Mas’uul sare oo ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia
ayaa mar aan socdaal shaqo ku tegey Addis Ababa waxaa uu ahaa sarkaalka loo xil
saaray in uu iga warqabo si kulammada iyo wareysiyada aan la lahaa Madaxda iyo weliba joogitaankeyga Ethiopia ay iigu fududaadaan.
Waxay ahayd xilligii ay ciidammada Ethiopia, iyaga oo aan qeyb ka ahayn AMISOM, ay ku sugnaayeen degaanno badan oo Soomaaliya ah oo ay ku jirto caasimadda Soomaaliya iyo Villa
Somalia. Dagaal qaraar ayaa ka socday meelo badan oo ay ugu darnayd Muqdisho. Idaacadda aan ka shaqeynayayna waxaa harqiyay eedeymo, dhaliilo iyo cabashooyin ka dhan ah Ethiopia.
Wasiiru
Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Ethiopia ayaa casho igu casuumay Hotel Sheraton. Saddex Soomaali ah iyo Saddex Ethiopian ah ayaa iyagana la casuumay. Saddexda Soomaalida ah waxaa ka mid ahaa Axmed Cabdisalaan ahaa Ra'iisal Wasaare ku xigeen iyo Wasiir iyo laba saaxiib oo aan u maleynayo in uu isagu soo casuumay, waxaana midkood ahaa Mudane Cabdiweli Shiikh Axmed, oo markii dambe Ra’iisal
Wasaare ka noqday Soomaaliya.
Kulan dheer oo saacado socday ayaan maalintii xigtay xafiiskiisa kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda. Ugu dambeyntiina
Ra’iisal Wasaarihii xilligaas Meles Zenawi ayaan xafiiskiisa ugu tegey wareysi
iyo garnaqsi ku saabsan in aan BBC ku shaqeyn fikirka ama dareenka weriyayaasha
iyo Tifatirayaasha ee ay si dhexdhexaad ah wararka u soo gudbiso, Ethiopia-na aan BBC-da cidi ka xigin, laakiin aanay Ethiopia afhayeen u sameyn howlgalkeeda Soomaaliya. Waxaan ku dhiirri geliyayay in wixii weydaaran xeerarka BBC ee ay maqlaan ay ka soo dacwoodaan si loo baaro loona saxo haddii khalad jiro, mas'uuliyadda khaladkaasna meel loo saaro.
Soo dhoweyntii wanaagsanayd ee la ii sameeyay darteed waxaa xiriirkeennu sii socday sarkaalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo markii dambe si ku meel gaar ah loogu soo beddelay Muqdisho.
Habeen uu iga soo wacay Muqdisho aniga oo London jooga ayuu igu dhiirri geliyay in aan
Muqisho imaado. Si uu socdaal iigu qanciyo, wuxuu ii sheegay in uu isagu igu soo dhoweyn doono, qaadayana
mas’uuliyadda ammaankeyga.
Waxaan uga mahadceliyay martiqaadka iyo ballanqaadka ilaaladeyda.
Intaa ka dib waxaan weydiiyay in uu xusuusto sidii wanaagsaneyd ee uu iigu soo
dhoweeyay Addis Ababa. Dabcan wuu xasuusnaa. Waxaan markaa u sheegay in aanan dooneyn in labada
caasimadoodba uu isagu igu soo dhoweeyo.
Waxaan u sheegay in aan Muqdisho imaan
doono marka aan anigu isaga ku dhoweyn karo.
Saaxiibkeey waxaan Muqdisho ku soo dhoweeyay 2012 iyo haddana 2015.
Tusaalahaas waxaan u soo qaatay markii aan arkay dad ajnebi ah oo wata magacyo ka kooban xuruuf saddex ama afar ah amaba ka badan oo loo soo gaabiyay hey’ado ay wakiil ka yihiin iyo qaar Dowlado ka wakiil ah oo u dhaqmaya qaab u eg in iyaga
looga marti yahay Soomaaliya.
Dadkani waxay isugu jiraan qaar aan anigu la macaamilay iyo kuwo mas'uuliyiin fara badan oo hey'adaha dowladda ah iyo shaqaalaha hey'adahaasiba ay iiga warrameen.
Aniguba aniga oo Baasabboor Soomaali ah sita ayaan Yurub uga shaqeystay ka dib markii aan buuxiyay shuruudaha shaqo ee ajnebiga looga baahan yahay. Sidaa darteed, macnaheygu ma ahan in aan diiddan ahay in ajnebi uu ka shaqeysto dalkeenna haddii uu wato xirfad aan Soomaalida dalka joogtaa aqoon ama uu wato khibrad loogu xisho oo aan Soomaalida laga heli karin. Ama xataa haddii uu buuxinayo kaalin ay Soomaalidu dhexdhexaadnimo ugu duggaaleyso. Xataa waan aqbali karaa haddii uu hantidiisa dalka ku maalgelinayo in loo sahlo in shaqaale ajnebi ah uu ka shaqaaleysiiyo.
