku habooon in laysku doorto bulshada dhexdhexaad.
Tiradu qeymo maleh hal xildhibaan iyo 4 xildhibaan waa isku wax qabad.
Yusufow wad ku mahadsantahay madama aad qormadan nala wadagtay, balse mid isla markiiba maskaxda akhristaha kusoo dhacaysa baa jirta oo dhahaysa umadii maadaama laga dhaadhiciyay fikir 4.5 ladhoho oo katurjumaya 4 isle'eg iyo barkood hadii xataa one man one vote suurto gasho, soo intii isku qabiilka ahayd is dooran mayan kii nuska ahaana meeshiisii mataagna oo nus vote heli mayo.
ReplyDeleteMahadsanid
"4.5 xaq ma aha ee waa xal" ayaa laga hayaa raggii berigaa howsha waday. Waxaa, malahayga, xilligaa la waayay qaab kale oo Soomaaliyi wax ku qaybsan kartay iyaga oo ku qanacsan. Haddaba waxaa loo baahan yahay duul la yimaadda caqli iyo farsamo kale oo dhaanta 4.5 oo lagu beddelo ummaadduna aqbali karto. Aad ayaad u mahadsan tahay, Yuusuf sida aad u kala dhigtay iimaha iyo wanaagga 4.5
ReplyDeleteAsc saxafi yusf garaad magacygu waa wariye khadar bitijoor uganda kampala anigoon sida runta aan amii sanyn 4.5 kana mid ahyn waayo anigu waxaan ka soo jeeda somaliland lkn hadana inaan fikir somalianimo ka baxsho ayey ka fursan wayday horta qaabkani waxa weeye ama aan ku masaalaya afar xabo sanbuusa jab sanbuusa waxa loo qaybinayaan waa shannin oo ilahay wada karaameyey sagaal bilood calool soo wada galay oo aan midn 12 bilood ku dhalan xiniyan aan is dheerayn afarna in la yidha nin waliba xabadiisa sanbuusa ha qaato midna la yidha waar adigu jabka sanbuusaha qaado taasab quudhsi ah ninka la quudhsadayna waligi waxba dhsi maaye wax uun buu dumin waa arinka somaliye qaabkana waxaan odhan laha soamliya waa inay waladay iska badlan oo aany wax ku qaybsan afarta somalialnd naga jooga waxaan umada somaliya kula talin laha inay soo eryaan inta loogu talo galyna inay maskiinka jabka sanbuusah la siiyey inay ugu daran sida somaliya cadalad ku gaadhi kartaaye intay waladay gaadhayan inay one man one vote gadhyaan ilahy nabad somaliyan haydin adkeeyo han inag wada dhi walalo jaar wadaag iyo dhaqan diin wadaag ah sida jabouti oo kale yusufow intaas saxafi iga dhan tahay asc
ReplyDeleteMr Yuusuf Garaad aad baad oogu mahadsan tahay, qaadaa dhigida moowduucan oo ay Somali badani ku jaga wareersan yihiin.
ReplyDeleteKolleey anigu wax badan baa iigabaxay , waana kaaga mahad celinayaa .
Nidaamkan Afar iyo barka waxaan qabaa inuu soomaali halkaas soo gaadhsiiyey marxaladii soomaali kujirtayna markii afar iyo barka lagu heshiinayeyna waan ogayn meeshay maraysan somali taas waxaan odhankaraa mansha alaah baan baanta joognaa, lkn 4.5 waa wax dhib lagaga soo baxay soomaalina lagu soo badbaadiyey waa in dariiqaas laga baxaa oo xitaa la qaataa wax lagu qaybsadaa 5 beel inta qof iyo cod gaadhayno
ReplyDeletewabilaahi towfiiq
Alla xaqa hadii laga tago leys diriri ogaa horeyna maah maah baa beyd labadii xaqdara kuheshiiso xaq bey kudiriraan
ReplyDeletekolka yuusuf garaad iiil iyoo eed waxaa kufilan arka lasiiyau qawmiyad tieadeeda intaa dhanthy lana yiri intaas waa inaad kuqaanacdaa
fakarkeygu waa in laga baxaa 4.5 loona gudba one man one vote hadii laheli waayo waa in lagu qeybsadaa 5
This comment has been removed by the author.
