Total Pageviews

Friday 28 July 2017

Ku dayo Jaaliyadda Jubba

Diblomaasiyiinta Safaaradda iyo Wakiillo Jaaliyadda
Magaalada Jubba ee Sudanta Koofureed oo aan u tegey shir ay ku kulmeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD ayaa waxaa ii suurta gashay markii uu shirku dhammaaday in aan booqdo Safaaradda Soomaaliya, halkaana kula kulmo howlwadeennada Safaaradda oo uu Danjire Xuseen Xaaji hormuud u yahay iyo wakiillo ka socda jaaliyadda Soomaalida Jubba.

Xafiiska Danjiraha
Waxaa aad ii soo jiitay, aan rabaa in aan Soomaalida la wadaago, una mahadcelinayaa jaalaiyyadda Soomaalida ee Jubba sida ay u garab istaagtay Safaaradda Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Gaariga cad Jaaliyadda ayaa  u iibisay Safaaradda
Jaaliyadda Soomaalida oo ay in badani yihiin dhallinyaro haddana ganacsato ah, ayaa waxay Safaaradda u iibiyeen agabka xafiisyadeeda iyo laba gaari oo midkood uu yahay Landcruiser iyo weliba adeegyo kale.

Dhallinyaradaas waddaniyiinta ahi waxay garteen in Dowladda iyo Safaaradda ay ayagu leeyihiin oo cidda ay u adeegeyso, danahoodana ay daafaceysaa ay ayaga yihiin.

Waxaa intaa dheer in Madaxda dalkaas ee aan la kulmay, waa Madaxweyne Salva Kiir iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Deng Alor Kuol ay ka muuqatay sida ay ula socdaan joogitaanka, horumarka iyo heybadda jaaliyadda Soomaalida.

Wasiirka Arr. Dibadda Sudanta Koofureed
Madaxweynaha markii la i baray, wuxuu sheegay in uu muuqeyga ka gartay in aan Soomaali ahay.  Markiiba wuxuu daba dhigay su’aal? Ma la kulantay dadkaaga? Caawa ayaan la kumayaa ayaan ugu jawaabay.  Iyaga oo badan ayay ayay halkaan joogaan oo ka shaqeystaan, ayuu yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sudanta Koofureed, isaga miis ayaan ku wada casheynay iyada oo ay na wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Djibouti.

Wuxuu dhammaanteen nooga sheekeeyay sida ay Soomaalidu u joogto dalka, uga shaqeysato, sharaftooda iyo sida ay u taageeraan dalkooda isaga oo tusaale u soo qaatay cayaar kubadda cagta ah oo labada dal ku dhex martay Juba, oo taagerayaasha Soomaaliya la yaabay tiradooda, sacabka iyo sawaxanka.

Wasiirka oo igu sagootiyay garoonka dayaaradaha waxaan uga mahadceliyay aqbalaadda ay Dowladdiisu joogitaanka jaaliyadda Soomaalida.

No comments:

Post a Comment