Total Pageviews

Tuesday 13 September 2016

IGAD Maxaa Xiga?

Shirmadaxeedka IGAD waxaa uu ku dhammaaday nabadgelyo iyo sidii loogu talo galay. Marka hore waan u hambalyeynayaa laamaha dowladda iyo shacabka qabanqaabadiisa iyo qabashadiisa ka qeyb qaatay sida maamulka iyo shaqaalaha Hotel Peace oo shirku ka dhacay.


Shir-Madaxeedka qodobbada ka soo baxay kan ugu horreeya waxaa uu mar kale qiray xushmadda ay dalalka Xubnaha ka ah IGAD u hayaan xornimada, wadajirka soohdimeed, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Jamaal Maxamed Xasan, oo shirka qabsoomiddiisa qeyb weyn ka ahaa wuxuu ii sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis laba geesood ah ay gaareen.

Waxay ku heshiiyeen qodobbo ay ka mid yihiin in qaadka la fasaxo laga billaabo berrito. In muddo saddex bilood gudahood ah la joojiyo Baaritaanka Wajeer ee duullimaadyada ka yimaada Soomaaliya una socda Kenya. In sidoo kale saddex bilood gudahood uu Bankiga Ganacsiga ee Kenya uu xafiis ka furto Muqdisho si ganacsiga labada dhinac loo sahlo. Waxaa kale oo uu Dajniruhu uu ii sheegay in labada dhinac ay furi doonaan wadahadal ku saabsan visa-da ama dal-ku-galka Kenya.

Waa dhab in dadweynaha Muqdisho noloshoodii laga qasay dhowr maalmood. Waa dhab in ganacsiga, waxbarashada iyo damaashaadkii Ciiddu ay noqon waayeen sida ay dad badani u qorsheysteen. Waana laga yaabaa in sida la doono loo Ciidi karay, shirkana nabad lagu marti-gelin karay. Waxaas oo dhan waa wax aan Soomaali ahaan dhexdeenna iska weydiin karno iskuna qabsan karno.

Waxayse ila tahay in maanta Madaxweynayaasha dalalka Gobolkani ay ku shiraan caasimaddeennu in ay tahay wax qof kasta oo Soomaali ah uu ku farxo. In go'aammada ka soo baxay iyo heshiisyada reed socda ay yihiin kuwo u dan ah Soomaaliya. In ay tahay astaan muuqata oo na taabsiineysa in meeshii aan ka nimid meel ka wanaagsan aan mareyno. Heer ka sii wanaagsanna aan higsan karno.


Waa tallaabo horumar ah. Mase aha in aan intaas ku qanacno. Hankeennu ha ka sarreeyo marti-gelinta shir-madaxeedka IGAD. Waa in aan higsannaa waxyaabo ka waaweyn.

Dib-u-milicsi
Ma aha markii noogu horreysay oo ay Madaxweynayaal ku shiraan Soomaaliya.  Horraantii toddobaatameeyadii waxaa noo suurta gashay in aan marti-gelinno Shirka Madaxweynayaasha Afrika oo dhan. Guryaha dhan ee loo yaqaan African Village ee Degmada Hodon waxaa loo dhisay in maalmaha kooban ee uu shirku socdo ay degaan u ahaadaan wufuuddii la socotay Hoggaamiyayaasha Afrika. Halka Madaxweynayaasha la dejiyay Hoteello iyo aqallo kale oo ay Dowladdu leedahay.

Amniga bad, berri iyo cirba waxaa hayay Xoogga Dalka iyo Ciidanka Booliiska. Nabadsugiddu wey shaqeyneysay laakiin wey cusbayd, umana howlgeli jirin tabta ay maanta tahay.


Waa in aan maanka ku hayno in dalka aan deriska nahay ee Ethiopia uu sannad kasta ugu yaraan hal mar, waa bisha January ee sannad kasta, uu marti-geliyo shir madaxeedka dhowr iyo kontanka Madaxweyne ee qaaraddeenna iyo Madax kale oo shrka u taga howlo diplomaasiyadeed. 

Shirka labaad ee sannad kasta ay yeeshaan Madaxweynayaasha Afrika wuxuu dhacaa bartamaha sannadka. Waxaa marti-gelintiisa u kaltama caasimadaha Dowladaha Qaaraddan Afrika. Waxa aan is weydiinayo waa goorma ayaan dhowr iyo konton Madaxweyne ku soo dhoweyn doonnaa Soomaaliya?

Fadlan aragtidaada ama jawaab isla boggan xaggiisa hoose ku reeb.

No comments:

Post a Comment