Muqdisho waxaan ka dhoofay Disembar 1990 ka dib markii aan
Laanqeyrta Cas uga soo shaqeeyay Berbera, Hargeysa, Burco, Beer, Borame iyo gobolka Awdal degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan ilaa Weeraar. Waxaan
Muqdisho dib ugu soo laabtay May 1994 iyada oo magaaladu ay u kala qeybsan
tahay laba hoggaamiye kooxeed iyo malliishiyadooda oo qabiil iska ahayd.
Intii ka dambeysay celcelis ahaan ugu yaraan sannad kasta hal mar
ayaan imaanayay magaalada. Inkasta oo sannadaha qaarkood saddex ama afar jeer
aan imid. Waxaa jiray xilli ay xirnayd gegida dayaaradaha ee Muqdisho oo
laga soo degi jiray shan garoon oo kala duwan oo mid kasta uu haysto Hoggaamiye
kooxeed qabiil dabada kula jira. Bartamihii 2012 wixii ka dambeeyay inta badan
waxaan ku noolahay Muqdisho.
Waxaan qormadaan ku eegayaa waxa ay isheydu qabato marka aan
Muqdisho dhex maro hadda oo ah Disembar 2015. Akhristow qiimeynta halka aad
dhigeyso adiga ayaan kuu deynayaa.
Waxyaabaha indhaheyga ku cusub waxaa ka mid ah Boorsada garabka
suran ee lala lugeynayo oo ay u badan tahay in kombiyuutarka dhabta la saartaa
uu ku jiro.
In meel kasta lagu weydiinayo aqoonsi. Inkasta oo aan taas la yaabay
maaddaama aan qof kasta oo Muqdisho joogaa anuu aqoonsi lahaan karin.
In ay aad u yaraadeen amaba ay ku dhow yihiin in ay suulaan rasaasta
habeen iyo maalin markii xoogaa la joogaba la maqli jiray. Taas xaafadaha dhan
ma wadaagaan.
In muuqaalka baabuurta magaalada dhex yaaceysaa uu tartiib isu
beddelayo. Waxaa sii yaraanaya kuwa muuqoodu ku xasuusinayay wixii magaalada ka dhacay waxaana ku soo badanaya baabuurta qurqurxoon ee raaxada,
Waxaa soo badanaya dhismayaasha qurqurxoon ee magaalada. Waxay isugu
jiraan qaar xafiisyo ah oo ah dabaqyo dhaadheer sida daaraha ay Hormuud iyo
Dahabshiil ka dhisteen aagga nambar Afar iyo daaraha la teedsan Bakaaraha. Waxaa
iyaguna jira guryo iyo goobo ganacsi, qaar waxaa dhistay sharikado waaweyn,
qaarna dad hantileey ah, qaar kalena waxaa dhistay dad dowladda hadda ama hore
ugu shaqeeyay oo ay dad badani tuhunsan yihiin in ay ku dhisteen hanti ummaddu ay leedahay oo ay lunsadeen iyo laaluush ay qaateen.
Saddax Xamar
Magaaladu waxay u qeybsan tahay saddex. Laba qeybood oo
waaweyn waxaa u dhexeysa soohdin ilo-ma-qabatay ah.
Waa dhinaca Dowladdu ay deggan tahay, ku shaqeysato, howlaheeda sida
ay doonto uga fuliso habeen iyo maalin, ayna deggan yihiin dadka dowladda u
shaqeeya, kuwa raba in ay u shaqeeyaan iyo kuwa martida u ah iyo shacab badan
oo guryahoodu ay dhinacaas ku yaallaan. Dhinacaan waxaa lagu qabtaa qaar badan
oo ka mid ah xafladaha ay Madaxdu ka qeyb gasho.
Dhinaca labaad waa xaafadaha shacabka oo ah meesha dadka magaalada
ugu badani uu deggan yahay. Marka aad dhex mareyso xaafadaha shacabka, waxaad
mooddaa in aad joogto Xamar oo siddeetamaadkii ah. Waxyaabo yaryar ayaa ku soo
xasuusinaya in xaaladdu ay is beddeshay. Waxaa ka mid ah burburka iyo nadaafad darrada waddooyinka qaarkood, magacyada goobaha ganacsiga iyo lebbiska gabdhaha. Intaas
marka laga reebo ma arkeysid wax ay uga duwan tahay Xamar-tii aan ku soo koray.
