Shiikh Xasan Cabdisalaan, oo ah Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga Gurmadka Abaaraha Somaliland ayaa shir saxaafadeed oo uu Guddigu qabtay isagu si gooni ah ula hadlay Soomaalida Koofureed oo uu ugu yeeray Walaalaha Koofureed. Hadalkii uu jeediyay oo aan Video ka daawaday waxay ila noqotay in loo baahan yahay in ay in badani akhristaan. Sidaa darteed waxaan qoray erayada Shiikha. Isaga oo gar dhiganaya wuxuu yiri:
Shiikh Xasan Cabdisalaan |
Laba sannadood ka hor bay ahayd baan u maleynayaa ama saddex
sannadood ka hor, baa halkan, bartan aynu joogno ee Madaxtooyada waxaa looga gurmaday
walaalaheenna koofur deggan oo ay abaari ku habbsatay. Mar ka horreysayna waa
loo gurmaday oo ay duufaanno qaadeen si kasta ha u dhacdee.
Mar labaadna [duffaanta ka dib] gurmad weyn oo runtii dowladda
Somaliland hoggaamineysay xukuumad ahaan, shacabiguna aad uga qeyb qaatay ayaa
laga sameeyay.
Waxaa nasiib darra ah walaalahaasi saa loogu damqaday, ee saasi
loogu gurmaday, ee gacanta intaa le’eg loo geystay, ee hadhaagii ay kaga tageen
akownada aannu ku furnay. Akownada guddida abaabruhu ay immika ku shaqeyso, hadhaagii
qaaraankaa berigaa loo ururiyay koofur wixii ku hadhay ayaannu ku billownay.
Waxaa runtii nasiib darra ah ilaa maanta oo aynu hadleyno in aan gambo innaga soo gaadhin, koombo innaga soo gaadhin, dhegle innaga soo gaadhin!
Waxaa runtii nasiib darra ah ilaa maanta oo aynu hadleyno in aan gambo innaga soo gaadhin, koombo innaga soo gaadhin, dhegle innaga soo gaadhin!
Taasina waxay ka tarjumeysaa uun kala duwanaashaha xagga dareenka.
Guddiga Gurmadka Abaaraha Somaliland |
Waxaaney sheegeysaa uun inteynu isu jirro bey sheegeysaa uun.
Shiikh Xasan Cabdisalaan hadalkiisu waa cad yahay. Waana mid aniga iila muuqda baaq gurmad lagu dalbayo oo aan cilaaq lahayn.
Waxaan rajeynayaa in Soomaalidu ay ka garbixi doonto Shiikha, loona gurman doono dadka ay abaaurhu sida ba'an ugu dhufteen ee dgaannada Somaliland.
Shacab, Dowlad Goboleed iyo Dowladda Federaalkaba waxaan xusuusinayaa mahmaahda Soomaaliyeed ee siyaabaha kala duwan loo yiraahdo inta badanna Koofurta laga adeegsado: Saxan, Saxan ku gud. Salaan, Salaan ku gud.

No comments:
Post a Comment