Wixii intaa ka soo hara Hey'adaha Dowladda Soomaaliya ayay mas'uuliyaddooda tahay in ay sugaan xuquuqda shaqo ee muwaaddinka Soomaaliyeed iyo u madaxbannaanidooda go’aannada siyaasadeed, amni iyo
kuwa maamul ee dalkooda hooyo.
Fadlan arigtidaada isla boggan ku reeb, haddii ay suurta gal kuu tahay. Mahadsanid.
ReplyDeleteMahadsanid waan aqriyay qoraalkaaga inta aanan ka dhiiban fikrad Cabdiwali Shekh Axmed waad xustay in kullanka idinku wehliyay lakin waa kuma ninka kale aad wasiir dowladeed ku soo gaabisay. Mahadsanid Mudane
ReplyDeleteWasiir Dowladeed ma aheyn ee wuxuu ahaa Ra'iisal Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Warfaafinta, Axmed Cabdisalaam.
DeleteWarkii iyo Qormadii Ugu fiicnayed ee Abid aad qotay, Santana Waa in Muwadinka Soomaliyeed loo sheego xaqa uu dalkiisa ku leeyahay iyo waliba xaqa dalku ku leeyahay
DeleteOo aan barno Soomalia Soomali jeceyel halka hada Ay Ajnabiga jecel yihiin , waxaad maqleysaa Ninkaan Waa Ajnabi ee si fiican halsoo dhaweeyo , dad Ajaanib ah oo waliba profile fiican aan laheyen Marka dadalkooda joogaan ayaa waxaad arkeysaa in loo sameeyo soo dhaweyen heersare ah oo waliba VIP Air porka laga soo dajiyo ayaad oo aysan hayne wax xil ah AMA Shaqo dalkooda ...
Marka walal Muwadin Nimmada xooga Saar qoraladada ....
yusuf hadalkan in mudo ah ayaa laga sugaayey inuu afkaaga kasoo baxo lakin manta ayuu soo baxey, micnahanah waan fa haney inta aan famin nah aniga ayaa u sheegayah ( wadanka waala heystaa weeyeh)
ReplyDeleteYuusuf mahadsanid sidaad u tusaaleyso umada somaliyed hadey wax ku qadanayaan madax iyo shacaba waan jeclahay qoralkada
ReplyDeleteQorma aad u xiiso badan waaye laakin somalida waxaa ka dhuntay dareenki wadaniyaded jaceylka faraha badan ee an u qaadnay dibada ayaa keentay inaan ba ilaawnay inaan leenahay dal la mid ah kuwa aan u haajirno, ajnabiguna ineey wadanka islaheysiyaan waxeey ka arkeen kii lahaa oon kala jecleyn.
ReplyDeleteMadaxda ama shaqaalaha hay'adaha ee ajnabiga ahi dabcan billowga hore way ogsoon yihiin in ay marti yihiin waana lagu dhaqi karaa nidaamka dalka oo lala xisaabtami karaa dhan kasta ha yeeshee marka ay arkaan in iyagii la siinayo mudnaan ka badan tan muwaadinka way u riyaaqayaan weliba wayna sii soconayaan aakhirka amarro ayay bixinayaan waana taan joogto u aragno.
ReplyDeleteMaka mas'uulka Soomaaliga ahow ogow darajadaada iyo xulka ku saaran ee ha oggolaan in martigaagu kugu maamulo gurigaaga.
Murtida hadalku waa intaas. Mahadsanid, Yuusuf
qormo aad u qiimo badan oo ay ka muuuqato qadaniyad cilmiyaysan. Gurigaaga marti ku noqo waa wax aan la qaadan karin.
ReplyDeleteQorma aad u xiiso badan waaye laakin somalida waxaa ka dhuntay dareenki wadaniyaded jaceylka faraha badan ee an u qaadnay dibada ayaa keentay inaan ba ilaawnay inaan leenahay dal la mid ah kuwa aan u haajirno, ajnabiguna ineey wadanka islaheysiyaan waxeey ka arkeen kii lahaa oon kala jecleyn.
