Total Pageviews

Sunday 27 December 2015

Muqdisho Disembar 2015

Muqdisho waxaan ka dhoofay Disembar 1990 ka dib markii aan Laanqeyrta Cas uga soo shaqeeyay Berbera, Hargeysa, Burco, Beer, Borame iyo gobolka Awdal degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan ilaa Weeraar. Waxaan Muqdisho dib ugu soo laabtay May 1994 iyada oo magaaladu ay u kala qeybsan tahay laba hoggaamiye kooxeed iyo malliishiyadooda oo qabiil iska ahayd.

Intii ka dambeysay celcelis ahaan ugu yaraan sannad kasta hal mar ayaan imaanayay magaalada. Inkasta oo sannadaha qaarkood saddex ama afar jeer aan imid. Waxaa jiray xilli ay xirnayd gegida dayaaradaha ee Muqdisho oo laga soo degi jiray shan garoon oo kala duwan oo mid kasta uu haysto Hoggaamiye kooxeed qabiil dabada kula jira. Bartamihii 2012 wixii ka dambeeyay inta badan waxaan ku noolahay Muqdisho.

Waxaan qormadaan ku eegayaa waxa ay isheydu qabato marka aan Muqdisho dhex maro hadda oo ah Disembar 2015. Akhristow qiimeynta halka aad dhigeyso adiga ayaan kuu deynayaa.

Waxyaabaha indhaheyga ku cusub waxaa ka mid ah Boorsada garabka suran ee lala lugeynayo oo ay u badan tahay in kombiyuutarka dhabta la saartaa uu ku jiro.

In meel kasta lagu weydiinayo aqoonsi. Inkasta oo aan taas la yaabay maaddaama aan qof kasta oo Muqdisho joogaa anuu aqoonsi lahaan karin.

In ay aad u yaraadeen amaba ay ku dhow yihiin in ay suulaan rasaasta habeen iyo maalin markii xoogaa la joogaba la maqli jiray. Taas xaafadaha dhan ma wadaagaan.

In muuqaalka baabuurta magaalada dhex yaaceysaa uu tartiib isu beddelayo. Waxaa sii yaraanaya kuwa muuqoodu ku xasuusinayay wixii magaalada ka dhacay waxaana ku soo badanaya baabuurta qurqurxoon ee raaxada, 

Waxaa soo badanaya dhismayaasha qurqurxoon ee magaalada. Waxay isugu jiraan qaar xafiisyo ah oo ah dabaqyo dhaadheer sida daaraha ay Hormuud iyo Dahabshiil ka dhisteen aagga nambar Afar iyo daaraha la teedsan Bakaaraha. Waxaa iyaguna jira guryo iyo goobo ganacsi, qaar waxaa dhistay sharikado waaweyn, qaarna dad hantileey ah, qaar kalena waxaa dhistay dad dowladda hadda ama hore ugu shaqeeyay oo ay dad badani tuhunsan yihiin in ay ku dhisteen hanti ummaddu ay leedahay oo ay lunsadeen iyo laaluush ay qaateen.

Saddax Xamar

Magaaladu waxay u qeybsan tahay saddex. Laba qeybood oo waaweyn waxaa u dhexeysa soohdin ilo-ma-qabatay ah.

Waa dhinaca Dowladdu ay deggan tahay, ku shaqeysato, howlaheeda sida ay doonto uga fuliso habeen iyo maalin, ayna deggan yihiin dadka dowladda u shaqeeya, kuwa raba in ay u shaqeeyaan iyo kuwa martida u ah iyo shacab badan oo guryahoodu ay dhinacaas ku yaallaan. Dhinacaan waxaa lagu qabtaa qaar badan oo ka mid ah xafladaha ay Madaxdu ka qeyb gasho.

Dhinaca labaad waa xaafadaha shacabka oo ah meesha dadka magaalada ugu badani uu deggan yahay. Marka aad dhex mareyso xaafadaha shacabka, waxaad mooddaa in aad joogto Xamar oo siddeetamaadkii ah. Waxyaabo yaryar ayaa ku soo xasuusinaya in xaaladdu ay is beddeshay. Waxaa ka mid ah burburka iyo nadaafad darrada waddooyinka qaarkood, magacyada goobaha ganacsiga iyo lebbiska gabdhaha. Intaas marka laga reebo ma arkeysid wax ay uga duwan tahay Xamar-tii aan ku soo koray.

