Total Pageviews

Thursday 24 March 2016

Faanka Soomaalida London


Xalay waxaan London uga qeyb galay munaasabad Soomaaliyeed oo la igu casuumay oo lagu qabtay Church House oo ah goob shirarka iyo xafladaha heerka sare ah lagu dhigo. Hey'ado iyo shakhsiyaad Soomaaliyeed ayaa Jaa'izad lagu guddoonsiinayay horumar ay ka muujiyeen howlahooda.


Quruxda iyo qaaliga goobta, farsamada sare ee qabanqaabada, adeegga iyo hagidda munaasabadda, tayada madaddaalada iyo Fanka, hey’adaha iyo shakhsiyaadka hore loo soo tartansiiyay, martida lagu casumay oo ay ku jiraan Madax Sare oo Dowladda UK ka tirsan waxaa ka muuqatay in ujeeddadu ay tahay faan. Waxaa ii soo baxay faan aan afka laga dhihin ee ficil lagu muujiyay. Faan ay Soomaalidu ku faaneyso dadkeeda wax qabsaday, uu qaarkoodna bulshada wax u qabtay in ay soo bandhigaan dhiirrina geliyaan.

Rajana laga qabo in dhallinyaro badan ay ku daydaan waxqabadka xusidda mudan.

Haddii aan u galo Magacyada guuleystay, qaar kama dambeysta soo gaaray, qaar lagu sharfay guddonsiinta Jaa’zada, qaarkood iigama baahna in aan sheego qofka ay yihiin.

Mo Farah, Abdi Jama oo cayaara Kubbadda Koleyga ee baaskiilka naafada, Cabdirashiid Dahabshiil, Maxamed Caddow, Weriye Maya Jama, Qoraa Nadifa Mohamed, Maryan Mursal, Aar Maanta, Amiin Caammir, Dr. Xabeeb, Abukar Awale oo ka ololeeya Qaadka, Efritin, Adeso iyo qaar kale oo badan ayaa qaarna tartanka ku jiray, qaar kalena lagu casumay in ay bixiyaan Jaa’izooyinka.

Kelmadda Munaasabadda waxaa la siiyay Hashi Muhammed oo ah qareen cod kar ah oo ka dooda Maxkamadaha UK.

Aniga waxaa si gooniya ii taabtay Hawa Jaamac Cabdi oo ku dhalatay miyi iyada oo araggu ka dhantaalan yahay dhowaanna ka qalin jebisay Xarun Hargeysa ku taalla oo waxbarta dadka aan qoraal arki karin.

Mukhtar Ali oo u soo safan doona Chelsea, wuxuu sheegay in uu rajeynayo in Kooxda Qaranka ee Soomaaliya uu maalin u safan doono.

Waxaa isagana aan aad u jecleystay Filim Agaasime Mo Ali oo marka uu arkay dhibka ay hooyadii ka soo martay korinta ubadka ku dhiirraday in uu dhibka waxbarashada iyo dadaalka u adkeysto kana mira dhaliyay.

Intii ku guuleysatay waxaan leeyahay hambalyo, Waxaanan kula dardaarmayaa in aqoonsiga ay bulshadu siisay uu dhiirri gelin u noqdo waxqabadkooda, ku faanaan Soomaalinnimada, bulshadana ay dib wax ugu soo celiyaan ama ay kordhiyaan haddii howshaa hore u qaban jireen.

Intii la soo istaagtay kamadabeystuna waxay ahaayeen kuwo la qiray wax qabadkooda, mudanna in la dhiirri geliyo.
 
Waxaan u hambalyeynayaa ATM oo howshan qabatay oo ilaa Muqdisho ka waday qabanqaabadeeda. Dhallinyaro badan oo si hagar la’aan ah ula shaqeysay waxaa iiga dhex muuqday weriyaha da’da yar ase magaca weyn xambaarsan, Zakaria Cawke.

Waxaan soo xusuustay UK markii iigu horreysay 1992 meeshii ay Soomaalidu joogtay iyo heerka ay maanta soo gaartay. Waxay noqotay mid aan aad ugu farxo. Waxaan hubaa in guulo waaweyn oo aad uga tiro iyo taya badan inta maanta la hayo in ay mustaqbalka dhow ku tallaabsan doonaan.

Waxaan qabaa in tayada waxbarasho ee dhallinyarada Galbeedka wax ku baratay marka lagu daro dhallinyarada dalka kale ee adduunka wax ku bartay iyo dhallinyarada wax ku bartay dalka oo ay khibradda dalkuna u dheer tahay haddii ay helaan hoggaan ku haga horumarka dalka iyo si ay ayaga oo wadajira uga qeyb qaataan horumarinta dalka in ay noqon doonaan awoodda ay Soomaali ku dhaafi doonto dalalka nala asaagga ah. 

No comments:

Post a Comment