Total Pageviews

Saturday 22 October 2016

Kulankeygii Koowaad ee Jaalle Siyaad


Annaga oo ah ciyaal dhigta Dugsiga Hoose ayaan galab isugu soo baxnay in aan kubbad cayaarno. Galbo fara badan oo aan banooni cayaarnay ayay ka mid ahayd. Laakiin waa Galab aan weli xusuusteyda ka go’in.

Waa Buulo Burte. Waa Xaafadda Oktoobar. Waa barxad gawaan ah oo ku ag taalla kawaanka.

Annaga oo cayaartu dhexda noo mareyso ayaan aragnay laba baabuur oo yaryar oo FIAT ah oo tartiib isu daba socda meel dhinac nooga beegan laakiin isla barxadda ah. Waa baabuur aynaan magaalada ku aqoon. 

Baabuurta magaalada ugu badan waxaa leh militeriga umana eka kuwan.  Qaar kale waxaa leh booliiska oo LG iyo kuwo sidiisa u waaweyn. Dowladda Hoose iyo Wasaaradaha qaar sida caafimaadka ayaa iyaguna baabuur leh. Baabuur rayid ah oo aan badneyn ayaa jira iyo kuwo Buulo Burte ku xira Xamar iyo Beled Weyne iyo weliba kuwa isaga goosha Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ee woqooyi ka xiga Hiiraan. Kuwaas oo dhan noocyadooda ay yihiin ama laga fili karo ayaan naqaan. Mana soo dhaafaan laamiga weyn ee magaalada dhex mara ee Bari iyo Galbeed u kala qeybiya. Labadan baabuur waa kuwo waxaas oo dhan ka duwan.

Banooniga waan joojinnay. Dareenkeenna oo aan qeybsaneyn ayaan siinnay baabuurtan doolka ah. Waxay ku wajahan yihiin gurigayaga oo barxadda dhinac ka saaran. Markii ay derbigiisa ku tageen ayay soo leexdeen oo ay damceen in ay ku laabtaan jihadii ay ka yimaadeen.

Aabbe ma Aha

Qacda hore waxaan mooday Aabbahay. Laakiin aabbahay xilligan ma soo rawaxo. Nooca baabuurtuna waa ay ka duwan yihiin kuwa uu aabbahay ku yimaado ama lagu keeno, haddii aanuu lug ku imaan. Badiyaa baabuur militeri oo Ruushku sameeyay ayuu ku imaan jiray aabbe. Waxaa baabuurtaas ka mid ahaa Jeeb uaz ah iyo kuwo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Gaz, Maz, Triaz iyo baabuur dheereeya oo ay Soomaalidu ula baxday daf iyo miriq.

Labada baabuur ee meesha maraya ee tartiibta u socda ee marba dhinac noo dhaafaya waan ku soo yaacnay. Markii ay na arkeen in aan ku soo ordeyno ayay labadii baabur joogsadeen. Annaga oo aan hakan ayaan foodda la galnay baabuurka hore. Aniga oo dhinaca baabuurta xigay ayaa ugu soo orod horreeyay ciyaalka. Tallaabo ama laba meel u jirta ayaan soo istaagay ciyaalkiina wey ila soo safteen.

Fool-ka-Fool Madaxweynaha

Ninka baabuurka wada ayaa isaga oo dhoollacaddeynaya noo yeeray oo nala hadlay. Anna waan u jawaabay aniga oo markaan labada gacmood ku haysta baabuurka albaabkiisa meesha miraayadaha haddii la dallaco ay ka soo bixi lahaayeen.

Su’aalo fudud ayuu na weydiiyay. Waan uga jawaabnay. Markii uu in yar nala waday sheeko ciyaal ayuu yiri waan baxayaa ee nabadgelyo. Iskuulka ku dadaala ayuu yiri isaga oo gacanta noogu tilmaamaya in aan nabadgalno. Waxaan ku iri maad nala joogtid. Wuxuu igu yiri shaqo ayaa la iga sugayaa oo Xamar ayaan aadayaa. Qaarkeen nabadgelyo ayay ku dheheen qaar kalena waa ay iska aammuseen. 

