Total Pageviews

Friday 28 October 2016

Jengeli iyo Masalle

Xukuumadda Soomaaliya ee uu Wasiirka Koowaad ka ahaa Maxamed Cali Samatar ayaa la kala diray.

Waxaa xigay wax aad mooddo olole ka dhan ah Samatar iyo Xukuumadda oo dhan. Shirar ayaa hey’ado badan lagu qabtay, oo saxaafadda la geeyay, oo Xukuumadda dhacday laga cawday ama lagu eedeeyay dhaliilo waaweyn oo ay ugu yar tahay karti darro.

Mas’uuliyiin Xisbiga ah ayaa ka hadlay munaasabadaha qaarkood.

Xukuumad marka la dhisayo, Xafiiska Madaxweynaha ayaa magacaaba inta bandanna waxaa ku dhawaaqa Radio Muqdisho.

Liiska Golaha Wasiirrada waxaa loo soo dhiibaa weriyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, isaguna inta uu Madaxda iyo weriyayaashaba ka qariyo oo uu isku soo beego xilliga warka ayuu idaacadda ka akhrin jiray.

Wasiirrada qaar xilka laga qaaday iyaga iyo dadweynuhu isku mar ayay idaacadda ka dhegeysan jireen. Sidoo kale, waxaa jiray Wasiirro in Wasaarad kale la geeyay ka ogaada Raadiyaha. Waxaa iyagana badnaa Xubno in ay Wasiir noqdeen ka maqlay idaacadda.

Inta badan waxaa lagu dhawaaqi jiray warka 02:15 ee xilliga qadada ka dambeeya ama warka aroorta hore ee 06:30 oo mar labaad lagu celin jiray 07:50 ama 08:00 oo toban daqiiqo dhimman.

Maalin ayaa Axmed Xasan Cawke oo markaa ahaa weriyaha khaaska ah ee Madaxweynuhu uu yimid Radio Muqdisho. Markii la rawaxayay oo abbaaraha 1:30-ka ah ayuu ku haray idaacadda. Intii markaas joogtay waxay iska qiyaaseen in maanta uu ku dhawaaqi doono Xukuumad cusub.

Laakiin marnaba dadka umuu sii sheegin Wasiirrada xilkooda waayay, kuwa lagu daray Golaha oo ku cusub Dowladda iyo kuwa loo wareejiyay Wasaarad kale?

Markii wakhtigu warku uu soo dhowaaday ayuu Cawke u daaddegay dhinaca Istuudiyaasha.

Laakiin waxaa SONNA ku haray weriyihii akhrin lahaa warka oo maalintaas ahaa Maxamed Axmed Xaaji oo lagu naaneeyso Cag-ma-dhige.

Telefoon Daqiiqadda u dambeysa


Labadii duhurnimo ayaa waxaa soo dhacay telefoonka SONNA. Wuxuu ka yimid Madaxtooyada. Waxaa la raadinayaa Cawke.

Waxaa loogu jawaabay Cawke ma joogo. Wuxuu codkii telefoonka ka soo baxayay uu ku adkeystay in Cawke uu joogo oo loo yeero. Laakiin agagaarka SONNA iyo Xafiiska Wararka Radio Muqdisho oo deris ahaa waa laga waayay Cawke. Daqiiqaduhu waa ay is gurayaan.

Markii dambe telefoonku wuxuu weydiistay weriyaha warka akhrinaya haddii uu joogo in loo dhiibo.

Cag-ma-dhige markii loo dhiibay waxaa la hadlay Madaxweyne Maxamed Siyaad. 

Adeer see tahay? Ayuu war uga billaabay. 

Cag-ma-dhige wuxuu ku jawaabay adeer waan fiican ahay.

Warka ma adigaa akhrinaya maanta? 

Haa.

Qalin ma haysataa? 

Haa. 

Golaha Wasiirrada liiskooda ayaan u soo dhiibay Cawke. Waxaan doonayaa in aad is weydaariso laba ka mid ah. Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Jaamac Jengeli ayaa ku qoran. Wasiirka Arrimaha Dibadduna waa Cabdulqaadir Xaaji Maxamed, sida liiska aan soo dhiibay ku qoran.
Ma taqaan labada nin? 

Haa, waan aqaan. 


Waxaan doonayaa in la is weydaariyo. 