ReplyDeleteYusuf garad waad mahastahay iftiinka aad isu howsho, hadaa nahay somali mala dhihikaraa waxaa nugu dhacay ajnabi jacayl , danti guud warkeedaba daa, kama wado , yaan ajnabi soo galin dalkeena waayo aniguba waxaan joogaa wadan aanan u dhalan waliba anoo ilaalinaya sharciga hadana mar badan waxaa dhagahayga ku dhaca halkani maahan somalia , waxaan talo usoo jeedinayaa , baarlamaanka , iyo laamaha dowladaba , in dadbadan oo somaliyeed ay joogaan daafaha aduunyada , aanu jirina mid ku xadgudbikara wadankaa ama dalka uu joogo, adinkuna kadaaya , dalka iyo dadka ajnabi jacaylka walaalayaal , waana mahadsantihiin
ReplyDeleteSi wacan baan u fahmey inkastoo Waxa adag Ee hor yaala Somalinimada Aad war Badan ka hayso Iyo cida qoor sagaarada ku haysataba halkaana la islama soo gaadheen Hadii Qaran ka Si nadiif Ah loola wareego oo aan dalka jabhado aan meel Ay ku dhamadaan laheyn la galin ogowna qofkii u horeeyey ee lagu soo dhaweeyo adis ababa ma tihid dhamaan jabhado la dagaalmey qaranka Somalia ayaa kaaga horeeyey oo halkaa qaranka ka dumiyey Hadana ceeb maaha kuwii loo adeegsadey duminta inay loo adeegsado dhisida qaranka kol Hadii wali Ay talada haystaan kuwii duminta loo adeegsadey Dee maxaa diidayo boss kii baa wali la shaqeynaya mar Hadii Uu ka yeelay kaaley ila dumi qarankeyga Hadana ha ka yeelo kaaley ila dhis qaranka aan rabo noociisa !?
ReplyDeleteAniga oo fursad u helay ama aan isleeyahay waxaad tahay shaqsigii ugu horeyay oo fikirkiisa dhiibto YUUSUFOW waxaan oran lahaay masha allah ,runtii Taarikh iyo xog waxey ahaataba ,arimaha nuucan ah ma,ahan kuwa inagu cusub ee waa jiraan tan ka sii daran waxey tahay siyaasiga somaliyeed ma,ahan mid waxa ku dhaco ama aw arkay bulshada aw masiirkeeda matalayo la wadaago ee waa aw la aamusaa ama aan iraahdo waa uu qarsadaa,Tusaale hadaan u soo qaato adoon meel dheer iyo maskaxdaadu meelo kale ku wareegin Fadlan dib u xasuuso kulankii dheeraay ee hotelka Sheraton ee lagugu casuumay iyo midkii CABDIKARIIN GUUlEED IYO SHEIKH ISKU SHEEGA hada dhuusomareeb ka taliyo markii labadooda isku maalin ARDISABABA looga yeeray iyo markii ey soo laabteen wareysiyadii ey dhiibeen maxaa kaaga soo baxay??waayo somalida oo dhan ayaa sidaa wada eh tan kale ITHOPIA waxaan is leeyahay ayadu dana qaas ah oo eynu wada ognahay eyeey inaga leedahay ee waxaa ka sii daran kuwa kale ee ogeen danaha ey inaga leeyhiin!!! halka qaar kaloo badan oo la wada ogsoon yahay waxa ey yihiin iyo waxa ey ka shaqeeyaan masana lala hadli karin oo aktoodana aan la mari karin masuulkii isku dayaana in aw wadaninimo muujiyo ow kursigiisa waayayo balse waxey ahaataba anigu waxaan ku talin lahaay somaliya ayadoon dowlad jirin meel laga aqoon sanyahayna eysan jirin waxii la rabana la inaga sameysto ayeeynu u soo joognay ee hada kista yarta ah ee inoo soo ifbaxeyso eynu wada dhowrano iyadaaba laga bixi doonee,,Tan kale waa muhiim mar walbo in xogaha nuucaan ah oo kale bulshada eynu la wadaagno MAHADSANID,SHARIF GUURE
ReplyDeleteNairobi Adid abab iyo Muqdisho yuusan hal ama laba nin kugu soo dhaweeynin ee 3 qof oo siman waa in laga helaa ninkaas hankiisa iyo himiladiisa ayuu ku sheegay walina wuu ku haminayaa ha moodin in uu tanaasulay wali waa halkiisi hurdaayow tooos
ReplyDeleteWaxaan kaloo qormadan ka filayay in aad kusoo bandhigtid taxanaha shaqsiyaad ajaanib ah oo ka hawl gala dalkeenna awoodna ku leh siyaasadda dalka jagooyinkoodana aanan garanaynin.
ReplyDeleteQormo xiiso badan oo aan laakiin xanaf lahayn macnihii weynaa ee laga rabayna uu la maqan yahay sida loo qariyay kuwa ay yihiin dadka laga hadlayo ee nuxurka maqaalku yahay, taasoo ay ugu wacan tahay inuusan Yuusuf Hadda saxafi ahayn ee Siyaasi saxafi ahaa uu yahay, laga yaabee berito inay qofkaas la qariyay ay macaamil siyaasadeed yeeshaan, sidaadina waxaa nagu seegay qaabkii qormadu u dhigmi lahayn haddii Yuusuf ahaan lahaa saxafi siyaasi ah ama saxafi qura
ReplyDeleteMahah-naq ka dib, Yuusufow waxaa hubaal ah inaad intan iyo in ka badanba aad xog-ogaal u tahay. mana qabo inay shaqadaada ka hor imaanaysay hadaad sidan oo kale barnaamijyo ugu soo bandhigto xiligii aad madaxda ka ahyd idaacada BBc-da qaybteeda afka Soomaaliga ku hadasha oo runtii ahayd, wali ah sidan filayo tan ugu dhagaysiga badan dhammaan idaacada ku hadla fka Soomaaliga. Haddii aab berigaa ka gaabsatay, sow lama oran karo Yuusuf qudhiisu wuxuu eeganayey shaqdiisa oo wuxuu raali-gelinayey hey'ada uu u shaqeynayey, oo qudheeda kasoo jeeda meelaha aad farta ku godayso ee Soomaliya laga maamulo? haddii ay jawaabtu "haa" noqoto, anoo waliba og inaad ka gigilan doonto, sow Soomalida oo idil kuma sifoobeeyso kuwo mar walba dantooda gaar ahaaneed ka hor mariya tan guud ahaaneed?
