Total Pageviews

Thursday, 31 March 2016

Aragtideyda Muqdisho: Marti mise Muwaaddin?

Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya. Waa magaalo ay tahay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu ku soo hirto. Waa meel ay tahay in uu si xor ah u degi karo, ka shaqeyn karo, ku noolaan karo, codkiisa ka dhiiban karo isaguna uu iska rashaxi karo.

Qofkii isku daya in intaas aan sheegay uu u diido muwaaddin Soomaaliyeed hayb darteed, oo isku dayo in uu oggoleysiiyo in uu caasimaddiisa marti ka ahaado, oo uu marti u ahaado qabiil, ha ogaado wuxuu Muqdisho u diiddan yahay caasimadnimada.

Sax iyo khalad isuma eka. Waana in caqligu na hago oo aan si maskax furnaan ah u fekerno.

Muxuu yahay caqliga na baraya in labada gabdhood ee Soomaaliyeed oo Gaalkacyo ku wada dhashay aan dhahno middood waxay marti ka ahaaneysaa Caasimaddeeda. Oo ka darane waxay marti u ahaaneysaa midda kale?

Anigu ma qabo in Caasimaddeenna lagu sheego in uu qabiil leeyahay. Mana qabo in muwaaddin Soomaaliyeed la isku dayo in la iska xijiyo caasimaddiisa oo loo sheego in uu marti ka yahay.

Hadalka Muqdisho laga jeediyay wuxuu dhaawac ku yahay qalbiga dadka Soomaalinnimada ku kalsoon jecelna. Wuxuuna si gaar ah dulmi ugu yahay beelaha aan hubeysnayn ee Xamar mooyiye meel kale oo ay dalka ka degaan aanay jirin. Wuxuu dulmi ku yahay Soomaaliga ku dhashay ama ku barbaaray caasimadda magaalo kalana aan dalka ka aqoon. Ma hubo in ujeeddada hadalka laga lahaa ay sidaas ahayd.

Hadalka odayaashu waa isku-day aan shaqeyneyn. Waayo Qabiilka odayaashu ay u hadleen, oo aan sidaa wada oggoleyn, waxaa ka badan Soomaalida kale. Soomaaliduna ma yeeleyso in ay caasimaddooda marti uga ahaadaan qabiil.

Baarlamaanku muxuu ka qabaa?


Midda ka khatarsan, waa fikirka aan anigu u qabo in uu kaas la nooca yahay ee Baarlamaanka Soomaaliya uu qabo. Waa fikir ay ii soo baxday in Xildhibaannada u ololeeyay iyo kuwa u codeeyay qaarkood aanayba fahamsaneyn saameynta uu ku yeelan karo dalka iyo dhaawaca uu u geysan karo Soomaalinnimada. Waxay taasi ii soo baxday dhowr jeer oo Xamar iyo Kismaayo aan Xildhibaanno kala dooday mowduucaan.

Waa fikir la mid ah hadalka odayaasha ee hadda laga qeylinayo laakiin ka asluubeysan. Fikir kuma koobna ee waxa ay Xildhibaannadu isku dayeen in ay sharci ka dhigaan. Waa waxa ay ugu yeereen “U dhashay” oo lagu go’aamiyay meel aan sidaa uga fogeyn meesha ay hadda odayaashu hadalkan uga dhawaaqeen.  

Haddii aad fahmi weyso “U dhashay” waxaa loola jeedo, sida ugu habboon ee aad ku fahmi kartaa waa in aad daawato video-ga laga soo duubay Muqdisho ee odayaasha. Macnaheedu waa reer ayaa magaalo leh inta kalena waa ka marti xataa haddii ay ku dhasheen, ku barbaareen kuna dhaqmeen.

Waxa ay ka horimaaneysaa xuquuqda uu Dastuurku siinayo muwaaddinka Soomaaliyeed oo ah in uu codkiisa ka dhiiban karo lagana dooran karo goob kasta oo dalka Soomaaliya ka mid ah.

Odayaasha waa lagu diidi karaa damacooda, laakiin Baarlamaanka ayaa hadalka odayaasha oo si kale loo yiri isku dayaya in uu sharci ka dhigo inkasta oo aan Dastuurku oggoleyn. Taas ayaa aniga igala khatarsan.

Xal


Haddii Duqa Muqdisho iyo Golaha Degaanku ay ku yimaadaan doorasho, looma baahna in laga doodo qabiilkee Duqa magaalada laga dhigaa iyo yaa Golaha lagu daraa? Duqa magaaladu wuxuu noqonayaa murashixii ay doortaan dadweynaha magaalada deggan.

Sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in la diyaariyo nidaamka doorashada caasimadda iyo xeerarkeeda. Kaas oo ay khasab tahay in uu codeeyo muwaaddin kasta oo degganaa caasimadda muddo lagu cayimi doono xeerka. Shakhsiyan waxaa ila habboon in beelaha aan hubeysneyn ee reer Muqdisho la xaqiijiyo in ay leeyihiin kuraas u dhiganta.

Waxaan adeegsaday ereyga Xal ee ma adeegsan Xalka, sababta oo ah sidan keliya ma ahan xalku.


Dowladda


Dadweynaha Muqdisho waxay tirsanayaan in ay ku dulman yihiin nidaamka Federaalka. Inta aan ka warqabo dulmiga ugu weyn waa qodobka ku saabsan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Waa in dib loo egaa sida dadweynaha Muqdisho ay kursi uga waayi karaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka inkasta oo lagu qiyaaso in Xamar ay deggan yihiin dad ka badan 10% tirada iyaduna qiyaasta ah ee dadka Soomaaliyeed.

Sabab lagu qanco haddii aan Dowladdu hayn, waa in ay xaqiijisaa xuquuqda codka ee dadweynaha Muqdisho.

Waxaa u dheer in ay ku hareereysan yihiin oo weliba ay cariiri geliyeen Gobollo leh Dowlado iyo Madaxweynayaal oo dalka badankiis ku firirsan.

Dowladda iyo dadweynaha Soomaaliyeed waa in ay ku baraarugaan halista hadallada noocan ah iyo dhaawaca ay u geysan karaan Soomaalinnimada oo la il daran dakharro waaweyn oo Soomaali iyo ajnebiba ay u geysteen ulakac iyo ogaal la'aanba.

Xumaha laguma daydo ee waa la saxaa. Haddii aad sixi kari waydana waa la sheegaa in uu xumaan yahay si qof sixi kara ay baraarujin ugu noqoto ama xataa mid saxayay ay u dhiirri geliso. 

Sheegitaanka aad xumaha tilmaantay waxay horseedi kartaa in lagaaga qanciyo lacalla haddii ay xumaantu ahayd mid aan jirin oo aad adigu is moodsiisay.

Soomaaliga aan Soomaaliya waxtari karin, ugu yaraan yaanuu wax u dhimin.

F. G.
Qormooyin Taxane ah oo aan hadda ka qoray Muqdisho, "Xamar lagaama Xigo" waxaad ka heli kartaa isla bloggan haddii aad cinwaanka ku qorto isla boggan meesha ay ku qoran tahay raadi (search).