Xoogaa markii aan sii daba cararnay ka dibna uu naga dheereeyay, ayaan annaguna halkii ka sii wadannay kubbaddayadii.

TV ma jirin. Internet ha sheegin. Wargeysna markaas ma aynaan arki jirin inta badan. Ilaa iyo hadda ma aqaan sida aan wejigiisa ku gartay. Laakiin waan ogaa ninka baabuurka wadaa in uu yahay Madaxweynaha dalka. 

Hadda markii aan dib u fekeray waxaan is iri malaa waa wakhtigii uu u ekaa sawirka tukaammada iyo xafiisyada suran.

Dhar ciidan muu gashaneyn ragga la socdayna dhar ciidan ma wadan. Ma xusuusto in aan qori arkay. Waan hubaa baabuurka uu isagu isteerinka u hayay qofna kama soo degin. Ma hubo in kan labaad oo daba taagnaa laga soo degey.

Ilaa iyo hadda ma ogi sababta uu Goddoomiyaha Goboolka ama kan Degmadu aanuu ula socon Madaxweynaha. Sidoo kale militerigii xoogga lahaa ee magaalada degganaa Taliyahoodu lama socon.

Xuseen Kulmiye Afrax

Ma hubo labada booqasho midda horreeysay. Laakiin Kawaanka Oktoobar dhismihiisu markii uu dhammaaday waxaan isagana maalin ku arkay Xuseen Kulmiye Afrax. Madaxda Degmada ayaa u warbixineysay. Dharka booliiska ayuu ku lebbisnaa. Isaga ma aanan garan, laakiin shaki iigama jirin in uu yahay Madax Sare. Waxaan u fiirsaday garaaddihiisu waxa uu ka kooban yahay iyo sida uu u eg yahay. Garaadduhu wuxuu soo jiitay indhahayga maaddaama aanan mid la nooc ah ku arag ciidanka faraha badan ee magaalada jooga.

Aabbahay markii uu shaqada ka soo rawaxay ayaan u sheegay ninka yimid xaafaddeenna markaasna waxaan u sawiray garaaddaha uu lebbisnaa sida uu u ekaa. Aabbahay ayaa ii sheegay ninka uu ahaa.

Berigaas ma aanan ogeyn in nimankaasi iyaga oo weli dalka Madax ka ah aan dhammaysan doono waxbarasho ilaa heer Jaamacdeed. Ma ogeyn in aan labadaba wareysan doono. Ma ogeyn in aan safar u raaci doono. Ma ogeyn in aniga oo weriye ah aan soo dhex istaagi doono Golaha Wasiirrada dalka oo ay labaduba fadhiyaan.

Mana ogeyn in aan amni darro darteed dalka uga tegi doono iyaga oo weli Madax ka ah. 

Dhammaantood Allah ha u naxariisto.

30 comments:

  1. haa ana gadaashaa kawaankaa waxbadan kubad kuciyaaray lkn nasiib umahelin in maalin kulano madaxweyne siyad bare

    ReplyDelete
  2. Maz,Triaz, daf iyo miriq, iyo Uaz dhallinyarada hadda joogtaa waxba ka garan mayaan kkkkk dhamaantood waa baabuur Midowgii Soofiyeeti samayn jiray oo ciidankii Xoogga Dalka ee Soomaaliya ay isticmaali jireen.