Keliya waxaa aniga ii dheer in waddooyinka qaar sida Xamar Jadiid, ama agagaarka Boostada iyo Hotel Jubba ama agagaarka Shabeelle oo marka aan soo istaago in badan dadka maraya aan is naqaannay ama ugu yaraan aan bargaranayay meesha uu deggan yahay qofku, waxa uu ka shaqeeyo ama qofka ay isla dhasheen ama saaxiibka yihiin, gaariga ama mootada uu wato iyo hadduusan wadan iwm in aanan hadda qofna ka aqoon dadka waddada maraya.

Dowladdu labada dhinac ee magaalada wey tegi kartaa weyna tagtaa. Laakiin dhinac waa dhulkeeda ay ku shaqeysato dhinacna waxaa taga ciidan keliya ama qof madax ah oo si aad ah loo ilaalinayo oo meel tiigsanaya. Habeen aan sidaa u sii fogeyn aniga oo la fadhiya mas'uul sare ayaa waxaa loo dhiibay wargeys ay ku sawiran yihiin dhismayaal waaweyn oo magaalada ku cusub laakiin sannad ka badan uu dhismahoodu socday. Wuxuu ula yaabay sida qof aan magaalada joogin. Waxay ahayd markii ugu horreysay oo uu arko.

Haddii aadan ahayn qof bartilmaameed ah, waxaa ammaankeedu wanaagsan yahay ayaa la dhihi karaa xaafadaha Shacabka. Ilaalo la’aan ayay baabuurtu socotaa, waa la lugeyn karaa habeen iyo maalin, guryahana ilaalo hubeysan ma joogto, hey’ado ma deggana, Xafiisyo dowladeed kuma yaallaan, lamana kala shakisana. Makhaayadaha ayaa fiidkii lagu caweeyaa oo bannaanka la fadhiyaa. Masaajiddu waa kii aad soo gaarto.

Inkasta oo Dhinaca Dowladda ay dadka badankiis socdaan ilaalo la’aan, haddana mar kasta waxay ishaadu qabaneysaa baabuur dul bannaan ah oo niman hubeysan oo inta badan uu midkood boobe culus ku raran yahay ay dhinacyada lugahoodu ka raaracaan. Waxaa laga yaabaa in ay keligood yihiin ama ay hor iyo daba socdaan baabuur cayilan oo la yiri xabbaddu ma karto oo qof madax ah lagu gelbinayo ama lagu doonayo. Laakiin waxaa sii gabaabsi ah oo ay adag tahay in aad aragto ilaalo hubeysan oo baabuur saaran oo aan ciidanka Dowladda ahayn.

Waxaa aad u yaraaday dadkii lagu dili jiray in ay tageen xafiis dowladeed ama ay xaafadaha shacabka ka yimaadeen oo ay ka tallaabeen soohdinta aan ishu qabaneyn. Dadka dhinaca shacabka deggani waa u xor magaalada dhinaca ay doonaan in ay maraan.

Toddobaad kasta qof ama ka badan ayaa la dilaa. Hore ayaan wax uga qoray in aan qirashada Shabaab keliya lagu qanci karin. Dilalkaas waxaa dhowaan faahfaahin ka bixiyay Taliyaha Nabad Sugidda.

Waxaad arkeysaa Hotel, Xafiis, dhisme kale oo biro ama dhagxaan waaweyn jidgooyo ahaan loo hor dhigay oo ay ka dambeeyaan jawaanno ciid ah oo gadaashooda niman hubeysani ay ku jiraan, qaar taagtaagan yihiin, qaarna gabbaad kor loo dhisay ay kaa soo dhex eegayaan. Meelaha qaar waxaad mooddaa dhufeys goob dagaal sida albaabka weyn ee laga galo gegida dayaaradaha.

Meelaha ay weerarrada iyo qaraxyada al Shabaab ku wajahan yihiin oo ay ka dhacaan waa dhinaca Dowladda iyo inta la shaqeysata ama ay xaafaddoodu noqotay ay ka deggan yihiin magaalada.

