Total Pageviews

Saturday 1 October 2016

Gobollada Soomaaliya tan iyo Xorriyaddii 1960

Jamhuriyadda Soomaaliya


Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay ee ay Midoobeen Gobolladii uu Ingiriisku gumeystay iyo kuwii ay Qarammada Midoobay gaarsiisay xornimada ka dib sannado badan oo gurmeysi Talyaani iyo Ingiriis ay isu beddeleen, waxay noqotay Jamhriyadda Soomaaliya.

Waxay ka koobnaysiddeed Gobol.
  1. Gobolka Woqooyi Galbeed oo xaruntiisu ay tahay Hargeysa ayna ka mid yihiin magaalooyinka Berbera ilaa Boorame iyo Zeylac.
  2. Togdheer oo ay xarunteedu tahay Burco ayna ku jiraan inta ka soo hartay Somaliland oo ay ka mid yihiin Laas Caanood iyo Ceerigaabo.
  3. Gobolka Bari oo ay xaruntiisu tahay Boosaaso.
  4. Mudug waxaa laga xukumayay Gaalkacyo waxaana hoos tegayay ilaa Guriceel, Ceel Buur iyo Ceel-Dheer.
  5. Hiiraan oo ah sida ay hadda weli tahay.
  6. Banaadir oo xaruntu ay tahay Muqdisho ayna ka mid yihiin Marka, Wanlaweyn iyo Jowhar.
  7. Jubbada Sare oo ay xarunteedu tahay Baydhaba ayna ku jiraan Gobollada hadda loo yaqaan Bay, Bakool iyo Gedo.
  8. Jubbada Hoose, oo ah labada Jubba ee hadda jira xarunteeduna ay tahay Kismaayo.

Jamhuriyadda Dimuqraaddiga ee Soomaaliya 


Kacaanka militeriga ee talada dalka la wareegay 21-kii October 1969, wuxuu dalka u bixiyay Jamhuriyadda Dimuqraaddiga ee Soomaaliya. Wuxuuna xilliyo kala duwan sameeyay 10 Gobol oo hor leh oo laga jaray 8-dii Gobo lee hore u jiray. 
  1. Awdal oo ay xaruntiisu noqotay Baki.
  2. Sool oo ay xarunteedu tahay Laas Caanood.
  3. Sanaag oo ah Ceerigaabo.
  4. Nugaal oo Garowe ah.
  5. Galguduud oo ay xarunteedu tahay Dhuusa Marreeb.
  6. Shabeellaha Dhexe oo laga xukumo Jowhar.
  7. Shabeellaha Hoose oo Marka laga maamulo.
  8. Bakool oo xarunteedu ay tahay Xuddur ah.
  9. Gedo oo Garbahaarreey ay xuddun u tahay.
  10. Jubbada Dhexe oo Bu’aale ay saldhig u tahay. 

Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya


Halkaa waxaad ka fahmi kartaa sababta ay dad reer Hiiraan qaarkood ugu doodayaan in ay dhigmaan laba Gobol sida Mudug iyo Galguduud oo Mudug uun isku ahaa Kacaanka ka hor. Waa Gobolka keliya ee ka mid ahaa siddeeddii Gobol ee Lixdankii oo aan weli Gobol kale ka farcamin. Waxaa la dhihi karaa waa Gobolka ugu guunsan Gobollada Dalka.

Waxaad ka dheehan kartaa doodda laga guuleystay ee salka ku haysay in aan Marka hoos tegi karin Baydhaba maaddaama ay hore uga tirsanaan jirtay Banaadir.

Waxaad arkeydaa doodda kale ee iyana laga adkaaday ee ahayd in Gedo ay tahay in ay hoos timaado Baydhaba, labada Jubbana ay isku ahaadaan hal Dowlad Goboleed.

Federaalku kuma imaan sida labada nimdaam ee ka horreeyay. Wuxuu ka dhashay wadaxaajoodkii nabad iyo dowlad goobka ahaa ee hoggaamiye kooxeedyadii dalka ninba daraf qabsaday ka dib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Waxay ka kooban tahay Dowlad Goboleedyo ay Puntland u horreysay oo iyadu Dastuurkaba ka horreysay, welina aan dalka oo dhan ka wada dhismin.

Nidaamka Federaalku waa mid ku meel gaar ah oo sugaya in ummadda Soomaaliyeed ay Afti ku ansixiso ama ay ku diiddo maalinta loo soo bandhigo.

F. G.
Qormadeydu ma xusin 1991 ka dib Gobollada laga sameeyay Somaliland sida Selel, Saaxil iyo Maroodi Jeex iyo kuwa laga sameeyay Puntland sida Cayn iyo Karkaar. 

1 comment: