Baabuur
SBS ah ayaan qaadannay qado aan guryahayaga ka soo cunnay ka dib. Waa
Landrover, midabkiisu yahay kan calanka. Ay labada albaab ee hore dushooda uga xardhan tahay saddex xaraf SBS. Iyada oo dhammaystiran, Somali Broadcasting Service ay
uga qoran tahay labada dhinac. Dusha ay ka saran yihiin dhowr sameecadood oo
waaweyn oo midabka dambaska leh oo sii kala jeeda.
Albaabka
ugu gadaale haddii aad ka soo gasho waxaa ku rakiban Studio cod iyo shanqarba
lagu duubi karo, lagu tifatiri karo lagana sii deyn karo. Waxaa u dheer mikrofoonno iyo qalabka duubista iyo xarkahooda oo dhaadheer oo meel baabuurka ka fog cod looga soo qaadi karo sida fagaarayaasha la isugu soo baxo iyo garoommada cayaaraha.
Waa
baabuur ka tilmaaman magaalada iyo dalka badankiis, inta badan aan booliiska
waddooyinku joojin, laga celin waddo xiran, aan su’aalo badan la weydiin
haddiiba ay dhacdo in wax la weydiiyo. Weliba waxaa dhacda in shacabka qaarkii
ay soo eegaan dadka la socda gaariga bal in ay arkaan weriyayaal caan ah. Marka aad gaarigaas saaran tahay waxaad tahay saaxiibka qof kasta aqoo ama ha aqoon. Marka uu istaago isgoys ama baabuur kale aad la siman tahay, qofkii doono ayaa ku salaamaya ama wax ku weydiinaya. Waa carwo furan.
Waa
hubka ugu culus ee Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa, labada Radio ee keliya ee
dalka oo mararka qaarna la isku sidko sida idaacadda siddeedda fiidnimo oo
warka Muqdisho uu labadaba toos uga baxo. Radio Muqdisho waxaa laga dhegeysan
jiray Soomaaliya oo dhan, dalalka deriska ah iyo Khaliijka. Wuxuuna ku hadli jiray 9 af oo kala duwan.
Waxaan
u amba baxnay xerada Afisyoone. Ciidan badan oo kala duwan ayaa deggan, waxaana
ugu badan ciidanka Cirka oo ay xarun u tahay. Waa sababta ay magaca Afisyoone u qaadatay oo laga wado Aviation ama Aviazione. Waa meel dhowr boqol oo tallaabo
u jirta guriga aan ku dhashay iyo Dugsigeyga Xannaanada ee Xamar Jajab. Waa
xaafad xusuus gaar ah ii leh.
Dhaar
Qol dhululubo
oo kale ah oo dhinac u yuuban ayaa la fariistay. Inteenna weriyayaasha ah,
Radio Muqdisho, Wakaaladda wararka SONNA, TV-ga Qaranka iyo Wakaaladda
filimmadu annaga oo taagtaagan waxaan u dhowaannay darafka
miiska ee uu fadhiyo Madaxweynuhu. Dhanka derbiga ayaan u dhowaaney marka
laga reebo qolyaha Kamerooyinka oo aan cidina qoonsaneyn meel kasta oo qolka ka
mid ah oo ay maraan ama ay istaagaan marka ay doonaan.
Madaxweynaha
labada garab waxaa fadhiya Maxamed Cali Samatar iyo Xuseen Kulmiye Afrax.
Maaddaama uu berigaas habmaamuuska liiska Madaxda loo kala hormariyo ama loo
fariisto uu ahaay wax aan innaba lagu khaldami karin, waxaan is iri Wasiirrada
qaarkood barta ay fadhiyaan waa nooc muddaaharaad ah oo tilmaami kara sida
aanay ugu wada qanacsaneyn dhismaha Goluhu sida uu yahay.
Markii
la fariistay nin caato ah ayaa soo galay oo mid mid u xaadiriyay Madaxda isaga
oo ka billaabay Maxamed Cali Samatar. Wasiirrada qaarkood xataa marka magacooda
la yeeriyo iyaga oo aan soo eegin dhinaca magacooda looga dhawaaqay ayay cod
nuxuus ah ku sheegayeen in uu isaga yahay magaca lagu dhawaaqay - waa i kan ama waan joogaa, ayuu falceliska badankiis ahaa.
Xataa
waxay gaartay in Madaxweynuhu soo dhex galo oo ninkii magacyada xaadirinayay uu
ku yiraahdo war bal u kaadi. Jaallayaal ninkii magaciisa lagu dhawaaqo gacanta
ha taago oo cod xayi ah ha ku yiraahdo waa i kan. Ilbiriqsiyo waxaan soo
xusuustay sidii ay noola hadli jireen saraakiishii iyo sarkaal xigeenkii nagu
tababbaray Dugsiga militeriga ee Xalane.
