Total Pageviews

Sunday 31 December 2017

Hambalyo 2018 Howlwadeennada Arrimaha Dibaddow


Madaxweynaha Soomaaliya iyo Boqorka Sucuudiga
Waxaan hambalyo u dirayaa Agaasimayaasha, Danjirayaasha, diblomaasiyiinta iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo qoysaskooda munaasabadda sannadka cusub ee 2018 awgeed.

Waxaan leeyahay shaqo Qaran oo adag ayaad soo qabateen iyada oo lagu jiro marxalad adag.

Waxaan idiinkugu hambalyeynayaa howlaha wadajirka noogu qabsoomay haddaan nahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah annaga oo kaashaneyna waaxyaha kale ee Dowladda wakhtiyada qaarna qorshayaalkooda iyo waxqabadkooda fasireyna oo suuqgeyneyna si aan ugu saacidno in ay gaaraan yoolka ay higsanayaan.

Waxaan halkan idinku xusuusinayaa qaar ka mid ah howlaha noo qabsoomay tan iyo markii aan idinku soo biiray bishii April 2017 intooda aan bulshadana la wadaagi karno.

Xiriirka Wadar-geesoodka

Golaha Guud ee Qarammada Midoobay
Shirka Muqdisho
Waxaan fagaarayaasha caalamiga ah  ee Qarammada Midoobay, Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta, urur Goboleedka IGAD, Shirkii Afrika iyo Yurub, Afrika iyo Shiinaha, Afrika iyo Japan, Afrika iyo USA, Dalalka ku xeeran Badweynta India iyo qaar kale oo badan aan si sharaf leh ugu matalnay dalkeenna. 

Ururradaas oo aan badankood ka mid nahay asaasayaashooda, waxaan Dowladaha hadda xubnaha ka ah u fasirnay siyaasadda Dowladda, horumarka uu dalku gaaray iyo midka aan higsanayo.  

Waxaa kale oo aan fagaraayaashaas gacan uga geysannay baadi-goobka xallinta mushkilado ka jira Gobollo kale oo adduunka ah sida khilaafka Sudan-ta Koofureed oo Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD ay hadda ku howlan yihiin xal u raadintooda iyo mowqifka caalamka badankiis uu ka qaatay magaalada Quddus al Shariif oo aan innaguna ka muujinnay  Qaahira, Istanbul iyo ugu dambeyn New York. 

Waxaan ku guuleysannay in aan si xallad leh Muqdisho ugu marti-gelinno shir caalami ah oo laba maalmood socday oo Diblomaasiyiin sare, Generaallo iyo mas’uuliyiin kale oo afartameeyo dal ka socday ay ka soo qeyb galeen oo daba joogay shirkii London.


Labada maalmoodba waxaa shirka furay Madaxweynaha, waxaana inta badan doodaha shir guddoominayay Ra'iisul Wasaaraha iyada oo ay ka qeyb galayaashana ay ka mid yihiin Madaxda heer Dowlad Goboleed iyo xubno ka tirsan Golayaasha dalka ee heer Federaal.

Diblomaasiyadda Soomaaliya waxay fagaareyaal caalami ah iyo shir doceedyo badan ay ku soo bandhigatay siyaasadda maaliyadeed ee Dowladda oo ku dhisan la dagaallanka musuqmaasuqa, kordhinta dakhliga, siyaasadda daalacan ee aan dahsooneyn ee maaliyadeed oo ay diyaar u tahay in lagala xisaabtammo dakhliga soo gala iyo sida ay ku bixiso iyo in ay ka dhowrsato qaadashada deynta. 

Ka sokow in ay tahay Dowlad wanaagga dalkeenna u roon, haddana waxay arrimahaasi ku saleysan yihiin siyaasadda Hey’adda Lacagta Adduunku ay jaangoysay oo haddii lagu dhaqmo ay u dhego-nuglaan karto in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay. 

Taasi haddii ay qabsoonto waxay noo suurta gelineysaa in aan la macaamilno Bankiga adduunka, isla markaana ay Dowladdu daabacdo lacag ay aqoonsan yihiin hey'adaha maaliyadda ee caalamku.  Howshaas oo hadda ka soo gudubtay tijaabooyin waaweyn waxay heshay taageerada hey’adaha maaliyadeed ee adduunka iyo Dowlado badan oo ay ku jiraan kuwo deyn nagu leh.
Amiirka Qatar, Golaha USA & Dunida Muslimka, New York


Galaangal Diblomaasiyadeed oo qoto dheer ka dib, waxaa noo suurta gashay in Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo ay xubno ka yihiin 193 dal uu u codeeyo Garsoore Cabdiqawi Yusuf oo dib loogu doorto Maxkamdda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee fadhigeedu yahay Hague.

