Total Pageviews

Sunday, 13 December 2015

Shanta Soomaaliyeed

Djibouti
In muddo ah ayaan da’yarta aan Soomaaliya ku arkay waxaan qaar badan oo ka mid ah weydiinayay in ay maqleen wax la yiraahdo shanta Soomaaliyeed. Kuwii aan la kulmay oo dhan, wiilal iyo gabdhaba, waxay ii sheegeen in ay maqleen.

Su’aasheyda labaad oo ahayd maxaa loola jeedaa shanta Soomaaliyeed ayay jawaabteedu inta badan waxay ahayd mid aan ku qanci waayay.

Wey jireen dhallinyaro si sax ah uga jawaabay su’aasheyda hase yeeshee ma badnayn. Qaarkood waxay xuseen qaar ka mid ah shanta laakiin ma dhammays tirin. Qaar kale ra’yi kama haysan. Mid ka mid ahi wuxuu u haystay in loola jeedo Dowlad Goboleedyada Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Hadda oo aan joogo Djibouti oo ah mid ka mida shanta Soomaaliyeed, waxaan ku hadlaa af Soomaali marka aan la macaamilayo laanta socdaalka, taksiilaha, hoteelka, makhaayadda, tukaanka, sarriflaha iyo cid kasta oo iga soo horbaxda. Wax badan iigama duwana in aan dhex lugeynayo Hargeysa, Jigjiga, Gaarisa ama Muqdisho. Dareenkeeda ma qabo in aan dalkayga dal aan ahayn aan joogo sababtuna waxay tahay in aanan arag wax taas i dareensiinaya.

Shanta Soomaaliyeed waxaa loola jeedaa shanta Gobol ee Soomaalidu ay u qeybsan tahay. Waa Jamhuriyadda Dhibouti oo ah dal xor ah, Soomaalida koofureed oo gumeysi Talyaani iyo mid Ingiriis ka dib ay Qaramada Midoobay gaarsiiysay xornimadooda xarunna ay u tahay Muqdisho, Soomaalida Woqooyi ee Ingiriisku gumeysan jiray oo ay xarunta u tahay Hargeysa, Soomaalida Galbeed oo ka tirsan Ethiopia oo ay xaruntoodu tahay Jigjiga iyo Soomaalida Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya.


In dhallinta la baro taariikhda la soo maray waa wax dan u ah fahamkooda adduunka maanta la joogo, waana mas’uuliyad si toos ah u saaran hey’adaha waxbarashada. Sidoo kale saxaafadda ayaa kaalin muhiim ah ku leh waxbaridda iyo wacyi gelinta dhallinyarada.

31 comments:

  1. Ma xuma Garaad laakiin amuuba fikirkan ah shanta Soomaaliyeed uu ugu weyn yahay waxa dhibkaan maanta ku jirno horseedkiisa ah. Waa marka koowaade, fikirku ma ahan mid ka yimid Soomaali ee waxaa Greater Somalia keenay gumeystihii Ingiriiska, uu dabcan aan ujeeddadiisu ahayn mideynta ummadda afka Soomaalida ku hadasha. Waa marka labaade maba jirin waxaan maanta u naqaan Qaran, ama Nation State, wixi ka horreeyey 1960-meeyadii oo ah xilligey Afrikaanku Qaran noqdeen. Waa marka saddexaade, wuxuu fikirkaasi noo yeelay cadow joogto ah iyo dagaal iyo colaad aan dhammaan oo ku saleysan dhul-ballaarsi. Ilaa iyo waagaas waxaa colaadi na dhex tiillay dalalka deriska sida Itoobiya iyo Kenya, taasoo ahayd ujeeddaduu ewelba gumeystuhu ka lahaa: yacni, haddaan baxayo idinkuna nabad heli meysaa. Tan afaraadna waa hal-qabsiga Soomaalidoo ahaa NIN TIISA DARYEELAA,TU KALE KU DARA! Waxaanan tan dambe ula jeedaa, dhulkaan muran laanta u lahayn baanu ku heshiin weynee, ma mid maqan baan u xoog helnaa?

