Beri
ayaan London ku qaatay course dhowr bilood socday oo ku saabsan cilmu nafsiga
iyo farsamada macaammilka bulshada. Waxaa ka mid ahaa casharro is xiga oo ku
saabsan sida qofka loo akhriyo adiga oo aan la hadal.
Lebbiska uu qofku gashan yahay, sida uu u gashan yahay, sida uu
u socdo, qaabka uu u fariisto, sida uu u hadlo, sida uu dadka u fiiriyo,
codadka iyo shanqaraha uu sameynayo, sida uu wax u akhriyo, waxa agtiisa ka
dhaca falceliska uu ka sameeyo, qaabka uu wax u cuno ama u
cabbo intuba waa bandhig. Asaga oo aan ogeyn uguna talo gelin ayuu qofku
isfasirayaa. Wuxuu sheegayaa qofka uu yahay.
Haddii
aad fasiraaddaas akhrisan taqaan waxay kuu sahleysaa in aad garato heerka
aqooneed, tarbiyada iyo guud ahaanba qofkani qofka uu yahay.
Dabcan waa qiyaas. Khalad ayay noqon kartaa siiba marka uu
sameeyo qof aan tababbar u haysan.
Marka aan dhex mushaaxayo saxaafadda bulshada waxaan mar kasta
arkaa dad ayaga oo aan ugu talo gelin haddana sharraxaad ka bixinaya
aqoontooda, khibraddooda, fahamkooda iyo akhlaaqdooda. Dad ogaal la'aan is
fasiraya ayaan arkaa.
No comments:
Post a Comment