Gaalkacyo waxaa deggan intii degganayd dagaalka ka hor oo laga
reebay inta xabbadda ku dhimatay. Heshiis ayaa dhacay. Raashin macaan ayaa la
wada cunay ayada oo la sheekeysanayo. Sawirro badan ayaa la iska qaaday. Aad
ayay madaxda qaarkeed u qososhay sidii in xaflad aroos la joogo.
Yaa ka mas’uul ah dadka la dilay, inta la dhaawacay, dadka
barakacay, hantida ma guurtada ah ee la burbiriyay iyo fa’iidada baaqatay ka
dib marka ganacsigu hakad galay? Cid is weydiineysa ma arag.
U malayn maayo in aan jawaab i qancisa u helayo su’aalaheyga. Sababta aan u soo qoray waa in ay tusaale u ahaadaan wiilasha qoryaha sida iyo
kuwa mustaqbalka qaadi doona meesheey doonaan ha ka joogeen Sabcada. Marka
dagaal qabiil loo diro waa in ay kala doortaan Xabaasha iyo Xafladda dagaalka
ka dambeyn doonta sida tan ka dhacday Gaalkacyo.
Arrintani waxay na tuseysaa in dhallinyarada dagaallanta ay inta badan isku xaalad yihiin dalka oo dhan. Niman ayaa dagaal geliya aan iyagu dagaalka geli doonin kuna dhiman doonin. Wiilkii ku dhinta qoyskiisa magdhow lama siiyo. Haddii uu xaas iyo carruur ka tagana cid daryeeshaa ma jirto. Xataa marka la heshiinayo magaciisa lama sheego, haddiiba la soo hadal qaado dhammaantood waxaa loogu yeeraa hal magac oo ah "inta" dhimatay".
Xafladda Gaalkacyo waxay xusuusteyda dib u
celisay 15 bilood. Waxaan qoray
Cinwaanka ah Kala dooro Xafladda iyo Xabaasha. Waxaan markaa ku hal qabsanayay heshiis Kismaayo ka dhacay dagaal dad
badan lagu dilay ka dib.
This comment has been removed by the author.
ReplyDeleteWaa urugo iyo murugo is xanbaarsan. Waa arrin naxdintiisa wata, waa wax aad looga damqado in wiilashii ku dhintay dagaalkaas maanta xaflado xabaalahoodu dushooda lagu qabsado. Wiilashii dhintay guushoodu waxay ahaan lahayd in dagaalku socda ilaa inta qolo laga adkaanayo, heshiisku wiilkii dhintay guushiisa maaha. Haddii la ogyahay in la heshiinayo, maxaa isaga loo dilayay, ee dagaalka loo gelinayay? Allow Alle.
ReplyDeletewaa nasiib darro dagaal bare laga heshiinayo ninkii naftiisa kuwaaya
ReplyDeleteWaxaan jeclaan lahaa nin walba oo qori wato oo dhalinyo ah in uu akhristo qormadaan-waxaa hubaal ah in aad wax badan oo hada kaa khaldan aad ka fahanto THANKS MUDANE YUSSUF GARAAD wax badan ayaad bildhaamisay
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteQabiil midkale ka adag majiro. Wada nolaasho wax dhaama na majiran.
ReplyDeleteWa tijaabo caalamka oo dhan soo wada marey. Mareykanka cadaan madowga waka adkaan waayey markaasu wada nolaansho uu ogoladey. Jarmalka yahuud wa ciribtiri waayey markaasu wada nolaansho uu ogolaadey. Soomaalia laakin 25 waxay fahmi waayen lamakala adkey halawada Noolaado
wlh waa dhibato sxb lkn laba cadi colaada kaalkacyo joojiya
ReplyDeleteQof dhinty sharaf iyo magac helin aakhiro raadkisa an hubin bal dagalamahooow is waydii maxaa ku dagaalanty .......yusuf thnkz sida quruxda badan ee uga hadashay waxa kugu bigaadin lahaa khibradada saxafaded ina dhilinta noqoty dhuxusha odayaaal dano gaar ah wata copocino ku dul caba aaskoda waciyi galin nabaded ayaa ka codsana iyo kuwa sixran ee shababka diin mooday
ReplyDeleteXaqiiqda ayaad abbaartay Yuusuf. Waxaan rajaynayaa in dhallin badan oo la iska lisayaa, ku tusaale qaataan. Mahadsanid
ReplyDeleteMudane Yusuf Waxaad ku hadashay ama qortay wixii aan rabay in aan ka hadlo ama qoro waana arin ka guuxaysa dadka dhiig iyo dareen soomaalinimo leh waxaana jira dad badan oo qaba dareenkaas lakiin aan awoodin in ay bulshadda u soo gudbiyaan ayagoon haysan aalad ay wax ku gudbiyaan sidaa daraadeed waan kaaga mahadcelinayaan qormadaada . takale Xafladii shalay waxay muujinaysaa in uu san qiimo ku fadhin dhiiga dhalinta iyo shacabka hantidoodu burburtay lakiin waxaa jirta maalin la isxisaabin doono
ReplyDeletemudane yusuf garad cumar waan.ku salamay marka.hore wadna.ku mahad san tahay inaad wax walba nagu tusto qoraal si an u fahano.