ReplyDeleteweriyehena yusuf garaad iyo dhamaan asxaabta waad salaaman tihiin,Asc,,koley meesha waa fikirka aan ka qabo,nidaamkan 4,5 ah,,hadaad og tihiinba,waagii kacaanka shacab ahaan iyo dowlad ahaan wey jirtay nidaamkan,weliba iyadoo ka sii xun,,marka aniga waxaan dhihi lahaa,somaliyey ilaahey ka baqa,dulmiga ma fiicno,,goormaan sideedaba qabiilka ka baxeenaa,taas aan ka hadalno,,wa bilaahi towfiiq,
Deleteyuusufow waxaan haisku daalin 4.5 waaais xaqiraad iyo dulmi saad u sheegtaybo waxana soomaalida ka dhaadhacsiiyay dawlada shisheeye oo ay hormuud u tahay dawlada jabuuti marka sheekadaan waxay ku dhamaanaysaa umadii tashan waydo waa loo talinaa waad aragtaamaantay waxa calan lawato waxaas waxaa kadaalka taagan dawlado dano gaar ah leh iyo kuwo siyaasiin sheeganaayo oo ah dad daciif ah marka waxaan hadal kaygaku soo gaba gabaynaa gabay uu KA TIRIYAY AL ABWAAN CABDIQAADIR NUUR XIRSI ( YAMYAM) OO tusaalaynaayo tanmaantay taaganwaxaa uu yiri abwaanka allha u naxariistee QARAN JABAY HADII UU QABJIRO WAALAJIRINYAALE ....... QABKAJABAY AYAA IIGA DARAN QARAN JABKEENIIYE
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteNadaamka 4.5 maah wax midanaa kara somalai
ReplyDeleteSomaali marak lag reebo siyasiyiinta wax kaliya kumidoobi karaan waa dawlad isaamiah waa fikirkaan qabo waayo dadak wax deeqad cadaalda
yusuf wa sax in oo dhib leeyahay 4.5 qof amaan u heeysa malahan laakin ilaa laga helo dorasho sanduuq iyo qof ma istiri wax badala waa adagtahay in la helo maxaaa yeelay ilayn 4,5 dhiig kuma daato degaane la iskuma qabsado laakin hadii si fudud looga tago o aan la daraaseeyn waxi badali lahaa waaa kud ka guur qanja u guur waxaan kaa sugeeynaa qormo ka caqli badan 4.5 o aan soohdin dagaal keeni doonin
ReplyDeleteNidamka 4.5 waa nidam ku saleesan qabiil, waana nidaam keenay in somalia lakala faquuqo, aniga ahaan fakirkayga waxaa waye in laga daayo somalia magaca 4.5, micnaha 5 aan dhahno, lkn saamiga awood qeebsiga halagu heshiiyo, nidamkana hada cusub ee daganka ah waa nidam u dhaw midka 4.5, waa nimdam lagu salenayo qabiil, ayada oo la oranaayo yaa dagan dagmadas,ayada oo aanan la eegeenin ama la tirinaynin degmada dadka dagan,waxaa macquul ah dadka dagan degmo lkn ayaga anan xakumin dhanka awooda iyo maamulka, taasna waa cadaal daro,ani ahan waxaa qabaa in barnaamij qabiil somalia laga dayo, oo doorasha xur ah one person one vote lagaarsiyo, qaabka lagu gaari karana somali ka arinsato.
ReplyDeleteAad baa ugu mahadsantahay Yuusuf saad u sharaxday 4.5; si sax ahna waad u abaartay mesha u ka yimi, faa'iido iyo khasaare wuxuu keenay. waxaanu sugnaaba waa qormadaada danbe ee aad ku tibaaxi doonto habka la damac sanyahay in looga gudbo 4.5.