Waxaa magaalada ku soo batay dad ka yimid dibadda, qaar ka yimid Gobollo kala duwan oo dalka ah. Waxaan si gaar ah beryahaan dambe isu aragnay saaxiibbo reer Puntland ah oo reer Xamarkii hore u badan oo aan is leeyahay wey ka soo bateen intii hore. Guud ahaan qurbo joogta iyo Soomaalida Gobollada kale ka yimid waxay isugu jiraan dad siyaasadda kulaala, qaar xildoon ah, qaar ganacsato ah oo Dowladda qandaraasyo ka raadinaya amaba magaalada ka sameystay ganacsi, qaarkood waa keliya in ay arkaan sida xaalka magaaladu yahay, dhallinyaro fursado shaqo ama waxbarasho raadinaya iyo qaar kaleba. Yaanan illaawin dad u yimaada keliya in ay guryahooda dayac tiraan una helaan kiro. Dabcan duullimaadyada Soomaaliya isku xira iyo kuwa Soomaaliya ku xira caalamka intiisa kale ayaa iyaguna soo kordhaya. 

Magaaladu weli tiyaatar iyo shaneemo noocii la yaqaannay ah ma laha. Wasiirka Warfaafinta ayaa dhowaan igu casumay mar uu Tiyaatarka soo kormeerayay. Aniga oo arday Iskuul ah ayaan Tiyaatarka uga qeyb galay tartankii Kedis - kuna guuleystay, aniga oo dhallinyaro ah ayaan u tegi jiray daawashada riwaayadaha kuna daawaday fannaaiinta fanka Soomaaliyeed ugu magac weyn, aniga oo weriye ah ayaan xiriiriye ka ahaa munaasabad aan hanti ugu uruurineynay Ururka Indhoolayaasha markii la asaasay, annaga oo arday Jaamacadda ah ayaa riwaayad ka dhignay aanan anigu jilayaasha ku jirin laakiin aan ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha, anigu qoraa Xiddigta Oktoobar ah ayaan u tegi jiray in aan ka faalloodo riwaayadaha sida faallo dheer oo aan ka qoray Rowaayaddii Xiddigtii is Xujeysay, waxaan aqaannay Tiyaatarka xagga la fariisto, godka miyuusigga, daaha gadaashiisa iyo qolka tebinta ee idaacadda tooska ugu xiri jiray. Waxaan ogaa quruxdiisa iyo agabkii yaallay. Markii aan dhex istaagay runtii aad ayaan ugu murugooday sida uu u yaallo iyo waxa uu noqday. 

Wasiirku isla goobtii ayuu uga dhawaaqay in uu dayac tiri doono. Tiyaatarku wuxuu qeyb weyn ka qaataa wacyi gelinta bulshada iyo faafinta dhaqanka, afka iyo suugaanta wuxuuna sahlaa in bulshadu ay isku xusuus iyo isku xiisa ahaato isuna dookh dhowaato.

Waxaa hadda soo badanaya goobaha ay dhallinyaradu u tagaan in ay ka cunteeyaan ama ay u maaweelo iyo haasaawe tagaan, kuwaas oo ka sicir jaban kana shidan Hoteellada waaweyn ee magaalada.

Waxaa sare u sii socda cayaaraha kubbadda cagta iyo tan koleyga ee magaalada laga cayaaro. Garoonka Banaadir (x Koonis) oo aan cayaar ku daawaday waxaan la yaabay tirada dadka u soo daawasho tegey iyo quruxda garoonka oo cagaar wanaagsan lagu goglay, si fiicanna loo xardhay diilimaha kala duwan oo cayaarta xakameynaya.

Xeebta Liido ayaa jimcaha dhallinyaro badani u dabaal tagtaa. Laakiin maalmaha kale laftooda dabaal, kubbad iyo ka shaaheynta makhaayadaha la teedsan xeebta ayaa Lido loo tagaa.

Qeyb saddexaad ee magaaladu waa xerada Xalane ilaa Dugsiga Booliiska oo isu furan oo ay deggan yihiin safaarado, ciidammo Soomaali iyo ajnebi leh, xafiisyada Qarammada Midobay, sharikado ajnebi ah, Soomaali u shaqeysa hey’adaha kala duwan ee meesha deggan, hoteello, makhaayado, baarar iyo goobo lagu caweeyo.

Xeradaas wax badan ayay magaaladu hadal haysaa laakiin cid si dhab ah u og waxa ka socda ma hubo in ay jirto. Sababta oo ah xerada lafteeda ayaan iska wada warqabin. 

Muqdisho cabsida maanta ugu weyn 2015 waa midda amniga.