ReplyDeletelkn waxan.ka jeclaa inuu xiabigaaga uu dhigo go,sha nabaded lkn maba eysan dhicon.
waa.dhab wilasha da,da yar ee dhintay waxaa logu yeraa marxum yadii dhintay kuwii harayna hadii wax logu yero waxaa la yiraa amar baan.sinay iney xabada jojiyaan.
marka qoralkan ilama ahan inuu garayo wilasha amarka la siiyey.
waxaana aniga leyahay alaa bad baadiyo wilasha hada soo haray labada dhinacba
Waxaad qoraalkaan ku tiri "Meeshay doonaan haka joogeen 'Sabcada' ". Waa maxay Sabcad? Yusufow.
ReplyDeleteWaxaan ula jeedaa map-ka ama khariidadda Soomaaliya oo u eg tirada 7 oo af carabiga ku ah sabca inkasta oo carabiga si kale u qoran tahay.
DeleteWariye yusuf garaad salan sare mudane marka hore waxaan qabaa xalku ma ah in laga hadlo dhibta ka danbeysa dagaalka taas in badan waa ogtahay hadii dagaal dhaco in dad dhimanayo kuwo barakacayaan kuwo dhaawac mayaan marka waxaa ila mudan in aan waqti galino anagoo ka run Sheegeyna cadaalada xageeda mareyna intii suurto gal sababta dagaalka keeneysa taas baa u baahan in la wajaho waqtina la galiyo laakiin inagoo ka soo kala jeedna dhinacyada dagaalamaya xal ma keeni karno mana isku raaci karno aragtida ku aadan xaalada wadanka waxaa laga yaabaa in aan wali hooyadi la guursan kii umada somaliyed cadaalad u horseedi lahaa
ReplyDeleteAad iyo Aad baad u mahadsantahy mudane Yusuf waa fikir aad u wacan waan ka helay waa qormo xaqiiqada ku dhisan waana wax ay caadaysteen dadka dhalinyarada somaliyeed isku laaya in ay muddo ka dib sameeyaan xaflad iyada oo aan lagula xisaabtamin waxa ay geesteena ay iska danaystaan . Mahadsanid
ReplyDeletexataa ma xasuusna dadka dhintay,kuwa dhawacmay, kuwa barakacay, iyo ganacsiga lumy. Ninka madaxda ahi ma oga waxay hadal kayaqanan ma arkaysa saan ulahadlay kuwii wankaga qosliyey.. Illaahayow shacbigaga ugargaar naxarislawahan ka qaba madaxdana noo hagaaji. Aamiin
ReplyDeleteYuusuf garaad waxad kasoo shaqaysay mudo dheer idaacad shisheeye weliba gumeysi samaystay dadkana qayb badan oo kamida way xiiseeyn jiren qabkad u samaysay barnaamijyadii ka bixi jiray, dadkeenu qoraal lagulama hadli karo ee waxay u baahan yihiin nidaamka fadhi ku dirirka oo kale in fariimahaan oo kale lagu gaarsiiyo, weliba laga wacyi geliyo qabyaalada iyo xumaanteeda iyo weliba u adeegida danaha qabyaalada ku salaysan ee lagu soo laayey kumanaan soomaali ah ah uuna u danbeeyey kii Gaalkacyo, sidoo kale waxa lagu bari dadkeena wanaaga walaalnimada iyo midnimada leedahay, mudo ayey u baahan tahay iyo dhaqaalihii lagu abuuri lahaa laguna socodsiin lahaa idaacad ama tv afsoomaali ku baxa oo aan wax kale ka shaqayn sida siyaasadaha is diidan oo kale ee kaliya loo adeegsado dhinacaas qabyaalad la dirirka iyo midnimo jecleysiinta, waa fikir fiican lakin u baahan wax badan waan ogahay oo aan sahlanayn in la hirgeliyo weliba qatar baa lagu gelayaa haddii dhinacaas rag ku tashadan iney ka shaqeeyaan wayo waxa ragaas loo arki doonaa cadowga cadowgeena taasoo samir iyo dhabar adayg u baahan haddii inta kale hirgelinteedu hirgasho.
ReplyDeleteSln sare, Yusuf Garaad.
ReplyDeleteMaalin dhaway ayaan wxn soo galay maqaaxi Yurub ku taalla oo ay ku kaftamayaan dhallinyaro cuslaatay(50-60 jiryo).
Qabiil ahaan waxay ka koobnaayeen soomaali oo dhan. Waxaa aad u kaftamayay kuwa ka soo jeeday Galkacyo labada dhinac.
Dadkii wuu bislaaday. Aabahay baa aabahaa ka geesisan waa laga gudbay.
Inaan ninna nkn ka adkaynna waa la bartay.
Qabiil ahaan anigu wxn xigaa ku waqooyiga. Wxn ahay Daarood.