    ReplyDelete
    Replies
    1. Sxb uma qabo in shanta Soomaaliyeed ay ku saabsan tahay dal loo qeybiyay shan meelood. Waxaan u arkaa in ay tahay dadka Soomaaliyeed oo ku kala nool shan Gobol oo deris ah oo qaarkood ay isku dal ka wada tirsan yihiin, qaar ay iskood u taagan yihiin xorna u yihiin, qaar kalena ay ka tirsan yihiin dalal kale oo isla Gobolka ah. Waa sawir muujinaya muuqaalka Gobolka Geeska Afrika, ma ahan damac ama ujeeddo siyaadeed sida ay hadda ku soo dhammaatay.

      Delete
    2. Yuusuf ma kaa dhabaa? Ma iska ilaalin in dad kale fikirkaaga kuu isticmaalaan baad sidaa u yeeshay?

      Markaad leedahay "...uma qabo in shanta Soomaaliyeed ay ku saabsan tahay dal loo qeybiyay shan meelood." ma noo macnayn kartaa?

      Sidee bay ku timid shanta Soomaaliyeed? Ma dadka Soomaaliyeed baa doortay inay "Shan" noqdaan?

      Tan kale, yaa yidhi sidan bay ku soo dhamaatay? Waxaa jira wax Soomaalidu tiraahdo "Samir taag waa" taas ayaa maanta Soomaali haysata. Intii Soomaalidu gaarka u lahayd baaba is cunaysa oo qaxootigii ka soo qaxay ay ku badbaadeen meelihii ka maqnaa. Taa macnaheedu maaha Soomaalida degan dhulka dadka kale hoos joogaa inay ku qanacsan yihiin xaalkooda.

      Kaama filayn inaad cudur daar intaa le'eg u samayso Soomaali adigoo malaha ku fekeraya in fikirkaagu gaaro xoogag dahsoon. Qofku inuu fikirkiisa xor u ahaado waa asal. Weliba marka qof aqooneed lagugu tuhmayo!

      Delete
  2. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  3. Cabdi nur Ismacil walaal waxa laga hadlay miyaadan fahmin? Qabiil iyo BBC midna ma ahan ee bal isku day inaad dib u aqrido dhibkaadaba ha ahaatee. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  4. Waxay ila tahay shantii Soomaaliyeed ka hadalkeeda inaysan maanta jirin, iyadoo labadii xorta ahayd la qaybshay lana xukumayo. Taa baddalkeeda waxaa wanaagsanaan lahayd in Mudane Yuusuf soo bandhigo meelaha ay Djibouti ku wanaagsan tahay, loona baahan yahay in Soomaalidu uga dayato.
    Waxaan ka imid Djibouti dhawr maalmood Kahor. Waxaan kala soo npqday maahmaah ay Soomaalidu oran Kirsten "Qabiil qaran manoqdo" oo beenoowday. Waxaan ka wadaa hadday ummaddu israacsan tahay, way ka gudbaan dhibka jira Qabaa'il kala duwan ha noqdeen ama laba qabiil ha noqdeen sida Djibouti oo kale. Canfar iyo Ciise ayaa laga sharciyeeyey Djibouti maalintii ay xornimada qaateen. Waa Kalamazoo af, kala dhaqan, waliba meelaha qaar kala diin. Wayna is-oggol yihiin. Meel kasta oo aad marto dadku calanka Djibouti ayey babinayaan. Dalku waa fakhri laakiin inta yar iimaankay ku qabaan. Waloow ay Jaadka si daran u cunaan, misana arki maysid wax iscaayaya ama dagaallamaya. Markay kuu gartaan inaad Soomaali tahay, soo dhawayn gaar ah ayey kuu fidinayaan, waanad dareemaysaa inay burburka Soomaaliya ka xun yihiin. Meesha aad usocotay tilmaan kaliya kuuma quuraan, way ku gaynayaan halkii aad u socotay. Gaadiidka dadwaynaha kursiga way kaaga kacayaan marka aad da' tahay ama aad carruur wadato. Halka Soomaalidu kugu leedahay oday ama adeer, reer Djibouti waxay kugu oranayaan "Aabbe". Nin aan maalin sheekaysannay baa igu yiri "Markaan xornimada qaadanaynnay waxaa nala kala doorransiiyey inaan Soomaaliya ku biirno iyo in aan dal xor ah noqonno. Dal xor ah ayaa ilaahay na waafajiyey. Haddii aan Soomaaliya dooran lahayn, maanta waan isla wada quusi lahayn. Dalka waxaa naas irmaan u ah dakadda Djibouti oo ay markiiba ku soo xirtaan 21 markab oo waawayn nooca kontaynarada xambaara. Dakhligaasi dadku way ka oomman yihiin. Waxaad arkaysaa dhallinyaro raxan raxan usocota oo habeenkii gidaarrada seexda, maalintiina dawarsada. Malaha waddanka dhuumaha bullaacadaha qaada. Shacabku marka ay way mayraan dibadahaa qurunka lagu soo daadiyaa. Markaad dhexmarto magaalada qarmuun western, isla markiiba qorraxda kulul baa ku dhacayda oo way qalalaysaa. Si kastaba ha ahaatee waddanka waxaa ku soo jabay Yaman iyo Ethiopian. Hotel baan ma helaysid. Guri kira ahna dhib weeye heliddiisu. Tirada dadka Djibouti waa 800.000 hal milyan ma dhamma. Waxaan qarqiyey Xabashi haddana Yaman baa geed walba taagan. Dhib uma arkaan cid walba way soo dhaweeyaan. Waxaan Soomaalida usoo jeedinayaa inay is-oggolaadaan sida shacabka Djibouti oo kale. Kana baxaan gobolaysiga iyo gunnimada. Una baxaan ilbaxnimada, danta guud iyo dalkoodana ay ku fara adaygaan.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Qabiil qaran ma noqdo waa run. Waxba cudur daar ha uraadin taas. Weli taariikhda laguma hayo.