ReplyDeleteYuusuf walaal mahadsanid wax badan oo la ogyahay ayaa jira laakiin sidii sumcada dalkaan iyo xornimadiisa dib loogu soo celin lahaa waxay u baahantahay ficil adag oo qatar loo gali karo, cidii bilaabi laheyd ficilkaas ayaa loo baahanyahay
ReplyDeleteYusuf su'aasha aan rabo in aan ku weeydiiyo waxeey tahay, maxaa qormo nooga siin la'dahay GABRE maxuu masrax walbo somali kushireeyso u fadhiyaa muxuuse kaqabtaa wadanka why is. He there this is our country not ithopia
ReplyDeletewaad mahadsan tahay, yuusuf. kursigaan xagso iyo dhisidda Qaran dumay way isku daran yihiin. waxayna ka turjumaysaa arintaan nuuca siyaasadda Dalka lugu maamulayo.
ReplyDeleteciddii yeesha in gurigiisu lagu soo dhaweeyo
ReplyDeletewaa kuu nacasnimo.
ciddii yeesha in gurigiisu lagu soo dhaweeyo
ReplyDeletewaa kuu nacasnimo.
Yuusuf walaal waad mahadsantahay waan aqriyay qormadaada lakin waxeey ubaahantahay Rag si wax badan looga qabto arinta xanuunka badan ee ad qormadaada kaga hadashay. Soomaaliya hadda waa Raq loo soo wada qaraab tagay. Dadkiina ayagaa isku mashquulsan xoogoodana kubixinaya meelo an loo baahneen. Rabbi tala kufilan.
ReplyDeleteNin wax badan og baad tahay...
ReplyDeleteDiiwaan dhaxalka kuuu gala halagaa reebo...
Anigu shaki iigama jiro wax badan oo ay madaxdeenu noo qariyaan iney jiilkeena dambe saameyn ku yeelan doonto..
Hadal halkan ayuu ku dhan yahay, wax garad wax tusaaleyn ayaa ku filane, Yusuf Garaad mahadsanid
ReplyDeleteRunti yusuf warka waa maldahay lkn ajaanibtu dalka ayagaa kaa leh xiliga, marar badanna waan usoo joogay anoo is iri malaha adaa qariib ah ama kooyto ah.
ReplyDeleteWar ninkan yusuf garada waguu madaxweynaha isku soo sharaxayay waan la yabanaa oo waan diidanaa anoo ka duulaya warar laga faafiyay xiliguu BBC da tafatire ka ahaa lkn intii danbe ee uu facebook ga aan sxb kula noqday wax badan ayaan ka bartay oon hore uga aqoon war yusuf garadoow kolay madaxweynanimada somaliya muqdishaa madax furasho u haysatee waadna ka soo jedaa ee bal markaan isa soo diyaari cid badan waad helaysaa.
ReplyDeleteBismi Allah
ReplyDeleteMarkii ay luntay qaranimadii Soomaaliya...ayaa markiiba waxaa taladii la wareegay cid aan Soomaali ahayn,haddaba ciddii talada inoo qabatay sow ma aha inay noo taliyaan intii aynu dib ula soo noqon doonno. .taasina waxay doonaysaa...
Yusuf nolashaada waxay muhiim u tahay qofkasta oo Qadiyad somalinimo leh waayo taarikhda somaliya oo dhan baad haysaa. In yar baana ka nool heerka aad joogto dad garay.
ReplyDeleteFadlan badi daabacaada buugaagta Si aan u dhaxalno waxa ka buxa gudahaaga. Ilaa next generation .
I enjoy alot reading qormo kasta ee aad qorto
War ninkan Yusuf Garada waguu Madaxweynaha isku soo sharaxayay waan la yabanaa oo waan diidanaa anoo ka duulaya warar laga faafiyay xiliguu BBC da tafatire ha ka ahaa lkn intii danbe ee aan facebook ga sxb kula noqday wax badan ayaan ka bartay oon hore uga aqoon war Yusuf Garadoow kolay Madaxweynanimada Soomaliya waadiga arkayoo muqdishaa madax furasho u haysatee waadna ka soo jedaa ee bal markaan isa soo diyaari cod badan waad helaysaa fikir badanina waa kugu jiraa.