Keliya waxaa aniga ii dheer in waddooyinka qaar sida Xamar Jadiid,
ama agagaarka Boostada iyo Hotel Jubba ama agagaarka Shabeelle oo marka aan soo
istaago in badan dadka maraya aan is naqaannay ama ugu yaraan aan bargaranayay
meesha uu deggan yahay qofku, waxa uu ka shaqeeyo ama qofka ay isla dhasheen ama saaxiibka yihiin, gaariga ama mootada uu wato iyo hadduusan wadan iwm in aanan hadda qofna ka aqoon dadka waddada maraya.
Dowladdu labada dhinac ee magaalada wey tegi kartaa weyna tagtaa.
Laakiin dhinac waa dhulkeeda ay ku shaqeysato dhinacna waxaa taga ciidan keliya
ama qof madax ah oo si aad ah loo ilaalinayo oo meel tiigsanaya. Habeen aan sidaa u sii fogeyn aniga oo la fadhiya mas'uul sare ayaa waxaa loo dhiibay wargeys ay ku sawiran yihiin dhismayaal waaweyn oo magaalada ku cusub laakiin sannad ka badan uu dhismahoodu socday. Wuxuu ula yaabay sida qof aan magaalada joogin. Waxay ahayd markii ugu horreysay oo uu arko.
Haddii aadan ahayn qof bartilmaameed ah, waxaa ammaankeedu wanaagsan
yahay ayaa la dhihi karaa xaafadaha Shacabka. Ilaalo la’aan ayay baabuurtu
socotaa, waa la lugeyn karaa habeen iyo maalin, guryahana ilaalo hubeysan ma
joogto, hey’ado ma deggana, Xafiisyo dowladeed kuma yaallaan, lamana kala shakisana. Makhaayadaha ayaa fiidkii lagu caweeyaa oo bannaanka la fadhiyaa.
Masaajiddu waa kii aad soo gaarto.
Inkasta oo Dhinaca Dowladda ay dadka badankiis socdaan ilaalo la’aan, haddana mar kasta waxay ishaadu qabaneysaa baabuur dul bannaan ah oo
niman hubeysan oo inta badan uu midkood boobe culus ku raran yahay ay
dhinacyada lugahoodu ka raaracaan. Waxaa laga yaabaa in ay keligood yihiin ama
ay hor iyo daba socdaan baabuur cayilan oo la yiri xabbaddu ma karto oo qof
madax ah lagu gelbinayo ama lagu doonayo. Laakiin waxaa sii gabaabsi ah oo ay adag tahay in aad aragto ilaalo hubeysan oo baabuur saaran oo aan ciidanka Dowladda ahayn.
Waxaa aad u yaraaday dadkii lagu dili jiray in ay tageen xafiis dowladeed ama ay xaafadaha shacabka ka yimaadeen oo ay ka tallaabeen soohdinta aan ishu qabaneyn. Dadka dhinaca shacabka deggani waa u xor magaalada dhinaca ay doonaan in ay maraan.
Toddobaad kasta qof ama ka badan ayaa la dilaa. Hore ayaan wax uga qoray in aan qirashada Shabaab keliya lagu qanci karin. Dilalkaas waxaa dhowaan faahfaahin ka bixiyay Taliyaha Nabad Sugidda.
Waxaad arkeysaa Hotel, Xafiis, dhisme kale oo biro ama dhagxaan
waaweyn jidgooyo ahaan loo hor dhigay oo ay ka dambeeyaan jawaanno ciid ah oo
gadaashooda niman hubeysani ay ku jiraan, qaar taagtaagan yihiin, qaarna
gabbaad kor loo dhisay ay kaa soo dhex eegayaan. Meelaha qaar waxaad mooddaa dhufeys goob dagaal sida albaabka weyn ee laga galo gegida dayaaradaha.
Meelaha ay weerarrada iyo qaraxyada al Shabaab ku wajahan yihiin oo
ay ka dhacaan waa dhinaca Dowladda iyo inta la shaqeysata ama ay xaafaddoodu
noqotay ay ka deggan yihiin magaalada.
