Total Pageviews

Wednesday 7 September 2016

Sirdoon isma Sheego


Sergei Roldugin
Waa sheeko dhexmartay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo saaxiibkiis Sergei Roldugin oo ay isla soo koreen.

Putin wuxuu ahaa sarkaal ah Gaashaanle Dhexe oo ka tirsan hey’addii sirta ee Midowga Soofiyeeti, KGB.

Midowga Soofiyeeti wuxuu burburay December 1991. Wuxuu isu beddelay 15 dal oo kala madax bannaan oo uu Ruushku ugu quwad weyn yahay. Sidoo kale KGB waxaa beddelay FSK, taas oo 1995 isu rogtay FSB. Putin ayaa madax ka noqday FSB.

Putin saaxiibkiis ay soo wada koreen, Sergei Roldugin ayaa  intuu malahaa ku wareeray waxa uu Putin ka shaqeeyo, waxaa uu damcay in uu kala sheekeysto. Waxay ahayd intii uu Putin ka tirsanaa KGB.

Waxaan ku iri anigu waxaan ahay muusik yaqaan oo waxaan garaacaa Cello. Muusigga sida loo curiyo ayaan aqaan. Adigu maxaad ka shaqeysaa? Wax muhiim ah miyaad ilaalisaa? Dambiilayaa miyaad dabagashaa? Shaqadaadu waa maxay?

Putin wuxuu ku jawaabay Maya. Waxaas anigu shaqo kuma lihi. Waxaan ahay, ayuu yiri, khabiir dadka ku takhasusay. Dabeecaddooda iyo dhaqankooda ayaan darsaa.

Putin markii uu Madaxweyne noqday ayaa nin weriye ahi uu weydiiyay sababta uu sidaa ugula hadlay saaxiibkiis Sergei.

Sergei Roldugin iyo saaxiibkiis Vladimir Putin
Wuxuu ku jawaabay, haddii aad aragto qof sheeganaya in shaqadiisu ay tahay hey’ad sirdoon, ogow qofkaasi wax aan shaqadiisa ahayn ayuu faraha kula jiraa mana ahan in uu hey’addaas sii joogo.

Weriyihii oo su’aalihiisa sii wataa wuxuu yiri, inta aadan guursan, gabadha aad guursan rabtay ma u sheegtay in aad tahay sarkaal KGB?


Wuxuu yiri wakhti badan ma ay ogeyn waxa aan ka shaqeeyo, laakiin markii dambe dabcan waan u sheegay oo waxay dooneysay in ay ogaato qofka ay guursaneysaa waxa uu yahay.

8 comments:

  1. Magaca "Sirdoon" ayaaba ilaa xad qeexaya shakhsiyadda qofka xirfaddaas ku shaqeeya.

    Dhallinyaro ka tirsan saraakiisha hay'addeenna sirdoonka oo ay business card-ka ugu qoran tahay baan maqlayay.

    ReplyDelete
  2. Dabcan sirdoon waxaa xubin muhiim ah shaqadeedo aay tahay in aay soo ogaato xogaha daahson sidoo kale waxeey lee dahay nidaam aay u shaqeeyso lkn waxaa filaa sirdoonka dalka ka jiro in aay san u tawo barneyneyn shaqadooda

    ReplyDelete
  3. sirdoon maaha wax sahlan mana aha wax qofkastaa ka shaqayn karo inaa sirdoon noqotana wax badan ayay u bahan tahay inaa barato oo wax laguso boodo maaha

    ReplyDelete
  4. Sirdon shaqadiisu waa in aad si hoose u ogaato xogaha maldahan rayidka shexdiisa lkn qolada hada noo ah inta waxkle oo ay qariyan iska daysid media-ha ayey kusoo qorayan sirta iyo xogaha ay helaan

    ReplyDelete
  5. Haahey putin nin culus dheh

    ReplyDelete
  6. Xaqiiq, lkn Nasiib xumo maabta sirdoon xumo meesha aan ka gaarnay dadkii nisa ka mid aha ayaa wadooyinka la taagan waxaan ahay sirdoonka soomaaliya nisa xita gabartii cawa wadada isku arkan waxay shukansiga ugu bilaaban magaceygu Waa hibil waxaana u shaqeeya hayada Nisa

    Fg: qofka sirdoonka ah waxa loogu tala galay xitaa in aysan qoyskiisa ogaan waxa uu yahay, mida kale isagana aan laga dareemin qaab ciidan nimo
    Mida kale qofkii hal sir ama xog Ku saabsan barnaamij ama xafiska hayada bixiyo in isagana la dilo qofkii u shegeyna la racsiyo haddii waxa uu isaga sheegay Ay muhiim u aheyd hayada

    ReplyDelete