Total Pageviews

Friday 29 April 2016

Xikmad aan ka maqlay Xuseen Kulmiye

Aniga oo ah weriye da’ yar, khibraddeyduna ay kooban tahay ayaa Madaxa Radiyo Muqdisho uu ii diray in aan ka soo warramo munaasabad ay qabanqaabadeeda lahayd Wasaaradda Garsoorku.

Madaxweyne Ku Xigeenka Soomaaliya, Xuseen Kulmiye Afrax Allah ha u naxariistee, ayaa wuxuu la hadlay wadaaddo goobta la isugu keenay.

Hadda ma xusuusto munaasabaddu wax ay ay ahayd, laakiin waxaa madaxeyga ku qormay si wanaagsanna aan u xusuustaa erayo ka mid ah khudbaddii Xuseen Kulmiye aan galabtaas ka duubay.

Xuseen Kulmiye wuxuu ka mid ahaa Odayaasha Dowladda ee lagu tiriyo in uu khibrad dheer oo shaqo uu u leeyahay Bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa uu culimmada u sheegay in marka cadowga lala hadlayo la isbuunbuuniyo xagga awooddaada Dowladnimo.

Laakiin marka aad la hadleyso ummaddaada siiba kuwooda waxgalka ah oo aad kaalmada uga baahan tahay, wuxuu yiri, waa in aad u sheegtaa tabardarradaadu sida ay tahy iyo iimahaaga. Oo intaa aadan ugu ekeyn ee aad shaarka iska saarto oo aad tusto sida ay feerahaagu u yaallaan iyo murqahaaga daciifnimadooda. Galabta shaarka ayaan iska saarayaa si aad adinku garab noogu noqotaan, ayuu ku yiri Culimmadii. Ka dibna wuu u xog warramay.

Kulmiye Dowladdiisu waxay ahayd dowlad dhaqaale ahaan, militeri ahaan iyo waxqabadba aad uga heer sarreysay Dowladaha Soomaaliya soo maray tan iyo 2012 oo ay ku jirto midda hadda dalka ka mas’uulka ah.

Laakiin haddana waxaa uu ogaa baahida ay Dowladdu u qabto taageerada shacabka siiba culimmada diinta. Haddii aanay wax u qabanna ay ugu yaraan ka garaabi doonaan tallaabooyinka ay Dowladdu ka gaabisay fahmina doonaan caqabadaha ka hor yimid.

Taageerada shacabka, fahamkooda Dowladda iyo ka garaabiddooda wixii gaabis ah waa saddex qodob oo Dowlad kasta muhiim u ah.

Maanta adduunku waa kooban yahay, laba farriimoodna macquul ma ahan, laakiin haddana in la xusuusnaado in shacabka ay Dowladdu u xogwarranto waa mid lagama maarmaan ah.

Xikmaddani waxay ila tahay mid aan wakhtigeedu dhaceyn oo ay ka faa'iideysan karto Dowladda Soomaaliya, ha noqoto midda hadda jirta oo xilligeedu gebageba yahay ama midda xigta ee curan doonta ka dib doorashada Soomaalida loo ballanqaaday in ay qabsoonto sannadkaan 2016 gudihiisa.

No comments:

Post a Comment