Qor. Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaad ku qoreysaa Cabdulqaadir Xaaji Maxamed. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda waxaad ka dhigtaa Axmed Jaamac Jengeli.

Sidaa ha looga sheego idaacadda.

Cag-ma-dhige wuxuu tegey Istuudiyaha iyada oo in ka yar 5 daqiiqo ay ka harsan tahay Warka. Halkaas ayay Cawke isku arkeen. Wuxuu u sheegay wixii dhacay. Wakhti badan kama harin idaacadda. Mobile phone ma jiro.

Cawke wuxuu ku aamminay hadalka Cag-ma-dhige, in aanay jirin si kale oo uu Cag-ma-dhige ku ogaan karo in Jengeli iyo Cabdulqaadir Xaaji Maxamed ay Golaha Wasiirrada ku jiraan iyo xilalka ay ku qoran yihiin.

2:15 daqiiqo waxaa warka wada akhriyay Cawke oo ku dhawaaqay Golaha cusub ee Wasiirrada iyo Cag-ma-dhige oo akhriyay warka intiisa kale.

Dad badani waxay aad ula yaabeen in dhaliishii iyo eedeyntii usbuucyada socotay ka dib uu Madaweynuhu Wasiirka Koowaad mar kale u magacaabay Maxamed Cali Samatar.

Inteennii ka war heysayna waxaa noo dheeraa oo aan la yaabbaneyn isweydaarinta xilalka Jengeli iyo Masalle daqiiqaddii u dambeysay dhismaha Golaha.

Cawke inkasta oo aan arrintan ka sheekeysannay haddana Cag-ma-Dhige ayaa markii aan qorayay wabixintan aan mar labaad ka hubiyay. Waxaan weydiiyay sida uu Cawke isaga ku aamminay oo uu ugu dhiirraday in uu idaacadda ka akhriyo wax weydaaran liiska uu Madaxweynuhu gacantiisa ugu soo dhiibay. Telefoon miyuu u diray Madaxtooyada ayaan weydiiyay.

Uma maleynayo ayuu yiri in uu telefoon diro sababta oo ah wakhtiba ma jirin.

Cag-ma-dhige wuxuu ii sheegay in Cawke uu fahmay in aan Cag-ma-dhige ogaan karin waxa liiska ku qoran. Taasina ay markhaati u tahay in Madaxweynuhu uu u soo sheegay.

Tan kale oo jirtaa waxay tahay in aanuu jirin qof miyirkiisa qaba oo berigaas ka been sheegi karay arrin noocaas ah.

8 comments:

  1. Cajiib
    Waa sheeko layaableh hada xukuumadaha jira iyadoon liisku soobixin laguna dhawaaqin ayaa suuqa lagu hayaa liiska golaha wasiirada iyo midkasta reerkiisa

    ReplyDelete
  2. Tan iyo tii hore warfaafinteedu kala duwan !!

    ReplyDelete
  3. Maanta iyo shakay kala duwan maanta hadalkii madaxda Ku hadasho oo xitaa waraaqda lagu qorin ayaa la soo wariya aduunyoy

    ReplyDelete
  4. Markan akhriisano waayihi hore hadana aan aragno waayahan waxaan is dhahna talow idinka ayaa sidan u yaabane kuwi soo joogay xaladooda Waa sides!!

    ReplyDelete
  5. Mahadsanid Mudane Yusuf Waxaad Moodaa in Madaxwaynaha Talada Lagula Dhaganaa Sax Ama Qalad Mideey Ahaataba

    ReplyDelete
  6. Mahadsanid.. mudane.. waxan aad ula dhacay inta danbe ee dhacdada.. majirin xiligas qof miyir qaba oo ku dhiran kara inu kabenshego arinkan okale.

    ReplyDelete
  7. Waxa ku dhaliyey madaxwaynaha in iyadoo la joogo daqiiqadihii udambeeyay ee la shaacini lahaa xilalkii uu soo magaacabay in uu Taleefon soo diro amrana in labadaas nin xilalkooda la isweeedaariyo ilaa iyo hada ma cadaan filaa lknse masuul waqtiga ay dhacdadani dhacayso ma waxay ku beegantahay shilkii madaxwaynaha kadib, halkaas baa madow badan somalida wali uga jiraa oo la tuhunsanyahayna kursiga in lala maamulayey waqtigaa.

    ReplyDelete