Waxaa magaalada ku soo batay dad ka yimid dibadda, qaar ka yimid Gobollo
kala duwan oo dalka ah. Waxaan si gaar ah beryahaan dambe isu aragnay saaxiibbo
reer Puntland ah oo reer Xamarkii hore u badan oo aan is leeyahay wey ka soo
bateen intii hore. Guud ahaan qurbo joogta iyo Soomaalida Gobollada kale ka
yimid waxay isugu jiraan dad siyaasadda kulaala, qaar xildoon ah, qaar
ganacsato ah oo Dowladda qandaraasyo ka raadinaya amaba magaalada ka sameystay
ganacsi, qaarkood waa keliya in ay arkaan sida xaalka magaaladu yahay,
dhallinyaro fursado shaqo ama waxbarasho raadinaya iyo qaar kaleba. Yaanan
illaawin dad u yimaada keliya in ay guryahooda dayac tiraan una helaan kiro. Dabcan duullimaadyada Soomaaliya isku xira iyo kuwa Soomaaliya ku xira caalamka intiisa kale ayaa iyaguna soo kordhaya.
Magaaladu weli tiyaatar iyo shaneemo noocii la yaqaannay ah ma laha.
Wasiirka Warfaafinta ayaa dhowaan igu casumay mar uu Tiyaatarka soo kormeerayay. Aniga oo arday Iskuul ah ayaan Tiyaatarka uga qeyb galay tartankii Kedis - kuna guuleystay, aniga oo
dhallinyaro ah ayaan u tegi jiray daawashada riwaayadaha kuna daawaday fannaaiinta fanka Soomaaliyeed ugu magac weyn, aniga oo weriye ah ayaan xiriiriye ka ahaa munaasabad aan hanti ugu uruurineynay Ururka Indhoolayaasha markii la asaasay, annaga oo arday Jaamacadda ah ayaa riwaayad ka dhignay aanan anigu jilayaasha ku jirin laakiin aan ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha, anigu qoraa Xiddigta Oktoobar ah ayaan u tegi jiray in aan ka faalloodo riwaayadaha sida faallo dheer oo aan ka qoray Rowaayaddii Xiddigtii is Xujeysay, waxaan aqaannay Tiyaatarka xagga la fariisto, godka miyuusigga, daaha gadaashiisa iyo qolka tebinta ee idaacadda tooska ugu xiri jiray. Waxaan ogaa quruxdiisa iyo agabkii yaallay. Markii aan dhex istaagay runtii aad ayaan ugu murugooday sida uu u
yaallo iyo waxa uu noqday.
Wasiirku isla goobtii ayuu uga dhawaaqay in uu dayac tiri doono. Tiyaatarku
wuxuu qeyb weyn ka qaataa wacyi gelinta bulshada iyo faafinta dhaqanka, afka
iyo suugaanta wuxuuna sahlaa in bulshadu ay isku xusuus iyo isku xiisa ahaato isuna dookh dhowaato.
Waxaa hadda soo badanaya goobaha ay dhallinyaradu u tagaan in ay ka
cunteeyaan ama ay u maaweelo iyo haasaawe tagaan, kuwaas oo ka sicir jaban kana
shidan Hoteellada waaweyn ee magaalada.
Waxaa sare u sii socda cayaaraha kubbadda cagta iyo tan koleyga ee magaalada laga cayaaro. Garoonka Banaadir (x Koonis) oo aan cayaar ku daawaday waxaan la yaabay tirada dadka u soo daawasho tegey iyo quruxda garoonka oo cagaar wanaagsan lagu goglay, si fiicanna loo xardhay diilimaha kala duwan oo cayaarta xakameynaya.
Xeebta Liido ayaa jimcaha dhallinyaro badani u dabaal tagtaa. Laakiin maalmaha kale laftooda dabaal, kubbad iyo ka shaaheynta makhaayadaha la teedsan xeebta ayaa Lido loo tagaa.
Qeyb saddexaad ee magaaladu waa xerada Xalane ilaa
Dugsiga Booliiska oo isu furan oo ay deggan yihiin safaarado, ciidammo Soomaali
iyo ajnebi leh, xafiisyada Qarammada Midobay, sharikado ajnebi ah, Soomaali u
shaqeysa hey’adaha kala duwan ee meesha deggan, hoteello, makhaayado, baarar iyo goobo lagu caweeyo.
