Total Pageviews

Thursday 27 October 2016

Jees iyo Masalle - QEYBTA LABAAD

Gaari ku nooc ah kii Wasiirka
Adiga ayaa ku qornaa in aad galabta ii raacdo dhagaxdhigga sida la ii sheegay. Ayuu igu yiri isaga oo weydiin ka wada. Anna waan uga jawaabay. Ma tagtay meeshii? Haa ayaan haddana ku jawaabay.

Maxaa dhacay markaas? Yaa dhagaxdhigay? Waan u sheegay. Waxaan u raaciyay sida ay wax u dhaceen oo dhan iyo meesha uu Cabdulqaadir Xaaji Masalle ku soo galay howshaan.

Wuxuu yiri Sow anigu kuma qorneyn muxuu Cabdulqaaddir ka doonay? Kamaan jawaabin.

Isaga ayaa isaga jawaabay  - Waa khalad, ayuu yiri.  Anigu meeshii ayaan tegey iyada oo aan cidina joogin oo lagu kala tegey, hadda ayaanan ka socdaa. Yaa taa ka mas’uul ah?

Aniga oo aammusnaantu ila fool xumaatay, in aan jawaabana aan dooneyn oo aan dhexgalo maroodiyaal “hardamaya” ayaan ku iri, waan ka xumahay in aad ku lug go’day.

Inkasta oo aan Wasiirka si hoose isu xog wareysaneyno, haddana waxaan ahay weriye oo waxaa iigu muhiimsan waa wakhtiga socda oo waxa oo dhan beddeli kara, uagana dari kara xaaladda aan haddaba sahlaneyn ee aan dhex taagan nahay.

Waxaan maqlaa teeb lagu garaacayo Xafiis dhabarkeyga ah oo si boobsiisa fara ku tababbartay ay uga dhawaajinayaan. Shanqar kasta oo fartu ka yeersiiso teebka waxaad mooddaa nabar igu dhacaya. Waayo waxaan qiyaasayaa in kulankaan aan Wasiirka kula jiraa uu ku biyo shuban doono in wax laga beddelo qoraalkaas hadda la garaacayo. Taas oo isqancin iyo fasiraad u baahan doonta, waaba haddii ay suurta gal noqoto e.

Inta uu Wasiirku ila hadlayo oo dhan maskaxdeydu waxay u qeybsaneyd isaga la xaaliddiisa iyo waxa aan warkaas ka yeelayo.

Shaki badan iigama jiro in SONNA ay qoreyso warkii dhagaxdhigga mashaariicda. Qoraa sare oo ay SONNA u xilsaartay in uu weriyayaasha SONNA wixii ay soo arkeen oo dhan uu hal war dhigo ayaa mid waliba u yeerinayaa qeybta uu warka ku leeyahay iyada oo la ilaalinayo habmaamuuska hormuudnimo ee madaxda ay kala leeyihiin Madaxdu.

Madaxweynaha dalka waxaa mudnaanta ka lahaa Xoghayaha Guud ee XHKS, hase yeeshee labada jago waxaa isku haya Maxamed Siyaad Barre. Madaxweynaha waxaa ku xiga Xubnaha Guddiga Siyaasadda ee Xisbiga, Kaaliyaha Xoghyaha Guud ee Xisbiga. Marka intaas laga soo tago, Wasiirrada ka tirsan Golaha Sare, Madaxda Hoggaannada Xisbiga, Wasiirrada ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga, Wasiirrada Baarlamaanka xubnaha ka ah ugu dambeyntana Wasiirrada aan Gole kale ka tirsaneyn.

Ma hubo laakiin Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaan u haystaa in uu ku xigay Xubnaha Guddiga Siyaasadda.

Maaddaama weriyihii la igu daray uu iga raacay Duqa Magaalada, oo aan weriye ila socon, markii aan imidba waxaan SONNA u gudbiyay warka intii aan iyada ugu talo galay ee ku saabsan dhagaxdhigga Cabdicasiis.

Xafiiska Wararka ee Radio Muqdisho iyo wakaaladda Wararka SONNA, labadaba waxaa xukuma oo Wasiirka ka amar weyn warka caalamka oo soo gelaya siddeedda fiidnimo.

Mar haddii kaa la gaaro waa in la sheegaa wixii galabta dhacay. Ka dibna wax laga qaban karo iyo sabab loo showraa ma jireyso.