ReplyDeleteNidamka 4.5 waa nidam ku saleesan qabiil, waana nidaam keenay in somalia lakala faquuqo, aniga ahaan fakirkayga waxaa waye in laga daayo somalia magaca 4.5, micnaha 5 aan dhahno, lkn saamiga awood qeebsiga halagu heshiiyo, nidamkana hada cusub ee daganka ah waa nidam u dhaw midka 4.5, waa nimdam lagu salenayo qabiil, ayada oo la oranaayo yaa dagan dagmadas,ayada oo aanan la eegeenin ama la tirinaynin degmada dadka dagan,waxaa macquul ah dadka dagan degmo lkn ayaga anan xakumin dhanka awooda iyo maamulka, taasna waa cadaal daro,ani ahan waxaa qabaa in barnaamij qabiil somalia laga dayo, oo doorasha xur ah one person one vote lagaarsiyo, qaabka lagu gaari karana somali ka arinsato.
ReplyDeleteYusuf Garad aadbaan u fahmay 4.5 weligeey waan ka fakari jiray micnaha uu yeelan doono 4.5
ReplyDeletethanks
Qormada Waa KU mahadsantahey
ReplyDelete4.5 ciladiisa ugu weeyn ee aan arkey waxaa kamida wasiir AMA taliye AMA shaqsi xafiis dowlad joogo hadii xilka laga qaado inta musuq AMA shaqo xumo lagu arko qabiilkiisa qofkaas oo dollar uusan weligiis siin baa shir jaraa'id qaban oo leh wasiir keena maxa loo taabtey anaguu kursiga noo fadhiyey ogoow weligiis reerkiisa wax muu tarin ceel uma qodiin iskuul uma dhisin wax uu u tarey maleh hadana lama taaban Karo halkaas doowlad xumo baa ka dhacdey arimo doowlada aan baadi gooberyno lagu gaari Karo maahan xisbiyo AMA culimada oo 1000 Wadaad ah xildhibaano hanoo soo xulaan odey laaluush qaatey wax qeeyr leh keeni maayaan
asc aniga haddii aan fikirkeyda ku darsado 4.5 mudo 13 sano ah ayaa ku jirnay 4 dawlad ayaa lagu soo dhisay wax laga faiday ma laha meshan 2002 joognay ayaa wali jogna barlaman odayaal ay soo dhiseen walibo musuq masuq ku dhisen barlamankaas isagan waa musq masuq waa soo aragnay marka waxaa hada u bahanahay qaab ka duwan bal in la tijaabiyo waan hab deegan mid kale 4.5 dadkii soo dhex dhigay somali ama dagal ka riixay aniga waxaa dhihi laha ilaha cafis ha weydistan iyo dadkii ay liiden oo ay ku tilmamen 0.5 wabillahi tawfiiq
ReplyDelete4.5 waxaan ka faa'iidnay ayaa waxeey ka badan yihiin waxa nagaga maqan, sababtana waxaa laga helayaa qoraalka YG. Waxa ugu weyn ee aan wax lasiisto jirin waa in aan maanta nidaamkaas dartiis dowladnimo ku haysano. Tan kale ee aniga muhiim ii ah waa in qabiil kastoo soomaaliyeed iska dhex arko dowladnimada Soomaaliya, oo aysan jirin cid ama laba qolo oo ku amar taagleysa inta kale, maadaama beelo aan isku dirirnay. Aniga waxaan qabaa inti tirokoob rasmiya dalku ka dhacaayo in sidaan lagu wado, si aanan mar kale ugu laaban nidaam aan xaq aheyn laakiin xal ah. Xaq-darro xal ah haddaan haysanaa, uma baahnin mar kale ineey soo laabato iyadoo cilmiyeeysan, ama ah sidi federalka qabiilka ku dhisan.