IGAD oo aan asaasayaasheeda ka mid nahay, waxaan sannadkan u tartameynaa in aan qabanno Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD oo uu u tartamayo mus'uul Soomaali ah.

Xiriirka laba-geesoodka

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Erdogan
Waxaa sannadkan noo suurta gashay in aan ka dhowrsanno in aan qeyb ka noqonno khilaaf diblomaasiyasadeed oo ka dhex dhashay dalal aan xiriir dhow oo walaaltinnimo la wadaagno.  

Waxaa noo suurta gashay in dhammaantood aan iskaashi la lahaanno welibana uu badankood uu kor u kacay iskaashiga aan la leennahay.

Waxaa noo suurta gashay in sannadkaan aan kaalmo dhaqaale oo micna leh ka helno Boqortooyada Sucuudiga oo noogu deeqday 50 milyan oo doollarka Mareykanka ah.  

Waxaa noo suurta gashay in wadaxaajood ka dib uu dalka Turkigu kordhiyo lacagta uu ku kabo miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.

Waxaan guddi isku dhaf ah oo dhaqaale iyo ganacsi dhowaan la sameysannaynaa dalka Turkiga.  Waxaan mashaariic horumarineed oo boqollaal milyan oo doollar ku kacaya aan kula heshiinnay dalaka Mareykanka iyo Qadar.

Waxaan dalalka Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Sudan mid kasta aan goonidiisa ugula heshiinnay in aan dhisno guddi isku dhaf ah oo heer Wasiir ah oo ka shaqeeya iskaashiga dhaqaalaha, horumarinta iyo sahlidda isu socodka.

Madaxweynaha iyo Amiirka leh dhaxalka UAE
Waxaa noo suurta gashay in la kordhiyo tirada deeqaha waxabarasho ee heerarka Jaamacadaha iyo weliba tababbarrada shaqaalaha Dowladda ee waddamo dhowr ahi ay inoo fidiyaan.

Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Norway, Villa Somalia
Waxaa inoo suurta gashay in dalka India oo sannadkii 2017 ay qiyaastii shan kun oo Soomaali ahi ay visa ka doonteen Nairobi uu hadda billaabo in visa-ha uu ku bixiyo caasimadda Soomaaliya.

Dalal kale ayaan iyagana hadda wadahadal la leennahay oo aan ka dalabnay in ay visa ku bixiyaan Muqdisho.

Waxaa dalka Booqasho ku yimid wufuud sare oo wadaxaajood la yeeshay Dowladda.  Qaar kale oo ka sii culusna waan filaneynaa in ay dhowaan dalka yimaadaan.

Maxaabbiis

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee India, New Delhi
Waxaa noo suurta gashay in maxaaabbiis Soomaaliyeed aan ka soo deyno jeelasha Ethiopia.  

Waxaan  ku guuleysannay in aan India la galno heshiis dib loogu soo celinayo dalka 117 Maxbuus, kuwaas oo iyaga oo wakhtigooda xabsigu uu dhammaaday dalka ku soo noqon doona horraanta sannadkan cusub.  

Waxaan Seychelles ka soo celinnay 15 maxbuus oo dalkaa ku xirnaa.  Waxaa keliya oo hadda ku haray 6 Maxkamad sugayaal ah oo aan u qabaneyno Qareenno, isla markaasna uu Maxkamaddu marka ay dhacayso goobjoog ka ahaan doono mas’uul matalaya Soomaaliya.

Waxaa howl hordhac ah aan ka billownay Soomaalida ku xanniban Liibiya., ka dib markii uu Madaxweynuhu u xil saaray Wakiil heer Danjire ah. Waxay waanwaani noo socotaa dalal kale oo dhowr ah oo ay Maxaabbiis Soomaaliyeed ku xiran yihiin.


Gurmad

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, Muqdisho
Waxaa inoo suurta gashay in qeyladhaanta xaaladda abaarta dalka ku habsatay ay ka soo jawaabaan Dalal aan saaxiib nahay, Hey’adaha Qarammada Midoobay iyo Ururro samafal ah taas oo suurta gelisay in laga baaqsado dhibaato macluuleed oo inta na soo gaartay ka daran.