Xeradaas wax badan ayay magaaladu hadal haysaa laakiin cid si dhab ah
u og waxa ka socda ma hubo in ay jirto. Sababta oo ah xerada lafteeda ayaan iska wada
warqabin.
Muqdisho cabsida maanta ugu weyn 2015 waa midda amniga.
Fadlan aragtidaada halkan nagula wadaag.
ReplyDeleteAsc Magacaygu waa Cabdirashiid Cali Maxamed Oo Jooga Galkacyo
DeleteRun ahaantii hadan fokirkyga ka dhiibto Falaqeynta U sameeyay Mudane:Yusuf
wadanku wuu dhismayaa Siwanagsana Dadku way usoo laabanayaan Ganacsiguna sifiicn ayuu uga socdaa wadanka Shirkadaha Duulimaadka somaliya iyo Caalamkuna si wanaagsan ayay Usoo Badanayaan
Dhismayaasha Bilicda Quruxda banina Way ku sii badanayaa Magaalada Is dhexgalka Bulshaduna Way sii badanaysaa Sidaas Darteed Dowlada waxaan leeyahay Booskii Dowlada ayuu sgmhacabku tabayaa Waa in ay dowladu Amniga Siway u sugtaa Magalada Muqdisho iyo Dhamaan Dalka oo dhan si hormarku In tan uga Siyaado
Waxaa Xusid Mudan in Shacabka Somaliyeed haay hal Fusad oo Amniya Helaan in ay si walba uga faa'iidaysanayaan
Si wanaagsan ayaad usoo koobtay Muqdisho iyo xaaladaheeda.
ReplyDeleteWar badan oo aanan ogeyn ayaan hadda ogaaday, war xuma tashiil ayey nagu wareeriyeen idaacaduhu, ee Yuusuf Garaadow kheyr Allaah ha ku siiyo, waligey kumaan arag laakiin saaxiiboow waxbaa ii warrama oo ii sheeega hadii dhoowr nin oo aad ku jirto dalka hoggaankiisa loo dhiibi lahaa in xaaladdu wanaagsanaan laheyd insha Allaah
ReplyDeleteWaa Warbixin aad u wanaagasan oo ka hadleeso isbadalada caasimadda Mogadisho....... Rugcadda Mr Yusuf Garaad
ReplyDeleteAsc. Yusuf Graad waad mahadsanhay qoralkan aad nala wadaagtay. Waxaan filayaa qofka jooga North America ee aan tagin waddankii in tii muddo ahayd , wuxuu ogaanayaa waxa Xamar kasocda.
DeleteWaxaan jeclaan lahaa inaan arko, qormo kusaabsan( Caddaaladda ) Somali sida ay tahay . Hadday noqon lahayd police ka , maxakamadaha iyo jeelasha , iyo in qof awood lehi iska Kay xidhankaro , in qofkii ladoonayo in laga aargoodto maca dawlo lagu dhibatayn karo ama loo isticmaali karo waa shabaab.
Mahadsanid
Farah Warsame
Chicago, IL US
Waa muqdisho iyo sida aad uga warbixisay
ReplyDeleteMahadsanid mundane yuusuf garaad
ReplyDeleteWar-bixin kooban oo, aadna u qiimo badan
ReplyDeleteMahadsanid Yusuf qormada qiimaha leh eed nala wadaagtay. Muuqaal guud ayaad siisay kan aan goob joogga ka ahayn. Aniga intii aan daawanayay sawirada waxaan u maleeyay in aadan kulli adiga xuquuqdooda wada lahayn mana arkin meel aad ku xustay cidda xuquuqda sawirada aad adeegsatay qaar iska leh iyo in aad qiratay inaadan garaneyn. Taas naga jaahil bixi, waayo waxaad tusaale u tahay dadka qoraayada ah ee looga dayan karo ethics ka qoraalka. Mahadsanid.
ReplyDeleteQormo xiisa leh, xamar noloshiisa waxaa macaansan kara oo si nabad iyo xoriyad leh isaga dhex gudbi kara qofkii shacab ah een dowlad iyo siyaasad aan shaqo ku lahayn; waxyaalaha cajiibka ah ee horumarka ah ee ka jira waxaa ka mid ah isbaaradi dadka lagu baaran jiray ee mobilada, lacagaha etc laysaga qaadan jiray iyo baabuur dhicisti oo baaba'day. Waxyaalaha dibu dhaca ah ee shacabka ka careysiiya xamarna ku cusub waxaa ka mid ah jidadka oo ay dowladu iska xirato iyo kaar shaqaale wazaaradeed hadii aadan wadan ay ciidamadu ku dhibayaan.