ReplyDeleteSalaan qaali ah, Garaad. Cimrigii wuu socdaa, wakhti laga tagina dunidanna Allaa og. Maalin walba waxaan maqalna halyay soomaaliyeed ayaa aakhiro u hoyday, xirfadduu doono ha ku abtirsadee.
ReplyDeleteBahda saxaafadda waxaa ugu danbeeyay sxb kaa Axmed X. Cawke iyo Hindiya Xaaji oo maanta qarax lagu dilay. Geeridu da' iyo goob gaar ah midna kuma koobna. Daqiiqad kasta way ku haleeli kartaa(qof walba).
Wxd tahay suxufi ruugcaddaa ah oo khibrad, aqoon iyo waliba fahan durugsan u leh arrimaha dunida ka socda, gaar ahaan Geeska Afrika, siiba Soomaaliya.
Ma ku fikirtay inta aad aad fursadda haysatid(nolol/caafimaad), inaad ummadda ku sida wayn kuu taqaan eed ka soo jeeddid inaad uga tagtid dhaxal?
Wxn uga jeedaa dhaxal inaadan la god galin aqoontaada iyo khibraddaada ee aad la wadaagtid. Buugaag qortid?
Wxn kow ka ahay dadka ku farxi lahaa. Faaiidadoodu adduunka kaliya kuma egkaateen. Hadday hal qof oo af soomaaliga ku hadla ka qanciso inuusan naftiisa cadow ku noqon(qabiil gardarro ku taageeri) waxay kuu tahay sadaqatul jaariya.
Mahasanid sheekadan aad nala wadaagtay.
Ha ka xishoonin inaad dadkaaga xaqa ku jeedisid.
Waari mayside wat ha kaa hadho!
Yusuf, waxaa walaac weyn igu haya in Hay'adda Sirdoonka Dalkeena aanay lahayn Hoggaankii howshan ay quseysay "Hoggaanka Dabagalka" Waxaa weliba aad ugu badan dad Soomaali u yaala ah oo Ajnabi u shaqeeya isla Markaana Madaxda Sarsare ee Hay'adda ka mid ah. Allow Sahal Amuuraha
ReplyDeleteWar wanaagsan oo ku dhiiranaan Mudan in la sheego kana timado adiga oo kale oo u istaagey mas,uliyada ugu sareysa wadanka. Lakin iska sug wali xiligaagii lama gaarin lakin haduu Alle idmo way Iman doonaan kuwa kale oo badan. Lakin waxaan sugaynaa sidii arimadaHan Jira een dad badan ogyihiin sideen uga gubi Karnaa. Waa arin Mudan in loo dhaqaaqo Lagana guul gaaro mustaqbalka sidii wax looga waan Lahaa arimahaan.
ReplyDeleteYuusuf Garaad Mahadsanid, Waa laf dhabar in la xoojiyo daba galka iyo xeer u samaynta jogista hey'adaha ajnebiga ah. Dowladnimadeena cidna marti uga noqon meyno waana inaan isu garab sanaa wixii madaxbanaanideena wax u dhimaya.
ReplyDeleteYusuf Garaad ad iyo ad ayaan iga hela qolalada so qorto waxadne mudan tahay in lagu mahad celsho
ReplyDeleteYusuf Garaad ad iyo ad ayaan iga hela qolalada so qorto waxadne mudan tahay in lagu mahad celsho
ReplyDeletewaxaan ka mid tahay dadka saxafada somilaga ku hadasha ugu xamaasada badan. balse ka ilaali yey kula fogaan xamaasadu waxaad sheegtay RW cweli sheekh adiga oo qariyey dadkii kale ama gadaalba ka xusay.
ReplyDeletefadlan ka waantow caadifada ama qabyaalada kula figaatay. waad ka afeefataa hadalka xanafta leh balse adaa abuura mid musiibo ah.
Ustaad Yusuf, wuxuu ahaa war naxdin leh, sarkaal arimaha Dibada Ethopia ku yiraahdo, muqdisho imow anaa ku amaangalinayee ,maanta waxaan ayada la yaabay in Ra,swasaare, wasiiradii federaalka, laga diido nabada iyo in xabada laga daayo shacabka gaalkacyo, ee laga yeelo sarkaal Ethopian ah iyo ajaanib kale, ayadoo waliba la wato aqoonyahano
ReplyDeleteWaa mid u muuqata muwaadin kasta oo dareen wadaniyeed leh balse Yuusufaw Afkiibaa Juuqda Gabay oo dalkani dad ma leh waxaana hor boodaya qab-qabyaal dagaal magac dawlad gobolkeed wata
ReplyDeleteY.G, Saxib waan akhriyay maqaalkaaga, waxaanse kala garan waayay laba arrimood midkood:- Inaad sida ay in badan oo ila mid ahi u rabeen in maqaalku u tafaf tirnaado aad uga gaabsatay labadan sababood midkood: 1) Inaad ka cabsatay sida dhabta ah inaad u sheegto in dalkii Somalia uu galay gacan Cadaw/Shisheye gaar ahaan Ethiopia, ninka Diplamacy ga ah ee aad sheegatayna inuu rabo inuu kugu soo dhaweey Xamar iyo Addis uu yahay Gen Gabre....iyo 2) Inaadan fikir ahaan qabin inay jirto arrinta 1aad ee ay tahay conspiracy oo aadan hubin kana gaabsatay...Labadaas fikir kollay midkood baad kugu qasbay inaad maldahdo oo in badan kor ka xaadis maqaal qoraaledkaaga ay ka muuqato....
