Total Pageviews

Sunday 23 October 2016

Shil Madaxweyne

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre
Intii aan ka shaqeynayay Radio Muqdisho ayaa waxaa xafiiskiisa subax iigu yeeray Madaxa Radio Muqdisho, Maxamed Faarax Xalane Dhaashane, oo aan u maleynayo in uu ahaa ku simaha Agaasimaha Idaacadaha.

Wuxuu ii sheegay in uu iiga baahan yahay in aan galabta tago dhaarta Golaha Wasiirrada oo aan ka soo warramo.

Waxaan isku dayay in aan ka cudur daarto. Far ayaan ka dhaawacmay ka dib markii aan isaga xiray albaabka baabuur FIAT 127 ah oo G. D. ah oo Bankiga Dhiiggu uu lahaa. Waa Baabuurkii iigu horreeyay abid ee ii keli noqda. Baabuurta Dowladda ee aan ahayn kuwa ciidanka ayay summaddoodu ahayd Gaadiidka Dowladda G. D. iyo tirsi kooban oo raacsan.

Gacanta ayaa ii qoolneyd. Qalabka wax lagu duubo wuu cuslaa. Haddii aan qaado qalabkaa culus gacanta ayaa i dooganeysa, ayaan u sheegay.

Nagra ayaan wax ku duubi jirnay Radio Muqdisho
Weriyayaasha qaar ayaa ka sagsaagi jiray shaqada aan dan shakhsi ahi ugu jirin sida tan oo kale. Markaa wuxuu isku dayay in uu igu khasbo. Intii aan hadalka isku celcelineynay ayay xusuusteydu dib u laabatay. Waxaan gartay in aan u baahan ahay in aan galabta tago dhaarta.

Waddada Afgooye

Waxaan xusuustay shil dhacay bishii May 1986. Madaxweynaha ayaa waxaa gaari ku qaaday Mudane Xasan Abshir Faarax.
Waddada Afgooye iyo Muqdisho isku xirta oo ahayd waddooyinka Gobollada midda ugu gaadiid, dad iyo xoolo badan ayay foodda saareen. In uu roob da’ayay, ayay wararka qaar sheegeen. Durbadiiba waxay galeen shil.

Ma ahayn markii ugu horreysay ee Madaxweynuhu uu shil baabuur galo. Waxaa la sheegaa in baabuur uu isagu gacantiisa ku watay uu shil ku galay gooladda Gobollada Dhexe. 

Waddada Afgooye
Shilka waddada Afgooye waa ka duwan yahay kii hore. Madaxweynaha waxaa madaxa ka gaaray dhaawac loo dhiman karo. Feerahana qaar baa burburay. Waxaa loola cararay Isbitaal ku yaalla dalka Sucuudiga.

Maantuu Caano Cabbay

Idaacadda Qaranku marnaba ma sheegin sida ay Madaxweynaha wax u gaareen iyo dhaawiciisu sida uu halis u yahay.

Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cumar Jees, oo dhaawaca Madaxweynaha qaaday, ayaa isaga oo jooga Sucuudiga wuxuu u warramay BBC.

Waxay ahayd dhowr maalmood ka dib markii uu Madaxweynuhu shilka galay. 

Wuxuu Wasiirku sheegay in Madaxweynuhu uu ka jabay kalxanta. Weriyihii su’aalaha weydiinayay oo aan u maleynayo in uu ahaa Cabdullaahi Xaaji ayaa su’aalo badan weydiiyay oo ay ka mid ahayd, Miyuu raashin cuni karaa?

Maxamed Cumar Jees wuxuu bixiyay jawaab daacad ah dhegeystayaashuna ay ku fahmeen culeyska dhaawaca Madaxweynaha.  “Maantuu caana cabbay” ayuu yiri Jees.

Qiyaastii bil uu Isbitaal ku maqnaa, oo dadka qaar ay isla dhex marayeen in uu Madaxweynuhu koomo ku jiro, waxaa dalka ka talinayay General Maxamed Cali Samatar. Qof ogaa ma jirin xaaladda Madaxweynuhu waxa ay ku dambeyneyso.

Koox goosad ah oo diiddan in Samatar la wareego awoodda dalka haddii lacalla uu Madaxweynuhu ka kici waayo dhaawaca ayaa sameeyay gadood aan aad dibadda ugu soo bixin. Magac aan rasmi ahayn ayay qaateen ama lagu suntay. Dowladdiina waxay noqotay laba kooxood oo dadka iyada ka tirsan iyo dadka ka aga dhow ama u kuurgala sida weriyayaasha qaarkood ay og yihiin.

Golaha Galabta la dhaarinayo waa Xukuumaddii u horreysay ee uu Madaxweynuhu dhiso tan iyo markii uu Isbitaalka ka soo baxay dalkana uu dib ugu soo laabtay. Labadii garab ee is-hayay labadaba dad ayaa ugu jira.