ReplyDeleteMahadsanid.
Ustaad Yusuf,waa sida aad u taxliilisay,4.5 ,hadana maanta ayadaan door bidayaa,sabta cabsida aan ka qabo dagaal nuuc cusub ah,iyo cadaalad daro ka qiro wayn,hada 4.5 waa cadaalad daro la aqbalay,shaqsiyan aniga rajo kama qabo in aan wax ku helo hanaankaas,inta uu jirana cadaalaad rajo kama qabo, hanaanka degaanka ee hada loo qaylinayana waxaan u arkaa jaakadii oo dhankale oo kala dheer loo gashaday, ilaa degmo waa bulsho siyaasadeed, hadii la beeleeyo waa ha la is dilo.
ReplyDeleteSidaa awgeed inta aan bulsho siyaasadeed wax doorta kagaarayno labada xumaanood aan qaadano mida fudud....
Waa nidaamka keenay in labo nin oon isku aqoon iyo isku aragti ahayn ay aqbalaan nin hal naadi kawasa tirsanaadaan kaasoo aaan la aqoon cidi ku dartay..Yusuf Garad
ReplyDeleteWaa nidaamka keenay in labo nin oon isku aqoon iyo isku aragti ahayn ay aqbalaan nin hal naadi kawasa tirsanaadaan kaasoo aaan la aqoon cidi ku dartay..Yusuf Garad
ReplyDeleteaniga rayigayga, nidaamka 4.5 marka aynu is barbardhigno faa'idadiisa iyo khasaarihiisa waxaa badan faa'idadiisa. sababtoo ah, wadan nidaamkiisii oo dhami dumay oo meel wax laga bilaabo aanay jirin oo la isku raacsan yahay hadii wax uun la isku raaco waa faa'ido wayn.
ReplyDeletedhaliilo badan wuu leeyahay lakin, waxaa aad u fiicnayd in nidaamkan laga guuro sida ugu dhaqsaha badan may ahayn in kudo 15 sano ah lasii haysto, taasina waxaa masuuliyadeeda leh dadka dawlada somaliya hogaanka ka ah. waxaan odhonayaa hadaba wadankii lixdankii midoobay ee somaliya isku odhon jiray maanta ma jiro ee humaga beenta ah in ay iska dhaafaan dadka iyo dawlada somalia oo ay wax ku qabsadaan si iyaga leeg, waxaan u jeedaa qof aan waxba kaaga baahnayn in aad wax siisaa waxaa ka wanaagsan in aad u kordhiso kuwa wax idinka dhaxeeyaan ee cabanaya, waxay ka dhigantahay ninka sidan u fikirayaa nin miskiin baahan iyo taajir u qaybiyey gadbad bariis ah si sileeg.
Waad Mahadsan tahay Yusuf..Aniga ra'yigeyga waxay ila tahay in halkaan looga gudbo 5 qolo oo Siman... Inta kale ee nidaam hada la sheegayo waxa uun ka dhalan doona, laba kaclayn iyo is riix riix qabiil oo hor leh.. Qofka Soomaaliga ah kama suulayo inuu qabiilkiisa ku tiirsanaado inta laga helayo nidaam kale oo qofka isku halayn karo.. Magacii doona haloo baxshee.. Nidaam Diineed, Federaal, Deegaan, Dimuqiraadiyad, Kalitalis iwm...
ReplyDeleteDhib ka Soomaaliya ka jiraa waa Dulmi, Jaahilnimo, Gaajo, Hogaan xumo iyo Fara galin Shisheeye intaas oo umada u diiday inay deganaansho helaan...