Waxay i waydiiyeen fikirkayga. Wxn idhi anigu qabiil ahaan reer Mudug ma ihi, lkn waxaa dhammeeyay Yusuf Garaad oo hadal xigmad leh ka qoray natiijada dagaalka.
Waxay la soo boodeen "muxuu yidhi!".
Wxn idhi wuxuu qoray "Gaalkacyo waxaa ku noolaan doona intii ku noolayd, oo laga jaray inta dagaalka ku dhimata".
Waa la wada aamusay. Nin jawaaba labadii dhinacba waan waayay.
Wxn gartay, in xaqiiqadaasi siday qalbigayga u taabatay markaan akhriyay, ay qalbigooda u taabatay qalbigooda.
Dhiigga wiilasha la isku laynayaa wuxuu khasaare ku yahay xaasaskii, agoontii iyo hooyooyinkii ay ka baxeen.
Lkn waxaa dhiigga wiilashaas sida kaararka doorashooyinka ugu tartama siyaasiin awalba sxb ahaa kadibna hoteello qaali ah ka wada cuna casho/qado macaan.
"Kaararkana"(waa maydadka wiilasha) waxaa lagu ridaa "sanduuqa"(xabaalaha) "doorashada"(dagaalka).
Yusuf Garaad, ha ka daalin ifinta xaqqa.
Noolow! Scw.
This comment has been removed by the author.
ReplyDeleteYuusuf ints garatay halaaga dhalinyara Soomaaliyeed ka haysta dagaalka odey dani lihi geliyo. Dhalintu waa firfircoon yihiin, dhiifoon yihiin, hadana ku dhiiran yihiin dhiilo kasta oo loosoo bandfjigo.Su"aalo kama keenan dhawaaqa odey dhaqan xume sitaadi Soo diray. Haddiise dirirta dantii odeygu ka lahaa la gaaro oo aalaaba ku dhisan magsca haybta in goobaha la sheeg-sheego, laguna hilbo qasho, waxalsga heshiiyey iyo dhiiga lakala qaatay dhalintu qayb Kuma laha. Hadana halaag dhacsy horserd bay ka yihiin. Sida kaliya er loog bixi Karo ama looga hortegi Karo waa sqoonta dhallinta oo la kobciyo, dugsiyo iyo jaamacado waxa ksgu bartas ay tshsy culuin ku dhisan danta ummdda it diinta islaamka laga hirgeliyo dalka oo dhan. Waxaanse tebeyaa in dulaaliinta siyasadda iyo hogaanada dalku taas isoo jeedin amaba aqoonteedii iyo kartideedii ka maqsn tahay.
ReplyDeleteAsc sxb arintu meesha laga radinayo majirto waayo dagaalka waxaa ee disa leh unpp waayo galkacyo waxaa jira 2 mamil oo isdiidan wayna ogyihiin waxaana lagudiray qandaraas lami wado lagu saarayey oo 2 maamil kawada dhaxaysa waxayna lavagta u shubeen halmaamul kiikalana markii meesjisa layimid soowareeji ayuu yiri waana laga diiday kadibna waxa uu isku badalay siyaasad oo qolo istiri tan 7ga faaidaysta xaalka cakiran ee gonolka wayna u soconwayday marka danbiga unpp iskaleh oo haday wax u qaynin lahad dagaal mayimadeen midakale aduunka ninkii dagaal shabgalo maxkamad ayaa looga yeeraa lkn somaliya logama yeero waayo waxaa larabaa in uu siisocdo dagalka sokey marka dhalinyaradana in ay dagaal gasho waxaa ku kalifay shaqo la aan oo xataa qaar ayaa ku fakara hadad dhaawacanto tolka ayaa lavag ku sionaya oo ayaan ku qayishid qaarna waa u bisinis oo lacagta rassasta lagu iibinayo auey wax kalaharaan isku soduuno ragiini canshuurta dalka wax ku bartay ayaa dhalintii idinka yarad ku dhagastay markaas ayey waxay camalka raadoyeen dagaal isqarxis taxriib iwm kolay xaqa alaa uwaliya ee dadka somaliyeed dadka inta ka hartay qabta ilaa dakiina waxay ku dhamadeen waxaan kusheegay dalkiina galaa iska daldalta marka hala cansho dadka iuo dalka hadii damir jiro hadii kale waxaad tihiin dalaalada kuwaas u shaqeeya ee olmihiina siiya lacahtaas waxaad la hesjaan aaqoro iyo aduin wax hayga siinina sxn dhamad
ReplyDeleteSomalida iyo hawtul hamaga waxay isaga egyihiin inaysan fahmin meesha khatartu ku jirto. Waxay kale oo isaga egyihiin inaysan isku cibro qaadan waxay na kale oo isaga egyihiin caqli xumada. Tusaalena qormada aan akhriney ayaa inoo ku filan...Mahadsanid Yusuf qoraal qiimo leh ayaad noo qortey
ReplyDeleteAad baan ugu riyaaqay fikirka ka dambeeya qoraalkan muhiimka ah.
ReplyDelete