    ReplyDelete
  3. Yuusuf garaad waayo
    Ayaad soo joogtay
    Lkn aragti Ayaad lahayd waana ta sababtay in aad noqoto wariye heer caalami ah

    ReplyDelete
  4. Ninyahoo waaayo baad soo joogtay

    ReplyDelete
  5. Waqti iyo nasiib haday ku saacidayaan waa kasaa waxaa soo qaadatay waqti fcn malaha intaa wax baranaysay xabad ma maqal������������

    ReplyDelete
  6. Waan hubaa ina dad bdn kuqanacsanayen dowlda halaka kuwa kale dhib bdn u arkayeen ilaah dowlad wanagsan hana siiyo koley waxan kudhalanay burbur waxan kuhanaqaadnay burbur waxan deris lanahan madax danahoda miyee an waxkale kaba fekerin

    ReplyDelete
  7. Waa qiso aaan inaba caadi aheyn mudane markii laleyahy ardayda maanta waa madaxda berri waa xaqiiq runtii lkn qisadaas malawadagtay markii aad wariyaha noqoty siyad barre mase Janis umadan hellin mashallah mudane waa arin aaan lafileyn

    ReplyDelete
  8. Wallahi waa taariikh dheer

    Allah unaxriisto dhamaantood

    ReplyDelete
  9. Wallahi waa taariikh dheer

    Allah unaxriisto dhamaantood

    ReplyDelete
  10. Mansha allah waa taariikh waayo aragnimo xasuus mudan allah cimriga ha kuu dheereeryo mudane

    ReplyDelete
  11. Yusuf Garad runtii waxaa tahay nin waayo iyo Waqti badan soo joogay
    rabi cimrigaada ha raajiyee aad baan qisaaska aad ka qorta waayahaadii waxbarasho iyo shaqaba ugu helaa taasne waxey tusaale buuxa u noqon kartaa marka la dhahaayo "ardayda maanta waa madaxd biri"

    ReplyDelete
  12. Adeer yuusuf mahadsanid waxaa tahay shaqsi taariikh badan hayo waxaan kaa codsan lahaa in aad buug inoo qorto si aan wax badan uga faaiidno.

    ReplyDelete
  13. Waayo badan ayad uso joogtay yusufow

    ReplyDelete
  14. Runtii waa sheeko xiiso leh oo dareenkayga soo jiidatay. Mahadsanid Ustaad Yusuf Garaad.

    ReplyDelete
  15. Daf iyo miriq wa ii hada magacaas.

    ReplyDelete
  16. Allaha unaxariisto dhamaantood balaayo ayaa kadanbaysay aan wadaniyad lahayn

    ReplyDelete
  17. Waqti waad sooo joogtay yuusuf

    ReplyDelete
  18. waaayo bdn ayaad usoo joogtay dalkaan oo nabad ah iyo asagooo sida hada yahay aad madax ugu noqotay

    ReplyDelete
  19. Marka koobaad mahadsanid marka waxaad tahay qof nasiib uyeeshay wadankiisa System dawladeed jiro wax kusoo baratay marka waxaad ogaataa dadka ka fiicneyn lkn dawladaadii kusiisay fursad waxbarasho
    Marka waxaan soo jeedin laha inaad dadkaaga soomaaliyeed ee qabyaaladu dilootay aan usameyso wacyi galin Because waxaad usoo joogtay dawladnimadu qiimahay leedahay mahadsanid masuul

    ReplyDelete
  20. Aad iyo àad mudane. Waxbaan kaakororsanay

    ReplyDelete
  21. Asc asxabta ku xiiran balogga
    2016 aan ku aqriye dalka koonfur afrika iyo 2020 oo April 14 aan ku aqrinayo dalka hooyo
    Wan kaga mahadnaqa Siida Wacan aad Nola wadagtaay shekadaan quruxda badan oo aad waqti siisay,
    INaad marba wax ka qorto Marne aad wax ka tirtirto sii aaad wax uu saxdo aad bulshada sida garga ah kugu xiran uu hesho qof adiga oo kale war ee qoran

    Sual sidan ah
    Yusuf qorshaha makugu jirta inaad book qorto mise hore waa uu qortaay book,

    ReplyDelete
  22. MashAllah runtii waa taariikh aniga ii ah barasho dalkayga ,qoraal qorista,Allah haku xafido,barajeyo.