Markaa aniga oo ka welwelsan in warkaasi faafo inta aan Wasiirka wadahadleyno, ayaan Wasiirka hadalka ku jaray. Waxaan weydiiyay su’aal toos ah.

Hadda maxaan sameeyaa Wasiir?


In yar ayuu fekeray. Wuxuu i weydiiyay, ilaa iyo hadda war baxay oo la faafiyay miyaa jira?

Maya. Midka hadda la garaacayo oo siddeedda fiidnimo la sii deynayo ayaa ugu horreeya ayaan u sheegay.

Ma haysataa wareegtadii Madaxweynaha? Jawaabtu waa Haa. Mas’uul waliba mashruucii uu ku qornaa in uu dhagaxdhigay ku sheega.

Waa hagaag. In yar i sug aan SONNA intaas ka saxee, ayaan ku iri.

Waan ogaa in aanay ahayn ka sixid oo ereyga dhabta ahi uu ku habboonaa in aan iraahdo i sug aan SONNA intaa ka khaldee.

Sababta aan isaga u weydiisanayo in uu i sugo waa in uu amarka isagu bixiyo haddii ay dhacdo in diidmo ama xataa dood laga hor keeno farriinta silloon ee aan sido.

Jaranjarta ayaan kor ugu orday. Luuqa qololka dhexdooda ah ayaan midig ugu leexday, ka dibna iridda labaad ee midigta ah oo iyada aanan hubin in ay albaab leedahay maaddama aan lagaba rawaxin ayaan dhakhsa u galay.

Sidii aan filayay Qoraa Sare oo SONNA ah ayaa la dul tuban yahay isaguna teeb ku garaacaya warka. Dariishadda isaga ka dambeysa ee miraayadda ah waxaan uga jeedaa Baabuurka Wasiirka.

Howshii ay wadeen ayaan ka dhex galay. Warkii Wasiirka ayaan u sheegay. Way wada aammuseen. Inkasta oo aan la diidin haddana ma maqal aqbalaad. Waxaan qoraagii sare u sheegay, haddii aad su’aal ka qabto arrinkaas hadda inta aanuu Wasiirku tegin kaalay oo la hadal.

Qoraagii umuu tegin Wasiirka laakiin amarkiisii ayuu ku shaqeeyay.

Calwasaad


Siddeedda fiidnimo waxaan warka ku dhegeystay in Maxamed Cumar Jees uu galabta dhagax dhigay Bukaan-socod-eeg laga dhisayo Degmada Cabdicasiis.

Aniga oo jawahwareersan oo caga-jiid ah daal maskaxeed iyo imtixaanka damiirkeygu iga qaadayo awgiis ayaan u hoyaaday Towfiiq oo aan degganaa, maaddaama aan markaas weli ku noolaa guriga hooyadeey.

Habeenkaas inta aan gam’ay way yarayd. Su’aalo badan ayaa madaxayga ku dhashay. Qaar ay yihiin damiirkeyga, qaar ay yihiin jaahawareerka igu dhacay, qaar kale ay ku saabsan yihiin jahawareerka ku dhacay cid kasta oo arrintan si uun ugu lug leh, mid ka mid ah oo ah tan iigu cusleyd ay tahay wax aan sameyn karay in ay jiraan oo xaaladdan mid ka saxsan aan ku suurta gelin karay. Marmar wax aan i khuseyn ayaan ka fekerayay. Tolow Guddoomiyihii Cabdicasiis iyo dadkii la joogay ma waxay u qaadan doonaan in Raadiyuhu khaldamay mise waxay ku murmi doonaan in ninka u yimid uu ina Masalle ahaa iyo in uu ina Jees ahaa iyaga oo markhaati u qabsanaya idaacadda.

Aroortii xigtay ayaa markaan daal la soo toosay, waxaan haddana soo xusuustay in aanan hayn codka Maxamed Cumar Jees. Barnaamijku wuu iga xumaanayaa haddii sidii uu Madaxeygu iga dalbay aan codadka Madaxda sii daayo, laakiin aanan cod ka hayn Wasiirka Warfaafinta.

