Total Pageviews

Wednesday 26 October 2016

Ka hor Shilka Madaxweynaha

Xarunta JUS iyo Rugta Gahayr
Dhowaan waxaan qoray saameynta ii muuqatay ee Shilkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ee 1986. Mar waxaan soo xigtay Madaxweynaha oo Golaha Wasiirrada uga warbixinaya xaaladdiisa caafimaad. Marna aniga ayaa u fiirsaday oo hoos u dhac ka dareemay nidaamka kala dambeynta Madaxda Sare ee dalka.

Waxaan maanta soo bandhigayaa hal dhacdo oo yar oo aan goobjoog u ahaa oo ka horreysay shilka.

Waxay ila tahay marka qormadan aad akhriso ee aad barbardhigto labada qeybood ee qormada ku saabsan Shilka oo aad isla bartan ka heleyso, in ay sahli karto in la fahmo sida ay xaaladdu isu beddeshay xagga kala dambeynta iyo isu hoggaansanaanta madaxda.

Booqashada Craxi

Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Bettino Craxi ayaa 1985 booqasho ku yimid Soomaaliya. Waxaa uu Booqday Muqdisho, Kismaayo iyo Hargeysa.

Laba weriye oo Radio Muqdisho u xil saaray in ay booqashada ka warramaan ayaan midkood ahay. Weriye Cabdulqaadir Cali Iidle waxaa uu qaabbilsanaa Kismaayo Aniguna Hargeysa. Wejiga safarka ee Muqdisho wadajir ayaan uga shaqeyneynay.

Hal dhacdo oo keliya ayaan isku koobayaa si aan wax u iftiimiyo.

Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa goor barqo ah soo horkacay Bettino Craxi. Waxaa uu u kaxeeyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Jaamacaddu waxay ka koobnayd Xarunta Lafoole oo ay degganeyd Kulliyadda Waxbarashada oo iyadu diyaarisa Macallimiinta Dugsiyada Sare. Iyo Kulliyadda Saxaafadda oo markii dambe u guurtay Gahayr ka dib markii ay noqotay Kulliyadda Saxaafadda iyo Siyaasadda.

Xarunta Beeraha oo iyadu Lafoole iyo Afgooye u dhexeysay.

Xarunta Kulliyadda Caafimaadka oo Digfeer u dhoweyd.

Xarunta Kulliyadda Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka oo ku taallay bartanka magaalada meel u dhow Shabeelle. Waxay ahayd Kulliyadda keliya oo aan ardaydeedu lahayn hooy, maaddaama ay ahayd Kulliyaddii ugu dambeysay ee la sameeyay, kuna taal bartanka magaalada. Isla markaana waxaa ardaydeeda ka mid ahaa Madax Dowladda ah iyo rag waaweyn oo qoysas leh oo diinta hore u bartay laakiin hadda Shahaado doon ah.

Gahayr

Xarunta Maanta la booqanayo waa Xarunta Kulliyadaha Gahayr. Waxaa deggan toddoba Kulliyadood Kulliyadda Qaanuunka oo ay arday ka yihiin Madaxda uga badan ee Jaamacadda dhigta sida Saraakiil Ciidan, Xildhibaanno Baarlamaanka ah, Duqa Magaalada Muqdisho, Agaasimeyaal Guud iyo Madax kale oo badan. Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Kulliyadda Afafka. Kulliyadda Xannaanada iyo Daawawada Xoolaha, Kulliyadda Injineeriya oo ay saraakiil badan oo militeriga ahi ay dhigtaan, Kulliyadda Jiyoolajiya iyo Kulliyadda Kiimiko.

Waxaa kale oo Xarunta Gahayr deggan Madaxda iyo Maamulka Jaamacadda.

Isu-geyn Kulliyadaha Gahayr waa kuwa soo saaray Ra'iisal Wasaarayaal ay ka mid yihiin Cali Geeddi, Nuur Xasan Xuseen, Cabdiweli Gaas, Saacid Faarax Shirdoon, Cabdiweli Shiikh iyo Cumar Cabdirashiid.

Dhismaha Gahayr waa afar qeybood. Laba waa degaanka ardeyda, midi waa Kuliyadda Saxaafadda iyo Siyaasadda midda kalena waa toddobada Kulliyadood iyo Xarunta Maamulka Jaamacadda. 

Dhismaha maamulka ayaan booqaneynaa.  Waa dhul aad u weyn, si qurxoon loo dhisay, beero nasasho ay dhinac walba kaa xigaan marka aad dhex mareyso.

Waddooyin laami ah oo wada xoodan oo masaafo siman isu jira ayaa mid waliba u sameysan yahay qaab goobo in yar dhimman ah. Habeenkii nalal qurxoon ayaa ka shidan oo ka midab duwan kuwa magaalada.

Waa dhisme cusub haddana aad u nadiif ah.

Baabuurta ayaa markiiba soo hor istaagay dhinaca Iridda hore ee Jaamacadda ku beegan ee Xafiisyada Maamulka Jaamacadda oo u sameysan qaab goobo ah oo aad u weyn.