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
DeleteSaaxiib anigu Gebre in uu General yahay iyo in kale ma ogi, safarkaas aan Addis ku tegeyna isaga iskumeynaan arag. Markaa ka dib ayaa la isku keen baray Nairobi, iinkasta oo uu ii sheegay in uu hore ii yaqaannay iina arkay oo xataa uu ila saarnaa dayaaraddii aan ku imid Nairobi, meeshii aan ka fadhiyay iyo in aan wax akhrisanayayna uu ii sheegay.
DeleteGabre saaxiib ma nihin, sheeko badanna ma yeelanno, laakiin dhowr jeer waan is aragnay Muqdisho, Istanbul iyo Copenhagen, salaantuna wey naga dhexeysaa maaddaama aan is bar garaneyno.
Yusuf mahadsanid laakiin arintaas aad sheegtay waa wax caadi ka ah Dal la heysto oo aan xor ahaan marka... Maadaaba aad Oday Hore tahay ama Ruugcaadaa Soomaaliyeed ma laga yaabaa inaan arko Soomaaliya oo xor ah Dadeydu waa 30 jir ilaa waxaana isleeyahay waan gaari doontaa ilaa 60 jir hadii ilaahay yiraado. Will Somalia regain its dependent? Shukran
ReplyDeleteYuusuf waagaas ay ciidamada xabashidu wadankeena gumaadka ka wadeen welina way wadaane anigu BBC-dii aad madaxda ka ahayd aad baan u jeclaa dhagaysigeedii weliba doodihii iyo barnaamijyadii ka bixi jiray waana ku taxnaa hadana goor iigu danbeysay ma garan karo waana meesha aan kaa soo raacay shaqsi ahan aniga faisal hariir ah yuusufow, sababtaan u xiiseeyn jiray baana jirtay arrinta hay'adaha shisheeye ee wadankeena sidey doonaan ka yeelaya iyo ciidamada shisheeyaba waa tilmaan cad oo banaanka soo dhigaysa in nala qabsaday oo nala gumeysto marka ilama qurxoona markaanoo kale in wax la sarbeebo ee waxa geesinimo iyo gobonimo ah sidii labadii xildhibaan maxamed cabdi yuusuf iyo xildhibaankii kale ee aan magaciisa hilmaamay in runta la taabto weliba dadka muuqdaa ay dadka qalbiyadooda si furan ula hadlaan, taas hadaan la helin xaaladu waa halis waxanan garaad kaaga mahadnaqayaa jawaabtaad siisay xabashkii muqdisho ku martiqaadi rabay addis abebana kugu soo dhaweeyey wayo wuxuu kuu muujiyey in dowlada itoobiya ay labada wadan dowlad u tahay waana siday qorshahoodu weligood ahaa ahaana doono adna jawaab diblumaansinimo baad siisay xabashkii xamar nagu xasuuqaayey.
ReplyDeleteHadal kaagu wa sax lakin qof ku waxa uu sheegayo wa inuu og yahay cida ka qaadanaysa.
DeleteOdayaashad shegtay wa niman somali u siman aan qabyaalad iyagoo faraha kula jira weli la arag
Iyaga Iyo yusuf garaad ma isku miisaan ba. Miyeynaan ilaahay ka baqayn hadal ka ma iska dhehna?
Yusuf haduu rabo inuu sida odayaasha somali oo dhan wax u shego kana qaataan Wuxu u baahan yahay wakhti badan buu dad ka iskaga gadi karo, record kiisi ba yaal oo weli qoyan. In la dambaabi karo wax weyn maaha lakin in la toobad keeni waayo ba xun.
Wadaninimadu iimaan Kay ka mid tahay,
Yusuf Garaad arrintu ka warramay, waxay gilgishay dareenka akhristayaasha.
ReplyDeleteLkn ma aha war i kadiyay. Waayo sheekadu waxay sawirtay hal dhinac oo ka mid ah calaamadihii burburka. Kama uusan warramin walaalkeen Yusuf Garaad cudurkii dhalay calaamadaha burburka. Waynu iska wada ognahay.
Haddaynu nahay soomaali way fiicantahay inaynu is xasuusino, is tusaalayno calaamadahaas. Lkn waa inaynu fahannaa hal arrin. Dowlado deris ah walaa kuwo shisheeye, kuu soo celin maayaan qarannimadii iyo sharaftii aad lahayd beri.