Xataa
markii uu Madaxweynuhu sidaa yiri, waxaan maqli karay gunuunuc hoose. Dabcan
nin kastaa kuma dhicin anshaxa-darrada noocaas ah in laga dareemo meel
Madaxweynuhu fadhiyo. Ama aan si kale u dhahee, ogaalkeyga ninna kuma dhici
jirin shilka ka hor.
Markii
xaadirinta la soo gebagebeeyay waxaa soo galay nin kutub sita oo aan u
maleynayo in uu ahaa Shiikh Cali-Salaad. Allah hortiisa ayuu ku dhaariyaya iyada oo kaameridu ay markhaati ka tahay. Afar
afar iyo shan shan ayuu u dhaariyay Wasiirrada. Sidoo kale wuxuu dhaariyay Wasiir-ku-
Xigeennadii oo aan ka xusuusto Nuuro Shire oo aan isku Kulliyad ahayn oo markaa
uun ku biirtay Golaha Wasiirrada.
Intaas
ka dib Madaxweynaha ayaa hadalka qaatay. Anigu waxaan taagan ahay meel qiyaasta
xusuusteyda u jirta laba ama saddex tallaabo.
Kuwo Lagu Nasto
Madaxweynuhu
maba leexleexan. Waxaad moodda in uu i ogyahay sababta aan u imid oo aniga uun
iiga jawaabayo su’aasha madaxeyga ku jirta, laakiin aanan faruuryaheyga soo
marin.
Xuseen
Kulmiye oo garab fadhiya ayuu tilmaamay. Wuxuu yiri aniga iyo Xuseen ayaad is leedihiin
iyaga ayaa idiin hor dhiman doona adinka oo ka eegaya in aan annagu idiinkugu da’
weyn nahay.
Laakiin
waxaan idiin sheegayaa aniga waxaa ii dheer dhaawicii beri dhoweyd i gaaray. In
aad dareemeysaan ma aqaan, ayuu yiri, laakiin haddadaas aan idinla hadlayo
carrabka ayaa i culus.
Dhakhaatiirtii
i soo daweysay waxay igula taliyeen marka aan dalka ku laabto in aan muddo nasto
oo aanan wax shaqo ah qaban. Waa kuwan ayuu yiri dhakhaatiirteydu isaga oo
gacanta ku taagaya dhanka ay fadhiyeen Wasiirro aan u maleynayo in ay ahaayeen Dr.
Munasar iyo Dr. Gabboose. Weydiiya ayaga haddii aad doontaan.
Taladii
dhakhaatiirta uma uu hoggaansamin Maxamed Siyaad sida uu isaguba sheegay. Wuxuu yiri, markii aan gegida
dayaaradaha ka soo degey xafiiska ayaan toos u fariistay oo shaqo ayaan billaabay aniga oo aan gurigeyga ku leexan. Sababta oo ah howlaha ii
yaallay dartood ayaa damiirkeygu ii diiday in aan nasto.
Waxaan
idinka rajeynayaa kuwii aan ku nasto in aad nqotaan, ayuu raaciyay.
Waxaa
kale oo aan idiin sheegayaa ayuu yiri waxaa maanta keenay in munaasabadda
dhaarta aan diidno Madaxtooyada in lagu qabto oo aan u doorbiday Afisyoone.
Sababtu
waxay tahay sannadihii ugu horreeyay Kacaanka waxaan ku shiri jirnay halkan.
Waxa aan go’aansannaana waa ay noo qabsoomi jireen.
Waxaan
marka doorbiday afisyoone aniga oo rajo ka qaba in go’aammadeennu ay fulaan
sidii berigiii uu Kacaanku cusbaa.
Madaxweynuhu
laba jeer ayuu maalintaa galay waxa ay ciyaal xamarku ugu yeeraan qatif oo uu
khadka ka dhacay. Ma ahayn wax weyn laakiin waxay markhaati u ahaayeen
xaaladdiisa caafimaad ee uu isaguba tilmaamay iyo waxyaabo uu malahaa gocanayay.
Munaasabaddu markii ay dhammaatay ayaa loo baxay deyradda. Sida geedaha teel teelka ah ee
meesha ku yaallay ayaa koox koox loo istaagay laba laba, saddex saddex iyo afar
afar. Waa loo adeegayaa oo waxaa lala dhex meerayaa cabitaan iyo gowsqabsi u badnaa
sandwich iyo macmacaan.