Suuqa waxaa ku jirta xan siyaasadeed oo ka deyrineysa xaaladda caafimaadka maskaxeed ee Madaxweynaha. Xataa waxaa la gaarsiinayaa in aanuu isagu ka talin ee  ay dad kale dalka maamulaan.

Intaa markii aan xusuustay waxaan fahmay in aan Galabta fursad u haysto in aan arko Madaxweynaha. In aan fursad u haysto in aan dhegeysto hadalkiisa oo aan la tifatirin. In aan u fiirsado bal sida ay Wasiirradu ula dhaqmayaan in ay ka geddisan tahay sidii shilka ka hor iyo in kale. In inta yare ee aan qolka ku wada jirno laga yaabo in aan wax uun ka fahmo xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha.

Waxaan markaa Dhaashane ka codsaday in aan laba weriye ku aadno munaasabadda si aan shaqada isaga kaashanno. Tii ayuu iga yeelay aniguna waan ka aqbalay.

Qeybta Labaad ee Qormadan ayaan uga hadli doonaa wixii ka dhacay fadhiga lagu dhaariyay Golaha Wasiirrada ee uu dhisay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, dhaawacii shilka baabuur ee Afgooye ka dib. Waxaa kale oo aan kula wadaagi doonaa qiyaasta aan anigu qaatay. La soco.

27 comments:

  1. Mudane noo dadaji waan dhararayaa runtii

    ReplyDelete
  2. Waxaan Sugnaaba waa Qeybta 2aad Mudane.

    ReplyDelete
  3. Mudane qof waayihii dowladdii kacaaanka kawarama waliba si faahfaahsan adiga lee kajira runtii waan kugu bogaadinayaa in aad nala wadaagtid waayahaagii hore ee kacaanka

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mahadsanid mudanee.. si wacan ayaad noo fahansisay

      Delete
  4. Waa taariikh aad u muhiim ah xasuusna ii leh sida warsuuqu xilligaas ahaa shilka ku dhacay Jaalle Siyaad.

    ReplyDelete
  5. goolada gelinsoor ee ma aha godinlabe

    ReplyDelete
  6. yusuf garaad
    mhadsnid waxaan ogeen ayaa na ogeeysiisa waan kaaka mhdcilinaa hadalada wax ku oolka ah ee noo faaideeysay. qeebta kale no bln ah insha allah

    ReplyDelete
  7. Yusuf garaad mahdsnd waxanu sugnaba wa qaybti labad fadlan nosoo dedeji

    ReplyDelete
  8. Mudane Qeeybta 2aad Noogu Dhaqso
    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  9. Waaxaan sugnaaba waa qaybta labaad thanks mudane Yusuf

    ReplyDelete
  10. hhhhh mansha Allah ilaahay cimri gaaga hakuu barakeeyo yuusuf garaad July 1986 waa markaan dhashay aduunyada wax baddan baad u soo joogtay

    ReplyDelete
  11. Mudane Yusuf Garad waad kumahadsantahay qormada cajibka ah ee aad nala wadaagtay waana mahadho in aad na xasuusiso sooyaalkii dowladii kacaanka ee aheyd dowlad somali meel wanaagsan geysay

    ReplyDelete
  12. Mudane Wariye, Wasiir Yuusuf Garaad waxaa tahay Maktabad guuraysa oo ay ku kaydsan yihiin taariikh dhaxal gal u ah ummada soomaaliyeed ee si fiican albaabada noogu balaq allaah ha ku dhawro mudane.

    ReplyDelete
  13. Waxad mudan tahay in buugaag laga qoro si jiilka inaga dambeya aan uga sheekeyno faaloyinkan taarikhda ah ee aan anaga nasiib u yeelani weynay in an qeyb ku darno

    ReplyDelete
  14. Mahadsanid Mudane, Alle ha u naxaristee madaxweyne siyad bare shilalkii uu gali jiray masuulinta ama qoriyaasha qaar way sheegi jireen lkn sidan uguma faalon jirin xaqiiqqdii waxa tahay maqtabad socooto.

    FG:mid aan Ku su'aale wadada afgooye mid Ku soo darsanta oo Ay ka timid dhanka Degmada dhakeenlay ayaa dadka Hada waxay dhahan wadadii shilka siyaad bare marka wada ma taasba mise labo ayay kala yihiin

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  15. Mudane Yuusuf, waxyar baan kaa baranney marka loo eego aqoonta iyo xogta waxtarka noo leh ee aad hayso. Wax na bar markii qofku dhintaannu niraahnaa 'Alla haddaan ka faaiidaysan lahayn intuu noolaa!' . wax naga bar intaad ogtahay, waxtarna noo leh walaalle.

    Mahadsanid.

    ReplyDelete