Xornimada iyo qarannimada aad ku riyoonaysid waxay ku jirtaa gacantaada iyo midda kan kula leh dalka, ee ilaa yawaml qiyaamaha meesha kugula nool oo aad aqbashid inaadan ka maarmin. Markaad isaga diiddid ama dishidna waxaa dalkaaga kugu soo dhawaynaya kugu ilaalinaya ajnabi. Arrintaasina ma aha mid ku eg Yusuf Garaad, waa qof kasta oo Soomaaliya ku nool ama safar ku taga/jooga.
"Markay is wada dooxatuu daad u soo galaye ---
Ani unbaa damqanayee dhago uma daloolaane --- "
AUN abawaan C.Laahi S. Timacadde.
Wuxuu sawirayay calaamadaha ka soo socda cudurka hayay aabayaasheen/awowyadeen 60aad kii.
Nabiguna wuxuu yidhi(scw): ma sharrafa nafsahu, fa huwa shariif = qofka naftiisa sharfaa shara leh.
Ninkii naftiisa, qabiilkiisa iyo qarankiisaba sharaf la rabaa ha diido qabyaaladda. Ha ka bilaabo inuu kan ugu xiga ka waaniyo
Mahadsanid, Garaad, mar kale sheekada xiisaha leh.
Yusuf mahadsanid laakiin arintaas aad sheegtay waa wax caadi ka ah Dal la heysto oo aan xor ahaan marka... Maadaaba aad Oday Hore tahay ama Ruugcaadaa Soomaaliyeed ma laga yaabaa inaan arko Soomaaliya oo xor ah Dadeydu waa 30 jir ilaa waxaana isleeyahay waan gaari doontaa ilaa 60 jir hadii ilaahay yiraado. Will Somalia regain its dependent? Shukran
ReplyDeleteMudane Yusuf garad waad kumahadsantahay qormadan. Dareen aan horey uqabay ayaad qormo quruxbadan kumuujisay runtii waxaad heysaa keeyd taariikheed ee Somaliya kusaabsan.
ReplyDeleteSomaliya xiligaan xor ma ahan oo waxaa xukumo col.Gabre.
haddii aad doneysid in aad waxbedesho fadlan isisoo sharax 2016 waad astaahishaa in aad soomaaliya hogaamiside oo lobbingkaaga qurxi.
Waad mahadsan tahay yusuf garaad arimaha aad sheegeyso weey jiraan Soomaaliya waa free bad & beri no vissa, waxaa joogo sirdoon, missionaries & dawlado ,madaamo ay jirin dawlad dhexe oo hanaanto wadanka oo dhan, lkn waxaa lagu dhaliiley in Adisasab u tegtey in aad culuska propaganda ka qaado itoobia xilligaas aad la kulantay melis ka dib focus aad ka jeedisey wareysiyadii aad wareysan jirtey ururka Onlf xiligaas wax badan ayaa qabatey lkn dib ayaad u tirtirtey raadkii, Soomaaliya ajanibta weey u soo shaqo tegaan dadkii wadanka ku dhashey waa kuwan badaha ku dhimanayaa
ReplyDeleteMr.Rashid
ReplyDeleteSxb Yusuf Garad Runtii aad ayaan u xiiseyaa Qoraaladaada, Waxanse is weydiiyaa Madaxda Waddanka xakuntaa toloow maqaalkan ma akhriyeen, haddayse akhriyeen maxay ka qabteen, hawlahaas walalkeen Tooskha ku Ifiyey,
Runtii Wax Innoo Harayba Malahan, Mar dhoow waxan ka cabsan in Laysku qabsado Magaca Ciyalkeena loo bixin Doono
Yusuf Garaad walaal waad mahadsan tahat sida muuqata waxa aad ku jirtey muddo dheer dagaal gobannimo doon ah laakiin aan cidina kuu ogeyn kuguna wehlin ama kugu garab siineyn, weliba aan hubo in ay dad badani kugu colaadiyeen illaa haddana kugu colaadiyaan waayoo dad badan baa u arka gumeysia oo laga xoroobo in ay ayaga danahooda shakhsiga ah ka hor imaanayso sidaa darteedna neceb ama la dirirsan qof kasta oo gumeysiga neceb, waayoo u shaqaynta gumeysia ayey wax ku noqdeen oo jagooyin sar sare iyo Madaxtinimo ku heleen kuna haystaan qaar badani. Tan uu ka hadlay walaalkan iga horreeyey ee Mr. Rashid, walaal magaca Carrurteenna loo bixinayo haddaaba laysku haystaate waxaa imaan doonta weliba mar aan dheerayn in adiga oo Soomaali ah oo Passport Soomali ah wata laguu diido in aad gasho waddanka Soomaaliya haddii aadan wadan VISA aad kasoo qaadatay qolooyinka waddanka haysta ee ajnabiga ah ama aadan ayaga u shaqayn oo aysan ku aqoon. Micnihii adigii waddanka Soomaaliya u dhashay ayaa ajnabi doona u baahan in uu waadankii visa uu ku galo. Allow sahal umuuraha arrinta Soomaaliya ka muuqataahise ma qurux badna.