Waxaan
galab gaabkii ka soo carraabay aniga oo ka walaacsan xaaladda aan soo arkay. Ay
igu taagan tahay dalku xasillooni ma ku sii socon doonaa? Amniga ka sokow,
waxaa igu taagnayd qalin jebinteyda Jaamacadda oo ay bilo yari iiga
harsanaayeen. Qalinjebintu waxay markaas ii ahayd waxa caalamkeyga ugu
muhiimsan. Marka aan hadda dib uga fekero, waxaa walaaca igu dhaliyay ma ahayn
keliya waxa aan fadhiga kala kulmay ee waxaa maskaxdeyda qeyb ku lahaa hugunka magaalada oo dhinac ay saameyn ku lahaayeen mucaaradku.
Gunaanad
Awoodda siyaasaddu waa laba. Waa awood dhab ah oo gacantaada ku jirta iyo midda lagaa aamminsan yahay. Haddii ay labadu iskabi waayaan, mid ahaan sida ay kuugu meel martaa waa ay adag tahay.
Intii maalintaa ka dambeysay, waxaan qabaa in Maxamed Siyaad awooddii uu dalka ku lahaa aanay sideedii ku sii socon. Waxaan qabaa in ay dad kale ay si uun ula qeybsadeen awoodda. Ha noqdo go’aan ay ku dhaliyeen, oggoleysiiyeenna ama ha noqoto howlo ay fuliyeen ogaal la’aantiisa ugu yaraan marka hore.
Intii maalintaa ka dambeysay, waxaan qabaa in Maxamed Siyaad awooddii uu dalka ku lahaa aanay sideedii ku sii socon. Waxaan qabaa in ay dad kale ay si uun ula qeybsadeen awoodda. Ha noqdo go’aan ay ku dhaliyeen, oggoleysiiyeenna ama ha noqoto howlo ay fuliyeen ogaal la’aantiisa ugu yaraan marka hore.
Waxaa
kale oo aan qabaa in labadii garab ee ay Dowladdu u qeybsanayd,
aanay huri weyto ma ahane mar dambe dib isula shaqeyn si kal iyo laab ah, xataa
markii ay noqotay in ay isla qaxaan. Waa markii ay dhimbilihii nimankii magaca Jabahadaha watay ee buuraleyda naga soo galay ay sida daadkii ku soo rogmadeen xeebtan Xamar.
Aragtideydu waxay ku saleysan tahay waxyaabaha ii muuqday oo la mid ah sawirro aan badneyn oo marba meel laga qaaday oo aan muuqaal buuxa bixin karin. Waa sida qof mugdi jooga oo iftiinka hillaaca wax ku arka.
Taxanahan labada qeybood ah halkaan ayuu ku eg yahay.
Taxanahan labada qeybood ah halkaan ayuu ku eg yahay.
Waxaan hubaa in ay joogaan dad badan oo iiga xog ogaalsan iigana dhowaa xuddunta ay go'aammadu ka soo fuliyeen iyo dariiqyada ay ka soo aroortay xogta lagu saleeyay tallaabooyinka la qaaday ama laga baaqsaday in la qaado. Qofka ama hey'adda xogta keentay iyo sida loo lafa-guray.
Qof kasta oo xog-ogaal ah oo aan damiirkiisu u diideyn, sida Dhakhaatiirta Madaxweynaha daaweyay, yeerayaa in uu reebo dhaxalka taariikheed ee dalka macaan iyo qaraar midka uu leeyahay si uu noogu sahlo in khaladdaadkii shalay aan maanta dib loogu laaban.
Qof kasta oo xog-ogaal ah oo aan damiirkiisu u diideyn, sida Dhakhaatiirta Madaxweynaha daaweyay, yeerayaa in uu reebo dhaxalka taariikheed ee dalka macaan iyo qaraar midka uu leeyahay si uu noogu sahlo in khaladdaadkii shalay aan maanta dib loogu laaban.
Sawirrada goos gooska ah ee aniga daaqadda iiga muuqday qaarkood waxaan ku soo gudbin doonaa qormooyin kale. Insha Allah.
Mar kale mahadsanid mudane
ReplyDeleteThanks mr yusuf garaad ilaa.maantay qoralkaaga ayaan akhrinayay aad baana uga.faaiday mararka qaar shaqo to guro ayaan pause saaranayay si aan waqti fiican ugu helo
ReplyDeleteAad baad umahdsnthy wll
ReplyDeleteMahadsanid
ReplyDeleteMhdsnd mudane
ReplyDeleteRuntii waxey aheyd qormo xiiso bdn mudane yusuf waxaan filayaa in aad noo badiso qoraalada noocaan ah madaama aad isku darsatay saxafi mudo dheer iyo diplomacy aana filayo in ay kugu keydsantahay xogo bdn oo muhiim u ah in aad nala wadaagto thanks mudane markale
ReplyDeleteMahadsanid mudane
ReplyDeleteThanks waad ku mahadsanatahay
ReplyDeleteMahadsanid
ReplyDeleteXog muhim ah oo ah wixii aad goob jooga ka ahayd baad nala wadaagtay.