      Horta wax 2 qabiil la yiraahda meesha ma jirto. Djibouti waxaa loo yaqaan inay degaan Soomaali & Cafar. Soomaalida ayaa hadana qabiil u sii kala baxday oo Ciise oo tiro ahaan ugu badan ayaa intii kale shiiqiyay. Soomaali oo isku dhamina Cafartii bay shiiqiyeen. Taas weeye midda Djibouti looga nool yahay.

      Soomaalidu iyadoon is shiiqin oo isu xoog sheegan bay is maamuli karaan. Muqaalafo ayaase loo baahan yahay. Muqaalifaddana caqli iyo aqoon baa keenta. Aqoontana dadaal iyo waxbarashaa keenta. Malaha in aasaaska loo noqdo baa muhiim ah intaad qabiil in qaran laga dhigo aad u cudur daaraysid?

      Delete
  5. muhiim uma arko inla barto shanta somaliyeed, Sababtoo ah kuwii midoobay 1960kii ayaa kala tegaya,kuwii hore u maqnaane waxay ku noolyihiin barwaaqo iyo badhaadhe. Luuqadanu muhiim maaha in laysku raaco ama laysku habysado.

    ReplyDelete
  6. muhiim uma arko inla barto shanta somaliyeed, Sababtoo ah kuwii midoobay 1960kii ayaa kala tegaya,kuwii hore u maqnaane waxay ku noolyihiin barwaaqo iyo badhaadhe. Luuqadanu muhiim maaha in laysku raaco ama laysku habysado.

    ReplyDelete
  7. Qofba aragtidiis leh, sxb yusuf waxaad qormadaada gaaban ku sheegtay "Shanta Soomaaliyeed waxaa loola jeeda shanta Gobol ee Soomaalidu ay u qeybsan tahay". Aniga waan kaa duwanahay, waxaan dhihi lahaa "Shanta Soomaaliyeed waxaa loola jeeda shanta Gobol ee Soomaalida loo qeybsaday/loo qeybiyay".
    Waxaan qabaa in ay taariikhdu qarsoomi karin, haddii adiga ka yusuf ahaan aadan aamin sanayn waa gooni, haddiise aad aaminsan tahay asse aadan soo bandhigi karin (sababo kuu qarsoon) waa arin kale , lkn waaqicii jiray yaan si kale loo qorin ayaan ku talin lahaa. mahadsanid.

