Total Pageviews

Wednesday 20 April 2016

Wax na Dilay - Xaaji Aadan Af-Qallooc

Saaxiib ayaa ii soo diray gabaygan oo uu ii sheegay in uu tiriyay Xaaji Aadan Af-Qallooc., sannadkii 1967. Masuuliyad-xumo,  waxqabad  la'aan iyo caddaalad-darro ayuu ka cabanayay.

AUN Xaaji Aadan wuxuu yiri:

1. Afkaa  laga maqlaa  maaddaadiyo, ereyga  qaanuune
2.  Faqii  guriga lagu  soo abyey,  ka akhriyaan koodhe
3.  Aqoon  laawe  laaluush cuniyo, aafo daba gaab  ah
4.  iyo oday  ergo  ah baa sharciga, dila  abidkoode
5.  Eexdiyo rishwadu waxay  dhalaan, uur-xumiyo ciile
6.  Aanaduna caaliga  laga  tegay, aabbaheed tahaye
7.   Aargoosi iyo dulmigu, waa ilma adeere
8.  Marka  xaqa Ia awdaa  tolnimo, loo abtiriyaaye
9.  Haddii  uu insaaf  jiro qabiil, lama ogaadeene
10.  Kolkuu  oday  durbaanka u tumuu, inan  cayaaraaye
11.  Wax ka dhigan mas'uul  edeb la'oo, lagu  ilqaadaaye
12.  Dadku  kuma  aqbalo  qalad hadday,  kugu  arkaayaane
13.  Adna  iinta  inaad  dhawrataad, ku arrin  weydaaye
14.  Waxa na diley  xaqoon  aasniyo,  iib dacaawiyaha
15.  Waxa na diley  danuub anad ogeyn,  aanadeed  bixiye
16.  Waxa na diley  anaaniyad iyo,  ab iyo  laan sheege
17. Waxa na diley  albaabbada dantaan,  uunka  loo furine
18.  Waxa na diley  halkaad  ku agbanayd, Kongo ku abuure
19.  Waxa na diley  is -maqalli'ida aan, lays adeecayne
20.  Waxa na diley  istaafka  iyo  tijaartoo iskaashada e
21.  Waxa na diley  araajida  Ia qoro, imad  la'aanteede
22.  Waxa na diley  ujr ada kuuligaan, abad Ia siinayne
23.  Waxa na diley  u-sheekee midkii, hawl abyi  lahaaye
24.  Waxa na diley  umuur  waajib aad, kaga  baqdaa  eede
25.  Wax ana diley  iskuullada Ia baro  inanka  qaad keene
26.  Waxa na diley  akhlaaq  xumo  mas'uul, aabbaheed yahaye
27.  Waxa na diley  dadkoo Ia xaqiriyo, gaal isu ekeyne
28.  Waxa na diley  faqiir  eed nin  kale, lagu  ijbaaraaye
29.  Waxa na diley rag amarkii sinnaan, iniq  is-dheerayne
30.  Waxa na diley  acyaan  aan xilkii, fulin  awoodayne
31.  Waxa na diley  ajnabl  taladayda, laguJa eertaaye
32.  Waxa na diley  adeege  u ahow,  kaad amri  lahayde
33.  Waxa na diley  adduun nimaan  raboon, eegahayn sharafe.

Macnaha Erayada qaarkood:

Koodh (court):  Maxkamad.
Abyey:  Dhammeeyey.
Aafo:  Belo'.
Aano:  Aargudasho.
llqaade:  Daydo.
Uunka:  Dadka.
Agbanayd: Halkaad joogtay.
lstaaf:  (Staff)  Shaqaalaha Xafiisyada. 
Ujrad: Mushaar. 
Kuuli  (coolie):  Muruqmaal. 
ljbaaraaye: Kallifaaye. 
lniq:  Wax. 
Eertaaye:  Lala cuskadaa.

No comments:

Post a Comment