Ciddii warbixin haysaa sida yuusuf ha ugu dhiirrato
Mahadsanid mudane
Thnks
ReplyDeleteMahadsanid Mudane
ReplyDeleteShukran ustada
ReplyDeleteMahadsanid wasiir
ReplyDeleteMahadsanid mundane yuusuf garaad
ReplyDeleteShukran
ReplyDeleteXaqiiqatan waa qormo aad u wanaagsan oo xiiso badan, waxaaamse jeclaan lahaa inaad mar walbo Nala wadaagto sheekoohinka ama dhacdooyinka Dowladdii kacaanka ee adiga shaqsiyan kusoo maray iyo waxyaalaha taariikhiga ama xiisaha gaarka ah kuu ahaa ee aad goob joogga ka aheyd.
ReplyDeleteMAHADSANID MUDANE.
Qoraaaladdada waqti ayaan geliyaaa
ReplyDeleteWlh wax bdn waan ka faaidaa
Alle haku barakeeyo
Wxan ogahay safarkaaddii airporka
Wxan aqriyy anigoo safar ah
Alle haku barakeeyo
Adigo kle somalida alle haku badiyo
Yusuf garaaad
Waad ku mahadsan tahay yuusuf
ReplyDeleteWaa qormo aad u xiiso badan,
Wax badana ifinaysa, waliba si asluubaysan oo aqoon iyo dadnimo loo soo nam dhigayv, ayada oo aan qofna xanuujin qof walban u cuntami karta
Mahadsanid mudane yusuf garad aqrinta qoraaladdaada iyo taariiqda waxay naga dhigeysaa dad noolaa xilligaas oo waaya arag ah.
ReplyDeleteMarkale mahadsanid mudane Yuusuf Garaad.
ReplyDeleteMahadsanid!
ReplyDeleteMahadsanid mudane
ReplyDeleteMar walba oo madaxweyne Siyaad ay hooyadeey iga sheekeyni jirtey waxay ii sheegi jirtey xog ama fikrad la mid ah tan aan maanta nala wadagtay oo ah in shilka ka dib madaxweynaha xldiisu fiicnayn oo talada dalkana maankiisa ku goyni jirin oo lala goyni jiray bal qaarkood uusanba waxba ka ogayn
ReplyDeleteMahadsanid Mudane orah adagna waan kaa faa'idey oo ah "Awoodda siyaasaddu Waa lab, Waa awood dhab ah oo gacantaada Ku jirto iyo midda lagaa aamminsan yahay. Haddii Ay labadu iskabi waayaan, mid ayaan sida Ay kuugu meel marto Waa ay adagtahay"
ReplyDeleteAbdirashid Ahmed Osman Mogadishu
ReplyDeleteWaad mahadsantahay mr Yusuf lakiin waxaa iigu maqaala ah waxyaabo badan oo qalad ahaa oo shilkaa kadib dhacay inay u sabab ahaayeen sixun usoo gunaanadkii 21 sano ee Kacaanka sababtuna waxay ahayd dad badan uu si qaldan u isticmaalay janisyo soomaray.
Wabilahi Towfiiq
Mahadsanid mudane waxad tahay indha dheer, waxbadan ayan kafaidnay qormadada
ReplyDeleteMahadsanid jazakalah 🔥💯🙏
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteMahadsanid Mudane yuusuf Waxaan kaaga mahadcelinaya Qormadaan quruxda badan waxay iitahay Aqoon kororsi. Xasuus iyo inaan Wax ka ogaado wax aanan Goobjoog u ahayn Sidoo kale waxaan kaaga mahadcelinaya sida aad u jeceshahay inaad Dhalinyarada aan kamid ahay Aad Garaadkooda ukordhiso
ReplyDeleteMudane yuusuf Xushmad baan kuu haynaaa
Caawa ayaan wakhti u helay inaan si mug leh uga bogto qoraalkaagan iyadoo ay weliba xili dambe ii tahay,laakiin waan ku qabaa waayo shaqo ima sugeyso berito haduu alle idmo oo waxaan ku jirnaa gurijoog.
ReplyDeleteWaxaan ka marqaati kacayaa qeyb ka mida kulankaagii ugu horeeyay ee Buulo burde,
ReplyDeleteWaayo waxaan ka mid ahaa ardadii ku soo barbaartay xaruntii dhalinta kacaanka ee Lafoole.
Waxaan xusuustaa inuu Allaha naxariistii Jano ha geliyee Maxamed Siyaad habeenkii xilli dambe oo lawada hurdo inuu gaadmo kusoo booqan jiray xaruunta isagoon la ogayn si uu ugu kuurgalo xaalada dhabta ah ee nolosha ardada halkaa ku xareysan.