Waxaa igu billowday walaac kale. Bal maanta maxaan falaa? Sideen waxyeelaa?
Iyada oo aan go’aankeyga caro ka maqneyn ayaan goostay in aanan aqbali karin in walaacii xalay uu ii xigo mid kale oo maanta ah. Ima qabato ayaan niyadda iska iri in aan intaan oo dhan ka maro si aan shaqadeyda saani ugu guto.

Go’aan aan caro ka maqneyn ayaan gaaray. Waa in aan Wasiirka weydiiyo sida wax loo sameynayo. Haddii isaga oo xafiiskiisa iska fadhiya uu iska dhigo in uu khudbad ka jeedinayo Cabdicasiis oo uu yiraahdo ha la iga duubo bal aan aragno. Laakiin haddii uu sidaa i weydiisto maxaan falaa? Iyo imaba weydiisan ee yaanan walaac isku beerin. Mayee haddii uu lacalla i weydiisto waa in aan u sii diyaar garoobaa. Keligeey ayaa isla murmay. Ugu dambeyn waxaan isku qanciyay,  in ay tahay in isagu uu xal keeno.

Kulmiye Keliya


Xuseen Kulmiye Afrax
Waxaan tegey Radio Muqdisho. Wasiirka Xafiiskiisa ayaan ka billaabay. Saa weli ma soo gelin. Waxaa tegey khaanaddeyda, cajaladihii shalay la soo duubay oo ay ka mid tahay tii aan ka soo duubay Cabbdulqaaddir Xaaji Masalle ayaan soo qaaday oo farta ka saaray farsamo yaqaan. Tilmaan ayaan siiyay in uu ii sii diyaariyo khudbadaha madaxda, iiguna shubo isku hal cajalad isaga oo isugu xijanaya sida uu isugu xigo liis aan u dhiibay.

Aniguna waxaan fariistay xafiiska. Waxaan billaabay qoraalka Barnaamijka. Markii aan dhammeeyay isaga oo weli tifatirid u baahan ayaan haddana soo hubiyay Xafiiska Wasiirka.

Xafiiska Wasiirku wuxuu ku adkeystay in uu imaanayo. Anna waxaan ka codsaday in isla marka uu yimaadaba ay i soo wargeliyaan maaddaama howl muhiim ah oo deg deg ah aan uga baahan ahay.

Sidaas ay tahay waxaa igu billowday walaac. Ka sokow Barnaamijka khaaska ah, waxaa la iga rabaa xubin Barnaamijka Bandhigga oo hawada soo gelaya 1:30 Duhurnimo. Waana in ka hor la sii duubaa. Maxaan falaa?

Daqiiqaddii gudabtaaba waxay igu sii kordhisaa cadaadiska maskaxeed.

Tifatirirka qoraalkeyga ayaan isaga laabtay iyada oo aan niyaddeydu degganeyn. Wax yar ka dib waxaan arkay gaariga Wasiirka oo Wasaaradda soo galaya. Anna kamaba sugin ee hoos ayaan u dhaadhacay oo waan u tegey isla marka uu gaarigu joogsaday.

Shalay isaga ayay wax ku taagnaayeen marka aan bartan ku wadahadleynay, laakiin hadda aniga ayay igu taagan tahay. Waxaan u fasiray xaaladda.

Maxaan cod ka yeelnaa? ayay tahay su’aasha iigu adag.

Wuxuu yiri, Odayga keliya codkiisa sii daa. Inta kalena iyada oo aan cod ahayn qoraal ka samee.

Xuseen Kulmiye Afrax ayaa ugu derejo sarreeyay Madaxda mashaariicda dhagaxdhigtay shalay. Laakiin waan ka hubiyay Wasiirku cidda uu ula jeedo Odayga.

Odayga ma waxaad ka waddaa Xuseen Kulmiye? Haa ayuu yiri.

Ma ahayn wax sahlan in weriyayaashii mid kasta aan ka dhaadhiciyo in codadkii ay shalay ku daaleen duubitaankooda ee ay aniga igu wareejiyeen aan mid mooyee inta kale oo dhan qashinka ku daro.

Laakiin taas waxaa iiga dhib badnayd baqdinta aan ka qabay Madaxda qaar la qandhooda marka cod laga duubay Raadiyaha ka maqli waayaan. Marmarka qaarna toos caradooda ugala dul dhaca weriyaha.

Barnaamijka waxaan ku sii daayay sida uu Wasiirku dalbaday. Ka dibna waxaan la hadlay walaalaheey oo aan u sheegay haddii ay dhacdo in la i xiro in ay wargeliyaan Xafiiska Wasiirka Warfaafinta.