ReplyDeleteFaalo mudan meelo badan in lagu daabaco ayaa diyaarisay Ustaad Yusuf,waan ku faraxsanahay in aan maqlo muqdisho oo markale mudaanteedii yeelata,mar sii horaysay tix gaaban ku iri Muqdishooy dadkaadaa maqane laguma maageen,maqayadaha muu weerareen muuqi garanwaaye, masjidna laguma toogteen bulshada muqadmkeediiye, maatada ma laayeen madow meelfog laga keenay,maangaabyo kuma maamuleen muudal iyo tuugee,mooryaan xishoodaran qoryaha kuguma meersheene,mr Key ma meersheen siduu maamulkaa noqone,,,,,aad ayaad u mahadsantahay
ReplyDeleteaad ban ugu bogay qoraaladaada aanan laga dhergeyn Yusuf qalinkaaga ma qallalo, waa faallo aad u tafo tiran lagana fahmayo qibradda iyo aqoonta ka dambeysaa diyaarinteeda kheyr badan ban ku dhaafay walal.
ReplyDeleteAsc , Climi Ciise Hirabey . aad iyo aad ayuu u mahadsan yahay qoraagu . muqdisho iyo guud again Soomaalia cabsida ugu weyn waxaan isleeyaha waa hubaal LA' aanta dadku kaqabaan mustaqbalka siyaasadeed iyo xornimada wadanka , runtii dadka Soomaaliyeed gudo iyo dibedba waxaa kusoo kordhaaya welwel ay u qabaan midnimada iyo xornimada wadankooda .
ReplyDeleteqalinkaagu ma qallalo walal Yusuf, waxaa aad loga dareemayaa faalladaan qibradda iyo aqqonta ka dambeysaa aad bana ugu baahan nahay qoraallo sidaan oo kale u tafo tiran, kheyr badan ban ku dhaafay walal
ReplyDeleteaad iyo aad ayaad u mahadsantahay yusuf sxb sida wangasan oo aad ugu warbixsay magaladan ku dhashay, waa in an soo labanaa baraf ayaa na dilay ILAAHOOW noo sii siyaad amiin amiin
ReplyDeleteWariye yusuf garaad salan sare mudane waa maqaal runtii xog buuxda ifinaya inkastoo aan aniga laftigeygu mudo yar ka hor aan wadanka tagey inkastoo muqdisho aanan wax badan joogin oo saad uga sheekeysay xaafadaha aanan ugu dhiiran karin oo aanan dhaafin huteelkii aan deganaa hadana maqaalkaaga waxaad si gaara u xustay in dad reer puntland ah ku soo bateen xamar waa oraah wax badan lagala bixi karo sababta aad ugu xustay maqaalkaaga waxaa igala qurux badneyd adoo si kale u dhiga anoo og in aad awoodo in dhambaalka aad gudbineyso habab badan u ifin kartid laakiin waad siyaasadeysey saan qabo nuxurka qoraalku wuxuu ahaa xamar waa nabad dadkiina ka maarmiwaa anigu waxaan xamartagey 24 may 2015 waxaana ka soo baxay 28juun 2015 mana tagin gurigii iyo xaafadaan deganaa1967---1991 kii
ReplyDeleteYusuf waan magaabay xogtaada suuban. Bidhaan qurxoon ayaad ka bixisay xamar, geeridaa been. waxaan kaa codsanayaa in aad ka hadasho qoonsagaaradda qarsoon ee shacabka lagu hayo, sida dhibaatada uu shacabka ku hayo lacagta loo yaqaan Dollarka oo bedeshay shillingkii soomaaliga iyo Qaad oo lagu soo adeego lacag adag maalin walba. waxaan maqalnay in sharciyo laga soo saaray maalgalinta dhallinyarada dadka dilla (shaabaab) mashruuca dilka u sahla ee la yiraahdo EVC ee lacagta loogu gudbiyana lagama hadlin?
ReplyDeletemaxaa diiday in Bankigii dhexe shaqeeyo? maxaa diiday in lacag shilling soomali ah la soo sameeyo?