    ReplyDelete
  8. "Shanta Soomaaliyeed waxaa loola jeeda shanta Gobol ee Soomaalidu ay u qeybsan tahay. Waa Jamhuriyadda Dhibouti oo ah dal xor ah" Djibouti dhul soomaaliyeed miyaa mise dhul qowmiyada kala duwan daganyihiin?

    ReplyDelete
    Replies
    1. Djibouti marka laga hadlayo Jamhuuriyaddu waxay ka kooban tahay oo ku midoobay Soomaali iyo qowmiyado kale.

      Delete
  9. waxan filaya qoraalku inuusan waafaqsanayn ama ka hordhacsan yahay mabda'a qaran ee rasmiga ah ee soomaaliyeed. weedhaha qaarkoodna sixid ayay ku haboon yihiin, sida: "oo ay xarunta u tahay Hargeysa", haddii aad u la jeedo "u ahayd" dhib ma leh. laakiin jamhuuriyadda soomaaliya waxaa hadda xarun u ah Muqdisho. adigu ra'yi ahaan waxad ka aaminsan tahay waad sheegi kartaa marka aad ka hadlayso gobolada aad u isticmaashay "raacsan iyo ka tirsan", laakiin mabda'a ummada rasmiga ah ee siyaasiga ah ee ummadda soomaaliyeed sidaas ma aha. duruufta ha u nuglaan. haddii aad sida wax u socdaan mustaqbalka cabiraysidna si kale u dhig weedhahaaga.

    ReplyDelete
    Replies
    1. This comment has been removed by the author.

      Delete
    2. This comment has been removed by the author.

      Delete
    3. Shantii Somaaliyeed ee Yuusuf Garaad sheegayay middan (Hargeisa) ayay kaa wadi weyday miyaa?
      Xaruntaada Muqdisho ee aad sheegayso hadii aad iska haysato oo ay kugu filnaato ka waran?

      Way fiicnaan lahayd Muqdisho oo Soomaali xarun u noqota lakin uma qalanto. Muqdisho iyadaa tidhi uma qalamo inaanu Soomaali xarun u noqdo.

      Shantaa gobol hadii uu jiro mid maanta la haysto oo dad kale u taliyaan waa Muqdisho iyo Koonfur. Afartii kale dadkii deganaa ayaa u taliya oo jooga.

      Delete
  10. Djbouti survey maku samaysay dad keeda bal sidey u arkaan 5ta iyo waxay ka aaminsan yihiin. Yusuf dhalinyaradii la Rabay Inay 5ta isu keenaan siyaasiyiinti horaa kala dilay qabyalad iyo qurun ha dhex gashay tusaale kuwa hada koonfur iyo waqooyi ku midoobay 5tu inay isu timaado waxa ka jecel 3da maqan.

    ReplyDelete
  11. Qoraalka mudane Yuusuf inkastoo ujeedadiisa guud ay ila quman tahay haddan dalab aan yarayn baa ka muuqata taas oo rag iga horeeyey tilmaameen. Yuusuf wuxuu yidhi "In dhallinta la baro taariikhda la soo maray waa wax dan u ah fahamkooda adduunka maanta la joogo" waa run laakiin waxaan odhan karaa mudane Yuusuf taariikhda lasoo maray ee mawduucan ku saabsan intii ugu muhiimsanayd ma sheegin.
    1. Soomaalidu shan meelood isuma qaybin iyadu, dabeecadda iyo deegaankuna ma qaybin ee waxaa qaybiyey gumaysi
    2. Labadii gobol ee ugu weynaa shanta Soomaaliya waxay ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliye 1960. Taas Yuusuf inooma sheegin, sababtana garanba maayo.
    3. Midnimada Soomaaliya taariikh maaha ee waaqic jira siyaasad ahaan iyo sharci ahaanba. Tabashada ka jirta waqooyi waa arin kale, cidina weli si dhab ah ugama garamin, dadka Somaliland dhulkii Ingiriisku ula baxay degaana ma wada qabaan inay Somalia ka go'een.
    Waan ku raacsanahay in da'yarta la baro taariikhdooda, laakiin waxaa waajib ah in siday tahay loo baro, go'aankana iyaga loo daayo.