43 comments:

  1. Fadlan aragtidaada halkan nagula wadaag.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Asc Magacaygu waa Cabdirashiid Cali Maxamed Oo Jooga Galkacyo
      Run ahaantii hadan fokirkyga ka dhiibto Falaqeynta U sameeyay Mudane:Yusuf
      wadanku wuu dhismayaa Siwanagsana Dadku way usoo laabanayaan Ganacsiguna sifiicn ayuu uga socdaa wadanka Shirkadaha Duulimaadka somaliya iyo Caalamkuna si wanaagsan ayay Usoo Badanayaan
      Dhismayaasha Bilicda Quruxda banina Way ku sii badanayaa Magaalada Is dhexgalka Bulshaduna Way sii badanaysaa Sidaas Darteed Dowlada waxaan leeyahay Booskii Dowlada ayuu sgmhacabku tabayaa Waa in ay dowladu Amniga Siway u sugtaa Magalada Muqdisho iyo Dhamaan Dalka oo dhan si hormarku In tan uga Siyaado

      Waxaa Xusid Mudan in Shacabka Somaliyeed haay hal Fusad oo Amniya Helaan in ay si walba uga faa'iidaysanayaan

      Delete
  2. Si wanaagsan ayaad usoo koobtay Muqdisho iyo xaaladaheeda.

    ReplyDelete
  3. War badan oo aanan ogeyn ayaan hadda ogaaday, war xuma tashiil ayey nagu wareeriyeen idaacaduhu, ee Yuusuf Garaadow kheyr Allaah ha ku siiyo, waligey kumaan arag laakiin saaxiiboow waxbaa ii warrama oo ii sheeega hadii dhoowr nin oo aad ku jirto dalka hoggaankiisa loo dhiibi lahaa in xaaladdu wanaagsanaan laheyd insha Allaah

    ReplyDelete
  4. Waa Warbixin aad u wanaagasan oo ka hadleeso isbadalada caasimadda Mogadisho....... Rugcadda Mr Yusuf Garaad

    ReplyDelete
    Replies
    1. Asc. Yusuf Graad waad mahadsanhay qoralkan aad nala wadaagtay. Waxaan filayaa qofka jooga North America ee aan tagin waddankii in tii muddo ahayd , wuxuu ogaanayaa waxa Xamar kasocda.
      Waxaan jeclaan lahaa inaan arko, qormo kusaabsan( Caddaaladda ) Somali sida ay tahay . Hadday noqon lahayd police ka , maxakamadaha iyo jeelasha , iyo in qof awood lehi iska Kay xidhankaro , in qofkii ladoonayo in laga aargoodto maca dawlo lagu dhibatayn karo ama loo isticmaali karo waa shabaab.
      Mahadsanid
      Farah Warsame
      Chicago, IL US

      Delete
  5. Waa muqdisho iyo sida aad uga warbixisay

    ReplyDelete
  6. Mahadsanid mundane yuusuf garaad

    ReplyDelete
  7. War-bixin kooban oo, aadna u qiimo badan

    ReplyDelete
  8. Mahadsanid Yusuf qormada qiimaha leh eed nala wadaagtay. Muuqaal guud ayaad siisay kan aan goob joogga ka ahayn. Aniga intii aan daawanayay sawirada waxaan u maleeyay in aadan kulli adiga xuquuqdooda wada lahayn mana arkin meel aad ku xustay cidda xuquuqda sawirada aad adeegsatay qaar iska leh iyo in aad qiratay inaadan garaneyn. Taas naga jaahil bixi, waayo waxaad tusaale u tahay dadka qoraayada ah ee looga dayan karo ethics ka qoraalka. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  9. Qormo xiisa leh, xamar noloshiisa waxaa macaansan kara oo si nabad iyo xoriyad leh isaga dhex gudbi kara qofkii shacab ah een dowlad iyo siyaasad aan shaqo ku lahayn; waxyaalaha cajiibka ah ee horumarka ah ee ka jira waxaa ka mid ah isbaaradi dadka lagu baaran jiray ee mobilada, lacagaha etc laysaga qaadan jiray iyo baabuur dhicisti oo baaba'day. Waxyaalaha dibu dhaca ah ee shacabka ka careysiiya xamarna ku cusub waxaa ka mid ah jidadka oo ay dowladu iska xirato iyo kaar shaqaale wazaaradeed hadii aadan wadan ay ciidamadu ku dhibayaan.

