Total Pageviews

Thursday 24 December 2015

Hoos ha loo Faraxasho

Waxaan Saxaafadda ka dhegeystay Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir oo ka cabanaya Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir.

Guddoomiyuhu wuxuu sheeganayaa in Taliyuhu uu isaga u gacan qaaday. Waxaa kale oo uu sheeganayaa in ciidanka Taliyuhu uu xabbadeeyay ilaalada Guddoomiyaha. Wuxuu sheeganayaa Guddoomiyuhu in taasi ay dhacday isaga oo si sharci ah u daafacaya xuquuqda dadweynaha deggan Xamar Weyne.

Waxaa ila habboon in ay Dowladdu si dhakhsa leh u baarto eedeyntaas waxa ka run ah. Iyo in ay Dowladdu anshaxmariso mas’uulkii uu ku caddaado in uu gef geystay.


Sidoo kale waxaan rajeynayaa in ay mas’uuliyiinta Dowladdu ay gacnahooda hoos u dhaqdaan marka ay wasakheysan yihiin sida markan oo kale. Haddii ay dhexdooda isqabtaan waa in ay ku kala garbaxaan nidaamka Dowladda dhexdiisa ee aanay isku dacweyn saxaafadda.

5 comments:

  1. Waxaa ii muuqato in aqoon la'aan xaga shaqada ah ey aad uga jirto dalka maadaama mudo fowdo lagu dhex jirey. Tusaale ahaan maxaa kalifey in taliyaha booliska gobolka uu dad guryo ka saaro, miyaanu laheyn shaqo taas ka muhiimsan? aaway taliyihii booliska saldhiga degmada? Mideeda kale waxaa dhumay ama aan here uba jirin ilaalinta xuquuqda muwaadinka gaar ahaan dadka danyarta ah. Waxaa dadka laga burburiyaa cooshadaha iyagana jidka ayaa lagu tuuraa iyagoo aan lasiin wax digniin iyo waqti iyo meel ey u guuraan toona.

    ReplyDelete
  2. Waa run waa run gacmaha hoos haloo dhaqdo , sharcigu haduu kala hagi waayo laamihii howlada , micneheedu muxuu yahay? Waxaa ila haboon , in la iska dhaafo nin jeclaysiga ee laraaco shuruucda , ama qawaaniinta u dagsan , taliye , iyo gudoomiye , dagmo

    ReplyDelete
  3. .5 waxaa loo dhahay in dhiigooda sharaftooda la banaysto miyaa
    waa bar bar madoow oo somalida ku taal.5 hadii aan la badalina kuwa dhalan doonaa ma aqbali doonaan in somalidu siman tahay aragtidayda.

    ReplyDelete
  4. Laba maah maahood ay khaa,iniintu ku cel celiyaan ayaa kala ah Gacma Geel-jire hoosbaa loo dhaqaa iyo,Ninweyn iyo umuliso sida ay wax u ogyihiin uma sheegaan! lkn arini marka ay tahay caam ama wax dadku wada leeyahay waa in labadaas maahmaahood meesha laga saaro.Caddaaladdu waa in khalad kasta la soo bandhigo wayo dowladdu waxay u dhexeysaa shacabka talaaba kasta oo ay qaado waa in shacabku ogaado sax iyo khaladba.Hunu,Hunu hadal maaha Himbiriirsi Wax aragmaaha.

    ReplyDelete
  5. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete