Maanta waxaa la soo gebagebeeyay dhegeysiga Diidmada Hordhaca ah ee
Kenya ay uga soo horjeeddu furitaanka Dacwadda Kenya ka dhanka ah ee ay
Soomaaliya u soo gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaaladan
Hague.
Soomaaliya ayaa maanta bixisay jawaabteeda kama dambeysta ah. Waxaa
hadlay saddex qareen oo hadalladoodu ay is kaabayeen iyo Dr. Mona Sharmaan oo
soo gunaanadday codsiga Soomaaliya ay u soo jeedineyso Maxkamadda.
Qareennada Soomaaliya
Waxaa hadalka furay Prof. Pellet asaga oo ka jawaabaya Qareennada
Kenya sida ay u fasireen MoU caanka noqotay ee 2009 ay kala saxiixdeen
Soomaaliya iyo Kenya.
Prof. Pellet wuxuu ku tilmaamay in qareennada Kenya ay MoU 2009 ka
yeersiinayaan wax aan ku qorneyn. Waana xadgudub ay Maxkamadda ku sameyneyaan,
ayuu yiri, in ay isku dayaan in qoraal hor yaalla uga sheegaan wax aan ku
qornayn.
Waxaa xigay Paul Reichler oo qareennada Kenya hadalkooda marka la
qoray sadarrada inta u dhexeysa aad u akhriyay. Wuxuu hadallada Qareennada
Kenya ka baadi goobay, ka soo saaray, Maxkamaddana la wadaagay waxyaabo iska
hor imaanaya. Dhowr tusaale ayuu soo qaatay.
Waxaa kale oo uu soo sheegay hadalladii uu isagu Maxkamadda ka
jeediyay wareeggii koowaad in ay Qareennada Kenya hadda aqbaleen ama ugu yaraan
aanay dood ka hor imaaneysa aanay bixin sidaa darteedna looga
talo geli karo in sidooda ay u aqbaleen.
Wuxuu taxay toban qodob oo qaanuuniyan muhiim ah oo uu sheegay in uu ku
jeediyay jawaabtiisii wareegga koowaad. Taas oo Kenya ay fursad u heysatay in ay
riddiso markii ay sameyneysay soo jeedinteedii wareegga labaad. Mid ka mid ah
tobankaa qodob oo ay diideen ma jiro. Keliya qodob kooban ayay muran geliyeen
isagana wuu ka jawaabay kaas oo qaanuuniyan fasiraaddiisu ay dheer tahay ayaa jiray.
Qodobbada wuxuu ka soo xigtay emaillo, dokumentiyo, fasiraado iyo jawaabo ay xilliyo kala duwan bixiyeen
Norway oo qortay MoU-da, Kenya iyo Soomaaliya. Dhammaantood waxay tilmaamayeen in MoU
2009 ay ku saabsan tahay keliya in labada dal aan midna waxba ka qabin in kan
kale uu Guddiga Qarammada Midoobay ee CLCS u gudbiyo soohdintiisa qalfoofa
qaaradeedka. Tusaaleyaashaas oo dhan meelna ugama xusna ayuu yiri in
ay MoU 2009 ay tahay in iyada loo raaco habka xallinta khilaafka soohdin
badeedda.
Wadahadallada dhex maray labada dal oo Qareennada Kenya ay ku
tilmaameen in ay ahaayeen heer farsamo oo billow ah, wuxuu Paul Reichler
sheegay in aanay xaqiiqadu sidaa ahayn. Wuxuu sheegay in labada Wasiir ee
Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ay ka qeyb galeen isla markaana ay
aragtiyo ka dhiibteen. Dabcan waxaa uu Wasiir waliba u warbixinayay Hoggaamiyaha
ugu sarreeya Dowladdiisa.
Professor Lowe oo Kenya u doodayay, ayaa hadda ka hor Maxkamadda wuxuu u sheegay in ay Soomaaliya
dacwadda ku degdegtay laakiin meel la isugu keeni karay mowqifyada kala duwan
ee labada dal. Wuxuuna sheegay in haddii ay Soomaaliya la noqotay in aan
arrinkaan xal laga gaari karin aanay sidaa ku wargelin Kenya.
Reichler wuxuu yiri Kenya fasiraad kama bixin sababta ay u rumeysan
tahay in xal la gaari karay. Waxa keliya oo Prof Lowe uu soo xigtay, ayuu yiri, dokumenti Dowladda Kenya ay hay’adaheedu isu direen 8 August 2014. Laakiin
waxaa xusuus mudan in xilligaasi ahaa markii la
diyaarinayay kulan la filayay in uu dhaco oo rajo xal la qabay.
Laakiin Kenya waxay ka baaqsatay in ay tagto Muqdisho oo uu ka dhici lahaa shirka xalka lagu goobi lahaa, iyada oo aan weliba fasiraad ka bixin.
Qaabka ay Kenya u dhaqantay iyada oo laga shaqeynayo arrin sidaa
muhiim u ah oo ku saabsan heshiis soohdimeed, waxay muujineysaa in aanay ka
tarjumeyn fasiraaddeeda Paragraph 6 ee MoU 2009 oo ay ku tilmaamayaan in uu
yahay hannaanka loo raacayo xallinta khilaafka soohdinta.
Xataa inta dooddan Maxkamaddu ay socotay fasiraadda ay Kenya ka
bixisay paragraph 6 ee MoU 2009 dhowr jeer ayay is beddeshay iyaga oo marba
fasiraaddoodii ugu dambeysay ka sameynaya dib-u-gurasho xeel dood.