Ma arag cid wax ii raacatay.

F. G. 
Dhacdadani haba yaraatee sawir guud kama bixin karto, kartida ama waddaniyadda Maxamed Cumar Jees oo dalka u shaqeeyay sannado aad u fara badan, mas’uuliyado culusna ka qabtay Xukuumado kala duwan iyo ciidankaba.

Waxa aan arkay oo hal dhinac ah ayaan kula wadaagay.

Waxaan codsanayaa in iyaga oo dhintay ama naga maqan aan xukun lagu ridin Madaxda iyo shakhsiyaadka kale ee aan ka hadlayo. Maaddaama aynaan ka hayn war dhinac walba ah iyo duruufaha ku xeeran ee shaqo ama shakhsi.

Haddii kele waxay igu khasbi doontaa in aan dib uga fiirsado xogta aan soo bandhigo, oo aan ujeeddadeedu ahayn in lagu dhaleeceeyo ama xataa lagu qiimeeyo mas'uul dhintay.

19 comments:

  1. Yuusuf waa mahadsantahay,
    Shaqo adag ayey ahayd karti adkaysi u baahan.

    ReplyDelete
  2. waligay sidaan oo kale qoraal aqrintiis uguma raaxaysan. mahadsanid danjire . waanka xumahay inaa dhamaadki qoraalka isi soo taagay

    ReplyDelete
  3. waligay sidaan oo kale qoraal aqrintiis uguma raaxaysan. mahadsanid danjire . waanka xumahay inaa dhamaadki qoraalka isi soo taagay

    ReplyDelete
  4. waligay sidaan oo kale qoraal aqrintiis uguma raaxaysan. mahadsanid danjire . waanka xumahay inaa dhamaadki qoraalka isi soo taagay

    ReplyDelete
  5. Hawl karnimadada caqliga ku dhisneyd iyo tactics kii waziirka isticmaley ayey arintii ku xaliseyn allah ku barakeeyo ustaad

    ReplyDelete
  6. Su'aal marka aad sidaa samaysay Masalle maka xumaaday dibse ma isu aragteen

    ReplyDelete
    Replies
    1. Masale iyo jees ayaad ku dhex dhiman gaadhay lakin ma ogaatay sababta masale shaqo aanu lahayn qoorta ula galay?

      Delete
  7. Mhdsnd wasiir Garaad Taariikhda Aad Nala Wadagtay
    Waan Ka Faa ii daysan Doonaa

    ReplyDelete
  8. Aad ayaad u nasiib badneyd mar hadaan Ina Masalle uusan iyo wasiiradii kalaba aysan soo laaban sidoo w Jeesna aad ayuu u caqli badnaa maadaama uu codadkii madexda oo dhan uu meesha ka saarey

    ReplyDelete
  9. Mahadsanid Yusuf, si waayo aragnimo leh ayaad wax ku xalisay kartidaasina ilaa hadda way kaa muuqataa.
    Alle ha ku xafido.

    ReplyDelete
  10. in ad duubto baa kawac nanlahayd

    ReplyDelete
  11. Qoraalka in uu gaba-gaba noqday ma jeclaysan

    ReplyDelete
  12. Mahadsanid mudane, waxaan kugula taalin laha inaad siyaasada buug ka qorto Ana xukumadihi soo maray waayo ilaaa hada ma jiro shaqsi qalain u qaatay mida kale haddii siyaasada kugu adagtahay naftaada ka qor wayihi aad soo jootey si anaga iyo jiilka soo socdaba Ay uga faa'ideystan

    ReplyDelete
  13. Dhaamaantoda Alle ha u wadaa naxariisto

    ReplyDelete
  14. Waxay ahayd dhacdo cajiib ah lkn si farsamaysan lagu maareeyay. Macalin waad kumahad santahay inaad nala wadaagto.

    ReplyDelete
  15. Mudane Yusuf Garaad waad ku mahadsantahay sida qurux da badan ee mar walbo noogu ifiso dhinacyada lala duwan ee tarikhda baahiyaheenna. ...Allah HA kuu barekeeyo wakhtiga aad gelisay. ..waxan fili in aad noo wadi doonto ..Shukran Mudane.

    ReplyDelete