Total Pageviews

Friday 21 October 2016

Kacaanka Nooli Keyd ha Reebo

Dunidu caddaan iyo madow keliya ma aha ee midabbo badan oo kale ayaa u dhexeeya. Qof kasta oo xil qabtayna xumaan ama samaan ayuu yeelan karaa, ama labadaba wuu wada yeelan karaa xilliyo kala duwan amaba isku mar.

Maanta waa 21-ka Oktoobar. Waa maalintii 1969 saraakiil ciidan ahi ay xoog kula wareegeen siyaasadda dalka Soomaaliya. Waxay isku magacaabeen Dowlad Kacaan ah.

Wax badan oo khaladdaad iyo dembiyo culus ah ayuu galay Kacaanku. Khaladka ugu weyni malahayga waxa uu ahaa kii ugu horreeyay oo ah in Baarlamaan shacabku doortay la qabqabto, anshaxa ciidanka lagu xad gudbo oo xooggii in dalka lagu daafaco loogu aamminay lagula wareego awoodda siyaasadda. Dembiga ugu weynina waa naf Aadane in la gooyo weliba si xaq darro ah.

Dabcan dooddoodu waxay tahay in ciidanka loogu talo galay in uu dalka ka badbaadiyo khatar nooc kasta oo ay tahay.

Dhanka kale, Kacaanku wuxuu dalka ka hirgeliyay mashaariic horumarineed oo badan.

Jeclow ama nac, Kacaanku wuxuu go'aan ka gaaray arrimo badan oo aayaha dadkeenna iyo dalkeenna saameyn fog ku yeeshay. Warka laga hayaana wuxuu u badan yahay war aan qofka sheegayaa aanuu u hayn wax daliil ah oo uu ku caddeyn karo. Weliba wararka qaar laga hayo kacaanku wey is khilaafsan yihiin. Qaarkoodna waxaa la hubaa in ay been yihiin loogu talo galay in dad lagu kiciyo, niyadda loogu dhiso, lagu beri yeelo shakhsi ama qof loogu abuuro godob aan sal lahayn.

In badan oo ka mid ah Howlwadeennadii Kacaanka iyo weliba qaar ka mid ah saraakiishii awoodda la wareegay ayaa maanta nool.

Waxaan ka codsanayaa kuna dhiirri gelinayaa in ay ummadda Soomaaliyeed u reebaan taariikh run ah oo qoran. Qoraalku haddii uu cuslaado waxaa ka sahlan raadreeb maqal iyo muuqaal ah. Iyadana waxaa ka sahlan kana jaban markhaati cod keliya ah.

Xataa qofka qoraalku uu ku culus yahay waxaa suurta gal ah in gacan laga siiyo haddii uu xog muhiim ah hayo.


Waxaan hubaa in keydka dalka oo intiisa badan uu raacay buburkiiin ay aad u soo kabi lahayd rallaabadani. Waxaa laga yaabaa in shakhsiyaad khalad laga fahamsan yahay laga qanci lahaa marka kaalintooda dhabta ah la ogaado.

Qoraalku wuxuu ahaan karaa mid dheer oo buug ah ama qormooyin taxane ah. Wuxuu noqon karaa mid hal qormo ama dhowr qormo ah. Wuxuu ahaan karaa silsilad dhacdooyinku sida ay isu daba yaalleen ah wuxuuna ahaan karaa mid ku kooban hal dhacdo ama xataa qeyb yar oo hal dhacdo ka mid ah ayaad ifin kartaa. Qoraallada iyo sheekooyinku iyaga ayaa is kaamili doona. Ayaga ayaana dhalin doona ra'yi ah xogta daba gal iyo dhammaystir u baahan.

Waxaan aqaan howlwadeenno hore oo raba in ay wax qoraan, laakiin is leh xilligeedii lama gaarin. Ogow, runta xilligeedu waa hadda iyo had kasta. Ogow, mustaqbalka aad hubtaa waa maanta.

Madaxda qortay waxa ay goob joog u ahaayeen iyo wax kale oo ay baaritaan markhaati leh ku heleen aad ayaan u bogaadinayaa. Waxaan Allah uga baryayaa wakhriga, maskaxda iyo hantida ay geliyeen in ay ku kabaan garaadkeenna taariikheed in Ilaaheey uu saddaqo uga dhigo.

1 comment:

  1. In wax la qoro Oo
    Dadka iyo dalka xog looga tago
    Waa arin aad u wanaag san
    Lkn nasiib daro hogaamiye yaasha
    Somalidu intoda badani wax ba ma
    Qoraan

    ReplyDelete