    ReplyDelete
  12. Sidaasoo kale aniga waxaan u arkaa dad isleh ee gobolo daris ah kuwada nool misana is dhexdaadsan Waxaan kawadaa isleh is dhalay oo qaarkood isku dal kawada tirsan yihiin lkn Dadku waa isku dad dagaalka iyo daymaduba kama sino waxaanse ugu dambeyti Lee yahay ninka weyn wuxuu fadhiga ku arko ninka yar istaaga kuma arko

    ReplyDelete
  13. runtii hadla ama fikirkaa ee 5tii somaliyeed way wangsan tahay in laga hadlo lkn su asha tlaa mesha waxay tahay yaa ogol 5tii soomaliyeed yaysa ku haboontahay in labaro yaase baraya umada soomaliyeed waxan oran lahaa manta wadankii waxa uu ku jiraa guumaysi ay hor kacayso ithopia tana uma baahna cadayn waxaa inagu filaan hargysa munasbadaha ka dhacaya iyo bosaaso iyo mela kamida dhulkii somaliyeed markaa anigu waxaan u arkaa socon waynayee aan oradno

    ReplyDelete
  14. runtii hadla ama fikirkaa ee 5tii somaliyeed way wangsan tahay in laga hadlo lkn su asha tlaa mesha waxay tahay yaa ogol 5tii soomaliyeed yaysa ku haboontahay in labaro yaase baraya umada soomaliyeed waxan oran lahaa manta wadankii waxa uu ku jiraa guumaysi ay hor kacayso ithopia tana uma baahna cadayn waxaa inagu filaan hargysa munasbadaha ka dhacaya iyo bosaaso iyo mela kamida dhulkii somaliyeed markaa anigu waxaan u arkaa socon waynayee aan oradno

    ReplyDelete
  15. @Yuusuf
    Anagu waxaan u arkaa in qoraalkaan
    Wax ka badal u baahanyahay!!

    "Soomaalida Galbeed oo ka tirsan Ethiopia oo ay xaruntoodu tahay Jigjiga iyo Soomaalida Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya"

    Intaan ayaa sixid u baahan!
    Soma.Galbeed waa dad gumeysi gacanta ugu jira.

    Maahan in loo dhigo inay ka tirsanyihiin!
    Maalina wey xoroobi doonaan hadii Alle idmo!
    Soomalida kenyana waa la mid in kastoo labada gumeysi kala roonyihiin Oo Kenya xoogaa ka yara roontahay Ethopia marka loo eego cadaawada loo Qabbo Somalia!

    Waxaa tahay qof miisaan ku dhex leh umada Somaliyed hadii Aadan qoraal kaan edit ku sameyn Oo sacad kadib naftu ku deyso!

    Taariikh ahaan baa loo qaadan doonaa in Somali.Galbeed Ethopia ka tirsantahay!

    Marka si kale u dhig jumladahaas hadii la isi sixi karo!
    Waana laga yaabaa in Somali kale ila qabto aragtidaas!

    Wabilaahi-tawfiiq

    ReplyDelete
    Replies
    1. Abdirashiidow, sida Yuusuf qoraalkiisa kore ku xusan fikir kaaga ka duwan ayuu qabaa. Wuxuu u haystaa in dhul Soomaaliyeed uusan maqnayn laakiin Soomaali ay dego Dhul
      dalal kale ka tirsan. Anigu ma oran. Isagaa yiri.