Marka, bacdamaa 15 sano lagu jiray nidaamkaan 4.5 bal aan markaana tijaabino nidaamka 5 siman ee walaalaha Soomaaliya.. Xidigteenaaba leh 5 Gees marka aan shanta ku heshiino waa xalka ugu fudud ee hadana laysku raacsanaan karo... inta kale waa uun 15 sano oo gadaal loo noqday iyo awood hor leh oo qabiilada la galinayo inay soo nooladaan.. waxaadna ka dareemi kartaa inta shirar dhacayo, odayada la daabulayo, dhalinta la kicinayo, lacagta beel kasta laga qaadayo si beesha xaqeeda loo difaaco, haweenka marada babinayo iwm..
4.5 waxba ma dhibaayo haddeey tahay ku meel gaar laakin waxaa is weydiin leh ku meel gaarka waqti u go'an ma leeyahay mise ilaa 50 sano oo soo socoto ayuu ku meel gaar ahaanayaa?
ReplyDeleteASC magacaygu c/raxmaan siyaad deegaan ahaana waxaan kasoo jeedaa waqooyiga soomaliya ee soomaliland.
ReplyDeleteRun ahaantii waxaan sxb kay waydiin lahaa hal qodob oo saabsan nidaamkan 4.5.
Su aashaydu waxay tahay article-kan aad qortay ciwaan kiisa 2aad ee ah FAA'IIDOOYINKA UU LEEYAHAY 4.5
Paragraph ka 7aad ee qeexaya Nidaamka isku xidhka midayta soomaaliya, ma waaxaad ula jeedaa wuxuu isku xidhay qabiilada soomaaliyeed oo baarlamaanka soomaaliya laga helikaro waqooyi galbeed (soomaaliland). Sidaa miyaad ula jeedaa?
ASC magacaygu c/raxmaan siyaad deegaan ahaana waxaan kasoo jeedaa waqooyiga soomaliya ee soomaliland.
ReplyDeleteRun ahaantii waxaan sxb kay waydiin lahaa hal qodob oo saabsan nidaamkan 4.5.
Su aashaydu waxay tahay article-kan aad qortay ciwaan kiisa 2aad ee ah FAA'IIDOOYINKA UU LEEYAHAY 4.5
Paragraph ka 7aad ee qeexaya Nidaamka isku xidhka midayta soomaaliya, ma waaxaad ula jeedaa wuxuu isku xidhay qabiilada soomaaliyeed oo baarlamaanka soomaaliya laga helikaro waqooyi galbeed (soomaaliland). Sidaa miyaad ula jeedaa?
Asc, Anigu waxaan qabaa in dadka soomaalida ah qabiil wax loogu qeybiyo. Dasruurka dalkana lagu qoro in qabaailka soomaalida si siman wax loogu qeybiyo. Sababtu waxey tahay waxaan ognahay in ey jiraan qabaail aad ugu maman siyaasada aadna u jecel sadbursiga iyo qaraabokiilka. Waxaan kaloo qabaa in dastuurka lagu qoro in qof madax ka ah wasaarad, wakaalad ama shirkad dowladu leedahay uusan shaqo u qori karin qof reerkiisa ah ama ey asxaaab dhow yihiin si loo hubiyo in eysan dhicin qaraabokiil iyo nin jecleysi. dalka Norway oo aan ku suganahay waxaa ka jiro qeynuun la yiraahdo dhexdhexaadnimada oo hadii aad meel madax ka tahay ey shaqo ka banaanaato shaqo joornaalka ayaad ku qoreysaa hadii dadka codsanaaya shaqada uu ka mid yahay qof aad saaxiib tihii ama dano idiinka dhexeeyaan. Markaas go'aanka gaarida cida shaqada la siinaayo waxaa u gudnineysaa heyad kale adigoo ilaalinaayo dhexdhexaadnimada.
