Waa sawir laga qaaday fadhigii maanta |
Maanta ayuu Hague ka furmay dhegeysiga
diidmo ay Kenya ka keentay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda
Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ.
Kenya waxaa ay qabtaa in aan Maxkaddu gelin
dacwadda iyada oo ku adkeysaneysa in Soomaaliya iyo Kenya ay Is-Afgarad kala
saxiixdeen 2009. Kaas oo labada dal ay ku heshiyyeen, sida ay Kenya u dhigeyso
in wadahadal ay xalliyaan dhammaan aagagga ay labada dhinac ku muransan yihiin.
Sidaa darteed Kenya waxay qabtaa in
Soomaaliya ay xushmeyso oo ay u hoggaansanaato waxa uu qorayo Is-Afgarad ay la
saxiixatay Kenya 2009.
Kenya waxaa ay Soomaaliya ku eedeysay in ay qaadatay Istaraateejiyad ay ku diideyso Is-Afgaradka uu Wasiirkeedu saxiixay. Waxayna sheegtay in diidmada marba weji loo yeelay. Mar la yiri Wasiirku ma haysan oggolaasho, taas oo beenowday markii ay soo baxday warqaddii loogu fasaxy in uu saxiixo. Mar la yiri Baarlamaanka ayaa diiday laakiin Kenya waxay sheegtay in ay hayso kelmad kasta oo ah dooddii Baarlamaanka ka dhacday kuna jirin wax sheegaya Is-Afgaradku in uu khaladan yahay.

Kenya waxay dooddeeda u sameysay hordhac
qurux badan oo muujinaya sida ay Kenya o saacidday Dowladda Soomaaliya iyo
shacabka Soomaaliyeed. Tusaale waxay Kenya u soo qaadatay soo dhoweynta
qaxootiga, marti-gelinta shirkii lagu dhisay Dowladda Soomaaliya 2004, marti
gelinta Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya ilaa ay aakhirkii u suurta
gashay in ay si qeyb qeyb ah ugu guuraan Soomaaliya. Kenya waxaa kale oo ay
sheegtay in ay wiilasheeda iyo gabdhaheeda ciidanka ay u dirtay Soomaaliya si
ay uga qeyb qaataan nabadeynta dalka, howlgalkaas oo ay ciidan badani uga
dhinteen.
Arrimahaas oo dhan ayaa muujinaya ayay
yiraahdeen in aanay suurta-gal ka ahayn Kenya in ay bad Soomaliya leedahay ay
boobto.
Kenya waxaa wafdigeeda hoggaaminaya Garyaqaanka
Guud, Githu Muigai.Madam Rose Makena Muchiri, oo ah Danjiraha Kenya u fadhiya
magaalada Hague, Amos Wako oo xubin ka ah Aqalka Sare ee Kenya horna u ahaan jiray Garyaqaanka Guud, mas’uuliyiin kale iyo Qareenno caalami ah oou dhashay
Mareykan, British iyo Faransiis.
Berrito
ayay Maxkamaddu dhegeysan doontaa jawaabta Soomaaliya.
No comments:
Post a Comment