      Delete
  16. I would like to remind my brother Yusuf Garad one thing he seems to always forget. Yes Northwest Somalia (now Somaliand) was part of the 5 Somali Regions (Italian Somaliland, British Somaliland, French Somaliand, Somali Region of Ethiopia and North Eastern Kenya), but it was never colonized by the United kingdom (British). It was a protectorate. I would advice you to read and make research about the topic you are writing before publishing it as you are know to be a reputable and credible journalist. These small details can make or break a persons career.
    My God Protect Somaliland and its people and may God Crush its Enemies

    ReplyDelete
  17. Yusuf Garaad Waxuu yidhi 5ta Soomaaliyeed Waxaa u aqaaan dad Soomaaliyeed ooo ku kala Nool Dalal Daris ah ee Uma arko dal soomaaliyeed oo Gumaystuhu Qaybiyay ..Waa Nasiib Darro iyo Aqoon Darro haddaysan kaa ahayn Qabyaaladayn iyo Qiiq isku qarin...Intaa kaddib Haddaad tidhi dad Soomaaliyeed baa ku kala nool dalal deris ah..Waxaan kaa idhi ma jiraan wax la yiraahdo dadyow kala duwan oo Soomaaliyeed, balse haddaad kawaddo Qabiilo Soomaaliyeed baa ku kala nool 5taas qaybood waa arrin fikirkeeda leh. Ama Ummad Somaliyeed "One Nation" ayaa Jira ama Qabiilo "Tribes" Soomaaliyeed ayaa Jira wax Dad Somaaliyeed la dhaho ma jiraan!!

    ReplyDelete
  18. Waa runtaa yuusuf garaad Somali waa la wada yahay lkn waxa aad mooda in dadka qaar Somalinimada ay danbi u haystaan.

    ReplyDelete
  19. ascwwb mudane yuusu garaad ma is weeydisay yaa diiday shanta soomaali in la mideeyo ,waa su,aal u baahan in jawaab loo radiyo
    masuulidaas waxaa leh qaar ka tirsanaan jiray SYL oo sii toos masuul ooga yihiin ama sii dadban ,olama jeedo 13 geesi oo aasaasay SYL waxaan oola jeeda qaar ka tirsanaan jiray oo xubin ka ahaa SYL oo ay ahaayeen dabadhilif u shaqeeyaa gumeeysigii taliyaaniga ,waqtigii laga guuleestay taliyaaniga dagaalkii labaad ee adduunka dalka somaliya waxaa xukunka la wareegay ingirriska wuxuuna u ballan qaaday soomaalida inuu isku keeni doono shanta somaliya haddii ay oggalaadaan inuu ingiriiska wasaayada tobanka sano oo lagu gaarsiin lahaa dawladnimo ay u doortaan ingiriiska inuu dhiso doono (great somali)laakin qaar ka tirsan ururka SYL oo xubno ka ah ay diideen ingiriiska oo ay yiraahdeen waxaanu rabnaa taliyaani cadde inuu na gaarsiyo xornimda ee tobanka sano wasaayada .dadkaas kuma jirin 13 geesi ee SYL aasaasay oo hormood u ahaa ilaaheey ha u naxriistee xaaji maxamed xuseen ,dadkaas magacyadooda waa la haayaa oo laaluushka ka qaatay taliyaaniga iyagaane masuul ka ah dhibaatada maanta na heesta
    qore maxamed sheekh cadde

    ReplyDelete
  20. Codsi sxb Yusuf Garaad shanta Soomaaliyeed la garay ee anigu Shaqsi ahaan waxaan ku su'aalayaa kaana codsanayaa inaad si mug u lafo gurto Somaliyadan hadda koonfur ee qabiilba gobolkay degaan dawlad looga dhisayo calana loo sameynayo imikana lagu gudo jiro sidii calankii Somalia ee hore loo baddali lahaa anigu halkaa waxaan u fahmay calankay wada lahaayeen meesha kasaaridu inay sharciyey doonto dawlad goboleedada oo midiba mida kale colaad qabiil u hayso calanka cusubna wuxuu tarjumi doonaa in dawlad Banaadir ka jirtaa gaar u ledahay. Markaa yuusuf Garaad sxbow bal si qoto dheer naga sii joogtada maanta ee Somalia iyo timaadada berri ee la fili karo muuqaal ku salaysan ka duulista immika nagu tus.
    Mahadsanid
    Mustafe A,hurre Hargeisa

