Total Pageviews

Monday 17 October 2016

Soohdinta Sarkaalka Dadweynaha ee Xilliga Doorashada

Nidaamka doorashooyinka Soomaaliya ma dhammaystirna. Tallaabo sahlan laakiin muhiim ah oo ay ila tahay in aan ka boodsan nahay ayaa ii muuqata.

Tusaale aan u soo qaadanno qaanuunka doorashada Kenya ee tirsigiisu yahay 24 soona baxay 2011. Qaanuunkan qodobkiisa 43(5) wuxuu qabaa sidan.

Xigasho: Sarkaalka Daweynuhu* haddii uu damco in uu isu taago doorasho waa in uu xilka uu hayo iska casilaa ugu yaraan 6 bilood doorashada horteed. Taas waxaa ka reebban Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Madaxweyne ku xigeenka, Xildhibaanka Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobolka, ku xigeenkiisa iyo xubinta Golaha Degaanka. Dhammaad Xigasho.

Macnaha waxaa loola jeeda Diblomaasiyiinta, Saraakiisha Ciidanka iyo madaxda maamulka dowladda sida Xoghayayaasha Joogtada, Agaasimayaasha Guud, Maareeyayaasha, Agaasimayaasha iyo shaqaalaha Dowladdu in aanay isu taagin doorasho iyaga oo aan xilka iska casilin.

Isla qaanuunkani wuxuu ka mamnuucayaa saraakiisha dadweynaha  ka qeyb qaadashada ololayaasha doorashada, in ay fagaare ama saxaafadda ku taageeraan murashax ama xisbi iyo in ay ka soo horjeestaan.

Waxaa kale oo qaanuunku uu ka mamnuucayaa saraakiisha Dadweynaha in uu olole doorasho ugu adeego gaadiidka dowladda, hantida dowladda iyo tas-hiilaadka kale oo Dowladda.

Malahaa annagu wakhtiga ay tahay in uu sarkaalku is casilo waxaan ka dhigi karnaa saddex bilood ama xataa in ka yar, laakiin ma ahan in ay ahaato isku day doorasho haddii aad guuleysan weydana isaga noqo xafiiskaaga.

Ujeeddada laga leeyahay waa in la kala saaro dadka leh go’aanka siyaasadda iyo dadka maamulka ka shaqeeya, soohdinta u dhexeysana aan lagu xad gudbin.

*Sarkaal Dadweyne waxaan ula jeedaa Public Officer

No comments:

Post a Comment