ReplyDeleteY G Cumar Axmed aad ayaad ugu mahdsantahay hadaalkan baraaruga badan leh waqti Soomaali badan ay ka dhuntay ama fahmi layihiin wax ay yihiinba haddii ay madax yihiin ama dad kalaba
ReplyDeleteAsalaamu caleykum WWW. Salaan kadib waa Qormo Itaabatey aadna ii cajabisey waxaan xasuustey Hadal aan Asluubeysneyn oo uu jeediyey danjiraha igad oo si aan masuuliyad aheen daraad ooga hadlayey magaalada Galkacyo shaqadiisa iyo micnaha eey ku fadhido si qoto dheer uumuusa fahmin, ee qabyaalad ayaa hareeysey. mahadsanid Yusu Garaad. kaliya Qormadaada ayaan ku xasuustey khudbada Abdi Afey.
ReplyDeletehttps://www.youtube.com/watch?v=kfuK0CEnJ58
ReplyDeleteRun ahaantii waa sheeko qofkii wax fahmi aad u damqaysa dhibaatada dalkeena maanta ku habsatay dalkaagana aad marti uga noqoto dadkii ay ahayd inaad adigu marti galiso
ReplyDeleteMahadsanid, waxa ahayd runtii macluumaad Kooban oo xiiso badan.
ReplyDeleteYusufoow walaal xaqiiqadu waxaay tahay ma jirto dal gacan Soomaaliyeed ku jira. Soomaaliya maanta xornimadeedu waa ka liitataa tii aan haysaan 1950. Adiga iska dhaafe waxaa dalka lagu soo dhoweeyaa kuwa madaxda sheeganaya. Tusaalena waxaa inooga fIlan midi heshiis beenaadka ahayd ee maalin dhowayd ka dhacday Gaalkacyo. Dalku xor ma ahan ee aan ka hadalno sidii loo xorayn lahaa. Mida kale bal fiira sida doqonkii Afey uu ula hadlayey madax ku sheegta Somlida. Walaal dalka gacantii Somaliyeed wuu ka dhamaaday.
ReplyDeleteHadal ka Afay uu ku hadkay shacab ka somalida dani ma ugu jirtaa? In dagal oogaha dad ka laga qabto miyeysan sax ahayn? Qofki dhibsaday hadal kas wa tuug doonaya dad ka dhiigooda inuu cabo.
ReplyDeleteHadiise hadal kaas nin cadaana oran lahaa somalidu qosol bay ku soo dhoweyn lahayd,
Yuusufoow fahanka dowladnimo iyo wadanimo maha mid si toos ah ugu foran heerka aqoonta laga gaaro. Waxuu aad ugu foran yahay hadba barbasrinta shaqsigu ka helst guriga ama bulshada uu kusoo abaanay. Intass waxaa dheer waayo aragnimda uu shaqsigu isoo joogay iyo galcelinta uu kala kulmo kuwa aayaha ummadda lagu aamino. Waxaan xasuustaa in xilliggii dowladii militerigu ay Soomaaliya ahayd dalalalka dalkugalkoodu adagyahdy on la helo. Waxan ahay ummad asturan oo haykalkeeda dowladnimon ilaa xad dhamsydtirnaa. Maanta waxaan magan u nahay ciirtaada dhammaa caydaada yaqaan. Wayaanagii aan cashuurteena ku biili jirnay, dalkerna dhex mushaaxi jiray oo si fiican u bartgy halka aan ka nugul nahay, qaniilka, ayaa ah kan inakala asybinaya iskuna keen diraya, madaxdeenuna ukdla dhuumaneeyso la kulankooda. Waxyaabaha iga yaabiyey waxaa ka mid ah: Haddaadan Ethiopia kusoo taxqiiqin jago dowladeed dalkaahii hooyo kama qaban kartid. Mafaxduna waxay raali ku nodeen raaligelinta nimankan tigreeyga ah. Waxaa loo baahan yahay kacaan dalka lagu xoreeyo. Hayaay wdr Soomali dhaba aheey joogtaa. Soomaalida garashada leh waa in hurdada laga kiviyo.
ReplyDeleteAllaah yacizak Yusuf Garad wll
ReplyDeletexaalada dalkeenu marayo iyo marin habaabka ay siyaasiyiinteena ku jiraan baa wax ka bidhaamisay wlhi waa iska Aduun in Eyhiopian uusan dalkeena marti ku noqon isla markaana ay sida gurigooda wax ugu maamulaan taasna dowlad iyo mucaaradba si siyaasadeysan bay u ogolaadeen Allow ku dhowr