    ReplyDelete
  10. Faalo mudan meelo badan in lagu daabaco ayaa diyaarisay Ustaad Yusuf,waan ku faraxsanahay in aan maqlo muqdisho oo markale mudaanteedii yeelata,mar sii horaysay tix gaaban ku iri Muqdishooy dadkaadaa maqane laguma maageen,maqayadaha muu weerareen muuqi garanwaaye, masjidna laguma toogteen bulshada muqadmkeediiye, maatada ma laayeen madow meelfog laga keenay,maangaabyo kuma maamuleen muudal iyo tuugee,mooryaan xishoodaran qoryaha kuguma meersheene,mr Key ma meersheen siduu maamulkaa noqone,,,,,aad ayaad u mahadsantahay

    ReplyDelete
  11. aad ban ugu bogay qoraaladaada aanan laga dhergeyn Yusuf qalinkaaga ma qallalo, waa faallo aad u tafo tiran lagana fahmayo qibradda iyo aqoonta ka dambeysaa diyaarinteeda kheyr badan ban ku dhaafay walal.

    ReplyDelete
  12. Asc , Climi Ciise Hirabey . aad iyo aad ayuu u mahadsan yahay qoraagu . muqdisho iyo guud again Soomaalia cabsida ugu weyn waxaan isleeyaha waa hubaal LA' aanta dadku kaqabaan mustaqbalka siyaasadeed iyo xornimada wadanka , runtii dadka Soomaaliyeed gudo iyo dibedba waxaa kusoo kordhaaya welwel ay u qabaan midnimada iyo xornimada wadankooda .

    ReplyDelete
  13. qalinkaagu ma qallalo walal Yusuf, waxaa aad loga dareemayaa faalladaan qibradda iyo aqqonta ka dambeysaa aad bana ugu baahan nahay qoraallo sidaan oo kale u tafo tiran, kheyr badan ban ku dhaafay walal

    ReplyDelete
  14. aad iyo aad ayaad u mahadsantahay yusuf sxb sida wangasan oo aad ugu warbixsay magaladan ku dhashay, waa in an soo labanaa baraf ayaa na dilay ILAAHOOW noo sii siyaad amiin amiin

    ReplyDelete
  15. Wariye yusuf garaad salan sare mudane waa maqaal runtii xog buuxda ifinaya inkastoo aan aniga laftigeygu mudo yar ka hor aan wadanka tagey inkastoo muqdisho aanan wax badan joogin oo saad uga sheekeysay xaafadaha aanan ugu dhiiran karin oo aanan dhaafin huteelkii aan deganaa hadana maqaalkaaga waxaad si gaara u xustay in dad reer puntland ah ku soo bateen xamar waa oraah wax badan lagala bixi karo sababta aad ugu xustay maqaalkaaga waxaa igala qurux badneyd adoo si kale u dhiga anoo og in aad awoodo in dhambaalka aad gudbineyso habab badan u ifin kartid laakiin waad siyaasadeysey saan qabo nuxurka qoraalku wuxuu ahaa xamar waa nabad dadkiina ka maarmiwaa anigu waxaan xamartagey 24 may 2015 waxaana ka soo baxay 28juun 2015 mana tagin gurigii iyo xaafadaan deganaa1967---1991 kii

    ReplyDelete
  16. Yusuf waan magaabay xogtaada suuban. Bidhaan qurxoon ayaad ka bixisay xamar, geeridaa been. waxaan kaa codsanayaa in aad ka hadasho qoonsagaaradda qarsoon ee shacabka lagu hayo, sida dhibaatada uu shacabka ku hayo lacagta loo yaqaan Dollarka oo bedeshay shillingkii soomaaliga iyo Qaad oo lagu soo adeego lacag adag maalin walba. waxaan maqalnay in sharciyo laga soo saaray maalgalinta dhallinyarada dadka dilla (shaabaab) mashruuca dilka u sahla ee la yiraahdo EVC ee lacagta loogu gudbiyana lagama hadlin?
    maxaa diiday in Bankigii dhexe shaqeeyo? maxaa diiday in lacag shilling soomali ah la soo sameeyo?

    ReplyDelete
  17. Qormo aad u nidaamsan, si wanaagsanna aad u tifaftirtay. Lakin Sedex Xamar ayaad qormada ku sheegtay, Lobo ka mid ah waad inoo sheegtay, tii sedaxaadna qormada kuma arag ee Xamarta Seddaxaad ma illowday Yuusuf?