ReplyDeleteMr Garaad waxaa jira xaqiiq aad ogtahay caruurta xataa ogyihiin in dowladii kacaanka ay ka fogeyd cadaalada qeybsiga degmooyinka oo uu ugu roonaaday beelo qaar ah hadaba dulmigiii la riday dhaxalkiisa sidee lagu aqbalaa
ReplyDeleteXalka somalia waa in tirokoob sax ah la sameeyaa gobol walba tirada dadkiisa lagu jaangooyaa tirada xildhibaanada ay yeelanayaan waayo Somalia waxaa jira gobolo waaweyn Lkn ayna dad badani ayna ku nooleyn iyo gobolo yar yar oo dad badan ku noolyihiin bal is barbar dhig ku sameeya shabeelada hoose iyo gobolka Bari
ReplyDelete4.5 hadii la atirtiro waxaa dhici karta in reer isku shubto sababto ah reero badan oo aan codaynayn ayaa jira marka inta dadka la midaynayo horta yaan la degdegin ee 4.5ka halayskaga wadto yaan hadana mar kale somaliya burburin ee
ReplyDeletexalka ugu haboon aniga ahaan waxaan u arkaa in nidaamka axzaabta la xoojiyo inta ayka imaaneyso nidaam xalaal ah oo is rabitaanku saleysan manadsanidiin
ReplyDeleteAad ayaan kuugu raacsanay fikirkaaga, laakiin nidaamka 4.5 waxaa kucaano maalay kooxo gaara. Soomaaliya dawladnimadeedii wax saasa oo maanta kajiraa maleh. Dawladda xamar kadhisan maanta meelay matasho iyo cid ay kalsooni kahaysato majirto oon ka ahayn kooxda majaraha uhaysa. Markaa 4.5soomaalida dawladnimadeedii waxay kadhigtay NGOs weyn oo ay kuqaraabtaan qaramada midoobay hoggaamiyaasha dawladda oon cidna udanaynayn. Markaa soomaalida colaadeedii wali halkii ayey taagantahay waxaana tusaale cad kuu ahaa dagaalkii gaalkacyo. Sidaas daraadeed, 4.5 wax uunataray maleh. Wuxuu aasay waddiniyaddii iyo soomaalinimadii oo lawaayey wax sheegta. Dadkiina waxay kuqanceen maamul goboleed halkii ay xoojin lahaayeen dawlad dhexe. Kalsoonida dadku hadda waxay taallaa maamul goboleedka, xamarna waxaa loo arkaa uun maamul goboleed xoog dadka kuhaysta. Waana taas dadka ay rabaan iney kaxoroobaan, oo haddii baarlamaan xamar lageynayo ay iyagu dirsadaan. Laakiin kuwo aan aqoon iyo damiir midna lahayn oo jidadka lagasooxaabiyey, hakumatalaan waa ayaan darro. Xamarna arrintaas waa kusoomoodday oops labaatankii sano wixii soomaaliya loogutalogalay iyadaa lawaydiinaa meelay mareen.
ReplyDeleteASC. Walaal Yusuf Garaad marka hore waan ku salaamayaa, marka xigta waxa aan kaaga mahad naqayaa dadaalka iyo waqtiga qaaliga ah ee aad gelineyso in aad dadka Soomaaliyeed usoo bandhigto dood cilmiyeed aan uga baaraan degno qof iyo aragtidi sidii aan uga bixi lahaayn dhibaatada dalkeenna ka taagan muddada dheerna soo jiitameysey adigoo adeegsanaya aqoon cilmiyeed-kaaga iyo waaya aragnimadaada. Intaa marka aan taa uga gubdo oo aan aragtideyda ka dhiibto mowduuca aad soo bandhigtay ee aad cinwaanka uga dhigtay « Miisaanka Afar iyo Bar », xumaantiisa, wanaagiisa, wixii uu soo kordhiyey oo laga faa’iidey, iyo wixii uu noo dhibay iyo waxa lagu beddeli karo ama sida looga bixi karo oo aad dadka usoo bandhigtay bal in ay ka baaraan degaan oo ay ra’yigooda ka dhiibtaan, qofba meel ku dhufay qofbana si ula muuqatay, anigana sidaan ayey iila muuqataa.