    ReplyDelete
  21. Way haboontahay Yuusuf in dhalinyarada iyo kuba dar bulshaweynta soomaaliyeed oo dhan la baro taariikhda dalkooda, mana u arko in taariikh jirta la sheego ay xaaladda soomaaliweyn wax ka badaleyso maanta. Waxaanse u sheegayaa inta ku faraxsan fikirka Fuusuf iyo inta dhaliilsanba, taariikhdu already way qorantahay, si koobana waxa loogu soo bandhigay CALANKA soomaaliya xidigtiisa 5-ta gees leh. Waxay ahayd astaantani mid muujineysa in qowmiyad soomaali la yiraahdo 5 maamul gumeysi u qeybiyey sababta cid kastaa ha ka qeyb qaadato. Waxan kaloo arkaa in qormadani weli socoto dhaliilaha ku jira ee farta lagu fiiqayna Yusuf ka qancin doono asxaabta dooda ka keentay.
    Gebagebo, waxa baniaadamka caado u ah haddii aad tiraahdo waxan dusheena taagan waa qorrax, qaarbaa ku leh ma ahane waa dayax, mayee waa bil, mayee waa wax kale iwm. Tusaale waxa kuugu filan commentska laga bixiyey qormadan, qaar bay meel kaga dhegantahay oo sheekadiiba u rogaya meel hebla iyo gobol hebel.

    Yuusuf waxaynu sugnaaba waa qeybaha kale ee qormada. Wasalaaam

    Omar Weheliye, London

    ReplyDelete
  22. Way haboontahay Yuusuf in dhalinyarada iyo kuba dar bulshaweynta soomaaliyeed oo dhan la baro taariikhda dalkooda, mana u arko in taariikh jirta la sheego ay xaaladda soomaaliweyn wax ka badaleyso maanta. Waxaanse u sheegayaa inta ku faraxsan fikirka Fuusuf iyo inta dhaliilsanba, taariikhdu already way qorantahay, si koobana waxa loogu soo bandhigay CALANKA soomaaliya xidigtiisa 5-ta gees leh. Waxay ahayd astaantani mid muujineysa in qowmiyad soomaali la yiraahdo 5 maamul gumeysi u qeybiyey sababta cid kastaa ha ka qeyb qaadato. Waxan kaloo arkaa in qormadani weli socoto dhaliilaha ku jira ee farta lagu fiiqayna Yusuf ka qancin doono asxaabta dooda ka keentay.
    Gebagebo, waxa baniaadamka caado u ah haddii aad tiraahdo waxan dusheena taagan waa qorrax, qaarbaa ku leh ma ahane waa dayax, mayee waa bil, mayee waa wax kale iwm. Tusaale waxa kuugu filan commentska laga bixiyey qormadan, qaar bay meel kaga dhegantahay oo sheekadiiba u rogaya meel hebla iyo gobol hebel.

    Yuusuf waxaynu sugnaaba waa qeybaha kale ee qormada. Wasalaaam

    Omar Weheliye, London

    ReplyDelete
  23. Hortu Yuusuf waad ku mahadsantahay fikradaada. Lakiin wax dadka ha labaro iyo wax ha la badalo ayaan is qabanaynin. ilama aha in aan kaa yeelayno shanta Somaaliyeed hal wadan oo shan qaybood gumeyste u qabiyay ma ahan. Mida kale, markaad lee dahay "Soomaalida koofureed oo gumeysi Talyaani iyo mid Ingiriis ka dib ay Qaramada Midoobay gaarsiiysay xornimadooda" miyaysan meel ka dhac iyo qadarin la'aan u ahayn Soomaalidi usoo halgantay wadanka ee dhigooda usoo qubtay? waxaan aaminsanahay in xornimda aan ku gaarnay halgan dhiig badan ku daatay balse anaan cidi na siinin. Dadka wax bar, lakiin taariikhda ha beensheegin. Qof aan wax aqoon qof wax qaldan yaqaano ayuu dhamaa saa waxbaa la bari karaaye.

    Mahadsanid.

    ReplyDelete