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  18. macha allah runtii si tartiib tartiib ah ayay u dhismaysaa muqdisho. ilahay ha u siyaadiyo



    ReplyDelete
  19. Mahadsanid Yusuf waa Faallo meel gala.

    ReplyDelete
  20. Magacaygu waa maxamed casayr geele waxaan kasoo jeeda puntland horumarka muqdisho aad baan ugu faraxsanahay waxaan rajaynayaa inaan dib u helno dowladnimo somalia ka hirgasha taasna waxaa laga rabaa dadka xamar degen inay somali soo dhaweeyaan qabyaaladana la diriraan. Mahadsanid yusuf garaad

    ReplyDelete
  21. Yusuf Garaad eebow Gacan ayaan kuu taagay marka ladhaho Qoraal ayaa la sameenayaa. Ilaah Gacmaha iyo Caqliga kaama qaado.

    ReplyDelete
  22. Waa war farxad leh in duqays iyo madfac gabaabsi yahay ama dhamaaday. Ku Mahadsanid la wadaagga

    ReplyDelete
  23. Waxaan ka helay isticmaalka ereyga 'shidan' oon filayo in uu yahay erey ulajeeddadiisu hadda afka ku cusubtahay. Ku mahadsanid qoraalkan warbixinta ah

    ReplyDelete
  24. Waa qormo.wax tar leh waana kaaga mahadcelinayaa waqtiga aad galisay

    ReplyDelete
  25. Waa qormo.wax tar leh waana kaaga mahadcelinayaa waqtiga aad galisay

    ReplyDelete
  26. Waa war farxad leh in duqays iyo madfac gabaabsi yahay ama dhamaaday. Ku Mahadsanid la wadaagga

    ReplyDelete
  27. Mahad sanid yusuf Garad, magacaygu waa Abdinasir Ahmed Aden. Muqdisho waa magaaladii aan indhaha ku kala qaaday in kasta oo aanan ku dhalan hadana waa magaaladii aan uga baxay dugsiga sare(Dugsi sare Banaadir), runtii qoraalkaagu rajo ayuu I galiyay muqdisho na waxaa iigu dambeysay January 1991,aad ayaan kaaga mahad celinayaa qormooyinkaaga oo aan in badan u arko wacyigalin wadaniga Soomaaliyeed. Aad ayaan kuugu han weynahay

    ReplyDelete
  28. Mahadsanid yuusuf garaad aad ayaan ula dhacay waxaan kaa sugnaaba waa in aad warbixin naga siisaa qaybta 3xaad daruurina ma ahan maxa yeelay labada qaybood ayaaba nagu filan

    ReplyDelete
  29. Mahadsanid yuusuf garaad aad ayaan ula dhacay

    ReplyDelete
  30. Mahadsanid yuusuf garaad aad ayaan ula dhacay

    ReplyDelete
  31. Waa warbixin qofka aan goob jooga ahayn uu ka helaayo xoga Badan. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  32. Asc walaal waan ku salaamay waad soo koobtay meelo kale oo aad u qurxoon ayaa jira ee xamar ayaa u baaxad wayn ,hab cajiib ah ayaad u soo diyaarisay.allow qof waliba shaqadiisa yaa u daaya . Vivo yusuf

    ReplyDelete
  33. Yusuf war wanaagsan runna ah ayaad qortaa.wadanku muqdisho kaliya ma Alan. Please let us know true colour of other cities too. Thanks.

    ReplyDelete
  34. Yusuf war wanaagsan runna ah ayaad qortaa.wadanku muqdisho kaliya ma Alan. Please let us know true colour of other cities too. Thanks.

    ReplyDelete
  35. waa faalo qiimo badan. Qeybaha magaalada & macluumaadka la xiriiraba lkn yusuf qeybta sedexaad waa tan loogu baahi badan yahay in xog ku saabsan la helo. labada qeybood ee hore waad noo faahfaahisay tan sedexaadse si fiican uma aadan kala dhigin, fadlan xogta xalane ilaa Dugsiga booliska faalo gaar ah nooga diyaari. Mahadsanid

    ReplyDelete
  36. Mahadsanid Yusuf Garaad waa sidaa aad u dhigtay faalada, Mogadishu ayaan ku nooley.

    ReplyDelete