Total Pageviews

Thursday, 22 September 2016

Weedha ugu dambeysa diidmada Kenya ee Hague

Shalay ayay Maxkamadda Hague ee Caddaaladdu billowday wareegga labaad ee dhegeysiga diidmada hordhaca ah ee Kenya ee kiiska ay Soomaaliya soo oogtay ee ka dhanka ah Kenya. Kiisku wuxuu ku saabsan soohdinta Badweynta India ee labada dal.

Xusuusin in wareegga koowaad ee dhegeysiga diidmadu uu ahaa Kenya Isniintii, Soomaaliyana Talaadadii. Shalay waxaa la galay wareeggii labaad oo dal waliba mar hadlayo ahna kelmaddeeda ugu dambeeysa. Kenya ayaa ku horreysay.

Payam Akhavan

Prof. Akhavan (Midig)
Oo u dooday Kenya wuxuu ka dabaqaatay soo jeedinta Qareennada Soomaaliya ee maalintii Talaadada. 

Qareennada Soomaaliya wax badan ayay ka hadleen ayuu yiri, laakiin waxay ka meermeereen in ay ka jawaabaan su’aasha ugu muhiimsan ee Maxkamadda hortaalla.  Is-Af-Garadka (MoU) ay Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen 2009 macno ma xambaarsan yahay mise maya?

Si macnaha MoU-da loo fahmo, khasab ma ahan ayuu yiri in lagu takhususo Qaanuunka Heshiisyada.

Wuxuu si gooniya u daba galay Prof. Pellet oo Talaadadii u dooday Soomaaliya. Wuxuu ku tilmaamay in uu doonayo in macnaha MoU-du ay leedahay uu keliya ku soo koobo cinwaankeeda. 

Doodda Pellet haddii la raaco waxay u dhigantaa, ayuu yiri, in MoU-da cinwaanka uun laga soo qaato inta kalena la tirtiro. Taas oo noqoneysa in loogu talo galay keliya in Soomaaliya iyo Kenya ay midba midka kale u oggolaado in uu guddiga Qarammada Midoobay ee CLCS u gudbiyo soohdintiisa.

Akhavan wuxuu is weydiiyay, haddii ay ujeeddadu MoU ahayd keliya soohdimo u gudbinta CLCS, maxaa keenay in lagu daro Paragraph ku saabsan khilaaf xallinta? 

Isaga oo isu jawaabaya wuxuu yiri, waa in loogu talo galay waxa ay tahay oo ah in iyada loo raaco xallinta khilaafka. Taas oo ay Soomaaliya diiddan tahay.

Macnaha dhabta ah ee MoU 2009 wuxuu ku sheegay Akhavan in saddex ujeeddo laga lahaa. Midda kowaad waa ujeeddada ay Soomaaliya oggoshahay oo ah in CLCS loo gudbiyo soohdimaha. Ujeeddada labaad waa CLCS soo jeedinteeda. Ujeeddada saddexaadna waa xallinta khilaafka.

2033
Talaadadii ayaa Prof. Pellet oo Soomaaliya u doodayay wuxuu sheegay in doodda Kenya ee ah in laga warsugo soojeedinta guddiga CLCS sida ku cad MoU, ka dibna la wadahadlo ay tahay wax aan caqli gal ahayn.

Wuxuu xusay in kiisasani uu CLCS uga jiro nambarka 53. Isla markaasna uu guddigu CLCS sannad kasta ka talo-bixiyo qiyaastii 3 kiis, taas oo markaa ka dhigeysa in kiiska labadan dal uu Guddigu ka talo bixin doono 2033. Markaa ma ahan in la sugo 2033 si wadahadal loo galo.

Isaga oo u jawaabaya Prof Pellet ayaa Akhavan wuxuu yiri, wuxuu professor-ku iska indha tirayaa in dib loogu celiyay 16 dal kiisaska ay u gudbiyeen CLCS. Tiradaasi waa dhammaan kiisaska yaalla CLCS ku dhowaad barkood. Waxaa kale oo jirta ayuu yiri in Guddiga CLCS uu hadda shaqeeyo 21 ilaa 26 usbuuc sannad kasta. Taasna wuxuu ku tilmaamay in ay howsha de-dejineyso. Tusaale ahaan Kenya waxay ku qornayd in kiiskeeda la eego 2022 laakiin, ayuu yiri, waxay ku soo beegantay 2014.


Prof. Githu Muigai 

(Bidix) Axmed C. Daahir iyo Prof. Muigai
Garyaqaanka Kenya oo soo gunaanaday doodda Kenya wuxuu sheegay in Kenya ay aqoonsan tahay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ iyo awooddeeda.  Kenya aanay ka soo horjeedin Maxkamadda, colaadna u qabin haba yaraatee.

Waxaa kale oo uu sheegay in Kenya aanay dooneyn in khilaafani uu abid iska jiitamo ee ay doorbideyso in xal laga gaaro.

Khilaafka soohdinta Baddu wuxuu ku soo beegmay, ayuu yiri, xilli siyaasad ahaan xasaasi ah. Soomaaliya mar dhow uun ayay billowday in ay ka soo baxdo muddo dheer oo ay ku jirtay xasillooni darro ay sabab u ahaayeen dagaal sokeeye, masiibo aadminnimo iyo xaalad arga-gixiso oo baahsan. Haddana ma laha Soomaaliya awood ay bad wax uga qabato.

Kenya waxay walaac weyn ka qabtaa amniga badda gobolka. Arga-gixisada al Shabaab oo howlgalleeda badda uga faa’iideysataa waxay weli khatar ku tahay Kenya iyo waddammada Gobolka. Ciidan badan ayaa Kenya uga dhintay la dagaallanka al Shabaab. Boqollaal rayid ahna al Shabaab ayaa ku dishay Kenya, ayuu yiri.

Wuxuu raaciyay in Calaamadeynta soohdinta badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ay tahay mid u baahan wada xaajood xasaasi ah oo laba-geesood ah. Wadahadalkaasi ma ahan in uu eego keliya qaanuun uun ee waa in uu xeeriyo walaaca dhabta ah ee muuqda ee xagga amni iyo kan siyaasadeed ee ay Kenya qabto.

Markii ay Soomaaliya ka soo baxday xilligii Ku-Meel-Gaarka ahaa ee aan cagaha xooggan ku taagnayn ayaan la furnay wadahadal heer farsamo ah sannadkii 2014. Waxaa wadahadalkaas dhicisiiyay Soomaaliya oo dacwadda u soo gudbisay Maxkamaddan.

Kenya wuxuu sheegay in ay iskeed u joojisay howlihii kheyraad baaritaanka ay ka wadday aag badeedka ay Soomaaliya iyo Kenya ku muransan yihiin.

Intaa ka dib, Garyaqaanka Kenya, Githu Muigai wuxuu Guddoomiyaha Maxkamadda iyo xubnaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda uu u soo jeediyay codsi ay Kenya qabto:

Jamhruiyadda Kenya waxay si sharaf leh ay Maxkamaddu uga codsaneysaa in ay ku dhawaaqdo in kiiska Soomaaliya ay soo gudbisay ee Kenya ka dhanka ah uu yahay mid aan Maxkamaddaan khuseyn, aanay aqbaleyn oo uu yahay waxba-kama-jiraan.

Berrito oo Jimca ah ayay Soomaaliya bixineysaa jawaabteeda kama dambeysta ah.