Total Pageviews

Sunday 3 April 2016

Goormaad Fekertaa?

Goormaad fekertaa?
Shaqadaada ama waxbarashadaada wakhti ayaad siisaa. 
Raashinka cunistiisa wakhti ayaad siisaa. 
Salaadda wakhti ayaad siisaa. 
Dadka waad la ballantaa oo wakhti ayaad siisaa.
Dano kale oo badan wakhti ayaad siisaa?

Adigu wakhti ma isa siisaa?
Maskaxdaada ma la ballantaa?
Muddada kooban ee laba howlood ama laba ballan u dhexeysa miyaad si aan qaabeysneyn isula hadashaa?
Fasalka miyaad ku dhex fekertaa casharka oo socda?
Salaadda miyaad ku dhex fekertaa? 
Mise marka aad sii seexaneyso ayaad xoogaa yar fekertaa oo hurdada iska xumeysaa? 
Saasi sax ma kula tahay?

Feker waxaan ule jeedaa falka isu keli ahaashada adiga oo degganaan u adeegsanaya maskaxdaada aad ku qiimeyso waxa ku haysta, waxa kaa soo horbaxa, waxa dhacaya, waxa xigaya iyo waxa aan muuqan si aad ra'yi uga yeelato go'aan aad ka baaraan degteyna uga qaadato, aragti ama talo u curiso.

Khasab ma ahan in aad jawaabta su'aashan aad halkan ku qorto, laakiin is weydi oo ka feker, goorma ayaad naftaada la ballantaa?

Goormaad Fekertaa?

No comments:

Post a Comment