Total Pageviews

Sunday 30 October 2016

Siddeed Qormo Siddeed Maalmood Gudahood

Siddeeddii maalmood ee u dambeeyay waxaan daabacay siddeed qormo oo laba ka mid ahi ay yihiin min laba qeybood. Dhammaantood waxay ku saabsan yihiin xusuusteyda Taliskii militeriga ee dalka ka talinayay October 1969 - January 1991.

Qormooyinkan ujeeddada aan ka leeyahay waa in dhallinyarada Soomaaliyeed ee aan xilligaas soo gaarin aan la wadaago dhacdooyin goos goos ah oo ku saleysan keliya xusuusteyda si ay ra'yi uga helaan sida ay noloshu ahayd.

Qromooyinka aan halkaan ku soo bandhigay ma ahan marnaba in loo qaato in ay isku deyayaan in ay sawir buuxa ka bixiyaan xilligii Kacaanka ama xataa dhacdooyinka aan soo hadal qaaday iyo jilayashooda, oo aan Ilaaheey uga baryayo in uu u wada naxariisto.

Ujeeddada keliya ee aan ka leeyahay waa in aan soo bandhigo sida ay aniga iigu muuqdeen halka dhinac ee aan wax ka eegayay ama aan uga jiray howsha. Kaalinteydu waxay ahayd heer nin aad u dhallinyar, u khibrad yar oo  mas'uuliyaddiisu ay kooban tahay.

Ujeeddada labaad ee aan qormooyinkan u soo bandhigay waa in aan ku xadateeyo oo aan ku daandaansado dad aad iiga xog ogaalsan, mas'uuliyad weyn hayay, howlo waaweyn fuliyay ama qeyb ka ahaa ama xog ogaal u ahaa in ay ka caroodaan qormooyinkeyga weyda ah, oo markaas ay soo bandhigaan miidda sheekada.

Sheekooyinkan oo baahi iyo xiisa badan ay akhristayaasheydu ka muujiyeen, waxaan ballanqaadayaa in aan sii wadi doono haddii Rabbi ii oggolaado hadba sida caafimaadka, wakhtiga, waayaha iyo ammaanku ay iigu saamaxaan.

Haddii aanad weli akhrin Siddeedda Qormo qaarkood iyo haddii aad akhrisay laakiin aad jeclaan lahayd in ay hal bog kuugu wada keydansan yihiin ama aad dooneyso in aad mar qura u dirto saaxiib kale, halkan ayaan ku soo wada koobay.

Qaab ay isugu xigaan ma jiro. Cinwaanka aad xiiseyneyso ayaad ka billaabi kartaa akhriska marka laga reebo kuwa ah laba qeybood oo ay habboon tahay in aad marka hore tan koowaad akhriso. Akhris wanaagsan.

Qormada aad dooneyso in aad akhriso, fadlan dul istaag cinwaankeeda oo dhag-sii.

Maalinta koowaad ee aan la KUlmo Madaxweynuhu waxay ahayd Buulo Burte. Waxay ahayd maalin farxad iyo xorriyad buuxda aan ku wada sheekeysannay.

Waa tusaale muujinaya sida Madaxweynaha Soomaaliya loogu hoggaansanaa talooyinkiisa ka hor shilka baabuur ee 1986.

Waa Qeybta Koowaad ee Qormo aan uga hadlayo raadka shilkii Baabuur ee AUN Madaxweyne Maxamed Siyaad uu ku dhaawacmay.

Waa Qeybta Labaad ahna tan ugu dambeysa Qormo aan uga hadlayo raadka shilkii Baabuur ee AUN Madaxweyne Maxamed Siyaad uu ku dhaawacmay. Maxamed Siyaad Barre wuxuu Golaha Wasiirrada u sheegay in uu carrabku culus yahay jugtii shilka baabuur ka soo gaartay awgeed. Wuxuu sheegay in uu doonayo in uu doonayo in uu nasto. Si ay kuugu fududaato in aad Qyebtan fahamto, fadlan marka hore akhri Qeybta Koowaad.

Waa furitaankii wejiga labaad ee dekedda Kismaayo. Madaxweyne Maxamed Siyaad, Wasiir Muuse Rabbiile iyo Danjiraha Mareykanka Frank Crigler iyo General Adan-Kuukaay oo mid waliba shaqo gooni ah u socdo oo ku kulmay Kismaayo. Dayaarad cillad la kici weyday iyo arrimo kale oo aan ka xusuusto safarkeygii Kismaayo ee 1987.

Waa qormo sawir kooban ka bixineysa hal habeen oo aan ka shaqeynayay Radio Muqdisho 1986.

Waa qiso dhacday 1990 mar la dhisayay Xubnaha Golaha Wasiirrada. Cawke liiska uu Madaxweynaha ka soo qaaday markii uu la tegey idaacadda si uu ugu dhawaaqo ayaa markii wakhtigii taagan yahay waxaa u soo galay weriye kale oo sida isbeddel golaha lagu sameeyay oo ku yiri Madaxweynahaa kugu yiri sidan u beddel.

Cawke muxuu falay? Wasiirrada la is weydaariyay waa kuwee?

Madaxweynuhu markii uu dalka ka dhoofay wuxuu Ku Sime Madaxweyne u magacaabay Maxamed Ibraahim Liiqliiqato. Cabdiraxmaan Jaamac Barre muxuu la damcay Maxamed Cali Samatar? 
Waa maxay go'aanka Wasiirka Warfaafintu uu qaatay?

Maxaa ku kallifay Cabdulqaadir Xaaji Maxamed in uu qabto howshii loo xil saaray Maxamed Cumar Jees isaga oo aan wargelin?

Jees muxuu tallaabo qaatay markii uu ka warhelay in shaqadiisii uu qabtay Cabdulqaaddir Xaaji Maxamed?

13 comments:

  1. Thanks for sharing, nice post! Post really provice useful information!

    An Thái Sơn chia sẻ trẻ sơ sinh nằm nôi điện có tốt không hay võng điện có tốt không và giải đáp cục điện đưa võng giá bao nhiêu cũng như mua máy đưa võng ở tphcm địa chỉ ở đâu uy tín.

    ReplyDelete
  2. Waankaaga magadan celinayaa,
    Adoo mahadsan Erayga AUN maxaa laga soo gaabiyay maxaase lola heedaa

    ReplyDelete
  3. Mudane mahadsanid waxan ka mid ahay dadkii dhashay ayadoo lays laynayo oo waliba aad laysku fugaaday marka wax xog ah oo aan ku qanco kama hayo marka waxan rajaynayaa inan wax badan Ka faa'iideysan doono. Mahadsanid

    ReplyDelete
  4. Masha Allah waa Qormo aad u qiimo badan aad baa u daneeyaa taariikhaha barisamaadki mahadsanid mudne wasiir

    ReplyDelete
  5. Masha Allah casharo badan ayaan ka bartay kana faa'idey Ee ilaahay haka abaal mariyo adiga iyo waliidkagaaba mudane

    ReplyDelete
  6. Mudaane sideen Ku arki kaara qormooyinkaaga kale oo inta Ku jiiraan?

    ReplyDelete
  7. Waan kaaga mahadinaynaa mudane qormooyinkaagaan waxaanse kasii codsanaynaa in aadan ka caajisin anaguna kama daali doono aqrintooda insha allah.
    Mhdsnd

    ReplyDelete
  8. Masha allah waad ku mahadsan tahay mudane Ambassador Yusuf Garad ,qormooyinkaaga wanagsan iyo sidaa khibradaada wayo aragnimo noga faaideysay

    ReplyDelete