    Yusuf Grad,aniga waxaa iigu horeesay inaa shaqo u tago Bulloburte 2019 anigoo joogay mudo 25 bari kana shaqeeyay dhammaan xaafadaha Bullorburte oo ay ku jirto xaafadada saraakiisha.

    Safarkayga shaqo waxuuu aad iga duwan yahay noloshaadii Bulloburte.


    1. Waxaa ku tagay diyaarad Mogadishu -Baladweyne to Bulloburte.
    2. Magaalada waxaa ku hareereysan shabaab oo qatar amni hawada u furan.
    3.Magaalada waxaa jooga Amisom.
    4.Waxaa safarka fiyaarada isla raacnay 30 Police kii ugu horeeyay burburkii ka dib.
    5.Waxaan aad u jeclaystay xaafadaha dhan bullo burte waana magaalo.ku fiican Cimi baarid maadaama dhaqada aan u tagay ahay Sahan tirikoob.
    6. Dhammaan jidka wadada magaalada waa xiranatahay madaama magaalada kaliya hawada u furan tahay.
    7. Magaalada kama jiro isticmaalka shilin Somali kaliya waxaa wax algu kala gataaa Mobile Mobey transfer.
    8.Maalin kadta isgaarsiinta waxee baxdaa labo mar sababo sugid amni goroonka taa oo kalifta in gabi ahaan Al baanada la isku dhifto ganacsiga.

    Dafwrynaha way la qabsadayn markaad maqaayad wax ka cunaysid la yaab malaheh in qasnajiga naadiyo tuura lacagta adigooo cuntada cunaya ama laguu kaynin sabab tagida isgaarsiinta.

    Mahadsanid walalkey Amb.Yusuf Grad Omar������

    ReplyDelete
  23. Waqti aaad qurux badan waa soo qadatay

    ReplyDelete
  24. Dhacdoyinkan oo kale Waligood Xasuusta kana tirmaan.
    Waxaan hubbaa inaad soo aragtay waqti wadanka uu nabdoonaa .
    In madaxweynaha dalka isagoo gaari wato Ciidama la socon Barxadada ciyaarta kuugu salaama waxaay ahayd, Nasiib aysan helin dhalinyara badan oo kaa dambeysay ilaaa maanta

    ReplyDelete
  25. Mudane malaga yaaba inaad buug ka qortid siyaasada soomaaliya shalay iyo maanta

    ReplyDelete
  26. Xiliga an qoralkan akhriyey Baahi ayan u qabay qoral nocan ah , Weliba wan u qaba Ogaanshaha Bolosha Halyeeyadi Somaliyed siday ahayd ..
    Mahadsanid Yusuf

    ReplyDelete
  27. Qoraaal diyaarsan iga dheh dabcan wax madax wayne ah lama kulmin ilaa hadda nasiibkaagu waa mid fican mudand 22 ayaan jiraa walina gacan madax wayne ma salaamin.

    ReplyDelete
  28. Hdlkagi wax ku jirey siyaad inuu uu isaga baburka watey cidan saasna uu wadan marka aad u tagteene cabaar idin shekeeye waa arin kagu farxo 19 jir aan waligiis madaxweyna salaamin iska dhaaf inuu tuloyinka ku wareege madaxtoyda io garoonka u dhaxeyeen kuwa hdaa jira wana rajeyna in aad wax ka badeli doonto madama aad thy nin waya arag ah oo hdan muqdsho ku dhexlugeeso io safar gobalda ah wana kugu hambalyeyna wana ifafaaalo fcn alle waxan ka baryeyna in uu dalko nabadi inoo soo celsho

    ReplyDelete
  29. Qormoyinkagana aad ayay ii cajab geliyeen sababyo ah waxaan nhy dhalinyarada manta usoo baxeeso dalka una bahan in ay wax badan ka ogaato waxaan jeclaan laha in aad inoo soo badiso 🙏

    ReplyDelete