ReplyDeleteMarka hore haddii aan nahay Soomaali waxan nahay dad aad u dambeeya marka laga hadlayo nidaamka Dawlad-nimada iyo sida aan u fahamsan nahay iyo waxa ay tahay Dawlad-nimadu, taasina waqti badan oo aan qoraal iyo labo lagusoo koobi karin ayey u baahan tahay in la fahmo waxa ay Dawladnimo tahay oo bal iskaba daa dadka caadiga ah ee shacabka ahe kuwa siyaasiyiinta ah ee xil doonka ah ayaa u baahan in ay bartaan waxa ay Dawladnimadu tahay. Nidaamka hadda jira ee 4.5ka ah waa run oo waa xaq darro caddaan ah oo aan geed loogusoo gaban laakiin xal loo arkay waqtigeedii runtiina lagusoo moodey wax badan oo dhibaatooyin ahaana loogasoo gudbey oo laguma darsan ku dhaqanka nidaamkaas kol haddii aanu waqtigaas jirin xal kale oo suura gal ahaa oo looga fursan karey in lagu joojiyo dhiigii Soomaaliyeed ee daadanayey.
Sida aniga ay ila tahay in looga gudbi karo nidaamkaas oo runtii Caddaaladda aad uga fogina waa in nidaam Caddaalad ku dhisan la abuuro, maaha in nidaam isaga ka liita ama ka dhib iyo dulmi badan lagu beddelo. Nidaamka hadda la hadal hayo ee gobolka ku dhisani kan 4.5ka ah ee hadda jira wuu ka liidan doonaa wuuna ka dulmi badnaan doonaa, kan Federalka lagu sheegayana isaga hadalkiba daa, maba aha wax aynu naqaano ama haba yaraatee aynu wax fikrad ah ka haysanno, runtiina nidaamkaasi annaga ka Soomaali ahaan namaba khuseeyo waayoo Federal waxa noqon kara Dal ay wada geggan yihiin Qowmiyado kala Diin ah, kala Asal ah, kala Af iyo dhaqan ah oo aaney jirin wax ay wadaagaan ama mideeya marka laga reebo waddanka ay wada leeyihiin ama wada degan yihiin ayna tahay in ay si uun ugu wada noolaadaan ayagoo nabad ah, intaa innaga mid qurihi nagama khuseyso sidaa darteed Federaal ma noqon karno. Yaan loo qaadan oo aan la moodin haddii aanu kala Qabiil nahay in aynu kala Qowmiyad nahay, waa kala labo taasi oo Qabiilnimo Qowmiyad maaha ee yaan lagu qaldamin. Qowmiyaddeenu waa Soomaali. Marka aan usoo laabto nidaamka Caddaaladda, hadalka aya ila fogaadaye halayga raalli noqdo, waxay aniga ila tahay in aan laga fursaneynin Nidaamka Qabiilka laakiin Caddaalad ku salaysan. Sidee loo heli karaa nidaam Qabiil ah haddana Caddaalad ah? Waa marka hore e ma noqon karno Axsaab Siyaasadeed oo haddii aad is tiraahdo Alley lehe Xisbigaas ayaa Soomaalinimo ka muuqataa ee ku biir maalinta xigta ayuu Qabiil isu rogayaa oo aad arkaysaa ninkii Xisbiga madaxda ka ahaa iyo kuxigeennadiisa iyo 4 ay adeerro u yihiin oo meeshiiba isku wareejiyey markaas ayaad waxad markiiba dareemaysaa in aan adiga meesha waxba kuu oollin oo ay tahay qabiil soocan. Markaa xalku wuxuu aniga iila muuqdaa in dadka la tiriyo ayadoo qof walba meesha uu dalka ka joogo loogu tegayo, Qabiilkiisana la weydiinayo ayadoo aan laga xishooneynin waayoo maahmaah Soomaaliyeed baa jirta oo oranaysa « Xaajo ma fayoobaato haddii aan sidii Dabo Ari loo feydin » waxa la yiraahdaa howshii