Waxaa xigay Prof Sands oo ku tilmaamay in xataa haddii Kenya loo raaco dooddeeda
ah in MoU 2009 ay Soomaaliya khasab uga dhigeyso in ay wadahadal la gasho
Kenya, ay Soomaaliya shuruuddaa fulisay.
Mona Sharmaan
Mona Sharmaan ayaa soo gunaanadday doodda Soomaaliya. Waxay
kabahiisa gashatay oo ay qirtay hadalka uu yiri Garyaqaanka Kenya. Wuxuu ku
tilmaamay ayay tiri in marka wadahadalka Kenya furmayo ay Soomaaliya markaa uun ay ka soo baxday sannado badan oo
dagaal sokeeya, masiibooyin aadminnimo iyo falal argagixiso oo baahsan. Waa marka
ay Kenya door bidday in ay wadahadal la furto Soomaaliya. Waa dhab ayay tiri. Weliba
Soomaaliya waxay sida ay 2014 ahayd ka sii liidatay, 2009 markii MoU lala saxiixday oo welibana ay Dowladdu ahayd mid cusub. Taas ayaana caddeyneysa in MoU 2009 aanay
xammili karin miisaanka ay Kenya siineyso.
Maxay Soomaaliya u dooni kartay, ayay Maxkamadda weydiisay Mona, in ay
lugaha la gasho xilli aan soohdinteeda la cayimin? Sharci aanay hor geyn
karin si ay kheyraadka ka maqan u hesho iyada oo aan ognahay in Soomaaliya ay aad ugu tiirsan tahay kaalmo shisheeye?
Mona waxaa kale oo ay sheegtay in markii ay Kenya ka baaqsatay in ay
Muqdisho timaaddo si loo qabto shirkii uu codsaday Wasiirkeeda Arrimaha DIbadda
ee uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya uu aqbalay, aanay jirin wax
fasiraad ah oo ay bixisay. Mona waxay intaa ku dartay in Soomaaliya ay u soo
jeedisay Kenya in ay labada wafdi ku kulmaan dalka Djibouti, laakiin Kenya
aanay taa ka soo jawaabin.
Mona waxay xustay in Kenya ay Maxkamadda ka sheegtay in tan iyo 1979
ay ka talineysay badda hadda uu muranku ku jiro. Waxay ku tilmaantay Mona in
aan hadalkaasi ahayn wax khuseeya ama wax ku soo kordhinaya dacwadda ku saabsan
cidda leh badda.
Laakiin sheegashadaas Kenya in ilaa 1979 ay iyadu maamulaneysay badda waxay fasireysaa sababta uu wadahadalku u burburay taas oo ah in Kenya ay
aamminsan tahay in badda lagu muransan yahay ay iyadu leedahay waxna aanay ka
maqnayn.
Haddana hadalka Kenya isaga ayaa is burniya ayay tiri Mona. Waxay
soo qaadatay Prof. Akhavan oo arbacadii sheegay in Ciidanka Badda ee Kenya uu isaga oo qeyb ka ah ciidammada Midowga Afrika uu ilaaliyo baddaas, howshaas oo uu Golaha
Ammaanka ee Qarammada Midoobay u fasaxay.
Mona waxay tiri, haddiiba aan Kenya hadalkeeda run ka soo qaadno,
inkasta oo Soomaaliya aanay sidaa qabin, sow ma ahan in ay badda
ilaalineysay iyada oo ka tirsan ciidammada Midowga Afrika ee aanay ahayn bad ay
iyadu leedahay?
Mar kale waxay xustay Mona sida ay Soomaaliya aad ugu qaddarineyso
xiriirka qotada fog ee kala dhexeeya Kenya. Waxayna sheegty in Kenya walaaca
amni ee ay qabto uu yahay mid Soomaaliya iyo adduunka oo dhami ay la
wadaagaan.
Nafta ay Kenya u hurtay Soomaaliya, sidoo kale Uganda, Djibouti,
Burundi iyo qaar kale ay u hureen Soomaaliya, ma ahan ayay tiri Mona, sabab
Soomaaliya la isaga hortaagi karo xuquuqda qaanuunka caalamiga ah ay ku
leedahay oo uu u oggolaanayo.
Mona waxay soo jeedisay codsiga Soomaaliya ee ugu dambeeya.
Waxay Maxkamadda ICJ ka codsatay in ay diiddo diidmada hordhaca ah ee
Kenya oo ay furto dacwadda Soomaaliya ay soo gudbisay ee ka dhanka ah Kenya.
Usbuucaan
Dhegeysiga dacwaddani wuxuu soo billowday Isniin 19 September 2016.
Halkan ayaad ka akhrisan kartaa qormadeyda ku saabsan soo jeedintii Kenya ee wareegga koowaad.
Waxaa xigtay Talaada oo ay Soomaaliya Qareennadeedu bixyeen jawaab. Halkan ka akhriso:
Jawaabta Koowaad ee Soomaaliya
Arabaca Galab ayuu billowday Wareegga Labaad. Kenya soo jeedinteeda, ka akhriso halkan:
masha allah mudane Yusuf Garaad waad ku mahadsantahay warbixinadaan aadka u muhiimka ah ee aad nal wadaagtay
ReplyDeleteQormo aad leedahay oon qoonsado waligay ma arag bbc ayaan kaa bartay laakiin waxaan aad u jeclahay doodaha wax dhiska ah sida miyirka qabta ee dawladda aad ula hadasho oo haddii aqoonyahan kasta sidaada wax u qori lahaa wax weyn ka baran lahayn horena waan kuula soo xiriiray ee fadlan doodda bisha Nofembar iyadana isku day inaad ummadda u soo sharraxdid mahadsanid walaal
ReplyDelete