Qormo aad u nidaamsan, si wanaagsanna aad u tifaftirtay. Lakin Sedex Xamar ayaad qormada ku sheegtay, Lobo ka mid ah waad inoo sheegtay, tii sedaxaadna qormada kuma arag ee Xamarta Seddaxaad ma illowday Yuusuf?
ReplyDeleteMahadsanid
macha allah runtii si tartiib tartiib ah ayay u dhismaysaa muqdisho. ilahay ha u siyaadiyo
ReplyDeletemahad sanid yusud garaad
ReplyDeleteMahadsanid Yusuf waa Faallo meel gala.
ReplyDeletecajiib mahadsanid Yusuf Garaad
ReplyDeleteMagacaygu waa maxamed casayr geele waxaan kasoo jeeda puntland horumarka muqdisho aad baan ugu faraxsanahay waxaan rajaynayaa inaan dib u helno dowladnimo somalia ka hirgasha taasna waxaa laga rabaa dadka xamar degen inay somali soo dhaweeyaan qabyaaladana la diriraan. Mahadsanid yusuf garaad
ReplyDeleteYusuf Garaad eebow Gacan ayaan kuu taagay marka ladhaho Qoraal ayaa la sameenayaa. Ilaah Gacmaha iyo Caqliga kaama qaado.
ReplyDeleteWaa war farxad leh in duqays iyo madfac gabaabsi yahay ama dhamaaday. Ku Mahadsanid la wadaagga
ReplyDeleteWaxaan ka helay isticmaalka ereyga 'shidan' oon filayo in uu yahay erey ulajeeddadiisu hadda afka ku cusubtahay. Ku mahadsanid qoraalkan warbixinta ah
ReplyDeleteWaa qormo.wax tar leh waana kaaga mahadcelinayaa waqtiga aad galisay
ReplyDeleteWaa qormo.wax tar leh waana kaaga mahadcelinayaa waqtiga aad galisay
ReplyDeleteWaa war farxad leh in duqays iyo madfac gabaabsi yahay ama dhamaaday. Ku Mahadsanid la wadaagga
ReplyDeleteWaa qormo xiiso badan
ReplyDeleteMahad sanid yusuf Garad, magacaygu waa Abdinasir Ahmed Aden. Muqdisho waa magaaladii aan indhaha ku kala qaaday in kasta oo aanan ku dhalan hadana waa magaaladii aan uga baxay dugsiga sare(Dugsi sare Banaadir), runtii qoraalkaagu rajo ayuu I galiyay muqdisho na waxaa iigu dambeysay January 1991,aad ayaan kaaga mahad celinayaa qormooyinkaaga oo aan in badan u arko wacyigalin wadaniga Soomaaliyeed. Aad ayaan kuugu han weynahay
ReplyDeleteMahadsanid yuusuf garaad aad ayaan ula dhacay waxaan kaa sugnaaba waa in aad warbixin naga siisaa qaybta 3xaad daruurina ma ahan maxa yeelay labada qaybood ayaaba nagu filan
ReplyDeletePositive. Thanks u Mr yuu
ReplyDeletePositive. Thanks u Mr yuu
ReplyDeleteMahadsanid yuusuf garaad aad ayaan ula dhacay
ReplyDeleteMahadsanid yuusuf garaad aad ayaan ula dhacay
ReplyDeleteWaa warbixin qofka aan goob jooga ahayn uu ka helaayo xoga Badan. Mahadsanid.
ReplyDeleteAsc walaal waan ku salaamay waad soo koobtay meelo kale oo aad u qurxoon ayaa jira ee xamar ayaa u baaxad wayn ,hab cajiib ah ayaad u soo diyaarisay.allow qof waliba shaqadiisa yaa u daaya . Vivo yusuf
ReplyDeleteYusuf war wanaagsan runna ah ayaad qortaa.wadanku muqdisho kaliya ma Alan. Please let us know true colour of other cities too. Thanks.
ReplyDeleteYusuf war wanaagsan runna ah ayaad qortaa.wadanku muqdisho kaliya ma Alan. Please let us know true colour of other cities too. Thanks.
ReplyDeleteMahadsanid Yusuf Garaad waa sidaa aad u dhigtay faalada, Mogadishu ayaan ku nooley.
ReplyDelete