aanad huraynin horaa loo galaa. Runta marka aan isu sheegno Soomaalidu weligeed ka dhammaanmayso Qabiil, ama hala jeclaado ama yaan la jeclaanin, waanu wada ognahay in uu xunyahay laakiin yaa haya xal kale? Anigaa haya xal kale laakiin Soomaaliya kama shaqaynayo. Waa nidaamka « One man/person One Vote » laakiin waan ku celinayaaye kama shaqaynayo Soomaaliya waayo waqtigeedii lama gaarin dadkuna diyaar uma aha in ay Qabiilka ka gudbaan, waan ogahay in ay jiri doonaan dad badan oo igu mucaaradi doona fikirkan, waayo runta ma rabaan ee waxay rabaan in ay been been iyo boob wax ku helaan. Sidaa daraadeed dadku nidaamka ay yaqaaniin diyaarkana u yihiin halagu xukumo oo inta la tiriyo dadka ayadoo la yaqaanno sida loo kala badan yahay ama loo kala yaryahay sidaa halagu dhaqmo hana lagu beddelo nidaamka qabiilka ee haddaba jira laakiin aan caddaaladda ku salaysneyn oo laga yaabo qolada hadda la leeyahay 0.5 ayaad tihiin ay ka badan yihiin kuwa kale ee la leeyahay waxaad tihiin 4 isla eg. Waxan qabaa in aaney Formuladaasi sax ahayn oo aan sidaa laysula ekayn ee lakala badan yahay. Sidaa darteed Soomaalida hala tiriyo si sax ahna haloo tiriyo oo aanu sad bursi ku jirin iyo ka been sheegid oo goob jooga-yaal caalami ahi ay korjoogteynayaan, sidaana Xukunka laysku dilay halagu qaybsado oo qolo waliba inta ay tahay kuraasteeda ha ku qaadato hana ku iimaansato, yaananna lagu degdegin taa naftirkeeda ee waqtiga lahaysto halaga faa’iideysto oo nidaamka hadda jira halagu sii shaqeeyo inta kaa kale laga hirgelinayo, waxan intaa raacinayaa Wallaahi anigu waan ogolahay in uu i xukumo qof kasta oo Soomali ahi qabiilkuu doono ha kasoo jeedee laakiin uu Caddaalad igu xukumo iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo si xornimo iyo xaq ah usoo doortay.
ReplyDeleteWaxan mar kale codsanayaa in layga raalli ahaado hadalka waan ku dheeraadaye, waadna mahadsan tihiin dhammaantiin
Aragtidayda, 4.5 xaq ma aha lkn waa xal, 3 sababood:
ReplyDelete1.Qabaaillada waawayn midna ma aqbali karo fikir ah, in laga tiro badanyahay."qab qab dhaafay, waa waxay la qolo qaran ku waydaaye" - Raage Ugaas
2. Kalsooni darro: iyadoon dib u heshiisiin dhab ah iyo in hantida la kala haysto la isu celiyo, dadkii dhintay la is cafiyo dhicin 4.5 waa xal
3. Mar haddii caqabadahaasi jiraan soo 4.5 uma egka inaya ahaato sida xubin-dowladeedka EU ay ku heshiiyeen in mid kasta oo ka mid ah uu leeyahay hal cod. Jarmal oo 80milyan ah iyo Ireland oo 4 milyan ahna simay. Beel/xubin kastaana maamulato gobolkeeda/dowladdeeda?
Ugu danbayn, Yusuf Garaadow, ma haysaa qaab loo tiriyo tirada dadka oo aan mugdi lahayn, adoo og caqabadaha soomaalida, sida: tirada muwaadiniinta dalka ka qaxday, tirada reer miyiga iyo magaalka, iyo waliba in la laaluusho kuwa wax tirinay?
Waa dood iyo su'aalo u furan qof walba, lkn gaar ugu socota aabaha dooddan, waa Yusu Garaad.
Mahadsanid , Garaad