Deeqaha na soo gaaray, waxaa loo gudbiyay dhammaan degaannada ku tilmaannaa in ay waxyeellada abaartu ugu badan tahay.
Cilaaqaadkeenna wanaagsan iyo codsiyoaan deg deg ah oo aan dirnay awgood, waxaa suurta gashay in dhammaan Soomaalidii ku dhaawacantay weerarkii arga-gixiso ee 14 Oktoobar 2017 kuwooda dalka wax looga qaban kari waayay ay helaan daryeel caafimaad oo toddobaad gudahiis loo qaaday isbitaallo ku yaalla dalka dibaddiisa. Dhaawaca intiisa badan waxaa lagu qaaday dayaarado bukaan qaad ah.  Qaar dadkaas  ka mid ah oo bogsooday ayaa hadda dalka dib ugu soo laabtay.



Fursad


Waxaa hadda dib loo dhisayaa machadka Diblomaasiyadda oo dhismahiisu uu dhakhsa u billaaban doono, kaas oo marka la dhammaystiro aan ku kalsoon ahay in uu soo saari doono kaadir cusub oo ah diblomaasiyiin aqoon sare leh oo si ilbaxnimo leh qalinkooda iyo afkooda ugu daafaca dalkeenna kuna horumariya danaheenna.

Hadda waxaan haysannaa tababbarro diblomaasiyadeed oo ay noo fidiyeen dalal dhowr ah, kuwaas oo aan hubo in ay wax weyn tari doonaan dhallinyarada diblomaasiyiinta ah iyo kuwa dhowaan nagu soo biiray.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Danjirayaasha aan ka dalabnay in ay dalka dib ugu soo laabtaan ka dib markii ay si wanaagsan u dhammaysteen xilligii Danjirennimo ee caasimadaha ay wakiilka nooga yihiin.  Danjirayaashaas oo billaabay in ay dalka dib ugu soo laabtaan waxaan ugu hambalyeynayaa in ay si wanaagsan u ebyeen howshooda.  Waxaan rajeynayaa in ay dhowaan Wasaaradda iyo laamaha kale ee Dowladdu ay ka faa’iideystaan doonaan khibradda, aqoonta iyo xogta ay urursadeen sannadaha badan oo ay shaqo wanaagsan ka hayeen caasimadaha dalalka ay wakiilka nooga yihiin.

Waxaan dhowaan Golaha Wasiirrada hordhigi doonnaa Danjirayaasha xilalkaa loo magacaabayo oo inta ay fursaddu saamaxeyso ka imaan doona Wasaaradda Arrimaha Dibadda sida uu sharcigu qabo.

Waxaan u mahadcelinayaa howlwadeennadii Wasaaradda Arrimaha Dibadda dib u soo billaabay burburka ka dib iyaga oo ku shaqeynaya goob aan ahayn Xarunta Wasaaradda soona gaarsiiyay heerka ay maanta mareyso.

Waxaan leeyahay waxaan hadda haysannaa fursad aqoon iyo khibradeed, mid rabitaan iyo u-heellanaan iyo mid dhaqaale oo dhaanta intii hore.

Howlwadeennada Arrimaha Dibadda
Waxaan haysannaa fursad aan hore ugu marinno siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ah mid ku saleysan una adeegeysa nabadgelyada iyo horumarka dhaqaale iyo kan bulsho ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed.  Waa siyaasad dooneysa in ay daryeesho muwaaddinka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka dibaddiisa, sugtana xuquuqdiisa hadba inta ay taagtu tahay.  Si ay taas u gaartana ka shaqeyneysa nabad ku wada noolaashada, isqaddarinta iyo isfara-gashi la'aanta shucuubta caalamka.

Waxaan haysannaa fursad aan ku sii qurxinno habdhaqankeenna diblomaasiyadeed korna ugu qaadno guulaha aan dalka u soo hoyno.  Waxaan haysannaa Hoggaamiyayaal u heellan taageerada howsha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah taas oo ah midda ay diyaarka la yihiin Golaha Wasiirrada oo uu Ra'iisal Wasaaruhu hormuud u yahay.

Waxaan haysannaa Madaxweyne khibrad u leh howsha xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo weliba Safaaradaha oo labadaba ka soo shaqeeyay, isla markaasna ay ka go’an tahay in uu Wasaaradda gacan ku siiyo tayaynta diblomaasiyiinta iyo diblomaasiyadda Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Guuleysta. 

Allah ayaa mahadda leh.

No comments:

Post a Comment