Siyaad, Craxi iyo Madaxdii la socotay ayaa baabuurta ka soo degay. Jaamacaddu waa mid ka mid ah mashaariicda madaxweynuhu jecel yahay kuna faano. Wuxuu isu diyaarinayaa in uu Craxi tuso waxa Soomaali u qabsoomay inkasta oo lacag Yurub iyo mid Talyaaniba ay qeyb ka yihiin mashruucan.

Dhowr iyo soddon weriye oo ajnebi ah ayaa socda. Xagga Soomaalida waxaan nahay qiyaastii dhowr iyo toban Astaanta Press sita laakiin ma wada nihin weriyayaal.

Baabuurtu maaddaama ay tiro badan tahay, kuwa Madaxda Sare sidana aan la oggoleyn in agtooda baabuur kale lagu baarkimo, waxaan ku soo degnay meel dambe.

Markaas ayaa weriyayaasha iyo ciidanka waxaa u billowday gucle iyo isgarbin. Weriye kastaa wuxuu isku dayayaa in aan laga xigsan labada mas’uul si uu u maqlo waxa lagu wadahadlayo. Isgarbinta waxaa dhinaceeda uga jirta saxaafadda Madaxtooyada oo uu hoggaaminayo Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde oo aan weli Wasiir loo magacaabin.

Weji-Gabax


Madaxweynuhu markiiba wuxuu Craxi u soo horkacay dhinaca Xafiisyada maamulka. Madaxdii Jaamacadda oo kala ordaya ayaa timid. Salaan iyo isbarasho ka dib Madaxweynaha ayaa billaabay in uu martidiisa mar kale u horkaco dhinaca dhismaha si gudaha loo arko meel hoos ahna loogu wadahadlo.

Madaxdii Jaamacadda ayaa Madaxweynaha u sheegay in ay daarta goobada ah iridda laga galaa aanay ahayn jihadan uu hadda u dhaqaaqay. Waxay iriddu ku taallaa dhanka cagsiga ku ah meesha aan hadda taagan nahay.

Macnuhu waa daartan hadda la ag taagan yahay oo ku fadhida goobo weyn in lala soo wareego oo dhanka kale laga soo galo. Si taas loo yeelo waa in dadka oo dhan ay baabuurta dib u fuulaan. Ama in Madaxweynaha iyo martidiisa Talyaaniga ah iyo inteenna labada dabayaaceysaa ay qorraxda ku lugeeyaan daqiiqado dhowr ah.

Meeshii waxaa ka dhacay weji-gabax.

Ma xusuusto labada midda la yeelay. Laakiin waxaan xusuustaa wixii uu yiri Madaxweynuhu. Wuxuu madaxdii ku tuuray su’aal aanuu jawaab ka dooneyn markaas ayada ah.

Wuxuu yiri, waa maxay dhismahan dhinaca gadaale laga soo gelayo?

Aan soo koobee, maaddaama aan ahaa arday Jaamacadda dhigta, maalmo fara ku tiris ah ka dib ayaa aniga oo kaligeey lugeynaya bartii uu Madaxweynuhu ka noqday ayaan arkay jawaabta su'aashiisii. Waxaan arkay iyada oo la jebiyay derbigii Madaxweynaha xannibay ee uu ka laabtay. Irid aad u weyn oo dhismaha laga galo ayaa laga sameeyay bartii uu Madaxweynuhu moodayay albaabka ee damcay in uu daarta ka galo.

Daartii waxay yeelatay irid hore iyo middii dambe ee awalba jirtay. 

Ogow Madaxweynuhu ma dhihin irid ha laga sameeyo halkan. Keliya waxaa amar noqotay su’aashiisii ahayd waa maxay dhismahan albaabka ku leh xagga dambe?

4 comments:

  1. Masha Allah meesha waxa wada joogay dad masuulin ah waxna fahmaaya waayo madaxweynaha si sarbeeb ah ayuu ula hadlay!!

    ReplyDelete
  2. Waayo Qurux Badan Ayad So Jogtay Wlh Dowladnimadena Anaga Aya Gacantena Kuburburiney 30 Sano Kahor Mantayna Watas IThopia Aya Siyasad Ahan Aan Kutirsanahay

    ReplyDelete
  3. mansha allah waa sheeko aad qiiro u leh iyo kala danbayn dawladnimo

    ReplyDelete
  4. waqti qurux badan 🔥💯🙏M.aM.a hda waxa aan ahay araday dhigta Jmcda ummada somliyee balse sida aad sheegtay xarunta gaheyr waxa ay aheyd xarun qurux badan oo aad u weyn lkn hda waxay ardadu ku dhigtaan ayadoo jajabsan oo bur bur ka muuqda dowladana uga ma jeedo wax dadaal ah ay ku bixneeso waxaan rajeuna in aad ka qeyb qadan doontid dhismahde io takukeenteed madama hda dhismaha qaar la bilabay

    ReplyDelete